Gefafkii FAGAARAHA 17 lagu galay!

Fagaaraha Saaddiq iyo Samatar

Gefafkii FAGAARAHA 17 lagu galay!

In kasta, oo siyaabo kala duwan looga hadlay, waxna looga qoray dooddii “FAGAARAHA 17” ee ka dhacday waddanka Maraynka, loogana hadlay gooni u goosashada iyo madax bannaanida gobollada waqooyi, haddana, waxaan arkay, in marar badan, aan la abbaarin, nudda dhacdada iyo dhibka meesha uu jiray, waa siday ila tehee, waxaan isku dayayaa, inaan dhan iyo dhinac kale ka fiirsho, oo ka soo bandhigo.

Dood, daadaa iyo daaddihiye, waa saddax aan kala harin, oo mid hadduu maqan yahay, kan kale u jiisayo. Micnaha, si wax looga hadlayo, sheeko ma ahane la soco, waa in la helaa 3dan kala ah:

DOOD: Waa mawduuc, qodob iyo qorshe laga doodayo, ogaalka waxa ay ku saabsan tahay dooddu, si aan looga bixin, ee loogu ekaado.

DOODAA: Waa qofka mawduuca aragtida dooddu ku saabsan tahay ka hadlaya, ee aqbalaad ama diidmo ku sheegaya. Micnaha, waxa laga doodayo, qofka aragtidiisa iyo fekerkiisa ku wajahaya, ee la dhacsan, maqsuud ka ah ama diiddan, ee ka soo horjeeda.

DAADDIHIYE: Waa qaybshaha warka, doodda iyo mawduuca laga hadlayo. Waajibkiisu ma ahan wax ka baxsan, in uu si siman u siiyo doodayaahsa hadalka, oo amminka, oraahda iyo eayga ugu garsoor falo. Muhim ma ahan, in uu dhexdhaxaad ka yahay doodda, oo labada aragti iyo ka badan, ee madasha taal, midkeed iyo dheeri wuu qabi karaa, balse, waxaa lagama maarmaan ah, inuusan ka bixin xeerka dhextaalinta iyo dhan u xaglin la’aanta.11720131_928325853877285_284993368_n

Caydiidna gar leh Calina gar leh

Anigu sida Yuusuf Cumar Axmad cagsigiis, waxaan wax uga qorayaa, inaan labada mudane midna gar siiyo, midna gardarradiisa sheego. Laga yaabee, in mudanaha aan gardarrada saarayo iyo garabka taageersanba ay ii arkaan qof gaboodfalay, balse, taa iima muhimsane, ee waxaan abbaarayaa, sida ay ku gardaranyihiin.

Aragtida Yuusuf, ee ah: “Sababta aan uga hadlayaa ma aha iyaga in aan barteyda ugu garnaq is leeyahay.” Hubaal inuusan qaaddi ahayn, haddana, suuragal ma ahan in dhacdada sidaa u weyn, ee saamaynta ku leh dhaqankeenna doodeed, aragti is weydaarsasho iyo feker dhiibasho, in halkaa looga tago, laguna gaabsado, waxaan farriin u dirayaa wariyeyaal kaliya. Arrintu wariye kaliye ma qusayso, ee waxay qusaysaa qof walba, oo laba qof eray u qaybinaya hadal u qaybinaya iyo wax kale. Alla fara badnaa. Meeldhaw aan kaaga soo qabto, ee qoyskaba ka soo qaad ama bare galas ku jira, oo arday cashar u dhigaya. Isla markiiba ma Axmad Samatar ayaad xasuusatay! Dib u dhigo xasuusta.

Sheekadii eheed, gabadha kaa weyn iyo wiilka kaa yar u daa ama sii waxaas, waa inay meesha ka baxdaa, haddii kale, mar walba waxaan u joogaynaa; isgarbin aan laga garaadsan.

Waa tii hore loo yiri; “Gari laba nin kama wada qosliso” ee Yuusufow labada mudane yaa qaldan, inta casharrada aad wariyeyaasha baree, noogu kaadisid? In la yiraa; labaduba waa wada saxan yihiin, waa “Caydiidna gar leh Calina gar leh” waa laba bogleyn, laba wajiilennimo iyo munaafaqad tii ugu weyneed, maxaa yeelay, waa wax aan dhacayn in labaduba wada saxnaayeen, ee runta aan abbaarno bulsho, qofka qaldanna aan farfiiqno.

Warfaa iyo Axmad qofbaa qaldan, Yuusfana nooma sheegin, taa oo ka dhigan inuusan u arag labada ka qaldan ama uu arko, ee naga qariyey!

Aragtidan leexsan kali kuma ahan, balse, waxaa la mid ah kuwo taageersan aragtida Axmad, ee ah: mawduuc ballaaran ayuu noo keenay, markaas ayuu 15 daqiiqo uga hadla na leeyahay, waxaana ka mid ah Maxamad Baashe, oo run ahaan, malaha isna sida Axmad oo kale, madasha ka caroon lahaa.

Maxaa isaga xiran mawduuca baaciisa iyo waqtiga aad raalli ku noqotay? Haddii lagu yiraa: Quraanka hal daqiiqo ku dhammee, ee aad aqbasho, ood ku dhammayn wayso, ee lagu yiraa, adeer isga wareeg meesha, ma waxaad eed u yeelee, qofka ku yiri: hal daqiiqo ku dhammee Quraanka, mise, adiga aqbalay inaad hal daqiiqo Quraan ku dhammayso? Anigu ma garan meesha naloo wato ama aan wax ka aragno run ahaan.

Dhibka na haysta, ee aan dawladnimada la qaadan la’ nahay, waxaa ka mid ah, in aannaan qaladkeenna isugu sheegin, si cad, oo aan geed ku gabbad lahayn.

U fiirso, Axmad, billowga doodda Warfaa, wuxuu ku ammaanay inuu yahay qof dhagar adag, oo dedaal badan, una adkaystay hirgelinta barnaamijkaa, haddana, marka uu ka waayey sida uu rabay, ayuu wuxuu ugu dhaqaaqay caay ah; wax ma hagi taqaanin, dood ma daadihin taqaannin IWM, maxay ka dhigan tahay? Haddaad rabto inaan ku ammaano, saan rabo ii yeel miyaa, haddii kale, qof xun baad tahay? Gablan. 11713398_928325863877284_408877326_n

Gefafkii FAGAARAHA 17

Ani ahaan madasha FAGAARAHA 17, waxaa ka dhacay 3 gef, oo aan dadku ku baraarugsanayn, mid waxaa galay Warfaa, midna waxaa galay Geeldoon, kan kalana waxaa galay oday sakfa hore ka istaagay.

Markii uu Samatar carooday, waxaa ka daba istaagay oday safka hore fadhiyey, oo leh; “Samatar hadalka sii wado!” tan oo ah gefkii koowaad, ee madahsa ka dhacay. Yaa xaq u siiyey inuu isu taago raalliyeynta Axmad? Yuu metelaa? Yuu ka socdaa? Yaa u dirsaday? Yaab. Ma dhagayste iyo daawadaa, mise waa hage iyo hagaajiye? Anigu waan garan waayey!

Si fiican isaga fiiri, dhaqankan ah, in markii ay wax hallaabaan, qof walba, iskiis isu xilqaamo, waa dhaqan leexsan, oo aan leenahay, meel iyo madal walbana yaalla. Is hordhigi maynno, horta inta aanan anigu dhexgelin; maxaa iiga bannaan? Maxaan ka galaa? Xaggeen ka gelikaraa? Arrin boolis, bare iyo barbaariye u taal, ayaan saacad walba dhexda kaga jirnaa. Odaygu dabcan eed gaar ah kuma lahan.

Gefka labaad, ee meesha ka dhacay wuxuu ahaa, Geelqaad, oo isna Warfaa ka codsaday in Axmad hadalka sii wato. Geelqaad, wuu ka leexday ujeedkii uu meesha u yimid, ee ahaa, inuu doodaa yahay, qaadanayana Aayaddaiisa iyo qodobkiisa, balse, wuxu isu dabalay, Kaabbeqabiil, kala dhexgalay laba nin, oo xurgufi dhexmartay, kuna dedaalay, sidii dhaqanku ahaa, inuu mid tanaasuliyo, oo ah; kan garta leh!

Aaway aqoonyahannimadii iyo ogaalkiisii? Aaway, dooddiisii eheed, dulmiga ayaan ka digayaa, sawka u darbsan? Aaway, aragtidiisii eheed, aqool iyo aqooliye, sawkan amarka ku qabsaday arrimiyihii? Aaway, aaway..

Gefka saddaxaad, ee meesha ka dhacay wuxuu ahaa, marka Warfaa oggolaaday, ee aqbalay, in Samatar dhammaysto doodda inta uga dhimman! Warfaa, meeshaa wuxuu ku muujiyey, hoggaan jileec, dabacsanaan aan meesha ku jirin iyo carrab laalaadis u muuqday, dad qancin iyo tanaasul aan meeshaba ku jirin. Waxaa wax lagu farxo ah, in Axmad is qarin waayey, oo uu bannaanka la yimid dhaqankeennii gurracnaa, ee ahaa, anoo qaldan, haddana, ha la ii qiiliyo! Markaa ka dib, ayaa waagu ku baryey Warfaa, oo galay is xanaajin iyo inuu muujiyo, inaan loo joojinayn, oo aan laga boodayn garsoorka iyo caddaaladda, asoo afar xabboo Ingiriisa ah isku lalabay! Maxaa u diiday soomaali, inuu diidmada ku muujiyo? Ma garan.

Waydiin; makrii hore iyo inta aan odayga safka hore fadhiya istaagin, Geelqaadna la hadlin, muxuusan sidaa u dhihin? Ka dib, muxuusan uga diidan, ee u dhihin, maya, qof walba, oo 15 daqiiqo dhammaysta, waa inuu ka fariistaa manasada, qofkii war u dhimman yahay, asaga ayey u taal, ee ha sugto dawrka kale?.

Madasha ninbaa madax ka ahaa, oo go’aan ka gaaraya, sida loo maamulayo doodda, haba gurracnaadee, in kasta oo xeerku ahaa 15 daqiiqo, ka badan waa xeer jebin, halkaana Axmad ayaa ku qaldan, ee runta ha la sheego. Fagaaraha Saaddiq iyo Samatar

Gefka Axmad

Gefka ugu weyn iyo kan ugu daranse, waxaa galay Axmad, ooba sabab u ahaa, in gefefka sare ku xusan la galo. In Axmad, uusan qaanuun, xeer iyo xukun la dhigtay, u hoggaansamayn, waxaad ka garataa markii uu ku tookhayey, inuu Xamar ka soo tagay asoon guddoon Baarlamaanka uu xubinta ka ahaa, fasax ka soo qaadan! “Aniga iyo adiga, waa noo kala dhammaatay!” GABLAN!

Inta la yaabban, in uu qaadan waayey, inuu u qabbirmo qaanuunka doodda Fagaaraha lagu hagayo, waxaan dhihi lahaa, hore, ma ula yaabteen marka uu lahaa, erayada sare ku xusan, mise, waxaad ka mid ahaydeen kuwa u sacabba tumayey?

Midda kale, wali inta aaminsan, rajo caynkee ah ayaa idiin kaga jirta, inuu wali yahay qof u qalma inuu samatabixin karo Soomaali; aqoon iyo aoqolba, kolleey, ogaal laga wada simane, haddii aan la inkirayne?! GABLAN!

Waxaan arkaa, qolyaha Axmad garsiinaya, oo ku doodaya, aragtida Axmad, ee eheed, mawduuc xaddi weyn ayaad noo furee, deedna, waxaad na aamisinee! Maya, muhimaddu ma ahan, xaddi weydinada mawduuca, ee waa amminta la isu qabtay, iyo in daaddihiyuhu uu wada simay waqtiga doodayaasha, wixii intaa ka soo hara, waa qiilraadin aan jirin iyo qof jeclaysti, haddii aysan qabyaaladi wehlinba! 11720477_928325847210619_1962967745_n

DHIMAALKA DHAQANKA

Dhibka dhacay, qaladka yimid iyo cilladda lagu kala tagay, intaba, dadkii goobtaa joogay, qofna eed gaar ah kuma lahan, aan ka ahayn inay gefgeleen ogaal la’aan, balse, waxaa ku eed leh, dhib aan anigu ku tilmaamo; “DHIMAALKA DHAQANKA” oo haddii aan kaas la iska qaban, aan la kala roonaanayn; aqoonle iyo ummiba, aqooliye iyo aqoolsame, oo la wada sinnaa doono! Gablan!

In badan, doodaha lagu qabto, madasha “Fagaaraha” oo ka dhacda Maraykanka, waan ka biya diidsanaa, qaabka, qodabbada iyo qofafka lagu qaabiyo, haddana, run ahaan dooddii u dambaysay, waxay bannaanka soo dhigtay, aragti aan qoray labo sano ka hor oo ku saabsan Ina Samatar iyo aragtidiisa ah “Isla qummane iyo isla aqoon yahan!” Marka waxaan jeclahay inaan u mahadceliyo Warfaa, daaddihiyaha barnaamijka iyo sida uusan ugu joojin sheekada ah; “Anigu wax baan soo diyaarsaday!” Ma arday galaas ku jirta ayuu dadka dhan mooday?! GABLAN! Kaba darane ku lahaa: “Aniga iyo adiga, waa noo kala dhammaatay!” GABLAN!

Horaa loo yiri; “Dadka Madi iyo Macallin ayaa ugu maangaabaan!”

Is weydii; haddii kii aqoon yahanka sheeganayey ama lagu sheegayey, uu sidaa u dhaqmayo, maxaad ka filan geeljiraha iyo jaahilka?! Magan!

Haddaad hore u maqli jirtay ama u taqaannay, Kaligi TALIYE, kaligi CUNE iyo Kaligi MUSLIN, fadlan, waxaad ku dartaan, kaligi WADAAD iyo kaligi YAQAAN! 11720708_928325857210618_762246600_n

GUNAANAD

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Advertisements

2 Comments

  1. Pro. Falaari gilgilasho kaagama hadho, nin fagaare ka caroodayna, annaa kuugu darayee LAGA BADI. soomaaidu waxay tiara “Nin daad qaaday, xumbo cuskay” sideedanaba, justification is often sign of defeat. Marna inaad rag qayrkaa ah ka hor-kacdo maahayn. Taasi waxay daliil cad u tahay, inkastoonan jeclayn inaan carabka ku dhifto, hadana waa qasabe, islaweynida kaa muuqata! Waxaad rajo ka leedahay inaad ummada Soomaaliyeed hogaamiyayaashooda ka mid noqto. Marka sideebay sallaadu isku qabanaysaa hadiiba aad saa tahay? Sow u muuqan maysid “Annaa iri, ha iga daba hadlin, yaa iga aqoon badan iyo waliba kaligii talisnimo! Dhammaan sifaalahaas waxay si cad uga soo horjeedaan hankaaga siyaasadeed. Waxba yaanan hadalka badine arinkaagu waa “Macalinoow waxaad fashayba waad fashee, wa in shey’in faatakum”. Haddii aanhadalka kugula tiigsadayna, oo aadan qaadi karina, ka raali noqo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s