Maansada: Xannib-diid!

Unknown

Maansada: Xannib-diid!

“Higsigu ma xarig baa?
Ma xorriyad ka qaad iyo
Xusullada ka duub baa?
Ma u sheego xoog baa?
Xukun dawladeedkii
Iyo Xaakimnimadii
Ku xumee bulshada baa?

Wixii aan xertaadiyo
Xisbigaaga kuba jirin
Xalqadaada laasimin
Xarafkaaga dhiganayn
Adi kuu xadraynayn
Oon xuurto kuu qabin
Ha la xiro miyaad tiri?
Ha la xannibo maad tiri?
Ha la xaqiro maad tiri?
Xasbi geeya maad tiri?
Yuu xor noqon miyaa tiri?
Ha xamaarto maad tiri
Sidii xoolihii oo
Xabadxabad ha loo xiro
Saw noo xifaalayn
Ama nala xariiftamin
Xaafaddiisa kala baxa
Iyo xerada uu dego
Xeyndaabka uga Dhaka
Xasaanadda ka qaadoo
Xira oo haddana xira
Miyaa xaalku marayaa?

Xilku maahan xoog iyo
Awood iyo xumayn iyo
Xabbad iyo afduub iyo
Xago oo waxyeellee!

Xaalin waaye iyo xallin
Cadli iyo xaqsoor iyo
Xilmi iyo dulqaad iyo
Xigto dhawrid weeyaan.

Wixii xeerku uu qabo
Wixii damiirku xeeriyo
Wixii xeelad gaariyo
Lagu helo xodxodashaba
Xabsi iyo dagaal iyo
Ha ku raadin xanaf daran!

Xaajo gurracn beribaa
Xinjir ay ku daadatay
Xabaal badan ka dhalatoo
Wali aan xal loo helin.

Haddii aan xiskuba jirin
Ama aad xasuus qabin
Waxba kuu xarriiqnayn
Sooyaalka xoortood
Kaligaa xawaariyo
Xafya orod ku dhaafee
Wixii XAAX na soo maray
Xummad iyo xanuun iyo
Xilkas li’iba weeyaan!

Rajo xiran ayaan dumay
Aayiyo xad dhumayoon
Marna laga xoroobayn
Xalay iyo ayaan hore
Xilliyadii madoobaa
Xisaabihii na soo maray
Xarkag aan ku nahay wali!

Dhammaad.
13/06/2015

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s