Loollanka aydoolajiyadaha iyo agoonta aragtida ka arradan!

11756774_502083359940966_1045954635_o

Loollanka aydoolajiyadaha iyo agoonta aragtida ka arradan!

Waa labo dhacdo, oo kala fog. Midi waa farxad iyo dabbaaldeg, aayatiin iyo alalaas, midna waa dilid, gablamin, gumayn iyo deldelaad. Waa Laba fal, oo fikirkooda wata, ee ay ku yimaadeen ama ku dheceen, oo midna Iskama imaan, ee dhiraandhirin iyo dhabgal ayey ku dhasheen.

Ammin ahaan isku soo aadkooda, ma qaddartaa u sababa, mise, kas ayaa la isugu soo beegay? Uur ku baalle ma ihi, garabdaarna ma lihi, mana ogi wax maqan, haddana, dareenkeeda ayey leedahay.

Dulmi iyo darajaba, labada dhacdo Soomaali ahaan, si daaran ayey noo gashay, saamayn iyo raadna nagu leedahay, ogaal iyo la’aanba. Nooma aha qaddiyad aan ku ballannay, talo iyo go’aanna ku qaadannay, haddana, badi waan dhexdabaalanaynaa, si waliba miyirqab la’aan ah.

Dilka madaxweynihii Masar, ee la afgambiyey, ee Mursi lala sugayo, haddii ay dhacdo iyo haddii aysan dhicinba, xirnaashihiisa iyo badi eedaymaha lagu haysto, in ay tahay wax la dhadhoobay, laga dharagsan, haddana, qofka la falgalaya, ee Soomaaliga ah,ma faalloodaa, falanqaynaya dhacdada, diiwangelin iyo warinna ku haya si uu u sooyaaleeyo, mise, waa u doodaa xaq Aadane, ka damqanaya dhibkaa, qof walba ku dhici kara, meel walba oo uu joogo?.

Labadaa gartay iyo inta la mid noqon karta, balse, inta kale, ee baroorta, ducada iyo tahliisha qubaysa, ayaan meel aan u raaco garan waayey, marka laga reebo, kiisa iska waalnimada iyo shisheeye jacayalka, sokeeye nacaybka aan dhaqan u leennahay, qabyaaladdu gundhig iyo u tahay unug.

Waxaa ii soo baxday, in aragtida ka dambaysaa ay tahay kaliya, taageero urur diimeed iyo caadifad harqisay maankooda, sida ay mar walba u caadifadaysan yihiin, haddaa imisa ayaa maalin walba MUSLIN ah, oo Soomaali ah, ayaa la xiraa ama la dilaa xaqdarro? Badanaa! Haddana, mid ka gadoodaa, mid ka gubanaa ama ka guuxaa arki maysid, kaliya, haddii ay isku reer yihiin, haa, si kale, uguma damqado dhibbane iyo dulmane sokeeye, haddiise uu shisheeye yahay, yaa u xoog weyn, oo anaga ahayn! GABLAN!

Imisaa hoggaamiye la dilay? Imisaa irbad lagu dilay? Imisaa sun loo qasay? Imisaa wiilkiisa loo direy? Imisaa gantaal lagu dhuftay, iyadoon cidna is weydiin? Imisaa ….. waa sooyaal waran, oo togan, haddana, ligan.

Tan kale, waa la mid, oo qofka u dabbaaldegaya guusha Iiraan ay ka gaartay heshiiska Nugleerka iyo wada hadallada ku dhawaad 9sano socday, waa mid badi ahaan ku taageeraya aragtida SHIICONNIMO, ee aysan wax kale wehlin, xitaa MUSLINNIMO kama ahan, iyaga oo mudan in lagu ammaano, hannaanka aragti siyaasadeed, ee ay uga gudbeen dhibkii haystay iyo go’doomintii siyaasadeed iyo cunaqabatayn, ee galbeedku ku soo rogay!

Labada mid walba gar ayuu u leeyahay, inuu raggiisa u gurbaan tumo, balse, waxay caddayn ku tahay, sida Soomaali ahaan, aan u nahay dad ka arradan aragti iyo aydoolajiyad u gaar ah, ee aan bannaanka iyo dibadda laga soo dhuufin.

Ogsoonoow, labada aragti diimeed, ee la kala raacsan yahay mid walba, waxaa ku lammaanan; dhaqan qawmiyad, isballaarin dawladeed, damac gumaysi maskaxeed IWM.

Xilligii Maqaayadaha Maxkamaduhu furnaayeen, ayaan widaay Cabdiraxiin la yiraa, oo aad ugu dhuundaloolay Wahaabiyadda iyo fekerkeeda, dabcan aamisanaana, aan ku iri:

“Maxaa loo waayey, WADAAD DIINTA ISLAANKA DHAQANKEENNA KU FASIRA, oo maalin walba dal shisheeye iyo dabci fog naloogu soo minguuriyaa?!” wuxuu igu yiri:

“Fadlan, iigu celi mar kale weerta” waan ugu celiyey, saa asaga oo yaabban igu yiri:

“Waligeey ma maqal!”.

La yaab ma ahan inuusan maqal, oo walax walba mar unbaa la maqlaa, ee cidna kuma dhalan, balse, midda la yaabka ahi waa in aysan aragti, habsami iyo hannaan midna u ahayn wadaaddadeenna in ay isu keen waafajiyaan dhaqankeenna iyo diinta, oo dad badani qabaan inaananba faraq sidaa ah u dhaxayn.

Sida loogu fashilmay, in la helo aragti soomaaliyeysan, oo lala falgeliyo aragtida diimeed, ayaan mar walba, waxaan u nahay magan aragti shisheeye iyo arar duul kale. Illaa iminka ma helin wadaaddo ka biya diidsan in aragtiyo iyo dhaqammo shisheeye la soo miguuriyo, oo kaliya lagu kaaftoomo keenna iyo waxa la falgeli kara. Mid adag ma ahan, haddana, la waa taas.

Laga yaabee, inaad igu canaanee, maxaadan uga hadlayn aragtiyada kale, ee dunida yaalla, galbeed iyo meelo kale laga keeno, ee dadkeenna lagu harqinayo. Horta noo kala saar, waxa laga hadlaa, ma aragti diimeedaa, mise, waa aragti nololeed, dhaqan, dhaqaale, aqoolin, maarayn iyo maamul? Waa fiicnaa leheed, in labadaa noo kala soocan yihiin, oo labada, tan dambe, sida ay u ballaaran tahay, looguna baahiqabo iscusboonaynteeda iyo la jaanqaadkeeda baahi nololeed, ayaa ka duwn kan tan hore, haddana, badi, wixii astaan gaar ah iyo dhaqan tusmo u ah, in dhan la iska dhigo waa muhim, balse, ta diimeed, waa ka saamayn badan tahay mar walba tan aqoolin.

Inta urur diimeed, dariimo iyo noo jooga xer u fiirso, ma jiro, hal mid, oo leh, astaan Soomaali iyo summad teenna ah, gebi waxaa laga soo wada xawilay dalal shisheeye, oo ay ugu dhawdahay Suudaan. Ma kula tahay, in la waayey aragtiyadaa lagu soomaaliyeeyo? Ma filayo, ee doonis ayaan jirin rabitaan baddaldhelin.

Ujeedka u kaalay. Labadaa dhacdo, ee culayskeeda iyo saamaynteeda leh, duni iyo dibadba, haddana, anaga mid kale, oo ka weyn kana saamayn badan ayaa na hoostaal, oo aannaan ka hadal, warna u hayn.

In badan, oo maamul reer aamisan yahay, iyagu umaba arkaan ahmiyad dawladeed, halka inta gumaysiga wali ku hoosjirtana ayba ku hamminayn, inta soo hartana, ay warmoog iyo ka yihiin dhoonayaal.

Dadkan sidaa uga kurbaysan dhibka Mursi sugaya ama ku faraxsan guusha Iiraan gaartay, si la mid ah, ugama walwalsana, dhibka nagu soo fool leh, oo ay sababi karto in bad gaaraysa illaa iyo 200 mayl nala dudsiiyo, oo sida muuqata, noomaba ahan aragti ay tahay inaan danaynno, ka murugno muranka nagala galiyey ama ku faraxno marka naloo xugmiyo inaan leenahay, haddaan nala dudsiin!

Qof dhulkiisii oo la kala jarjarayo, lana kala goobeynayo, aan ka damqanayn, bal, isagu qayb ka ah, ee haddana, hal qof dilkiisa ka damqanaya, anigu run ahaan wax aan ku macneeyo ma aqaaan, aan ka ahayn, qof ka arradan aragti iyo aydoolojiyad jiritaan iyo ahaansho. Aqoontu kaligeed waxba ma tarto, haddii aysan wehlin aragti qotomisa, oo hagta, hoggaanna u noqota.

Marka laba qaddiyad, oo aannan geel iyo geri noogu darsanayn, maxaa nooga gidhiish ah, in na gubtaaba na hoostaale! Anigu ma garan, waxa gobolkeenna, oo gaajo, colaad, abaaro, musuq, maamul xumo, amnidarro, shaqo la’aan, dhaqaalo yari, IQKB ay jiraan, in nalagu mashquuliyo in la dili doono Mursi iyo in Iiraan Nugleerkeedii nabad la gashay galbeed!

Sida ii muuqata, marka labadaa laga soo tago, waxaa dhib nagu haya, waa warbaahinta aan wararka qaadanno iyo ilaha aan xogaha ka helno, oo aannaan ku kaaftoomin nay dhacdo no tebiyeen, ee badi maadaama dhibka kore na hayasto, waxaan mar walba u ban nahay, una sahlannahay, qatarta ku shubashada iyo saamaynta caqli iyo garaad waraajinta ku dhisan, ee badi warbaahinta loo yagleelo.

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay dhawr “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, mid waxaa u baahan MADAXDA midna waxaa u baahan WADAADDADA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM. Halka WADAADDADU u baahan yihiin DIIN U CELIN, maxaa yeelay, diintii inay DACAR ka dhigeen ka sokow, waxay dhexgeliyeen hawlo ka baxsan, oo marna dunida iyo duunyada ku lammaansan, marka madaxnimo iyo maal la xiriirta! Allow aday ku leedahay. 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

2 Comments

  1. qoraalkaan waan xiiseynayay, lakin ma dhameysan oo dhexbaan uga tagay kadib markii aan ku caajisay, waayo waxaa ka buuxa hadalo tira badan oo aan ka tarjumeyn nuxurka qoraalka. Hadalna waxa ugu qiima badan midkiisa yar, ee dulucda ku tusiya.

  2. Waan kuka qabaa badanaa qoraagan waxaa uu qoro waa muhiim aragtiisa ka tarjumaysa laakiin aad buu u dheereeyaa qoraalka oo nuxurkuu ka dilaa. Midda kala mursi waa dhibane ay heystaan dhibayaal xukun doon ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s