Labo XAASLE waa labo XANIYOOD!

nin labo xaas hal mar la aqalgalay

Labo XAASLE waa labo XANIYOOD!

Labo XAASLE, waa labo XANIYOOD!” waa aragtida guud, ee bulshadeennu qabto badi, haddii aysan dhami ahayn. Ewel guurka ayey eheed, oo xilliyo kala duwan la kala guursan jiree, hadda, hal habeen ayaaba lala aqalgalaaya! Indha adayg!

Labo XAASLENNIMADA iyo maxaa isku xiray labo XANIYOODNIMADA? Ma waxaa jira, NIN aan labo XANIYO lahayn, oo qoore leh? Haddii uusan labo NAAG guursan, labo XANIYOOD ma ahan miyaa? Tiraynta inta dumar aad qabto iyo xaniyaha maxaa isku xiray? GABLAN!

Waa weydiimo, aanan marna madaxayga faaruqin, har iyo habeen. Had walba, waxa aan is weydiiyaa; isku xiridda labo XANIYONNIMADA iyo labo XAASLEYNTU, ma xagga galmadaa iyo wasmadaa, mise, waa xag kale? Micnaha, ma xag kacsi baa, mise, waa kabid kale?.

Hadday warcelintu tan hore tahay, hubaal in ay u baahan tahay, in si kale loo dhigo, maxaa yeelay, waa; ninba taagtii iyo tabartii, haddayse, saa tahay, maxaa tii dumarka loo daboolay? iyagu, miyesan lahayn dareenkaa iyo kacsigaa, uu ninku labo ma ahane ka yar ay ku celin karin? Tan kale, haddii ay kacsi iyo qooq tahay, miyeysan ogayn, in ay jiraan rag aan boqol xitaa biyo u kabban?.

Ugama jeedo GUUR ahaan, ee iska fiiri, oo hadhaw ha la soo boodin, diin baad ka baxday iyo Aayad baad beenisay, ee waxaan ka hadlaa, waa baahi galmeedka ninku ku noqday laba XANOOYOOD aan labo XAAS ma ahane, ka yar uusan haqab beelayn!

Haddiise ay warcelintu tahay tan dambe, maxaa looga jeedaa oraahda sare iyo hadalkaas, bulshada ku duxay? Ma cantarabaqash aan qiimo lahayn baa, mise, waa waaqic jira, feker la aaminsan yahay iyo aragti aan wada qabno? Ani ahaan tan bay ila tahay.

Labo XAASLE, waa labo XANIYOOD!” waxaan ku beddeli lahaa; “Labo XAASLE, waa labo WAJIILE!” mar iyo maalin walba, been iyo huuhaa sheega, ee mug walba midda uu la joogo ku jiraa; adaan ku jeclahay, oo jira, tan kale, jaafaajiliq waaye! Maxaa yeelay, Alle ayaaba Quraanka ku sheegay inaan laba naag isku si loo jeclaanayn, ka sokow, wuxuuba noo sheegay, inaan Aadanaha la siin laba QALBI! Magan.

Laga yaabee inaad i leedahay, reer galbeedkuba, wax u dhigma ayey leeyihiin, oo ah; naag QUDBOSIRO ah, oo aysan ogayn naagta kale. Haa, waaba, oo waa QUDBOSIRO, balse, uusan qabin, kuna xirnayn, meher iyo magacna ka dhaxayn, sidaa awgeed, bannaanka ma keeni karo, o dhuumalaysi iyo dhuudhuumashaw ayey ku wada socdaan, ee dharaar cad, nolol ma wadaagi karaan!

Sida dumarku guurka u qiimeeyeen bal fiiri, oo waxaa u caado ah inaysan gabadha aroosadda ah SHAASH saari karin naag la furey ama maqaalifa ah, haddana, kuma mudan maamuus iyo magac, ee waxay ku muteen minyaro, minweyn, magmagato iyo meel ma dayato! Hah!

Haddaba, ma isku mid baa, nin iyo naag dhuumasho iskugu galmooda, ee aan xiriir kale ka dhaxayn, lagase yaabo inay is jecel yihiin iyo nin naag isqaba, ee dadka dhan isku wada ogyihiin, ee la leeyahay; seygii hebela iyo marwadii hebel?. Ani ahaan maya, adna?.

Hadday saa tahay, sidee laga yeelaa arrintan marka? Ma sideeda ayaan ku deynnaa, mise, faragelin dhaqan, qaanuun iyo diyaarin bulsho, ayaan gelinnaa, si ay u aqbasho isbadalkaa? Waan samayn karnaa ayey ila tahay ani.

Haddii labo XAASLE, sidaa yahay, maxaad ka filan 3XAASLE ama 4XAASLE? Waa; “Ka dar iyo Dibi dhal!” iyo “Kud ka guur, ee Qanje u guur!”.

Marka aad u fiirsato murtideenna iyo xaas badnida, waxaa kuu soo baxaysa, in aysan ahayn wax khayr iyo barako leh, ee ay tahay, dab, dubbe iyo derbi madax la dhac! Haddana, waa taa, raggii looga maaro la’ yahay.

Haddaba, aragtida nolosha cusub, ee lammaanaynta ku salayn lammada, yaraynta iyo xadaynta guursiga day dalabka ah iyo guurso oo fur marka la fiirsho, murtidaana lagu daro, dayrada Quraanka ah inaan labada XAAS isku si loogu caddaalad falinna lagu kabo, maxaa loogu indha adagyahay oraahdaa iyo dhaqangelinteeda? Micnaha, wali maxaa dabada loo sii hayaa, labo XAASLENNIMADA iyo XAASASKA ka badan?.

Haddii murtidu eheed; “Nin labo XAASLOHOOW, soor ka samir!” ninka caynkaa ah, labo XANIYENNIMADA lagu ammaani karaa, waa tee? Ma inuu yahay dibjir, aan cidna u tirsanayn baa? Ma inuu yahay daysane, hadba, meel ku dhaca, ee xisaabin guri iyo habeenkan yaa leh, ku madax caddaashaa? Ma maqaayad iyo rooti afka ku haybaa, oo hore u soo qaadaa? Anigu ma garan.

Hasha labada geel jecel

Labo gebi dhexdood buu

Waraabuhu ku gawracay!

Laga yaabee, inaad i leedahay, maxaadan marna u soo hadalqaadayn dhaliisha ay leeyihiin dumarku, oo ku saabsan XAAS badnida. Haa, waa sidaa, ma soo hadalqaadayo, maxaa yeelay, iyagu mar walba, iyagaa ku dhibban, haddana, dhibkooda laguma ammaamin, ee waxaa la yiri: “Minyaro iyo Minweyn!”.

Adeegsiga labada eray, ee xubin taran, aad ayey u kala macno sarreeyaan, oo tan nimanka, waxay ka turjimee, RAGANNIMO, KARTI, ADADAYG iyo ITAAL, halka tan dumarku ka macne tahay, DHASHEEY! “Micnaha, tii ilma dhalidda kaliya u joogtay!” oo marna la yiri, waa tii minka yareed, ee aan wali wax dhalin, oo ku cusub reerka, hadda u fiirso UGUB lama dhihin iyo EBYAN, oo labaduba ku macne noqon lahaa. Halka tii hore, oo badi haysta ubad hal iyo ka badan ah lagu yiri; MIN WEYN! Micnaha, iyadu MINWEYN ayey leedahay, maadaama ay dhawr ilmood ka soo bexeen MINKEEDA iyo ilma galeenkeeda! Alla af xumaa, aragti dilaanaa, oo arag liidanaa! Ma meel kale, oo ay wax eegaan ayey waayeen! MAGAN!

Waxaa jirta maahmaahyo ka marag furaya qayru masuulnimada iyo xumaan lagu faanayo, sida: “Inta ay tunka ku jiri lahaayeen, tubaha ha yaalyaalllaan!” ama “Ka dhal oo ka dhaqaaq, dhaqid kaagama baahne!” ama “Wax lagu talo xumoobo, guurbaa ugu wanaagsan!”.

Horta, aan isweydiinno; maxaa sababa guursiga XAAS labaad? Ma ku qanacsanaan la’aan tii horaa, mise, waa dal doorso iyo daacdaacsi doon? Micnaha ma hammi galmaa, mise, waa hab maamuus nafeed ah, dhahdhami in badan oo dumar ah, iyadoo laga dhiganayo haweenka, alaab hadba nooc la iska beddelo?.

Waxaa loo garaabi karaa, ninka ubad raadin iyo ilma helid u labaystay, isaga, oo waliba marwadiisa, ka helay oggolaanshiyo iyo aqbalaad buuxda, maxaa yeelay, sababaha guurka ayaa waxaa ka mid ah, taran iyo farac.

Waxaa kaloo asagana loo garaabi karaa, ninka marwadiisu tahay dhulyaal, ay xanuun daran iyo jirro la ildaran tahay, in aysan ka kacaynna u badan tahay, maadaama uusan marnaba rabin, in xaaskiisa ay kala tagaan, haddana, si baahidiisa uu ugu helo dabool, uu u labaysan karo, mar walba oggolaasha xaaskiisaka dib.

Haddii kartidii noqotay; meeqo XAAS ayaad leedahay ama imisa bahood ayad leedahay, ee aysan ahayn, maxaad qof iyo qoys ahaan umadda ku soo biirisay, bulsho, miyaan sugnaa, hormar iyo wax soor sal leh? Ma filayo.

Haddii kartidii noqotay; yaa galmada ku fiican, ee aysan noqon, yaa garaad leh, bulsho, miyaan sugnaa, hormar iyo wax soor sal leh? Ma filayo.

Haddii kartidii noqotay; yaa guur badan samayn kara, labo, saddax afar, ee aysan noqon, yaa korin iyo barbaarin kara ubad aqoon, aragti iyo ogaal leh, bulsho, miyaan sugnaa, hormar iyo wax soor sal leh? Ma filayo.

Haddii kartidii noqotay, hebel, yuusan kaa xaasas badnaan, ee aysan ahayn, hebel yuusan kaa nolol tayo wanaagsanaan, bulsho, miyaan sugnaa, hormar iyo wax soor sal leh? Ma filayo.

Afarayso ama labayso, ujeedka loo guursado, hadduu kaa qaldamo, qorsho leexsan iyo go’aan weecsanno aad ku abbaarto, waxaa hubaal in aadan marna ka gudbayn tirayn dumar iyo talo xumo.

Hubaal in ubad dhaliddu tahay, wax soo saar, haddana, marka lagu dhib mudanayo ama ubadku ka dhaxlayaan dhimaal dhaqan dhaqaale iyo dheef la’aan, waxaan muran ka jirin inay tahay ismiidaamin, haddii aysan iskhaarijin noqon!

Midda u dambaysa, ee dastuuriga ah waa, sidee laga yeelayaa, haddii madaxweynuhu labo XAASLE yahay? Waxaan ogsoon nahay, in xeerarka dunida ugu degsan dawladnimada, ay marwada madaxweynuhu maamuus gaar ah ku leedahay bulshadaa, oo la yiraa, waa; marwada koowad, haddaba, haddii ay labo yihiin, sidee loo kala xadanayaa? Micnaha, sidee loo kala hormarinayaa? Tee kow ah, teese labo ah? Ma loo qori tuuraa? Ma dhigaal magaceedka shibbanayaasha ayaa la raacaa? Ma da’da iyo weynanka? Ma hor guursiga iyo aqlagelidda? Ma ubad badnida iyo dhalid carruureedka? Ma quruxda iyo qaabka? Ma sida uu u kala jecel yahay iyo dareenkiisa? Wareer waa kanaa, ee idinka si ka yeela.

Saw ma habboona, intii la kala masayrin lahaa, in qanuun laga qoro, xeerna laga dejeyo, caddayaya in mudanaha madaxweyne noqonaya, uusan labo XAASLE noqon karin, ugu yaraan, marka uu xilka u tartamayo, iyo xilliga doorashadu jirto, marka uu qabanayo, ee loo dhaarinayo xilka ama in muddeedka uu hayo dhexdeeda, ka hor iyo ka dib aseey u taale, saw ka yeelayo naftiisee?.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

  1. Bashiirow, labo xaasle brobleemkiisa ma yara. Mar an buuk mah akhrinaayey ayaa isheyda ku korjoogsatay mahmaahdan: “ NAAG SEDDAX NIN AYEY U BAAHANTAHAY, MID WAA KAN BIXIYA DEYMANKEEDA, MID WAA KEY JECESHAHAY, MIDNA WAA KAN TUMA!!”. hadaba ninka dhowr xaaslaha ah Allah u dhib yareeyo!!

    Sent from Windows Mail

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s