11783724_506267559522546_950260887_o

GALMUDUG iyo Yuusuf Garaad Q1AAD

Hadal jaban, hawraar janjeerta, hadar iyo Huuhaa, ayaa la yiri, warramaa ugu imow. Waa hadalqabi caan baxay amminnadan jidgooyada dhul, bad, aragti iyo maanka ay xoogaystay. Abwaan ayaa yiri:

Nin hadduu gabbaan hadal ka yahay, waa gagabiyaa”.

Xormimadu ma ahan, inaadan xabis ku jirin, ee waa inaad xilkas wax xeerin kara tahay, oo xurmo leh.

Hootada waxaa lagu ridaa, kii halyeeyga

Oo ma rabin, in aan wax ka qoro mudanaha sare, magaciisu ku xusan yahay, haddana, mar walba, waxaan dhibsadaa, marka uu xaqiiqo leexiyo ama xukun liiciyo, oo uu xerotaraaro. Si marka aysan inta u aragta haldoor iyo hal abuur, aysan suntiisu u saaqin, kolleey, saamayn waaba yeeleehe, ayaan is iraa; bal ka gaar, yaan lagu sirmin bagaashkiise.

Faalladan waxaan ku faaqididoonaa, labo qormo, oo uu qoray, Yuusuf, oo labaduba ka fog, falanqaynta fayooy, eenna lahayn faafreeb iyo ferid qumman, ayna u dheer tahay inay farriiminayeen; faygaar gurracan, feker gunnimo iyo falaad gabaabsi ah.

Mudug mise NusMudug?

Gefka ugu weyn, ugu horreeya, wuxuu ku galay, cinwaanka qormada, ee ah: “Mudug mise NusMudug?” oo marka laga reebo, in ay tahay aragti u janjeerta labada garab ee isku haya Mudug midkood, haddana, ka dhigaysa, inuu u xuubsiibtay afhayeenka Gaas.

Gefka xiga, ee uu galay, wuxuu yahay, sawirka uu u adeegsaday, oo uu ka dhigay, sawir ay ku dhan yihiin saddax mudane, oo isku beel ah, oo kala ah: Cumar Cabdirashiid, Cabdiwali Gaas iyo Axmad Madoobe. Taas waxay kuu muujinee, inuu na leeyahay Yuusuf, gobolkaa, waxaa iska leh, reerkaa, oo qura, haddii kale, maxaa diiday in uu adeegsado, sawir ay ka muuqdaan madax ka soo jeedda dhinac GALMUDUG ama uusan ugu gaabsan khariiradda gobolka? Anoo garan kara, labada ah Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali gaas, muxuu nagala doonay kan ka soo doolaalay Qabri Daharre iyo ka kor? GABLAN! images

Tolow, mushaar iyo ma ku helaa manaafaco, mise, loomaba oga? Wadaay saadaasha iyo ku fiican fiirada, ayaa igu yiri; waxaan Kitaab Jaamcaa gacanta u gelin karaa, in ciwaankaa loo dooray, oo ee aysan maankiisa ka soo daadegin!

Taa waa halkeedee, ani ahaan, waxaan hubaa in uusan ahayn, cinwaan qormada ku habboonaa, maxaa yeelay, marka aad cinwaan ka dhigato eray bixinta labada garab ee is diiddan midkood, way caddahay, in aad dhankaa u xaglinee, haddii aadan toosba ula jirin.

Tan ka muhimsan, waa cinwaan qaldama, waxaa ka dhasha aragtida qaldanta, marka maxaan kula yaabaa, cinwaanka qaldan, haddiiba ay aragtida dhexena la qaldan tahay! GABALAN!

Yuusuf wuxuu ku dooday, in GALMUDUG dadka bari ama gobollada dhexe, mid lagu sasabayo.

Inta aanan ka warcelin, isagu qodob caynkee ah ayuu ka duulayaa? Ma maamul iyo maarayn dawladeed, mise, beelaysi iyo qabiil isir wadaaga? Tan hore ma filayo, ee tan dambe, sidee dastuurka uu sheegaa, loo waafajin karaa?.

Labada dastuur, ee labada maamul beeleed, waxaa ku wadayaal, in gobolka Mudug, ay ka taliyaan. hore waxaa ku qortay reer bari, ka dibna waxaa ku qortay reer gobollada dhexe. Haddaba, yaa la sasabayaa, yaase sababaya, sideese loo sababayaa? Maxaaba sasab keenaya, magac la isla sheegto, miyaa sabab ku yimaadaa?.

Yuusuf wuxuu qoray:

“…Dowlad Goboleed ka kooban Gobol iyo bar oo markaa aan buuxineyn shuruudaha Dastuurka ku qoran.”

Horta ma DASTUUR baa, mise, DALTUUR? Eray bixinta ka sokow, Yuusuf ma ogyahay, sida ay ugu qoran tahay DALTUURKA in labo gobol ka badan maamul noqon karaan, ay ku qoran tahay, in xuduud goboleedyadu, ay noqonayaan, kuwii ay ka tagtay dawladdii burburka baahisay? Hadduu ogyahay, xaggee ka keenay, GALMUDUG, waxaa loo caleemo saarayaa gobol iyo bar?.

Mar walba waxa la tixgelinayo, waa xuduudkii hore iyo nabad ku wada noolaashaha, labadaana, waxaan filaa in maamulka gobollada dhexe ay ku baaqeen. Haddaba, maxaa keena mar walba, in kaliya, lagu indha caddeeyo, DALTUURKU wuxuu qabaa, in labo gobol ka badan maamul noqon karaan, oo looga tagaa, qodobka kale, ee sheegaya xuduud goboleeyada? Ka sokow, horta, maamulka, maxaa lagu salaynayaa, gobol, mise, qabiil? Micnaha, labada gobol, ee is raacaya, ma waxaa sal looga dhigaa, intii isku hayb ah, ee dhalyo iyo dhiig wadaag ah, mise, intii isku dhaqan, ood iyo deegaan wadaag ah?.

Isagu, muxuu ugu soo gaabsaday gobol iyo bar, ee uusan isu hordhigin, nooguna soo gudbin weydiimahan sare? Muxuu u qariyey ogaalkaa dastuuriga ah? Tan ka muhimsan, horta sheegashada gobolk Mudug, yaa gaar u siiyey reer bari kaligood? Maxaa u diidaya reer gobollada dhexe, in iyaguna ay sheegteen?.

Sida waxa ku qoran dastuurka reer bariga loo tixgelinayo, maxaa diiddan, in sidaa oo kale, loo maamuuso waxa ku qoran dastuurka GALMUDUG? Teeda kale, murun xuduudeedku, kaliya ma wuxuu ka jiraa Mudug, mise gobollo kale ayaa la wadaaga? Haa, gobolla kale ayaa la wadaaga, haddaa, Yuusuf, muxuu kan kaliya u buunbuuniyaa, oo marar badan isagu feerajabinaa, inuu wax ka qoro? Tan kale, ma wuxuu garan waayey, waxa uu ka gaabsaday NACDOON Nicolas Key, oo ah, in hadda sidan wax lagu qarboosho, ka dibna la isu soo laabto? Ogow, Key, waa sheesheeye, asna?.

Yuusuf, wuxuu ku talobixiyey, aragti ah, in gobolka Mudug la raaciyo labada dhinac midkood. Erayga ah; “RAACIN” waa taloxumo adoogeed iyo kalitelisnimo, waa afduubid iyo amar ku taaglayn, go’aan looga gaarayo, dad aayahood, aan afti laga qaadin, meeshaay rabaan in ay maamul wadaag la noqdaan. Haddaba, ma in LA RAACSHAA, mise, waa in LA RAACIYAA? Jujuub waa kan oo kale.

Yuusuf wuxuu qoray;

“Waxaan u haystaa in 2015 qofka isku daya in uu magaalo Soomaaliyeed xoog ku qabsado ee ku xukumo uu yahay Ma-Gudbe …”

Qofka uu ka hadlaa, ee ma GUDBAHA ah, waa kee? Ma isaga, siyaasi, mise, qof kale? Hadday isaga tahay, asaa is afqabtay, haddayse siyaasi tahay; ma kan ka tirsan maamulka bari, mise, kan ka tirsan maamulka gobollada dhexe? Horta, labadooda, keebaa illaa haddaa afkiisa laga hayaa erayada; xoog, awood, itaal, dagaal, dirir, xabbad, colaad iwm, ma kan ka tirsan maamulka bari, mise, kan ka tirsan maamulka gobollada dhexe? Hadday qof kale tahay, waa qofma? Muxuu u qarinaa, maa noo magac dhabo?.

Way qurux badan tahay, in hadalka loo dhaho ama loo qoro fiiro, ujeed iyo iba bixin, ee aan loo dhihin ama loo qorin; iga dheh, ii dheh, i maqashii, anna waa iri, iga gee, iska qor IWM.

Waxaan maqli jiray, “odaga habarta la saar!” hadda, nabee, Yuusuf GALMUDUG la saar, oo shaqo wuxuu ka dhigtay, mar uu dhaqankooda oday iyo ababinba liido iyo mar uu maamulkooda mudane iyo maarayn hafro. War maxaa Yuusuf laga siiyaa GALMUDUG?. ymar

Waxaan wada xasuusannaa, sidii uu u bahdilay, markii uu tagay magaalada Dusmo reeb, xarunta maamulka GALMUDUG, ahna caasimadda gobolka Galguduud, oo uu ka socday shirka dib u shiisiinta iyo nabadaynta beelaha gobollada dhexe, oo uu ka dhigay, wax aan jirin, dhan walba. Haddana, waa kaa u soo dhigtay maamulkii. Nabee, haddaan Yuusuf yac la iska dhihin, wuxuu soo wado iyo webigaa eg!

Ku darso, mar uu madaxweyne Xasan tagay isla magaalada Dusmo reeb, ayuu Yuusuf, wuxuu bartiisa Faysbuug, soo galiyey sawir laga soo qaaday Askari ku rorga roog cas, oo taagan iridda aqal Soomaali, markuu wax kale waayey ayuu halkaa ceeb ka dayey, anagoo wada og, inuu Yuusuf isku soo sawiray malleeshiyo beeleed la socotay Gaaska uu had walba noo soo tebiyo warkiisa, mar uu ka qaybgalayey aaska Cabdiriaaq Xaaji Xuyusufseen, oo uu isku dayey in uu qabyaaladeeyo, oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

U fiirso, malleeyo beeleed la socota, hoggaamiye beeleed waa isku sawirayaa, waliba isaga oo faraxsan, askari labbis qaran iyo astaan dawladnimo wata, oo heegan u ah, inuu soo dhaweeyo, uuna sugo ammaanka madaxweynaha Jamhuuriyaddana, wuxuu ka dhigaa wax dilan, xun oo aad qaabdaran! Alla aragti qalloocaa, oo arag xumaa Yuusuf!

Waxaa la yiri; “Doqoni walaalkeed u daab weyn tahay” mar kale waxaa la yiri; “Doqontu 11 indhood ayey leedahay, 10 waxay ku fiirisaa walaalkeed, halna nacabkeeda!” hadda Yuusuf, ma sidaa ayuusan ahayn? Awooddiisii oo dhan wuxuu isugu geeyey, sidii uu ceebaal, colaad iyo col aan jirin ugu dhajiyo GALMUDUG; dad, deegaan iyo dawladba, oo ay eheed, in uu sida waalkii u guntado, sida dadka deegaankaa u heli lahaa; nabad, xasillooni, hormar, maamul wadaag iyo wanaag, caafimaad, waxbarasho, adeeg bulsho, wacyigelin, dhawrid deegaan iyo dhir, abuurid shaqo iyo farsmo, xoojin dhaqaale, kaabid ilaha dhaqaale iyo wax walba oo dhalin kara, barwaaqo sooran iyo baraare bulsho.

Muhim ma ahan, in aad ku qanacsan tahay madaxda joogta, isku aragti tihiin iyo feker, talo iyo tusmo isku si u qaadataan, isku xulufo iyo isku xer inaad tihiin, ee waxaa ka muhimsan waa danta idin ka dhaxaysa, himilada aad wada rabtaan in la xaqiijiyo, hanka idin ku wadajira, higsiga aad wada higsanaysaan, hiraalka aad tiigsanaysaan, aayaha aad wada dhisaysaan, aayatiin aad wada guntaysaan, hayaanka nololeed ee geeddiga loo yahay iyo wax walba, oo si walba oo loo kala aragti duwan yahay, aan keenayn in lagu kala tago waxa laga midaysan. Waa haddii ay jirto intaase.

Ogoow; si walba oo loo kala duwan yahay; aragti, feker, talo, maamul, hoggaan, qodob, qaab, hannaan, qof, qolo iwm, waxaa ka badan, inta la wadaago, ee aan marna iyo sina loogu kala tagayn.

Fisha qaybta xigta, ee qormada;

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/