GALMUDUG iyo Yuusuf Garaad Q2AAD

11821479_507340009415301_1968318152_o

GALMUDUG iyo Yuusuf Garaad Q2AAD

 

GalMudug;

Haddaan intaa oga boxo qormadii koowaad, aan markanna gudagalo qarmada labaad, eeba iyadu uu si fiican u sii caddaynayso afhayeennimada Yuusuf, uu Gaas u yahay kan borobogaanada iyo baqbaqda u daabaca. Xasuusnoow, Yuusuf, hore wuxuu sidaa oo kale, u qaadqaadi jiray Faroole, oo waa kii ku soo dhaweeyey Nayroobi.

Yuusuf wuxuu qoray; “…in reer barigu qoonsadeen curashada maamulka gobollada dhexe, ayna sheeganayaan Mudug oo dhan.”

Sida isaga aragtidiisu tahay, caqabadda koowaad, ee hortaal maamulka Guuleed iyo gobollada dhexe, waa reer bari. Sabab? Waxaa la sheegtay, in Mudug oo dhan ay ka taliyaan. Hubaal, in sheegadaa caqabad tahay, haddana, horta Mudug, meeqo dagmo ayey u kala hoostagtaa labada maamul? Kee dhul weyn iyo baaxad ballaaran haysta?.

Aragtida ah, in xoog iyo xeelba lagu soo xeraglinaa maamulka Mudug oo dhan, waa jeebkiisa, oo wali qof yiri ama laga maqlay ma jiro. Been abuur weynaa, maba xishoonayo. Maamul dhawaan la dhisay, oo caleemo saar madaxweyne maraya, sidee waxaa ugu hammiyaa? Malaha, asaga ayaa jeclaan lahaa, in dagaal iyo dirir dhacdo, oo la isku riiqmo? Oo muxuu ka faa’iidayaa? Maagi.ymar

Yuusuf wuxuu qoray; “Puntland, oo sheegtay in aanay go’aankii Cadaado u aqoonsanayn dowlad Goboleed.”

Aqoonsi yaa uga baahan? Yaa weydiistay? Yaa u dabafariistay? Yey yihiin horta, aqoonsi ha siiyaane? Maxaa ka galay aqoonsiga iyo aqbalaadda dawlad goboleednimada GALMUDUG? Maxay isugu soo qaadaayaan hawl aan u oollin, ee u taal dawladda dhexe iyo dunida korjoogtada ah?.

Waxaa la yiraa: “Garbo is gaargaar gargaar ma leh!” iyo “Rag labaatan jir buu ballamay” ee hadda haddii reer gobollada dhexe maamul dhisteen, waliba xalaal ah, oo aan Xabashi, Keeniyaan, faragelin shisheeye iyo damac dabadhilif lagu dhisin, maxay uga baahan yihiin maamulka bari? Ani ahaan moogi, ee idinka maxay idin la tahay? Yuusuf, isagu waa noo caddeeyey, oo maamul goboleedkii aysan aqoonsan reer barigu maamul ma noqonayo, sida uu noo soo tebiyey. Yaab. Xitaa naqdin iyo uma samayn diidmo ah, war hawshaan idiin ma taale, kor uga baxa, danahiinna ku mashquula.

Waxaan is leeyahay, mid kale ayaa ku hoosjirta, in Yuusuf, noo buunbuunsho sheeko barraleeyda iyo ishaa falataynta reer bariga, oo ah; in uu jeclaan lahaa, in gobollada dhexe aysan yeelan maamul, oo uu niyadda ka leeyahay; Alla diidmada reer barigu, maa horgasho? Taa, oo ah midda ay ka midaysan yihiin Yuusuf iyo reer barigu. Haddaba, ma is leedahay, maadaama ay mid ka yihiin nacaybka dhalashada maamulka gobollada dhexe, in xitaa isbahaysi iyo is xulufaysi uu dhexmaray, oo isaga loo xilsaaray, inuu dacaayad iyo fidiyo qoraallo dhinac ka raran, iyaguna, wixii kale oo ay awoodaan qabtaan? Ani ahaan ma baciidsanayo, mana beensanayo.

Yuusuf wuxuu qoray; “Si nabadda labada dhinac ka jirta loogu negaado looguna daaqo, waxay ila tahay in ay lagama maarmaan tahay in GalMudug ay si aan mugdi ku jirin u caddeyso in soohdintu ay hadda qabiil tahay oo lagu sugayo xal aan xabbad ahayn oo mustaqbalka looga gudbo soohdinta qabiilka.”images

Hubaal, in soohdinta maamul beeleedka gobollada dhexe uu yahay soohdin qabiil, oo aysan jirin cid u socota ama duullaan ku ah, deegaannada ay hore uga telinayeen ma ahane, meel ka baxsan, ee sida Yuusuf uga dalbaday reer gobollada dhexe, in soohdinta qabiilka ku ekaadaan, maa uga dalbado, in reer bariguna ay soohdinta qabiil ku ekaadaan? Muxuu kaliya farta ugu fiiqayaa reer gobollada dhexe, sidii inay weerar ku yihiin reer bari? Xabbadan baas, ee uu mar walba ku celcelinayo, ma isaga ayaa dhafoorka ama qooraha looga haayey, marka uu qoraalka qarriban qorayey? Macbuudka!

Labada maamul, mid walbaa, waxa uu sheegtay, in uu Mudug ka taliyo, kay tahay in uu ka tanaasulo marka? Yuusuf, wuxuu si gaara uga dalbanayaa reer gobollada dhexe, waana garsoor xumadiisa.

War ninka see wax ka yihiin anigu maba garane! Xabbadda aysan rabin reer bari, reer gobollada dhexena ma rabaan, ee nin yahow, arrinta dhexdhexaad ka noqo ama ka gaabso.

Dhanka kale, saw ma oga Yuusuf, in maamulka Puntlad, uu kaliya ka kooban yahay labo gobol, labo degmo iyo bar? Reer Khaatumo mar hore ayey tashteen, oo waad la socotaan, in caleemo saarkii Guuleed, uu ka qaybgalay Cali Khaliif Galayr, ugana qaybgalay madaxweynaha Khaatumo, Mudugna waxaa sheegatay Galmudug, haddaba, Puntland, maxaa ka soo haray? wercelin u baahan faaqidaad.

Yuusuf wuxuu qoray: “Waa in GalMudug caddeysaa marnabana in aanay jiri doonin maamul aanay raalli ka ahayn, waxna ka dhisin in la isku dayo in beesha deriska ah lagu khasbo.”

Qareen Shaydaan noqo, oo haddana, qodob ha la imaan waa dhib. Isagu muxuu yahay, marka uu intaas oo caddayn, bayaamin iyo sheegid ka dalbanayo maamulka Galmudug? Yaa u dirsaday? Ma wuxuu ka shaqeeyaa, xafiiska xallinta khilaafaadka iyo xadeynta gobollada? Teeda kale, illaa hadda kama haynno, hal eray, oo uu wax kaga dalbanayo reer bari, ee ninku caddaalad yaraa, oo garsoor xumaa! Isaga ayaa kala hadlayee, sadarrada xigay, wuxuu ku qoray: “Xaqiiqadu waxay tahay in aanay jirin cid awoodda in ay labada dhinac ee Mudug khasab isugu darto.” Isu fiiri labada aragti, sida ay kala fog yihiin! War aan dareen iyo loo qorin daacadnimo, daba go’naan aa u dambaysa.

Aargtida ah in Ahlusunno laga qaybgeliyo maamulka, wa aragti saliim ah, waliba muqaddas ah, balse, sida isba uu xusay, haddii gacmo Xabashi ay ku daaban yihiin, oo dhal Amxaaro yihiin, sidee xal looga heli karaa, illeyn, waxa lala hadlayaa, waa soomaali maanka Xabashi ka ehe?. yusuf

Tan ah Shabaab waa in laga sifeeyaa deegaanka, si maamul dhan lo helo. Hubaal, in iyaga ay tahay aragti sax ah, balse, wuxuu is moodsiinayaa, in ay jiraan maamullo aan xitaa hal degmo ka telin kaligood, oo ku oodan xero ciidan iyo xafiis shisheeye waardiyeeyo?.

Yuusuf wuxuu qoray: “Cabdiweli Gaas, mar uu durayay shirka Cadaado. Wuxuu ku tilmaamay in dadka Cadaado ku shiray ay yihiin dad Muqdisho dayaarado looga soo daad gureeyay.”

Marka uu qorayey erayadan maankiisu ma joogay, mise, wuu maqnaa? Gaas, ayaa sheegay! Oo waa Gaas kee? Maxaa ka galay, dadka ku shiray Cadaado iyo waxa ay ka shireen? Micnaha dadka Cadaado ku shiray, ma ahan dad u dhashay gobollada dhexe, ee waa dad ka soo doolaalay Muqdisho? Kaba muhiimsane, horta Muqdisho iyo gobollada dhexe, saw isku dad ma daggana? Ani ogaalkeey sidaa ayey ii eheed, ee Yuusuf, dadkan cusub, ee uu Gaaskiisa ka soo xigtay waa kuwee?.

Maxaa u diiday Yuusuf, inuu hadlo ama wax ka qoro Axmad Madoobe, oo ka soo doolaalay Qabri Daharre ka kor, inuu xoog ku xukumo Jubbooyinka, oo uu waliba kala qaybgalay shirkii qaswadayaasha ee Kenya ka dhacay?.

Yuusuf wuxuu ka soo jeedaa, oo ka dhashay, dadkaa uu Gaas yiri; waxaa diyaarado looga soo daabulay Muqdisho, ee dadkani miyeysan ahayn dadka deegaanka leh? Hadalka Gaas, ujeedkiisa gurracan waa reer koraad ayaa yimid Cadaado, ee Yuusuf, sidaa ma u gartay, hadduu u gartay, muxuu noogu soo gudbinayaa? Waa ayaandarro, marka dadkaaga xumaan aan jirin inta lagaaga sheego, aad haddana la dhextimaad.

Haddii lagu noolaan lahaa, xilligii xeerka, dhaqanka iyo ay shaqaynayeen axdigu, ee aan lagu jirin amminnada jaantaa roganta iyo fawdada baahsan, ee ku daaban, ilbaxnimada aan jirin, dawladnimada beenta ah iyo magaalowga mudgiga ah, hadalkaa qadafka ah, ee Yuusuf soo minguuriyey, waxaa la saari lahaa GANAAX, lagana qaadi lahaa MAGDHAW IYO XAAL.

Caasimadda dalka iyo gobollada maxaa isku milaya, aan ka ahayn, wixii ay wadaagaan ama ka dhexeeya? Ani ma garan, waxa uu ka walwalsan yahay Yuusuf. Waxaa la yaab leh, dawlad aan dhismin, golo wasiirro yeelan, wali xarun rasmi ah saldhigan, oo kaliya taagan caleemo saar madaxweyne, waxa uu intaas oo walaac ah nooga so gudbiyo. Horta bal sug ha dhisanto, oo ha shaqaysee, markaa ka dib, nala wadaag waxa kuu muuqda.

Teeda kale, sida uu Yuusuf ugu fiican yahay, inuu noogu soo tebiyo riyooyinka Gaas iyo hantaaticiisa, muxuusan noogu so gudbin, marka Axmad Madoobe, uu toddobaad ka badan u fadhiyey Garoowe, shir beelaysan, dano gurracan iyo sidii loo wiiqi lahaa maamulka curdinka ah, ee Galmudug?.

Haddaaye, wuxuu na lahaa, dadka Cadaado ku shiray waxaa diyaarado looga soo daabulay Muqdisho, oo haddi been ah iyo borobogaando, ee muxuusan u arkin ninka dhawr gobol, soo kor maray, si uu sedbursi beeleed kaliya uga shaqeeyo? Waliba, isaga oo ka yimid Qabri Daharre iyo ka kor, oo aanba deegaanka kuna dhalan una dhalan! GABLAN!

Ku darso, Yuusuf, wali wax kama qorin, maamulka Taangi ku rimiska ah, ee Shariif Sakiin, oo maalintii uu is magacaabay, ay ku naf waayeen dad badan, oo aan doonayn jujuubka Xabashida.

Yuusuf, wali wax kama qorin, maamulka Kaaraha Kenya ku kaaban, ee Kismaayo xoogga ku haysta, oo waliba baarlamaankiisii, uu laalay baarlamaanka dawladda dhexe. Intaas, wuxuu noo muujinayaa tan gobollada dhexe, oo shir xalaal ah, hoggaan doorasho iyo ku yimid xulid dhaqan.

Haddii dadka deegaanka iyo dawladda dhexe uu xiriir fiican dhexyaallo, maxaa ku jaban? Maya, sawba ma ahan, tii aan wada rabnay, si looga gudbo, aragtidii gurracneed, ee eheed; xiriirka ayaan u jarnay iyo kalsoonida ayaan kala laabannay? Haddii hoggaanka gobollada dhexe iyo hoggaanka dawladda dhexe ay yeeshaan xiriir dhaw, oo is faham, is kaashi iyo ku dhisan is garabgal, Yuusuf, maxaa gubaya? Maxaa keenaya intan oo dhiig kacsanaan? Magan.

Fisha qaybta xigta, ee qormada

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s