Heesta: Xildhibaanoow

images-1

Heesta: Xildhibaanoow

Xildhibaanoow

Xeer ku celiyiyo

Xadiis iyo diin

Xukun ma jiraa?!

Xildhibaanoow

Waad na xiijisay

Kugu xiiqnoo

Na xakaarisay

Xukuumado ride

Kalsoonida xade

Xaaraan quutoow

Xalaal ka carare

Xilka dhaamoow

Xil ma dhawroow

Xaalin diidoow

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xushmad iyo edeb

Wayska xoortee

Yaad la xeer tao?!

Xildhibaanoow

Xabsi ma gashide

Lagu ma xiree

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xagla laabtoow

Xoolo ma dhaqdoow

Ma xamaashoow

Xisaab diidoow

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xakaar badanoow

Xasaradda shide

Xinjir daadshoow

Xasuuqa hagoow

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xis madoow iyo

Xasuus laawoow

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xigto kala dile

Xigaalo dilmiye

Xasabo u daran

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xeradeennii

Waa xaraashoo

Waa la xaaraye

Xaaluf waayee

Xoog iyo itaal

Ama xeelad

Middee lagu xallin?!

Xildhibaanoow

Xamxam sheekiyo

Xanta suuqiyo

Xaqlo qayiloow

Xusul duub iyo

Xiin faniinoow

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xannib doonoow

Xornimo diidow

Xagal jabiyoow

Xisbi ma dhisoow

Xanaaq iyo burur

Xidid gooyoow

Yaad la xeer tahay?!

Xildhibaanoow

Xaasidsanidaa

Xalaal necbidaa

Xaaraan jeclidaa

MOOSHIN iyo xanaf

Xan iyo xanuun

Xumaan jeclidaa

Xarash iyo xanan

Xuurto jeclidaa!

Xildhibaanoow

Xilligii tagay

Xagaayadii hore

Wixii xalay dhacay

Ma xusuustoow

Yaad la xeer tahay?!

Horta Xalanoow

Ama Xersiyoow

Xildhibaannadu

Xadro mooyee

Xaajo ma galaan?

Xiiso mooyee

Xul ma leeyihiin?!

Xildhibaanoow

Ma xaq baa sidan

Mise waa xeer

Mise waa xugun?!

Dhammaad

15/08/2015

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s