Heesta:MOOSHIN ama MANI!

images-1

Heesta: MOOSHIN ama MANI!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba

Waa markeedii

Oo mar lagu daray.

Qarax miiniyo

Mishin qaarijin

Makiinado shidan

Mayd hadduu jirin

Mooshin baa jira

Loo malabsado

La maciinsado

Magan loo yahay!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Hashu maankiyo

Maskax qaaddaye

Ma masaarbay

Muudmuudsatay!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Haddaan midigtiyo

Afka loo marin

Malaayiin Shilin

Musuqmaasuqin

Ma maqsuudsaan

Marna ma degaan

Maanku ma xasilo.

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Waxay mar walbiyo

Maalinya habeen

Mawle ka baryaan;

MOOSHIN ama MANI!

Macbuudkeennow

Mid uun labadaa

Noo meelmari!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Marrastaan go’i

Kan madaw iyo

Mooryaannadu

Mid mid u dilaan

Maatadaan le’an

Masaakiintiyo

Inta magan xiran

Dan muraad iyo

Mudnaan u ma lahan!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Dalku waa ma leh

Waa macaash iyo

Xaraash maalina!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Baddu waa muran

Biyo maaxdii

Mariin xeebtii

Midig laga bixi!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Dadku fara maran

Waa macalluul

Mani iyo biil

Mushaar aan helin!

Hiddi hoobeey

Shuba haddi shuba.

Inta miir dhumay

Inta musuqane

Inta macangaggu

Inta mooryaan

Inta miiggane

Inta maahsane

Inta miiqane

Inta malabsade

Inta muudsade

Inta macal weyn

Inta marag xume

Inta maqal dile

Inta muuq xume

Maamule iyo

Maarayn yahay

Dawlad magacliyo

Mug awoodliyo

Maamuus QARAN

Marna ha rajayn

Xukun mabda’liyo

Garsoor maaddiyo

Qaanuun loo maro

Marna haba sugin

Marna ha ku tashan

Marna ha ka filan!

Dhammaad.

14/08/2015

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s