Bulsho farsamada iyo farxshaxanka ka fiigta!

11891053_10156003572580457_5001135474565081915_n

Bulsho farsamada iyo farxshaxanka ka fiigta!

Dunidan aan ku nool nahay, waxay ku hormartay waa, farsamo, farshaxan, halabuur, curin iwm, ee leh; fal, far iyo hadalba. Hormarka Aadanuhu gaaray waxay ku xiran tahay, hadba, sida iyo inta uu xor ka yahay maskaxda ama inta uu xor ugu yahay maankiisa, kana fogyahay waxa dib u dhigi kara ama duufsan kara.

Si loo helo, maan xor ah, waa in la helaa, nabad, negaasho, xasillooni iyo deganaasho wacan, haddii kale, mar walba, cabsida, maskax haysashada iyo in qofku uusan u madaxbannaanayn aragtidiisa, ayaa ka hor istaagaysa inuu hal abuuro ama curiyo arrimo cuddoon.

Waxaa dood laga keenay, muuqaal KACBEED loo yagleelay, in dadka lagu baro, qaab XAJINTA, ka hor, inta aysan tagin dhulka BARAKAYSAN iyo goobaha ay waajibka tahay, in XAAJI walbaa tago, si uu u guto XAJ dhammaystiran, oo aqbal ah, ajar iyo ijaabo xag Alle ayey ka ahaan karaane. 11887951_1148856965131153_8546822440251194376_n

Xarunta magaalo madaxdeenna Muqdisho laga furay, waa xarun Xajeeyda lagu tabbabaro, si ay xajka u gutaan qaabsan iyo qiyaas wacan. Wixii aadan arag ama maqal, macnaheedu ma ahan in aysan jirin, ee ha la soo boodin, waxan maanta ayaa iigu horraysa! Hore haddaadan u arag, maqal una ogayn, hadda ogaalka ku darso, maxaa yeelayey, dalal badan, oo Muslin ah, ayey ka jirtaa, oo waliba qaarkood Carab yihiin, sida Tuunis, Imaaraadka, Masar, Suudaan IWM.

Waxani waa farsamo, aqoonta iyo ogaalka dadkeenna Xajinaya, kor loogu qaadayo, ee wax ka baxsan ma jiraane, haddaa maxaa ku jaban? Ma ahan xajkii iyo xaajinnimo. Yacni, xaajadu ma ahan, tii aad maqli jirtay, ee eheed;

Xamar nin tagaa, Xaj u ma laabnee, Xaliimoow, anna Xaaji baan ahay!

In qofka la baro, waxa uu samaynayo inta uusan gudagelin, waxay qayb ka tahay, in qofku waxaa uu samayndoono, uu si fiican uga miradhaliyo, ugana guulkeeno.

U fiirso, qofka inta aan qalliin ama baaritaannada culus qaar lagu samayn, waxaa la siiyaa, buug ay ku qoran tahay, waxa ay tahay in uu sameeyo ka hor, dhexda iyo ka dib arrintaa, oo leh qatarnimada ka iman karta, qaabka dhici kara iyo qiyaasta la filan karo. Sidoo kale, ubadka, si wax loo baro, waxaa la cuskadaa qoraallo ay wehliyaan sawirro, ee haddaba, maxaa diidaya, in qofka xajka aadaya, la sii diyaarsho, inta uusan xajin ka hor?. 11887941_1148857085131141_8653762097149669842_n

Waliba ku darso, run ahaan, waa aragti casri ah iyo ilbaxnimo farsamo la gaaray, oo keenaysa in qaababka baridda la casriyeeyo! Alla, imisa ayaa Xaaji Soomaali xajiyey, asoon aqoon Xaj iyo xaalkiisa!

Is ka dhagaxtuur

Ruclo orod dheer

Habeenno la dhaxo

Wax u dheer ma leh!

Taas maanta waxaa loo helay farsamo dabooli karta, oo looga gudbi karo, in aan Xajinno anagoon aragti ka haysan. Waxaan kaliya leeyahay; waa hal abuurnimo iyo curis muhim ah. Hambalyo.

Dadka doodda iyo muranka galiyey farsamadn, waa labo qolo, oo hal isugu imaanaya ah; HORMARDIID, oo kala ah;

1- Wadaaddo col iyo collayntin la ah, wax walba oo hormar aragti ah, ee bulshadan lagu hormarinayo.

Qoladan, waxay sii kala yihiin; wahaabiyadda garabkeeda hore SHABAAB u ahaa, oo maanta aysan gacanta wax ugu jirin, doonayana, in aan bulshada u FATWOOSHADOODA laga xigsan ama looga hormarin. 11899966_1148857061797810_3974412797573654890_n

Si kale, waa rag ku jira, boos celis, maqaam dirir iyo yaan laydinka horrayn! Kuwan waxaa horboodaya, Maxamad Idriis, oo laga wada dharagsan yahay, gacantii uu ku lahaa, dagaalkii 1996/97, ee ka dhacay gobolka Gedo, ee dhallin badan ku qurbaxday. Gobolka Gedo, hadda Xabashida ayaa ka raacdeeyyey hoggaankii maamulkiisa loo igmaday.

Maxamad Idriis, wuxuu ka mid ahaa, walina ka mid yahay ITXIAADKII bulshadan u horseeday halaagga WADAADDADA WAALLIDA WADAY, ee dalkan galiyey gacan Xabashi iyo cadaw waligiiba la doonayey luggooyo! Isweydii; beladii Maxaakiimta la’aanteeda, miyaa dalkan Xabashi soo geli leheed iyo dabcan gacan haatistii xerta Xabashida? Belada Shabaab la’aanteed, miyaa dalkan Kenya soo geli leheed? GABLAN!

Maxamad Idriis, wuxuu ahaa, kii qoray “Marna ma aanan filan waxa buugga laga soo sheegay inuu qorayo Cabdi Saciid” bal u fiirsada erayga ah “LAGA SOO SHEEGAY” asoon hubsan, aqrin, arag, isha marin, gacantiisa ku qaban buug uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, ee “XADKA RIDDADA maxaa ka run ah?” ayuu xugmiyey, waa inuusan xitaa buugga kala rogin, maya, inuusan xitaa xajmiga buugga arkin, bal iska daa inuu taabtay xaashi iyo galkiise. Fudayd badanaa, oo feker xumaa!

Qaybta labadaad, waa AHLUSUNNO, oo ku nacaynaysa aragtidan ay keeneen, wadaaddo aysan isku aragti diimeed ahayn, oo kaliya ku diiddan raggaa kale ayaa horseeday ama nooga horreeyey!

2- In aan diin, daliil iyo burhaan war u hayn, ee leh, waxay ila tahay, waxaan qabaa iyo waxaan ka baqayaa.

Ugu horrayn, adigu haddii aadan wadaad ahayn ama diinta aqoon, maxaa kuu gaystay, ka hadalka arrin diimeed, ee aadan ogaal, aqool iyo aqrinteeda garanayn? Yaab.

Bulshadeenna dhibka haysta, ayaa waxaa ka mid ah, in qof walba, uu doonayo, in uu aragti ka dhiibto, wax walba oo nolol bulseedka ku xeeran, asoon u fiirinayn, waxan ma taqaan, ma baratay, ma daraasayay, ma ku takhasustay, maxaad ka gashaa, maxaad ka ogtahay, boos ma kaaga bannaan yahay iwm.

Qoladani wax walba, waxay ka dhiibataa feker, hadday tahay caafimaad, iyagaa cudurrada iyo dawooyinka uu kala sharraxaya. Hadday tahay dhisme iyo dhul cabbirid, iyagaa kuu celcelinaya. Hadday tahay siyaasad iyo sedburin, iyagaa sabaalinaya. Hadday tahay maamul iyo maarayn, iyagaa kuu meelmarinaya. Hadday tahay dhir iyo daaqsin, iyagaa dhulka kuu kala dhigdhigaya. Hadday tahay warin iyo wariyennimo, ayagaa kuu warramaya.

Hadday sooyaal, dhacdo iyo tahay wax tagayna, iyagaa kuu kala dhigdhigaya. Hadday tahay saaadaalin, odoros iyo qoyaasna, iyagaa kuu maaninaya. Hadday tahay falanqayn iyo faallana, iyagaa ku farayaraysanaya. Hadday tahay suugaan, maanso iyo hawraarna, iyagaa kuu kala haaneedinaya. Inta aan ku jiray diyaarinta qormadan, ayaan la kulmay dhacdadan, uu mudane igu qabsaday shirib, aan soo galshay FB, markaan tusaalooyin dhawr ah u keenana, waan ka waayey, in uu hal tusaale keeno, si uu aragtidiisa u xoojiyo! Wax walba yaqaan iyo wax walba oge ayey wada noqdeen. 11903891_1148857015131148_6214329903930428209_n

Dadkeennu hal abuurka farsamo iyo farshaxanka way cuuryaamiyaan, siyaabo kala duwan, waana wax la la yaabo. Siyaabahan ayey ku cuskadaan cuuryaaminta;

– Mar waa NABAS DHAWRID; oo waa tumaalnimo, Yaxar (hilible) Midgaan iwm. Intaas nasabnimo iyo waxaa loo cuskaday in ay keenaan mudnaan dilmid, ee ma fiirin, farsamada, abuurka, dhaqaalaha, wax soo saarka, isku fillaashaha, shaqada iwm.

-Mar waa wadaadnimo iyo diin, oo wax walba waa XAARAN, diintu ma qabto, sharci ma ahan, sunnada ma waafaqsana, saxabadu ma samayn, salafkii laga ma soo gaarin, iwm, oo looga gol leeyahay, yaan hore loo dhaqaaqin!

-Mar Waa dhaqan ilaalin, oo lagu leeyahay, waxani waa dhaqan dhaamid, ka hor imaanaysa hab dhaqankii awoowaysheen iyo sideey ahaan jireen. Arrintani badi waxay dhextaal beelaha isla dhashay ama halka beel, oo aragtidii soo jireenka eheed, ee laga yaabee in ay dheer tahay hirgelinteedu, in ay cuuryaamin tahay fulinteedu, in ay caajisin tahay falgelinteedu, ka sokwo, ayaan haddana, dhanna loo dhaafi karin, haddaad dhan iska dhigtana lagu leeyahay; dhaqankii beesha ayaad meel uga dhacday!

3 arrin waa in loo helaa wax xakameeya, haddii kale, hal abuur badan ayaa la dheeraa doonaa ama dhiman doona aragtidooda cuddoon iyo fekerkooda farsamo.

Si kale, u dheh. Bulshadeenna, waxyaabaha cuuryaanshay, waxaa ka mid ah, labadan, ee kala ah; XAARAAN iyo NIJAAS. Hubaal in ay jiraan, waxlo sidaa u ah asal ama noqon kara, balse, inta labadaa eray, qof ama qolo ay isbaaraysanayso hal abuuridda, curinta, farsamada, farshaxannimada iwm, waxaan hubbanti ah, in aan la gaarayn guul. 11822491_10205414966427680_9194123200666235091_n

Dad u soo taagan wax mucaarada, wax diida, haddana, aan aqoon, sida, qaabka iyo hannaanka wax loo mucaarado, wa dhib intiisa, la eg, oo ku tusaya, in aan nahay BULSHO JIRRAN, oo aan caafimaad qabin.

Fadlan faraha ha la galin, ha ku mashquulin, ha ku daalin, ha ku noogin, aragti, feker iyo cilmi aadan aqoon u lahayn, oo uga dambee, qofka yaqaan, balse, adigu dhexda ha uga dhicin, ee dhan ka joogso ama dib uga deg. Seef la boodnimo, maya! Joogso, dib u jeeso, ha jalleecin, ha jujuubin.

Qodobka ugu adag, ee dadka dareenkooda malaha kiciyey, waa dhismaha loo ekayseeyey KACBADA. Run ahaan, u ekaysintu waaba qasab, saa haddii kale, sidee dadka wax loo barayaa, maxaase loo ekaysiin lahaa? Ma mudulkaaga?. Teeda kale, la ma dhihin waa; KACBADII, ee bal cagadhigta. Ka dhig in ay ganacsi tahay, maxaa ku jaban, saw Quraankaba dhigistiisa Macallinku lacag ku ma qaato. Saw ganacsi ma ahan? Adigu magac kale u soo hel.

Dadkii iigu aragti maangalsanaa, waxay dheheen, 50sano ka dib ayaan ka baqaynnaa, in goobtaa ay noqoto meel xaj loo soo aado. Waxay is ku mashquulinayaan 50sano ka dib, halka, aysan midda maanta taagan waxba ka qaban ama ka qaban karin. Dadka malaa yacniga loo dilayo. Dadka la dulminayo, ee aan garab haysa iyo gargaar. Sidoo kale, kuwa iigu aragti liitay, waa kuwa, dhacdada dabada u galshay SHIICO! Magan.

Qoraalka waxaan ku soo xirayaa, guuroygii Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow Alle ha naxariistee, oo magaciisu ahaa: “FARSHAXAN” meerisyo ka mid ah, waana sidan:

Fa’dii Gabayga waayaha dhawaa, wayska faasaxaye

In kastoo fallaar lay sawiray, wayska feer maraye

Fanka hoobalkiisii ma noqon, faansanaan jiraye

Cidna facalul khayr uma samayn, ficilyo qawlkiiye

Intaan faraha ciidda u gashaday, faalkii maan dhigine

Firdi iima bixin, fooxa waa lagu hagoogtaaye

Falaggiyo xiddigihii ma dhugan, fiidaddawyadiiye

Fiintina ma ciyin fooridina, layma maqashiine

Anigoo aleeshii firdhiyey, soo ma faalaline

Meesha ay ku sii foorartee, foodda loo geliyey

Mar haddaan farshaxankoodi jirin, waa fashilantaaye.

Mar haddii aan fakaday waa inaan, faallo bixiyaaye

Alla faxana foolxumada waa, laga ducaystaaye

Faruuryahu waxay ku hadlayaan, waw fac tiriyaaye

Farsamada hiddaha waa inaan, fooska ka hadlaaye

Oon farshaxanka Soomaaliyeed, wax u faquuqaaye

Hadba waxii filroonbaa indhaha, lagu fayiigaahe

Falkan quruxsan dumarkeennu, waa farasamayn jiraye

Geed mayrax laga fiiqo iyo, feerashada cawga

Aqal faraqya weyn iyo aroos, fiidkii lagu hooyo

Firaashkiyo wixii gogola, ways kaga fillaayeen

Waayihii fogaa iyo haddaan, faylka dib u raaco

In farshaxanku taariikh u yahay, faciyo jiirkiinne

Caynigaa la fila baa murtidii, furfuraydaahe.

Mar haddaan farshaxan jirin, fandhaal dheri ma yeesheene

Farsmada harkuhu hawla badan, ku ma filnaateene

Furun iliindi saarana, faqiir ku ma xarshaasheene

Fallaartaba haddaan geed birlaba, foodda loo gelinin

Ninkii fool Libaax kala hor tegay, guul ma filayeene

Farku fiiqa faallada xantuna, way fajacidaahee

Inaad ficilya qawlba xaqirtaan, ka ma fogaataane

Farsamada gacmuhu saw waxaan, laga fursayn maaha

Nimaan firirna daawaynin baad, filley u taagtaane

Maraakiibta sii foorartee, firindigleeynaysa

Diyaaraadka faantoomka iyo, filiqa neebaalka

Maan farshaxanka lagu dhiirrigelin, filaba maydaane

Hadba qoladii fahamtaa cilmiga, wax uga faa’iidda!

Guurowgii: FARSHAXAN

Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow.

Guurowga oo dhan, halkan ka dhagaysta.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s