Tahriib mise Tubqaad?

11948191_952645771445293_299460300_n

Tahriib mise Tubqaad?

Erayga TAHRIIB, aniga GEF ayuu i la yahay, ee bal si kale ha loo xeeriyo toloow. Way jirtay amminno aan adeegsan jiray, suugaan iyo qoraalna ku cabbiray, haddana, anigu waan ka diday, ka diiday, kana degarogtay arrimo dhawr ah awgeed;

– In eraygu yahay shisheeye, af kale naga soo galay, haddana, qaabka aan anagu u adeegsanno aan loogu cabbirin afkii uu asalka ku ahaa.

– In erayga lagu tilmaamo, oo kali ah, walxaha iyo badeecadaha, aan sharciga ahayn, ee loo yaqaan koontarabaan. Haddaba, sidee, qof nool iyo Aadane, oo waliba, nolol iyo nabad raadis ah, loogu suntay tilmaamtaa? Iga degi waysay, ee i deeqsii fadlan.

– Dabcan, anoo garan kara, lana qaadan kara, muujinta dhibka, qatarta iyo foolxumada falkaa leeyahay, haddana, mar walba, waxaa hor istaagaya, macnaha erayga iyo adeegsiga afka.

Marka ma waxaan ku deynnaa, adeegsiga eraygii hore, ee TAHRIIB, mise, waxaan u raadinnaa, baarnaa, eray iyo erayo kale, oo aragtida muujin kara, aanna bahdil iyo ahayn bi’in Aadane? Ani ahaan, tan dambe ayaan qaatay, waana isku dayey, ee bal ila fiirsha, iyada oo u furan qof walba, oo wax ku biirin kara.

Marka aad fiiriso, afafka qalaad, ee la tilmaamayo, qof si aan sharci ahayn ku galay dal uusan u dhalan, waxaa afkeenna ugu dhaw, waa; “XEROTARAAR” oo soomaali dhalad ah eh, ahna erayga si dhab ah, u ifinaya macnaha falkaa. Sidoo kale, waxaa, la adeegsan karaa, “DHULYAAL” waa eray af Soomaali ah, oo tilmaamaya, socdaal dheer, oo aan lahayn meel la yaqaan, oo ku soo afjarmo.

Waayadii hore, waxaa dhici jirtay intaan saancaddaaluhu iman dalka, in qofku hadduu nolol, qancasi ama ka waayo sal deegaankiisa, uu jiho afka iska saaro, ilaa uu ka helo meel ay naftiisa ku xasisho. U fiiri maanta, socdaalka dheer, ee loogu hayaamayo Yurub, waa mid la mid ah kaa.

Sawirka idiin muuqda, waa laba heer oo kala fog, laba qawmiyad iyo qaarad ama ka badanba, balse, isku ujeed iyo aragti ah, isku han iyo himilo ah, isku hadaf iyo hiraal ah.

Kan hore ama kore, waa Talyaani ka haajiray (hangagaaray) dalkooda, ku dhawaad qarni ka hor, una huleelay qaaradaha Amerika iyo Yurub, siiba; Jarmal, Awsteriya, Faranja IDK.

Halka sawirka hoose ama dambe, uu yahay Afrikaan (Soomaali ku jirto) iyo Aasiyaan, ka soo hayaamay dhulkoodii, una soo dhulyaaley Yurub, oo uu ugu horreeyo Talyaani.

Waayuhu Alla maxay isbadalayaan! Marka Talyaanigu dhoofka iyo dhalandhoolka ku jiray, wirirka iyo guurada la wareegayey, dadka maanta hayaanka iyo hawaawirka ku socda, waxay haysteen dhul nabaddoon, haba dhuuni yaraadaane, maantase labadii ama mid baa maqan ama waa wada maqan yihiin ama waa yar yihiin. Dalalkii colaado, dirirro, dagaallo iyo holac ayaa ka baxaya, ay horseed ka yihiin kuwa loo hayaamayo iyo hanfade halaag huriye ah, halka, dadkii ay gaajo, abaaro, dacdarro, daryeel la’aan iyo ay la soo deristay diif iyo daacuunno.

Socodka iyo saanqaadka san ku neefle Aadane ma hakanayo, oo waxaa wada han iyo himilo, ay dabada ka riixayaan dhuuni iyo dhaqaale doon (nolol raadin) ama xasil iyo xurmo doonis (nabad iyo negi doon).

Waa wax aan dhacayn marna, inta labadaa baahi jiraan, inuu joogsado ama la joojiyo guurguurka Aadanaha, balse, waa suuragal in la hakiyo ama la yareeyo xilliyo go’an.

Yaraynta ama hakintu kaliya ku ma iman karto xoog iyo xabbad, sida doodda Yurub ay u badatay sanadihii na dhaafay ama hadda u ahba sees iyo saldhig siyaasadeed, ee waa in lagu xalliyaa joojinta colaadaha, daminta dabka, dagaallada iyo dirirta, ka hortagista wax walba, oo keeni kara qalalaase, qas iyo qulubqulub ay ka dhashaan qax iyo qaxooti, qulqul dad iyo qaran guur.

Waxaa jirta hees uu ku luuqeeyo fannaanka Axmed Cali cigaal, oo aanan xasuusan abwaanka curiyey, oo ahayd:

Sawtii nebigu yiri

Haddaad nolosha qawaddaan

Nabadgala ee Haajira!”

Anaga Soomaali ahaan, waxaan dhibkan la kowsannay burburkii dawladddii ka dib, ka hor, hijro iska daaye, xitaa waa nagu yareed, safar dibadda ah iyo socdaal dal kale. Alla yareydaa inta dibad u safartay, ee dalmareen ah iyo dad yaqaan. Caadi ahaan, waxaa dibadaha u socdaali jiray, saddaxdan qayb, ee kala ah;

– Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin ka shaqaynayey danjirayaashannii ku baahsanaa dunida.

– Arday u aadi jirtay dibadda, waxbarasho shibil iyo ciidanba leh, si ay koorsooyin iyo tababarro ugu soo qaataan waddammada ay tagi jireen, oo dalka ugu soo laabtaan, iyagoo aqoon iyo aqool leh.

– Ganacsato, u bixi jirtay, in ay badeeco dalka ka qaadaan ama keenaan; dhiifin iyo soo dejin.

In kasta oo ay jirtay dhibka helista baasaboorka, oo aysan fududayn, in qof walba, uu baasaboorka helo, haddana, dadka heli jiray, waxy aadi jireen dhawr waddan oo xiriir dhaqaale, aqoon iyo naga dhaxaysay isdhexgal, sida Talyaaniga, Yemen, Masar iyo Sucuudi, oo sanadihii dambe lagu dumay, ahna, halka laga keenay, magaca Xaajiyo Khamsiin.

Kenyadan hadda derbiga iyo xeyndaabka naga oodanaysa, inay jirtay iyo in kale lama ogayn, Itoobiyana warkeed haba sheegin, oo colaadda dhaqan, siyaasad iyo maamul, ee naga dhaxaysay, ka sokow, haddana, wax yaallay, haysay ama loogu doolaalo ma jirin!

Hadda, colaadda sokeeye iyo faragelinta dariska iyo dunida ka dib, labadaa dal, waxay sal u noqdeen dad badan, oo Soomaaliyeed, ee ka soo cararay xabadda iyo xaaladda xun, ee uu dalkii galay, walina ku jiro, aanna la aqoon ammin laga baxayo.

Tegidda waddamadaa, waxay noqotay “labo daran mid dooro” iyo huri weyto; dil iyo dirir u joog dalka dhexdiisa ama dalalkaa aad, oo dullinnimo dahsoon iyo diir nacayb u bareer, in kasta oo ay kala roon yihiin, haddana, mar walba, waa ka duwan yihiin dalalka kale, ee aan u hayaannay, een deegaanka, qaxootiga iyo maganta ku nahay.

Sidoo kale, dalalka Yurub, ee maanta hadafka iyo yoolka ugu weyn noo noqday, sidaa cidna uma danayn jirin, saa baahiba noo ma hayne.

Hadda oo baahi qullatayn dhaaftay jirto, oo burbur dhan walba ah na gaaray, haba ugu horreeyo kan qofnimada iyo dadnimadee, sidee kula tahay in loo joojin karo, socod markii hore aan jaan lahayn?.

Ani ahaan, anoon qodobkan si guud uga hadlayn, waxaa lagu hakin karaa ama lagu yarayn karaa; nabad iyo xasillooni, amni iyo ammaan, negi iyo fadhi, ay wehliso shaqo iyo dhaqaale. Haddaan labadaa dalka ka jirin, oo shaqo la’aanta iyo mushaar xumada ay dheer tahay, goorma ayaad dhiman, xabbadi kugu dhici ama lagu dili, waa hubaal, inaan la hakin karin socodka caynkaa ah.

Ku darso, marka hantida dawladda la boobo, maalka dadweynahana la musuqo, nololxumada ka sokow, qofka halkaa joogaa, haddii uu go’aansaday inuu iska hayaamo, in la dhahaa waa TAHRIIBAY ilama qurux badna, walina dhibkii ammaanka, ayaanxumida iyo aayo la’aantu ay jirto.

Marka intaan “XEROTARAAR” la joojin, la hakin ama la yarayn, fadlan kan ama kuwan ha la joojiyo, oo ah gafanayasha ka daran ma gafaha Libya fadhiya, waa inta jidkaa soo martee.

Waa la yaab, inta gunta laga garab wareego, waxa loo guulguulayo gabanno gunno iyo guridoon ah, haddana, aan guddoon iyo gar midna ku gaboodfalin, bal iyaga guudkooda iyo gaarkooda lagu xadgudbo. Ogi, in ay jiraan, kuwo aan dhib badan soo wadin, haddana, in lagu geddiyaa inta kale, waa gardarro. Haddaba, Tahriib mise Tubqaad? Tahriib mise XEROTARAAR”?.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s