Ahlusonnooy: EHEB dabadeed ISLAANNIMO ma taal!

11999946_10200875078035350_492518162_n

Ahlusonnooy: EHEB dabadeed ISLAANNIMO ma taal!

Jabhadihii dalka soo galay, ka dib rididdii kaligi taliye MSBarre (Aabbaha burburka Soomaaliya) ayaa shir walba, oo ay tagaan, waxay diidijireen, in ay qayb ka noqdaan, bulshada inteeda kale, sida; ururrada bulshada, odoyada dhaqanka aqoonyahannada iwm, iyaga oo ku andacooda, in rididda rajiimkii ay iyagu u soo jabhadeeyeen, dhul u shiheeye u tageen, kaadina u soo cabeen, sidaana, aysan suuragal ahayn, in ay ku dheefsadaan qolo aan u dhibtoon.

Markii jabhadaha ay ka feerdillaaceen qabqablayaashii dagaalka iyo hoggaamiye kooxeedyadii, ayaa iyaguna, waxaa hal hays u ahaa, erayga; “LOO MA DHAMMA!” iyo na laga ma qaybgelin, oo aysan is ku dayijirin, in ay la falgalaan wixii qabsoomay, horena u sii riixaan, ee waxay ku ahaayeen caqabad, ay ku hor istaagaan, maadaama aan laga qaybgelin, kana mid ahayn, saxiixayaashii.

Gadaashood waxaa yimid wadaaddadii waallidu wadday, ee Midowgii Maxkamadaha, ka dibna u xuubsiibtay Alshabab, oo ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 7gobol, noqdayna cudud aan la iska indhatirikarin, ayaa lagu qasbay xertii Xabashida, oo ku midaysnaa dawladdii dalladdii qabqablayaasha, ee ay horjeege ka ahaayeen C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi, in ay wadahal la furaan, labo kulan ka dib, ayey la soo shirtageen, in dalka laga saaro 200 skari, oo Xabashi ahaa iyo shuruudo kale, oo aan la fulin karn, heer uu wariyihii Aljazeera, ee shirka ka soo hadlayey yiri; waxa ay wataan cidna ma fulin karto!

Ogoow, marka ay shuruudahaa la imaanayaan, waxaa loo oggolaa, awoodqaybsi siyaasadeed, oo wasiirka koowaad iyo ka la bar wasiirrada ayey qaadan lahaayeen. 200 oo askari ayey dacwo ka ahaayeen, maanta imisa Xabashi ah ayaa dalka ku jirta, ciidan, rayid iyo sirdoonba? Tiro ma leh. Intay ka didsanaayeen, iyo inta ay noo soo jiideen ayamaa badan? DOQONNIMO waa taa oo kale, macne kale, ha u raadin! Xaqii iyo xeerkii waxay garteen labo sano oo xasuuq ah ka dib, oo ay awood qaybsigii shalay ay diideen aqbaleen, ayna ku qaateen shirkii Jabuuti, ee Sheekh Shariif lagu doortay! MAGAN!

Ujeedka qoraalka u imaaw. Sunno, waxay gobollada dhexe ka dagaalaysay 8sano ku dhawaad, oo ay dirir ku la jirtay, kooxda sare aan ku soo xusnay, ee sababta u eheed, in dalka ay Xabashi qabsadaan xasuuqna ka gaystan. 8sano, maamul muuqda, maarayn maamuusan, magac mug leh iyo maqaam muran ka dhan midna laga ma dhaxlin.

Is weydii; imisa mar ayey ka la falliirantay Sunno? Meeqo mar ayey Xabashidu u ka la dabqaadday, oo heshiis dhexdhigtay? Ogoow, waa Sheekhyo Aayado Quraan, Axaadiis Anbi, Siiro Rasuul iyo Fadli aqrinaya saacad walba, haddana, waa kaas Xabashi, oo ah cadawga koowad, labaad iyo saddaxaad ee Soomaali, u doontay dhexdhexaadin iyo wada hadalsiin. Caku!

Waxay wareegtaba, labo mar ayey wasiirka arrimaha gudaha heleen, sidoo kale xildhibaannada beesha ay hadda haystaan deegaankooda ku soo galeen, laga ma dhaxlin natiijo iyo naruuro. Uga ma faa’iidayn, in ay gobollada dhexe maamul u dhisaan, haddana, markii dalwaddan Xasan timid, ee la isku dayey in maamul loo midaysan yahay la dhiso, haba la soo daaheen iyagubee, ayey waxay noqdeen laf dhuun gashay iyo Riibi geed ma daaqo, laga mana daaqo! Maamul dhisi waaye, in la dhisana ma rabaan! Xaggee loo raacaa marka?.

Mar ayaa dagaal dhacay, in kasta, oo ay heshiis xabbaadjoojin la galeen, haddana, intii uu socday shirkii maamul u samaynta gobollada dhexe, ee Cadaado ka socday, ayey dib u qabsadeen labada magaalo ee kala ah; Guri Ceel iyo Dusmo reeb, oo heshiisku ahaa, in aan labada ciidanba la keenin, is ka daa dagaale!

Awoodqaybsiga iyo maamulwadaaggu wuxuu ku dhashay dhalyo iyo dhiig, ee ma ahayn urur, siyaasad iyo deegaan degid, haddana, sidaa oy tahay, Sunno, waxaa loo qoondeeyey, in ay qaataan 10xildhibaan, oo aan qabiillada ku imaanayn, ee iyaga lagu maamusayo, halka wasiirrada laga siindoono qayblixaad. Ma aqbalin, ee waa iska diideen.

Labo xujo ayey qiil ka dhigtaan, oo ka la ha; deegaankaan, anagaa u dagaallannay, una soo jihaadnay, dhiig nooga daatay, wiilalna nooga dhigteen! Erayadan wax ma ku xasuusinayaan? Haa, waa is la erayadii, ay ku doodijireen Jabhaduhu, oo aan biyo la marin. Sooyaalka wax ku ma qaadan, waaqicana waxba ka ma baran.

Nin siyaasi ahaa, ayaa waxaa wareeriyey qoyihii jabhadaha ahaa, oo mar walba oo ay wada hadlaan, ku celcelin jirey; “kaadi ayaan u soo cabnay” markaa ayuu ku yiri; “War idinku kaadi baad ka hadlaysaane, anaga waa na loo faraxumeeyey!” asoo u la jeeday, in uu 20 sano ku dhawaad xabsi ku xirnaa. Hadda, Sunno, waxba yeysan xuurto nagu qabsan, saa qof aan Shabaab la dagaalin, oo deegaankaas ka soo jeeda ma jiree, qof walba iyo karaankiise.

Tan kale waxay tahay, damjadiid ayaa maamulka cusub ku shubtay, sidaa awgeed, la ma shaqaynayno! War shalay, markii aad wasiirka arrimaha gudaha eheed, maxaadan inta maamul u dhisto, aadan u noqon madaxweyne? Ka hor, intii aysanba waxan imaan, maxaadan maamul adag iyo unug xiran u yeelan, si aysan maanta sidan oo kale kuugu dhicin? Hah!

Maanta shalay ma ahan, ROADMAPKII ma jiro, waxaa shaqeeya waa NEW DEAL, qofkii, qoladii, deegaankii iyo dawlad goboleedkii aan ku jiirn, waxba ku ma lahan, dawladda dhexe, dunida iyo dariskaba, haddaba, riyada iyo riwaayadda ay Dusmo reeb, oo dunidu u aqoonsan tahay, in ay tahay caasimadda iyo xarunta maamulka Galmudug, sidee ay rabaan, in ay ku sii haystaan? Ku darso, 3 bil ayaa loo qabtay madaxda Galmudug, in ay ugu wareegaan Dusmo reeb, haddii kale, ay noqon, in magaalo kale la maalgalsho.

Inyow, diiday, loo ma dhamma, anaa kadi u soo cabay, dhiig baa iiga daatay, la iga la ma tashan iwm waqtigoodii waa la soo dhaafay, oo way jirtay, xilli bulshada iyo deegaannada Soomaali ay dad ugu afduubnaayeen, maantase ma shaqaynayso, maxaa yeelay, higsiga 2016ka iyo sida ay Sunno u dhaqmee, liddi ayey isku yihiin, sidaa awgeed, loo joojin maayee, maa caqli kale keenaan?.

Xasuuso, shirkii New dealka ku saabsanaa, ee Muqdisho ka dhacay bishii 7aad, ee ay ka maqnaayeen labada maamul, ee qabyaaladda iyo qabiilka isku bahaystay, in aan loo joojin, oo aan la sugin, shirkana loo baajin. Maamullo dhisan, oo aqoosni dawladeed iyo mid duniba haysta, ayaa marka ay sheeko gaar ah la yimaadeen, oo aan soconayn laga gudbaye, Sunno, oo hal degmo iyo dhawr tuulo xoog ku haysata, sidee ayey rabtaa, in ay ku sii jirto? Anigu ma garan.

Haddii aysan Sunno aragtidan gurracan iyo go’aankan aan guddoonka lahayn badalin, waxaa imandoona, waa dagaal iyo dirir, ee yey dani ugu jirtaa, ma beesha ay deegaankooda haystaan, oo marrastoodu ku dhammaan doonto, mise, iyaga Sunno ah? Midda kale, awood qaybsiga waxaa ka mid ahaa caasimadda, oo la isku raacay in Dusmo reeb laga dhigo, haddaba, sidee beesha degtaa ku aqbalee, Sunno ha sii haystao, maadama ay imaanee, in laga wareejiyo, oo magaalo kale laga dhigidoono caasimadda?.

Ma ahan, in uu jiro, qof, qolo ama qabiil dagaal xiiso gaar ah u qaba, balse, marka hannaanka dawladaynta gobollada dhexe ay hor istaagaan koox iyo urur, maxaad filan kartaa? Ka sokow, si walba la isugu dayey, in xal laga helo, oo awoodqaybsiga ay qayb ka noqdaan.

Dagaalku mar buu dawo noqdaa, waa marka maaro loo waayo gedda ama qolada la doonayo in nabad la la qaato iyo wada noolaasho. Wuxuu xal u noqonaa, xaqna ka dhigaya waxa waaye, sidii shalay Alshabaab, si wadajir ah la isaga saaray, ee dagaal loogu qaaday, oo diiddaneed wadanoolasho iyo in deegaanka nabad lagu wadajooga, si guudna loo la dagaalay, wiilasha ku dhimantana, ay u badnaayeen beesha Dusmo reeb iyo Guri Ceel, maxaa maantana diidaya, in mar kale dagaal la la galo Sunno, iyada oo ujeedku yahay, in deegaanka la dawladaynayo, maamul iyo maaraynna laga hirgalinayo, la lana dagaalayo, fallaago diiddan dawladinamada? Si fiican isugu fiiri labada is barbardhig, adoon iga fiigin.

Qaaciddo ayaa leh; “Wixii xoog lagaaga qaato, xoog ayaa lagu soo ceshtaa” mid kale baa leh; “Nabad aan dagaal ka horrayn, ma hirgasho!”.

Marka si aan qiilasha sare, qodobbada ku xusan iyo qaaciddooyinkaa loogu dabbaqin gobollada dhexe, gaar ahaan Dusmo reeb iyo deegaannada kale, ee ay Sunno xoogga ku haysato, waxaa u furan lana gudboon, in ay la timaad bisayl, dabacsanaan dheeraad ah, furfurraan iyo aqbalaad awood qaybsi, haddii kale, waxaa u dambayndoonta halkii Maxkamadaha u dambaysay iyo ka daran.

Inta aad awoodda leedahay, ayuu wadahadalku qiimo kuu leeyahay iyo nuxur, haddiise aad liicdo ama lagu salrujiyo, hubbanti, in aad noqon caldhar iyo cudud la’aan. Ka soo qaad Xasan Daahir Aways, asoo itaal leh, xoog iyo xisbi leh, ayaa laga waayey, war kaalay nabadda wax ka aqaado, haddana, waa kaa maanta xabsi daa’inka aan maxkamadi ku xukumin ku ilma dhalaya! Inkaar ka weyn ma jirtaa! Isagu waliba wuxuuba kuwo badan uga fiican yahay, waa nin qaddiyad leh, haba qallocnaaatee, ee inta qaylada iyo quudka ku nool ayaa ka badan.

Kaba dhig, in ay tahay sida ay ku doodaan, oo ah, in Xasan iyo xertiisu ku shubteen, ee wada qaadanayan gobolka dhan, marka haddii ay wadaaddo xalaal ah yihiin, ee aysan xil iyo xoolo rabin, maxaa u diiddan samir in ay qaataan, tanaasul muujiyaan iyo u damqashada maatadan? Diin, dhaqan iyo dadnimo waa taas, wixii ka soo hara, waa qabqablayn iyo macangagnimo! Haddaba, beesha Dusmo reeb iyo Guri Ceel, laba mid ayaa looga fadhiyaa, in ay kala doortaan, oo kala ah:

  • In ay URUR noqdaan, qof walba geli karo, oo dadka dhan u furan.
  • In ay BEEL noqdaan, ah DHALYO iyo DHEECAAN wadaag ah.

La ye; “Bisayl iyo ciiriin, wixii ka dhexeeyaa, waa yacyacood!: marka labadaa wixii ka baxsan, waa jiritaan la’aan iyo jujuub ku noolaasho, oo sooyaalku mar kale ku soo celinayo, oo Abwaan Carroole Maxamad Kali, waa kii ku calaalay, markuu arkay in mooryaantii iyo diiratadii loo yaqaannay “ULALLEYDA”EE qabqable iyo hoggaamiye kooxeed Cali Yuusuf Keenadiid, oo Talyaaniga qabbaanka iyo qaadunka u ahaa, ay dhib badan iyo dhac ka gaysteen deegaannada Gobollada Dhexe ayaa Abwaan Carroole sidan ku cataabay:

Toloow geeri waa loo dhashaa, inan go’aa ii eg

Garkoon xiiro, guudkoon tidciyo, gabarnimaa ii eg

Geel iguma fiicnee inaan, Garo dhaqdaa ii eg

Gaashaanka iyo labada waran, inan gubaa ii eg

Guska iyo xaniinyaha, inaaban gooyaa ii eg

Goobtii rag joogaba inaan, garab maraa ii eg

Gosha webiga, geedaba ku yaal, inaan galaa ii eg!

Alla maanta maxaa badan, inta gabar iyo wiil erayo caynkaa ah ama u dhigma leh, ee afka ka dhawraya ama dareen celis ku ah. Abwaan Carroole Kali, waa kii marna lahaa: 

“Raqda kii i dhigay iyo kii la yiri; reerka orod caymi

Iyo dhagarqabaha haatan soo rucleyn, IIMA KALA ROONA!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s