Heesta: Maxaan ku ciidaa?!

maxaan ku ciida bashir

Heesta: Maxaan ku ciidaa?!

Maxaan ku ciidaa
Maxaan ka ciidaa
Maxaan la ciidaa
Sideen u ciidaa
A yaan la ciidaa?.

Waxaan ku ciiday
Caloolxumooyin
Cirib go’aysa
Dad caarinaya
Dal cidlo noqday
Cadcad u qaybsan
Cirroole waayeel
Carruur ma dhawrno
Carmalka dhooban
Calaf ma siinno
Coodna u diidnay
Xinya caraadin
Caro ku dilnay
Cisi illownay
Cudud dhantaalnay
Caqli daboolnay
Carro xaraashnay
Ciidna ku darnee
Maxaan ku ciidaa
Maxaan ka ciidaa
Maxaan la ciidaa
Sideen u ciidaa
Ayaan la ciidaa?.

Col aan dhammaanin
Ciidan dakaysan
Cadaw walaal ah
Cabsi ku joogga
Ciriqa aano
Cir bixin dakano
Cuqdadda taagan
Beelo is caaya
Cillad abuuran
Caabuqa beeran
Cartan dagaalka
Dirir u cararka
Carun la daadsho
Cuqaal biraynta
Canug la aaso
Curad la duugo
Gablanka Caasho
Asaayda Cufan
Ninkaa ku ciiday
Miyaan la ciidaa
La cid ahaadaa?
Maxaan ku ciidaa
Maxaan ka ciidaa
Maxaan la ciidaa
Sideen u ciidaa
Ayaan la ciidaa?.

Qabiil cidaysan
Qabiil caraysan
Maamul carraysan
Dawlad caqiima
Hoggaamin caalle
Horseed cabtooya
Caldhar hormuuda
Madax Carfiid ah
Curri wasiirro ah
Agaasin ciif leh
Guddoon carsaanyo
Ninkaa ku ciiday
Miyaan la ciidaa
La cid ahaadaa?
Ayaan la ciidaa?.

Ciddi ku dhiigle
Caqli ku dhiigle
Cabbir ku dhiigle
Curin ku dhiigle
Carrab ku dhiigle
Cimaamad dhiigle
Cilmi ku dhiigle
Cimri ku dhiigle
Calaf ku dhiigle
Cagaf ku dhiigle
Cirro ku dhiigle
Calool ku dhiigle
Codeyn ku dhiigle
Caddayn ku dhiigle
Cudud ku dhiigle
Calal ku dhiigle
Cagaar ku dhiigle
Calaacal dhiigle
Caman ku dhiigle
Ninkaa la ciiday
Miyaan la ciidaa
La cid ahaadaa?
Maxaan ku ciidaa
Maxaan ka ciidaa
Maxaan la ciidaa
Sideen u ciidaa
A yaan la ciidaa?.

Nin cidlo jooga
Ciirsila’ taagan
Ma ciido ciide
Maxaan ka ciidaa?!
Nin caadequuta
Carbuun u qaatay
Bad iyo ciidba
Waxay ciddiisu
Carraba haysay
Ma ciido ciide
Maxaan ka ciidaa?!
Nin is cambaaray
Calaf u yeelan
Cisiyo sharaf
Ma ciido ciide
Maxaan ka ciidaa?!

Calaacalkayga
Ciddii maqlaysa
A yaan coddheeri
Ugu cataabay
In ay na caynshaan
Na caawiyaanoo
Na cadqabtaanoo
Dib noo celshaanoo
Caddo na geeyaan
Dhabbaha kii cad
Nagu carraabshaan!
Markaasey ciiddu
Ahaane ciide.

In ay cuddoon tahay
Carrafo ay tahay
Ma saarro caade
Maxaan ku ciidaa
Maxaan ka ciidaa
Maxaan la ciidaa
Sideen u ciidaa
A yaan la ciidaa?.

Intayba ciiddu
Sidaan ku ciida
Tahayba ciiddu
Inaanan ciidin
A yaan codkeyga
Curinta suugaan
Ku carrabaabay!

Dhammaad.
24/09/2015

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s