Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?!

Concept internet communication

Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?!

Horumarka baaxadda wayn, ee maanta ay dunidu ku tallaabsatay iyo horukaca ballaaran, ee uu gaaray caalamku, kuna sugan yahay xilligan, waa mid aad u wayn aanna ku soo dhicin dadkii naga horreeyey maankooda inay ku fekeraan iska daaye, waxaaba laga yabaa inaysan rumaysnayn inay ku iman karto isbedel noocaan ah caalamka .

Horumarkaa oo meelo kala duwan si qoto dheer u saameeyey sal iyo baarna taabtay, isbadallo la yaab lehna ku yimaadeen hab nololeedka noolaha guud ahaan gaar ahaan bani Aadamka, maadama uu Ilaahay aad u karaameeyey kana fadilay makhluuqaadka fara badan ee uu abuuray sida ku cad ayadda ku jirta suratu Al-isra nabarkeduna yahay (70).

Haddii marka aan usoo laabto ujeeddada maqaalka, sida cinwaanka ka muuqata waxaan wax ka iftiimin doonaa feker beeleedka, oo adeegsanaya qalabka warbaahinta iyo hurinta colaadaha.

Web-kuna wuxuu ka mid yahay horumarradaas aan soo sheegnay, gaar ahaan dhanka war isgaarsiinta, tabinta fikradaha ra’yiyada iyo guud ahaan qalabka war baahineed, oo ay ka mid yihiin TV-iiga, Idaacadaha Wargaysyada Web-ebka IWM.

Haddaba markii ay soo shaacbaxday adeegsiga websate-yada horrantii sagaashamaadkii si baaxad lehna ay isticmaalkiisu ugu baahay kuna faafay adduun waynaha dabayaaqadii qarnigii tagay, ee aan soo dhaafnay, waxaa aad loola yaabay kacaanka macluumaatigaa ee adduunku gaaray, taasina waxay qayb ka tahay globalization-ka ama sida ay dadka qaar yiraahdeen (carro edegayn ) oo macnaheedu yahay adduunka oo laga dhigo hal tuulo ama hal qol oo kale.

Haddaba qalabka warbaahinta ee aan soo sheegnay uuna ka mid yahay web-ku, waxaan dhihi karnaa waa middi ama seef laba af leh, dhankii loo adeegsadana wax u jarayso, loona isticmaali karo labo qaab oo aad u kala fog kalana horjeeda.

Haddaba Soomaalidu waxay qayb ka noqotay bahwaynta dunida ee sida saa’idkaa u adeegsata web-ebka adduunka, waxanna dhihi karnaa wayba uga dheereeyeen isticmaalka web-ebka dunida saddaxaad ama dowladaha soo koraya, gaar ahaan qaaradda Afrika ee ay Soomaalidu ka deggen yihiin geeskeeda bari, sida lagu sheegay tirakoob qabyo ah oon la dhamays tirin: “in ay Soomaalidu tahay dalalka Afrika dalka ugu adeegsiga badan web-ebka” taasina waa mid aad loogu farxo, dhiirra galinna u ah bulshawaynta Soomaaleed oo lagu tilmaami dad aan qorista iyo diiwaan galinta sidaa ugu sii caga badnayn, maadama afkooda la qoray muddo aan siidaa usii fogayn, taasina waxaa la dhihi karaa waxay billow fiican u noqon kartaa baahidda hiwaayadda qorista ama ka dhaqan yeelashada qalin maalka, sidoo kale waxay dhiirra galin ku abuuraysaa bahda wax qorta, si ay usii labalaabaan dadaalkooda, xoogana u saaraan ku boorinta dadwaynaha qorista iyo jeclaynsiintoodaba.

Farxaddaa iyo rajadaa wanaagsan waxaa barbar socda bal aanna dhihi karno wuu ku lifaaqan yahay tiiranyo iyo calool xumo markii ay web-ebkii noqdeen web-eb beeleedyo ku hodlaya afka beesha howlna ka dhigtay fidinka qabyaaladda ayna xil wayn  iska saareen cabsi galinta iyo argagax galinta.

Haddaba waxaa wax aad looga xumaado ah inay web-ebkii shaqo ka dhigtaan hurinta colaadaha iyo afuufka dab-naareedka, sida aan wada ognahay maalmahaan waxaa waxaa cirka isku sii shareeraya cabsi galintii ay web-eb beeleedyadu ku hayeen shacabka Soomaaliyeed iyo kicinta iyo soo noolaynta colaadihii soo daashaday umadda ee ugu xumaa uguna qasaaraha badnaa ee ahaa dagaalladii sokeeye iyo iska hor imaad  beeleedyadii, taas oo aan u baahnayn in sidaa loogu sii dheeraado, maadama laga wada dharagsan yahay lana wada oghay.

Waxaa rajo beel iyo quus ah in web-ebkii aan looga faa’iidaysan dhankii wanaagsanaa, sida fidinta nabadda, baahinta xaqiiqada, tebinta fekerka suubban, ka hor tagga colaadaha iwm, balse, waxaa looga faa’iidaystay dhankii xumaa ee gurracnaa, sida faafinta beenta, borobogandada, kicinta iyo hurinta colaadaha, soo noolaynta difeetooyinka iyo xur gufuhii horay u dhex maray beelaha, qalalaasa abuurka iyo qulqulatooyin taageerka, sidaanna web-ebku waxay ku bedeleen booskii Oday-colaad, ayna la wareegeen shaqadiisii ahayd ku howlanaanta hurinta colaadaha, dagaallada iyo qulqulatooyinka, isgoo soo abaabula iskuna dubarida dagaallada, soona diyaarsha saanadda iyo agabka colkaa uu u baahan yahy, sidoo kale, wuxuu soo diyaarshaa qalabka lagu dagaal gali lahaa iyo wixii aan dagaal looga maarmin.

Taaba waxaa ka sii daran kana sii xun, marka ay beelaha qaar magacoodii ula bexeen web-kii, taas oo ku tusaysa sida ay qabyaaladdu lafaha gashay uguna shaqaynayso dhiiggooda ulana fal gashay hab fekerkoda ha ahaadeen aqoon yahanno ama juhaal. Kuwa xambaarsan magacyada Gobollada ama Degmooyinka marka aad aqriso sadarrada ugu horreeya cinwaanka warkiisa faalladiisa ama maqaalkiisa ayaad si aan mugdi jirin u oagaanaysa qoraaga haybtiisa xitaa jibsintiisa ama jifadiisa, ceebna maha inaad taa ogaato haybtiisa, balse, waxaa ceeb ah inuu qalinkiisu u sakhiray iskuna howlay inuu wax u qoro gar wadeenna u noqdo beeshaa ama haddii aan si kale u dhigno hadalka, ayuu kuu abtirsanayaa adoon cidna waydiisan, mar marka qaarna calaalka iyo balanbalka ayaad kala soo baxaysaa waxa uu yahay.

Xilliyadii hore waxaa si mug leh oo qoto dheer uga qayb qaadan jiray hurinta colaadaha suugaanta noocyadeeda kala duwan sida: Gabayga, Geeraarka, Shiribka, jiiftada IWM iyo hal abuurrada iyo mansayannada, balse, waxaa wax aad looga xumaado ah in markii Soomaalidu ku soo biirtay bahwaynta wax qorta ay uga faa’idaysatay si gurracan oo ka baxsan wanaagga iyo hagidda bulshada si dhexdhexaadnimo ah oo ka fog nin tooxsi iyo beel jeclaysi iyo ka wacyi galinta bulshada qatarta colaadaha iyo dagaallada, bal waxay si toos kaalin wax u ku ool ah ka galeen web-eb beeleedyadu iftiiminta iyo buunbuuninta meelaha ay ka kaci karto colaadaha iyagoo sii horminaya kuna dadaalaya una tafaxaydanaya sii shididda colaadahaa, halka looga bahnaa inay xil iska saaraan: hor istaagga kicidda colaadaha baajinta iska hor imaadyada iyo inay xoogga saaraan inaysan dhicin dagaallo,  haddii ay dhacaanna inay ku dadaalaan daminta iyo joojinta colaadaha, sidaana waxay ku helayaan magac wanaagsan iyo dhexdhexaadnimo kuna hanan karaan kalsoonida bulshada, waa haddii ay sidaa u dhaqmaan looga maarmaanka u ah shaqada saxaafadda iyo warbaahinta.

27/09/2005

Qore: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s