In xasan soo laabanayo waxaan ku gartay

 

 

12297867_549864001829568_143215334_o

In xasan soo laabanayo waxaan ku gartay

 

Beribaa laba wiil, oo guurdoon ahi, waxay u yimaadeen gabar. Wiilashii, ayaa gabadhii weydiiyey, habdhaqanka aabbaheed iyo kaalinta uu bulshada ku leeyahay. Ma arrinta hadda taagan buu ka hadlaa, mise, mid soo fool lehna waxbuu ka yiraahdaa? Gabadhii intey qosol jagac ka siiyey ayey ku tiri:

“war maxaa ka galay, waxa soo socda, ma Eebbaa, isagaa wax walba oge? Mayee, tan joogta ayuu ka hadlaa, tan kalena Eebbe ayuu u dhaafaa.” Ka dib maalintii dambe, ayey ku soo baxeen gabar, is la su’aashiina warsadeen sidii tii hore. Gabadhii waxay ugu warcelisay, arrin iyaga ka yaabisay, oo ku tiri:

“Aabbahay, dhacdada taagan siduu u arko ayuu oraahdiisa kaga dhiibtaa, isagoo weliba dhinac walba ka eegaya, kana hogatusmeynaya, tan soo socotana, waa saadaaliyaa, hilaadiyaa, oo odorosaa, isagoo ku hal goosanaya, wuxuu yaqaanney iyo wuxuu u soo joogey, ee gugiisu gaarsiiyey ama aynigiisu gayeysiiyey, oo sooyaalku wuxuu u marag furaa siiyaalka.”

Saadaalintu mar hibo, mar waa saansaan arag, mar waa indheergaradnimo, marna waa fiirocabbir. Hadday xaajadu maree, “sadar muuqda su’aal ka dhan”, ee aysan gaarin, “qof aan wax soo socda garan, waxa joogana ma garto”, waa hubbanti, in ay tahay aayo beel iyo ayaan, ogaal iyo garasho la’aan.

Qormadu waa saadaalin, ee ha ku sirmin. Ma ahan waxyi, waaran iyo wareegto, ee waa walxo isu geyn, waadixin iyo waxaab ka qaadid. Ha u qaadan taageero iyo guulwadeyn taban. May, ha u qaadan, damjadiidayn, diin ku doogasho, doodin iyo dudsiin.

Sida ay i la tahay, Xasan waxaa lagu nacay saddax ka la ah: 1- Hoggaanxumo iyo habacsanaan. 2- Tolka ku teedsan, ee uu tubta iyo la qaato talada 3- Himiladuu dilay iyo hammiguu duugay. Haddii intaa lagu nacay, waxaa jira, dad Xasan qof ahaan u neceb, oo ka la ah;

  • Kuwo ku qabiil ah, oo quuq iyo qaaq ma ahane, aan qodob, qaanuun iyo qiyaas ku haysan. Ka sokow, in lagu qaraabto, haddana, waa is la qumman yihiin. Waxay isugu jiraan siyaasiyiin iyo sabadjoog.
  • Qolada damaca kursiga, oo iyaga ma ahane, qof kale aan la rabin kursiga. Kuwani, waxay u badan yihiin, kuwii la tartamay, ee uu ka guulaystay, ee ay ugu horreeyaan Prof Samatar, Baaddiyow, Cosoble Sidoo kale, waxaa la mida intii hore u la tartantay ama xil sare dalka ka soo qabatay, sida: Formaajo, Gaas, Cabdiwali, iqk.
  • Kuwo dibindaabyo u joogga ah, ee dar walba, docodocayn iyo ka wada ka la dirid. Waxay ku takhasuseen, ka la dilka, is ku dirka iyo ka la duwidda. Maalintey ha na qaadeen, illaa maanta, waxay umadda ku la dhexjiraan, luggooyo, luqaafo iyo laqdabo.

Xasan inta lagu nacay iyo inta neceb sokow, adigu haddaad neceb tahay, anigu ma jecli, ee ha igu soo goohin. Laga yaabee, adigagan maanta Xasan neceb, in aad shalay jecleed, ood leheed, waxa curtay ISBADDAL, balse, dib ka noqday ISLEGED! Berri waa maanta, ee haddii aadan maanta fiirin, berri ha sugin.

Ujeedku waa, Xasan wuxuu soo maray maalmo uu ahaa mudane maqsuud laga wada yahay, sokeeye iyo shishiiye badi, heer laga fishay, wax aan fara ugu jirin falkiddood, may, wax uusan fahamsanayn fulintood, faalin is ka daaye. Inta hore ugu qaldantay ama ugu qatalmay ku ma jiro, haddana, sidii aan hore u duulxulay, in aan lagu degdegin dallacsiintiisa, ayaan maantana is ku dayaa, in aan damoodo daaha naga dedan iyo in aan daalacdo ayaamaha dambe, ee imaanaya.

Nin xil dhadhanshay, oo ka dhaqaaqay la waa, in qadaadka la qabto ama qarash lagu qubo ma ahane, si kale ku ma tagaan, Xasanna kuwii ayuu ka mid yahay. in Xasan uu soo laabanayo, marka la fiirsho, ifafaalaha bilihii dambe dalka ka dhacay iyo sida uu ku socdo higsiga 2016ka, waa marag ma doonto, haddaan wax is badalin, saa waa siyaasade, waxaana kuugu daliila:

1- BUUQII MOOSHINKA, meel ma ku sheegtaa? Xasan, waxaa laga gudbiyey, mooshin culus, marka laga soo tago, in lagu tilmaamay, hacabsane iyo hanfade, waxaa lagu eedeeyey qiyaamo qaran iyo jabin axdiyada dalka. Eedeyn adag, haddii qaran jiro, haddana, qaablaawayaashii qorshahaa waday, xaggee qabteen? Aaway Xoosh, oo ah, ninka qashinka DALTUURKA soo minguuriyey? Aaway Goodax, oo ah ninka garan waayey, in deegaanka iyo gobolka uu ka soo jeedo, uu ka xoreeyo Shabaab, is ka daa in uu maamul u dhisee, ee ka doorbiday, in uu Xamar maqaayadaheeda ka dhexqayliyo, sidii qof falan? Xaggee ku dabeeyey Xiddig, ninka u xilsaarraa, ka dhaahdicinta bulshada, in ay oggolaadaan, in dhalashadeenna qof walbaa qaadan karo, oo Xoosh iyo xertiisu ku qoreen DALTUURK? Maxaa aamusiyey Fawsiyo, Cosoble iyo kuwa la midka ah, ee aan horseedka ka ahaa mooshinka?.

Ogoow, eedda Xasan loo jeediyey, ee qiyaamo qaran, waxaa is diiwaangalshay in ka badan 120 XILDHAAN, haddana, meel uu ku dambeeyey cid sheegi karta ma lahan? Maxaa loo joojiyey? Yaa joojiyey? Sidee loo joojiyey? Hubaal, in aysan talo Soomaali iyo tub musuqane, in ay arrintu sidaa ku dhammaato, ee gacanta shihse ka timid, waa xaggee, waase tee? Ma carab, mise qolo kale?.

2- Guddiyadii qaran, ee la diiday, ee ka la ahaa, Guddiga xuduudaha, guddiga dib u eegista dastuurka “DALTUURKA” iyo guddiga doorashooyinka, oo maamulka waqooyi bari, aad uga gadooday, heer, madaxa guddiga dib u eegista dartuurka “DALTUURKA” oo ka soo jeedday, ay is ka cashiday xilkaa, dabcan, cadaadis beesha uga yimid, ama qanac ay ku eheed, in ay beesheeda la cadgoosato awgeed, mid u roon ma aqaane, Caasho iyada, a yey ku habbooneed, in ay is tiraa: “Caadi is ka dhig!” Markii ay is ka casilaysay, “guddiga madaxa bannaan, ee dib u eegista DALTUURKA!” Oo ay i su casishay: “Col is ka dhig!” aanna u raaciyo, oo yaan lagaa dareemin!

3- Kulammadii Higsiga, ee laga baxayey ama laga baaqanayey. Shirkii Muqdihso ka dhacay, dhammaadkii bishii toddobaad, ee ku saabsanaa higsiga 2016ka, waxaa ka maqnaa, oo qaadacay, Cabdiwali Gaas iyo Axmad Madoobe, oo toddobaad ay Garoowe u joogeen ku gaaray, in ay qaab qalyaadaysan uga maqnaadaan shirka. Qofkii is lahaa, waxaa laga gudbay, dhaqankii loo ma dhamma, ha ku quusto, labo macallin dugsi iyo iskool hab dhaqankooda 2015ka, in aan kaw iyo labo la joogin.

Ka baaqsi shir kaliya ma ahane, ee waxaa ka loo dhacday, in Gaas mar shir ka socday Kismaayo, maalintii carun shubka Madoobe, uu isaga istaagay, mar kalana Gaas iyo Madoobe ay shir Muqdisho ka dhacay isaga baxeen, balse, is la markii lagu soo celiyey. Ma aragtay, qof dambe, oo shir diiddan, ka baaqsanaya ama ka baxaya? Maxaa isbadalay? Gaas, waa Gaas, oo wali Gaalkacyo in ay qabiil u ka la xirnaato ayuu ku garaad yehee, walibana dagaal u biratumanayee? Madoobe, wali waa Madoobe, oo isaga oo Shiilaabo ka kor ka yimid, ayuu rabaa, in uu Kismaayo iyo Jubbooyo madax u noqdee? Damaca beelaysiga, ee labadan nin ku jira, haddii madaxda maamul beeleedyada kale ku jiri lahaa, dheellitir fiican ayaa la heli lahaa, balse, ayaandarro, sida labadan qabyaaladda loo ma wada quuto, sida inta kalana, labadan qabyaaladda uga ma qandacsadaan!

4- Xildhaannadii xoolo iyo xildoonka ahaa, maxaa aamusiyey? Is ku shaanshayntii la filayey sideedii u ma dhicin, oo afar wasiir ayaa la ka la wareejiyey, oo aan naf iyo lahayn nuxur awood, maamul iyo talo. Qaar badan, oo isu rabay, is lana rabay ka ma muuqan, mana muuqan, haddaba, maxaa dhacay, oo aan loo samayn is ku shaandhayn ballaaran, sida ay dalbanayeen quuqlayaasha qaylada quuta, ee Xalane ku xiran?.

5- Dhaarinta xildhibaannimo ee Odowaa, dhaxal siyaasadeed u ma horreyn, balse, wuxuu u horreeyey, in uusan ka sarriigan, in asoo da’daa ah, uu u dhaqmo sidii qawaarradii ku qaraaban jiray siyaasadda. Waan fahmi karaa, in uu kaliya u yeelay boos celis ciyaar siyaasaseed socota awgeed, haddana, inta aan siyaasadda iyo la fiirin ciyaarta socota, aaway dadnimadii? Aaway damiirkii? Aaway garashadii? Aaway ka la saarka awoodda siyaasadeed, ee dejin iyo fulin? Qaladkan isagu ma lahan, balse, waxaa eedda leh DALTUURKA oggol, in qofku is ku noqon karo halmar xildhibaan iyo wasiir, wayna jiraan, kuwo badan oo la mid ah. Xil u dhiibiddaa, waxaa ka dambeeya, in higsiga iyo doorashada 2016ka, aan booskaa lagu ciriirin.

Odowaayoow, intaad urur u danee is leeadahay, adoo dadnimo, dareen iyo dabci doc ku dabray, bal dantaada fiiri, in ay ku jirto tallaabadaa aad qaadday iyo in kale. Maalmuhu ma ahan maanta kaliya, oo malaayiin maalmood ayaa dhimmane, maxaad u reebatay?.

6- Dhismaha maamulka Galmudug, oo noqday, kii ugu nadiifsanaa, oo Soomaali dhisato, xagga awood qaybiga, qancinta beelaha, maamul wadaagga iyo in uu ka marnaa, talo Xabashi, oo dhammaan astaan u noqotay dhismayaasha maamullada kale ee dalka ka jira, kuwii hore iyo kuwa dambaba. Dhismaha Galmudug, Xasan mar waa u awood qaybsi, oo wuxuu ku tashanayaa soo xulidda xildhibaannada 2016ka, in ay u sahlanaato, Guuleedna gacan ka siiyo, marka kalana, wuxuu doonayaa, in beelaha iyo bulshada u muujiyo, in uu yahay, nin ka madaxbannaan Xabashida, oo badi madaxdu u noqdeen kabaqaad iyo kalkaaliyayaal, gaar ahaan, marka la fiirshi dhismaha labada maamul, ee Jubba iyo Koofur Galbeed.

7- Qorsheynta dhismaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, oo lagu gudajiro, in kasta, oo caqabado jiraan, haddana, haddii isana sida Galmudug loo dhiso, oo uu ku soo baxo madaxa maamulka, nin ay is ku xer yihiin Xasan, waxay keenee, in sida Galmudug uu ku helo taageero. Ka sokow, xildhibaannada, maadaama, hadda lagu gudajiro, qaabinta higsiga 2016ka, ayna jirto, codod dhahaya, ha lagu xulo xildhibaannada gobollo iyo degmooyin, taas Xasan waxay siin, in uu gobollo dhawr ah taageero buuxda ka haysto, wixii dhacdhacna ah u dheeraan doonaan.

8- Magacaabidda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, amminka lagu soo aaddiyey. Ninka loo magacaabay iyo ahmiyadda uu gobolku leeyahay, gebi ahaan, waxay muujin, in ay tahay, tallaabo doorasho, maxaa yeelay, Yuuruf ka sokow, in uu qayb weyn ka qaatay ololaha doorashadii Xasan, ee sanadkii 2012kii, haddana, xilkan, waxaa la la rabay, ka hor Mungaab, balse, wuxuu uga hormaray galaangal iyo guurti odoyaal, oo uu is ka hormarshay. Wixii aad dib dhigato, ayaa kuu dambar ehe, Yuusuf, waa kan, amminka oo kii hore ka fiican, ammaanka, oo sidii hore dhaamo, ammaanaduse sideedii iyo ka daran tahay.

Sababta amminkan Yuusuf loogu dhiibay xilka guddoonka gobolka Banaadir, waxay tahay,

1- In xilka gobolka uu hayo, qof uusan ku jirin han uu ku la tartamo Xasan, maadaama Mungaab marar badan laga sheegay, in uu isi sharraxayo, wallow uu beenshay, haddana, la ma aamini karo, oo rag waa damac!

2- In hantida iyo dhaqaalaha gobolka loo adeegsado ololaha doorashada, oo maadama ay tahay, madasha martigelindoonta ay u noqoto fure ay ku galaan, kuna soo bandhigaan wixii ay gobolka ka qabteen.

3- In qasnadda iyo dakhliga gobolka loo adeegsado ololaha doorashada, loona dhiibo qof aan carqalad iyo looga baqayn caqabad.

9- Xiriirka Xasan iyo Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka iyo Sucuudiga, oo heersare iyo heegadaa gaaray. Xasan tiro ka dhawr jeer ayuu Imaaraadka tagay, dhawaanna waa kii Sucuudiga tagay. Marka laga soo tago taageerada guud, ee beelaha Soomaaliyeed, ay Imaaraadku hubka iyo tiknikada ugu deeqaan, oo ka dhigan, is ku dila, waxay ballanqaadeen, in ay wax ka bixnayaan mushaarka ciidanka. Ma waxaa la abuurayaa, isbahaysi liddi ku ah Turkida, oo aan ognahay, in uu loollan ka la dhexeeyo kan Carabta ay hormuudka ka tahay Imaaraadku, maadaama, Turkidu Soomaaliya, saamayn muuqata ku leeyihiin?.

10- Xil ka qaadista NACDOON “KEY”, erageygii dalka u qaabilsanaa QM, oo lagu badalay, is la mid kale, oo ay is ku waddan yihiin. Michael Keating. Ingiriiska ka qaad, ee ingriis u dhiib. Xasuuso, sidii ay dawladdu u dhacday, wali la ma soo magacaabin wakiil caddaan ah, oo wakiilladu Afrikaan un bay ahaayeen, markiise beenta ah KU MEEL GAARKII waa laga baxay dhegta na loogu sheegay, ayaa waxaa yimid nin cad, si haddii wax u qaldamaan loo yiraa, Soomaalida ayaa qaladday, oo aan KMG ku jirin, halka wixii qaldamay xilliyadii KMG, eeddu ku dhacayso siyaasiinta madaw ee isaga daba maray xilkaa. Hadda ayuu Jabriil Ibraahim, madaxa CRD, na lee yahay; “Haddii Soomaalidu ku heshiin weyso doorashada, waxaa khasab ah, in caalamka farageliyo” waa riwaayad dhigneed, ee ha u malayn run.

11- Khilaafyadii oo yaraaday, waxay ku tusee, in wax badan is badaleen, oo murannadii badnaa, waxaad mooddaa, in ay shuuqeen, oo hakad galay, may, la galiyey aan dhaho, ee yaa galiyey? Waa weydiinta, aan wali warcelin u la’ahay, ee yaa iigu deeqa!

Waxyaabahaa iyo kuwo kale, dhammaan waxay muujin, in Xasan soo laaban, ee aan sugno, waxba ka ma dhiimanee. Waa inoo doorashada iyo sanadka dambe. Xasan, haddii uu maamulka gudaha, maareynta caasimadda iyo maaliyadda dalka ka la furfuro, waxaa dhici karta, in uu sanado badan maamulka sii hayn karo.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s