Madax dhiillo nabadda Gaalkacyo ma mudna!

12333676_550474765101825_2109746140_o

Madax dhiillo nabadda Gaalkacyo ma mudna!

 

Waxa la yiri; “dhib hadduu dhaco, dhabaqo, meel beeshay” sidoo kale, “dhib hadduu dhaco, saw u dhacay la ma dhahee, sidee loo xalliyaa, ayaa la dhaaha!” haddana, marka dhibka dhacay, uu dhexdhexaadinteeda wado, dhoohane u dhaansan dheellinta dhibaatada iyo dhimaalka, dhaawaca uu dhayayo dhagarqabe dhaaban, inta dhimatana uu dhulka dhigayo gacan ku dhiigle, waxaad garan, in aan dhabbaha saxda ah iyo lagu joogin dhanka nabadda. “Illeyn; hadal OO ama AA ma yiraahdo!” Haddii nabar lagugu dhufto, waad jibaadda, taahdaa ama cabaaddaa, balse, marka la hadlo, hadalku ma aadaaro! Micnaha, haddii hadalka qalad laga galay, ma sheegto, mana dhibsado.

Colaadda Gaalkacyo, maanta ma billaabin, mana dhammaan doonto, inta aragtida gurracan, ee federalka beelaysan lagu maamulayo dalka, haddana, waxaa nabadraadinteeda ka soo dhexmuuqday, huriyayaashii colaadaheenna, abuurayaashii dagaalladeenna, horjoogayaashii malleeshiyaadka laysa marrasteenna maalin walba iyo qabqablayasha cusub, ee isu yaqaan, looguna yeero MADAXWEYNAYAAL!

Ragga nabadda Gaalkacyo ku dhexjira, waxaa ka mid ah, Axmad Madoobe iyo Shariif Xasan! Alla qarracan weynaa! Ma Axmad Madoobe iyo Shariif Xasan, ayaa nabadayn ku jira? Alla maxaa nabadda meel looga dhacayaa, may, la kufsanayaa! Dedaalka Shariif iyo hadalka Madoobe, aad u xiistid ama ku sirmatide, Madoobe iyo Shariif, horta ma taqaan? Haddaad taqaan, wali xasuusto ma kuu shaqaysaa, mise, waa kaa dhimatay, may, kaa dantay?.

Haddaan lagu dilo, ee adoo dhaawac la jiisaya, uu dilaa kale ku iraa: waxaag galayaa gartaada, si aan laguu dhaawac tirin, maxaad is dhihi leheed? Nabadda Madoobe raadinayo iyo midda Shariif ku baaqayo, waa sidaas, ee la soco, wax ay kaga duwan yihiin ma lahan, kuwa Gaalkacyo dadka ku dilaya. Sabab? Iga hoo.

Ka hor Macallimiinta guud ahaan, gaar ahaa dugsi Quraannadu dhibka ay noo gaysteen ama nagu hayaan, wax la la meel dhigo ma lahan! Waxaa la mida sheekhyada aan shiixin. Axmad Madoobe, Aadan Madoobe, Xasan Daahir, Shariif Sheekh Axmad, Xasan Sheekh, Janaqow, Faarax Cabduqaadir, Guuleed, Gaas, Shaakir, Sheekh Maxamuud, Aw Libaax, IWM.

Axmed Madoobe wuxuu ku dhashay dhulka Soomaali galbeed. Hore, wuxuu ahaa, macallin iyo wadaad magac la huyey. Aqoon kale, ogaal ka baxsan, aqool hubban, aqli deggan midna loo ma ogayn, aan ka ahayn, inta laga arkay, ee dhimaal, dhaawac, dhib iyo dhibaato ah.

Wuxuu galay, maadaama ay is ku dar ahaayeen Wadaadadii Waallida Waday, ee dalka u horseeday, in Xabashi soo gasho, xasuuqna ka gaysato, dabcan marka lagu daro, codsiga aabbaha xerta Xabshida Cabdillaahi Yuusuf. Markii la jabiyey, ee ay firxad galeen iyo orod, sida caadada u ah, saa Xabashi u ma babac dhigaane, kaliya, Soomaalida ayey burbursadaane, asoo dhaawac ah, ayey Xabashidu qabteen, waxaana lagu soo daweeyey magaalada Godey, ee xarunta gobolka Godey, markii la soo dabiibay ka gadaal, ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka, haddaa maxay ka damac sanaayeen? Ma inuu Dacwatu Shaaric iyoWacdi jeedayaa? Ma shaki baa kaaga jira, in Madoobe yahay Kaaliye Xabashi iyo Argagixiso la Amxaareeyee?!

Intaa ka dib, wuxuu mar kale ku biiray, oo xubin ka noqday xisbul Islaam, xisbigii macangagga dacarta diinta, Xasan Daahir Aways, ee hadda xabsi guri ku yaal Muqdisho ku ilma dhalaya. Jihaadkii dhalmada isu badalay! Burburkii xisbiga, ku biiriddii Xasan Daahir, ee Alshabaab, Madoobe, wuxuu u laabtay, gabbaadkii beesha, diinta iyo maamulka is huwan ahaa, ee malleeshiyada Raaskambooni, oo uu boorka ka jafay, isaga oo xiriir la sameeyey dawladdii Shariif, taageero fiicanna ka helay, oo uu gacan ka siiyey Gaandi, oo markaa ahaa wasiirka Gaashaandhigga, damacna ugu jiray Jubbooyinka, oo dib ka keensaday magaca Azaaniya!

Axmed maadaama uu ku dhashy Soomaali galbeed, ayna ka taliso Xabash, hadduu maamul doonayo muu iyada maamulo? Hadduu Jihaad rabana degmadaa baa uga baahaane, maxaa boorka la isugu qarinayaa? Gaandi iyo inta la midka ah, ee aan Jubbooyinka ku dhalan, ee qasaysana waa la mid. Hadday Soomaali Galbeed xor ahayn, hadday NFD xor ahayn, waxna u qabanayn, ma Gobolladii xorta ahaa, ayey doonayaan, inay Kenya hoos geeyaan, oo dib u gumeeyaan? Allow adaa faxan, ee may qarow maalmeedka iyo qayaabka indhaha ka qaataan?!

Bartamihii sanadkii 2012dii, markii la qabtay, may, la qabsaday Kismaayo, ayey faraha ka baxday, illaa haddana aysan gacan Soomaali ku jirin maamulkeeda, oo uu qayb ku lahaa, Gaaska maana Madoobe nabadda ii raadi uu leeyahay. Nin tiisa dayacay, tu kale ma dabooli karaa? Intaa kaliya ma ahan, JUBBALAND, saw ma ahan, madaxeedu, muwaadin ka yimid Qabri Daharre, haddana, raba, in uu Kismaayo iyo Jubba maamulo? Ka sokow, saw ma ahan, ninka maalin walba, dadka u dhashay Jubba, barakicinta, qixinta, xasuuqa iyo ku wada laynta? Madoobe, Gaalkacyo, nabad kaaga ma baahna, ee Kismaayo nabadgeli iyo dadkeeda fadlan.

Tan ka daran, Madoobe, Gaalkacyo ma dhexdhexaadin ayuu u yimid, mise, in uu garab siiyo Gaas? Weydiintu waxay ku dhalan, maalintii caleemo saarka Guuleed, ee Cadaado ka dhacday, Madoobe ka ma qaybgelin, hubaal, in aysan talo uu qaatay iyo go’aan uu gaaray ahayn, ee Gaas ayaa sidaa ku dhahay, ka dib shir maalmo badan ay ku qaateen garoowe, oo Madoobe marti ku halkaa. Intaa kaliya ma ahan, ee shirkii higsiga 2016, ee lagu qabtay Muqdisho, Madoobe iyo Gaasba way ka wada maqnaadeen, in kasta, oo aan loo joogin, haddana, ujeedka ugu weyn wuxuu ahaa, inta Guuleed iyo Galmudug joogaan, shirkaa tegi maynno, waxay caddaysteen, shirkii kale, ee is la Muqdisho ka dhacay, oo ay Gaas iyo Madoobe isaga bexeen, oo shirka waxaa fadhiya Guuleed iyo Galmudug! Madoobe, waxa uu nabaddeeda raadinaa, ma ogyahay, in Guuleed iyo Galmudug qayb ka yihiin, mise, wax kale ayuu u maleeyaa?.

Sidoo kale, dadka nabadda u tagay Gaalkacyo, waxaa ka mid ah, Shariif Sheekh Aadan. Asna ma garanaysaan, oo aqoon ma u leedihiin? Shariif, oo bulshadu u taqaan, Shariif Sakiin –in xaal la iga qaado, ma rabo, sida Caasha Kiine- wuxuu siyaasadda ka soo galay shirkii waallida hadda ka taagan Gaalkacyo lagu soo aqbalay, ee FEDERAALKA, 2004tii, wuxuuna noqday guddoomiyaha Baarlamaanka. Juune 2006 ayaa Shariif wuxuu meelmariyey, in dalka ay iman karaan ciidamada dawladaha “safka hore” ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya, oo wali xoog ku haysta dhul Soomaaliyeed.

Khilaaf badan, isjiijiid iyo muran u dhexeeyey isaga iyo Cabdullaahi Yuusuf Aabbaha xerta Xabashida, ayaa Jannaayo, 2007  Baarlamaanka Baydhabo xilkii ka qaaday Shariif, balse, sida caadada u hayad, waa is ka diiday, una cararay dhanka Muqdisho, waxaana xilkaa loo doortay, Aadan Madoobe, oo maalin dhaweed lahaa; “Waxaa jira, dad Soomaali, oo dallaal ka ah, dhulka ay rabto Kenya inay goosato!” Ma isweydiiseen, waxa uusan Itoobiya ugu darin ama uga hadal? Itoobiya iyo Kenya maxay is dhaamaan? Dhibta ay Kenya ku hayso dalka iyo dadka, ayey Itoobiyana ku haysaa, haddana, Aadan ma aragteen, ma maqasheen, asoo ka hadlaya Itoobiya?.

Aadanoow, adiga, may, idinka haddii Xabashidu walaalihiin yihiin, kuwa adoo kale ah, sida aad hadalka u dhigtay, ayey u yihiin walaalo Kenya, ee maxaad walaalohood ka rabtaa, maad marka hore walaalahaa Itoobiya ka hadashid ama hormarisid?!

Aan u laabto Shariife, dawladdii midnimo qaran lagu sheegay, ee Shariif madaxweynaha ka noqday, laguna soo dhisay Jabuuti, ee hordeedday 550 xildhaan, “tiro badnayaal, tayo yarayaal” ayuu Shariif ka noqday wasiirka Maaliyadda. Wax ma baran, wasiir maaliyadeedna waan noqon, Soomaali un baa laga hayaa! Magan. 2010 ayuu mar kale noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka, malaha wax buu ka gartee, balse, xil ka qaadis lagu sameeyey, sidii tii hore, uusan ugu hoggaansamin, ayuu iyadana is ka diiday, oo waxaa ka dibkii la doortay Madoobe Nuunow, oo ay mar kale, is ku qaban doonaan, dhismaha maamulka Koofur Galbeed.

Doorashadii 2012 wixii ka dambeeyey, waa laga waayey saaxada siyaasadda, walow uu ahaa xildhibaan, haddana, ka ma dhexmuuqan masraxa. Sanadkii tagay, ayuu mar kale ka soo muuqday, isaga oo markan faraha ka la baxay siyaasadda dawladda dhexe, oo u jeestay dhismaha maamulka Koofur Galbeed, oo ay ka jirtay saddax aragti ka badan. Lix gobol, saddax gobol iyo labo, balse, markii dambe, ay hirgashay aragtidii eheed saddaxda, oo Shariif dhexda ka galay, markii dambana, Madoobe Nuunow, oo sheegtay madaxweynaha lixda gobol, uu ka noqday wasiir maamulka Shariif, waxaase xusid mudan, ismagacowga Shariif ka hor, ay bulshada Baydhaba dareenkooda ku muujiyeen bannaanbaxyo ay ku diddan yihiin Shariif iyo Xabashida dabada ka riixaysa, heer ay ku dhinteen dad badan, oo uu ka mid yahay wiilkii afar iyo toban jirka ahaa!

KOONFUR GALBEED saw ma ahan, kuwii Kaxda dadka ku dilayey, ee lahaa, xadkeenna ayaad soo gasheen? Bulshada beenta qaawan iyo hadalkan sumaysan ha laga daayo. Balaayo la qurxinayo iyo marinhabaabin ayaa haadaan ka ridday, oo halaagga noogu wacan, ee runtu waa xanuun badan tahay, balse, waa dawada rasmiga ah, ee dhibka na haystee, aan badaninno!

Bulsho is ku garaad ah, is ku go’aan ah, is ku guddoon ah, is ku garasho ah, is ku is ku gunaanad ah, sidee ku gaaree, guul wacan? Ujeedku wuxuu yahay, Gaalkacyo iyo Mudug, inta labo beel ay u ka la qaybsan tahay, una ka la qaybsanaahe, mar walba, waxaa lagu noolaan cabsi iyo wadna kurkur! Ogoow, dhan walba, aqoon, ogaal, aqool, arag iyo agabba, waxaa ku socda, hormar ballaaran, marka laga reebo hannaanka beelaysigeenna, oo aad mooddo, in uusan halkiisii ka dhaqaaqin, haddii uusan dib u laaban!

Xalku wuxuu ku jiraa, wadahadal, tanaasul, wadaag, walaaltinnimo, soomaalinnimo iyo darisnimo, wixii ka soo hara, waa halaaggeenna iyo hooggeena, ee yaan laga shaqayn fadlan, waliba, kuwo berri marka xilka ay dagaan ama laga qaado, iska bixi doona, oon dib loo arki doonin, yeysan dhallinta naga dhammayn dhurwaayadu, ee yar ha la dhaho! Sidoo kale, kuwa madax ku dhiiglayaasha ah, ee nabaddoonnada is ka soo dhigaya, iyagan Yeyda ha la raacdeeyo.

Labadaa kaliya ma ahan, ee tusaale un baan u soo qaatay, maadaama ay ka la metelaan labo maamul, oo inta ay beelo kale, may, maamullo kale dhexdhexaadin, ay u baahan yihiin, iyaga wax bulshada ay xoogga ku haystaan ka dhexdhexaadiya, oo yiraa, war dadkan ka dulqaada colka iyo colaadda! Midda ugu daran, ee labadan kor ku xusan laftooda qabanaysa, ayaa ha in ay is ku haystaan xuduud, tuulooyin iyo gobollo, haddaba, sidee, gobollo kale, oo xuduud is ku haysta, u leeyihiin, waan dhexdhexaadinaynaa? Waalli ka weyn ma arag!

Labadan FAASHIL, ee dhexdhexaadinta ku jirta, waxaa la id ah, labada FAASHIL, ee la dhexdhexaadinayo, ee fidnda iyo ka dhex wada fasahaadka, beelo iyo bulsho is ku baal iy baab ah, haba ka la darraadeene, haddana, waa baaba’ hor leh iyo bas beel! Alla is ku ekaa, ma wada dhasheen dhammaan?.

Dawlad FASHILANTAY, waxaa dhashay BULSHO FASHILAN ama FASHILANTAY, sida dawlad FASHILANTAY ay u dhasho URUR ama HAY’AD FASHILAN! Haddaba, ma dhihi karraa, fashalka dhan, waxaa dhalay, beelo fashilan, maadaaama bulshadeennu beelo ka kooban tahay?.

Dadkeygoow, maalin walba, yaan kii idin dulleeyey, idin dallaalay, idin duugay, idin dacareey, idin dib dhigay, uusan isaga kiin dhigin DUUB, inta hadal macaan idiin mariyo! Dubaakh walba, oo aan dux iyo iidaan lahayn, yaan doxorayaashu idin ku dagin!

Waxaa aad iiga yaabiyey, walibana iiga caraysiiyey, marka aan arkay, kuwo aqoon sheegaya iyo in ay dalka xog ogaal u yihiin, oo haddana u riyaaqaya, hantaataca iyo hadaaqa kuwaa, kuna sheegaya, tallaabo wax ku ool ah! Intaa waxaa nooga daran, may, kaba liita, idinka nooga dhigaya iyaga oo kale HALYEEYO! War hurdada ka kaca, oo indhaha fura, may, maanka mura. Indho furan, maankuse xiran yahay, waxba soo kordhin maayaane!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s