Gaas iyo Guuleed: labo ma gudbe!

12277152_10201089772802585_138802589_n

Gaas iyo Guuleed: labo ma gudbe!

 

Inaad tol ka dhalatay, ceeb ma ahan. Inaad beel ku abtirsato, iin ma ahan. In aad qabiil ku aroorto, qalad ma ahan. Intaa iyo intii aadan adigu dooran, dookhaagana ku iman, eed ku ma lihid xumaan iyo samaan, ee, waxaad eed ku leedahay, wixii aad farto, fasho, ama fuliso, ee ka la fogeyn tol, is ku feerid beel iyo ka la falfalid qabiil ah.

Dhaqammada gurracan, ee Soomaali gaasiray, gunta iyo guddoon xumadana biday, waxaa ka mid ah, in had iyo jeer, ay gar wadeen u yihiin kuwooda ugu liita ama ugu doqonsan dhan walba, xag hal abuur, xag hormarineed, xag wax soo saar iyo xago kale oo badan, haddana, ay mar walba yihiin MAHDIGA mashkulidda iyo macallinka munaasabadda, oo aan qofna ka daba hadli karin, xaajadan kaligii marooqda.

Marka laga reebo, inyar oo fara ku turis ah ma ahane, inta Soomaalidu xusto ama ay u taqaan halyeey iyo hoggaamiye, mida an dullayn ama dagaal iyo u horseedin dirir ku ma jiro, laga soo billaabo Maxamed Cabdille Xasan, horjoogihii Alshabaabtii (Daraawiish) xilligaa, Maxamed Siyaad Barre, aabbihii burburka Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, kaalintii uu ku lahaa heshiiskii Caruusha (HIBEYBTII NFD) iyo ka la qaybinta dalka (SOMALILAND, Maxamed Faarax Caydiid aabbaha qabqablaayasha, Cabdullaahi Yuusuf, aabbaha xerta xabashida, IQKB.

Waxaa la mida qabqablayaashii ka farcamay, ee dagaalii sokeeye dhakawdaya u ahaa iyo wadaadaddi arxanka darraa ee Carabtu Soomaali ku sallidday, ee naxariistii laga sugayey ay noqotay: GACMA LA GURO! XIBNO LA JARO! ILKA LA SIIBO! CARRAB LA JARO! LUG IYO GACAN IS DHAAF LOO JARO! DIL! DHAGAX KU DILID! JEEDLID! XIBNO LA GOOYEY OO BAALLOOYINKA LAGU XARFIYO, TOOGASHO BAREER AH, CABURIN! LEEJO (SAKO) KA QAADID.

Intan aan soo xusay, mid aan Soomaali dhimaal iyo u horseedin dhagxuma ma jiro, haddana, waa taayoo Soomaali laga fujin la’yahay, oo ka dhigan inaan nahay bulsho kii dhiba kaliya dhunkata (I DHIB, AAN KU DHUNAKADEE). Gu’yaashii tiiha dagaalka, tol u dirirka iyo dawladnimo la’aanta, waxaa qiimo iyo qaayo ka lahaa laba qolo, QABQABLE iyo WADAAD XUME, oo ay udub dhexeed u ahaayeen ODAY COLAAD, labadaa waxaa ka daba maray, ooba yiri waxba ma ahayn QASWADE, qandiga ku wata qoom shisheeye, ugana duwan QABQABLAHA inay si fiican  u qaraaban yaqaanniin, ayna uga badiyeeen sida loogu tuugsado afafka qalaad.12313575_1019354978116438_5462938611795410635_n

 

Haddaad MOORYAAN u taqaan, wiilasha yaryar, ee ISBAARADA dhigta, waa qaldan tahay. Haddaad MOORYAAN u taqaan, wiilasha yaryar, ee Leejada qaata/qaada, waa qaldan tahay, maxaa yeelay, wiilashaa yaryar, shaqo ama waxbarasho ku mashquuli ee car mar dambe ISBAARO ku arag!

MOORYAAN waxaa ah, kan aqoon sheeganaya, haddana, aan u dhaqmayn sida aqoonle, ee kaliya dhibka jira, dhibtaada taal iyo dhimaalkeenna hore ugu eedeyn jiray qabqalaha, wadaad xumaha iyo dhallinta mooryaanta lagu sheegay, balse, maanta iyagu is la sidii u dhaqmaya iyo ka xun, heer ay maanta marayso, falkii ay shalay dadka kale ay ku ceebayn jireen, iney maanta camal ka dhigteen, oo ah, dil, ka la qaybin, xuduudo, isbaaro, qad cagaaran iyo mooryaanayn!

Gaas wuxuu ku dhashay Dusmo Reeb, xarunta maamulka Galmudug, Guuleedna wuxuu ku dhashay Baladweyn, ka muhimsane, labaduba qoys u ma deggana, Gaalkacyo, mana ku nooleyn, ee waa soo gelooti, u tagay magaalad, doorasho been ah iyo xiljacayl, markey ku fashilmeen maamulka dawladda dhexe, oo midna loo dooran waayey madaxweyne, kan kalana uuba xilkii is ka casilay!

12342770_1019354924783110_5238320197210354115_n

Gaas, Maraykan ka yimid halka Guuleeed ka yimid Muqdisho xaruntadala. Labada ma gudbe, mid intii burburku jiray, maalin amminkiisa galiyey Gaalkacyo ku ma jiro. Labo FAASHIL, oo fidno iyo ka dhex wada fasahaad, beelo iyo bulsho is ku baal iy baab ah, haba ka la darraadeene, haddana, waa baaba’ hor leh iyo bas beel!

Dawlad FASHILANTAY, waxaa dhashay BULSHO FASHILAN ama FASHILANTAY, sida dawlad FASHILANTAY ay u dhasho URUR ama HAY’AD FASHILAN! Haddaba, ma dhihi karnaa, fashalka dhan, waxaa dhalay, beelo fashilan, maadaaama bulshadeennu beelo ka kooban tahay?.

Dhanka kale, waxaa la yaab leh, danta ay garteen laba jabhad, laba dagaal ooge, laba qabqable, laba gacan ku dhiigle, laba macangag, ee ay garan waayeen laba HAL AQOON iyo Prof sida lagu sheego. Run ahaantii waa ayaandarro iyo dhabarjab weyn.

Rag Calooshi la ciyaar iyo ciil ka ma karaa ugu daran! Iyagu labo aqoon yahan ayey isu haystaan, may, loo aqoonsan yahay, balse, aqoontu ma dagaal hurinbaa? Ma dirir abuurbaa? Ma colaad dhalinbaa? Mise, waa barid, barbaarin, baaris iyo bulsho kulmin? Ma barbaaarta ayey rabaan, in ay dagaal ku barbaarshaan ama baraan? Bulshoow, ubadkiinna, kuwa barayaasha u ah, dib ha loo eego fadlan.

 

“Kan AQOONTA sheegtee


ARAGTIYO kas maan gala 


Ka ARRADAN tusaalaha


Umaddaan muxuu tari


HAL AQOONNA ugu yahay?!”

 

Dhanka kale, AQOON YAHANKU haddii uusan lahayn awood uu isaga caabbiyo ama isaga xajiyo, wax walba, oo iin u keeni kara, muxuu aqoon yahan ka yahay? Hadduu caammiga ku dheri yahay, ee la walaaqayo,  waliba marar badan jaahilku ka dhaqan suubban yahay, ma idin la tahay in loogu yeero karo AQOON YAHAN?.

Maanta dagaallada iyo qalalaasaha wali waddanka ka jira, gees ka gees, badi waxaa hurmuud ka ah, kuwo wata magaca PROF. Waa filaa inaan is la oggolnahay, inaysan jirin, kaa qof ka AQOON YAHANSAN, dhanka magaca ayaan ka wadaa dabcan, illeyn dhaqanxumadiisa aragnaye, haddana, wali magacaa ayaa loogu yeeraa. QOODHIIN iyo XERADIIN ma mudan yihiin? Aqoon yahan Aragti ka arradan!

 

“U adeege beeliyo

Abtirsiimo gaariyo


Eex iyo qabiil fale 


U arrimiya reer qura


Inta kale ku aaduna

Umaddani halkeey gayn


Oo ku awdi doontaa?!”

 

Mid aan filayo in aan isla qirsannahay ayaa ah in HAL AQOONka ama HAL YAQAANka Soomaaliyeed, maanta maalin looga baahi badan yahay aan la soo marin, mana filayo in la soo mari doono. Taa waxaa dheer in bulsho walba ay hormuud u yihiin inta magac aqoon wadatah, haddana, anaga kuweennu waa yar yihiin wax leh tilmaamta caynkaa ah ama buuxin kara kaalintaa.

Qof walba oo xumaan fala ama horseeda, hubaal, inuu mudan yahay, in la haaraamo, haddana, saw ma mudna, in la ka la qaado, oo qof walba meesha uu bulshada uga jiro lagu xukumo. Waxaan taa u leeyahay waxaa badan inta dhallinta dhaliisha ee ka dhaaya xiran HAL AQOONKA, ee dhaqaale iyo dhuuniba lagu baxshay waxbarashadooda, si berri wax loogu dheefo. Halka aan dhallinta intaaba lagu sheegan karin, lase dhihi karo, in la soo koriyey, oo haddaa HAL YAQAANKA miyaan isba la soo korin?.

Kuwan waxay mashquul ku yihiin, ISBAARAYSIGA Qaranka, maxaa yeelay, aqoontii ay barteen wax u ma tarin, iimaankoodii wax u ma qaban, aragtidoodii wax u ma kordhin, aqooshoodii lagu ma aflixin, iin iyo eed ma ahane, waligood abaal iyo bullaal khayr, oo wanaag laga dhaxlo soo ma siyaadin!

12346492_1019355054783097_6175636534727215565_n

Ugu dambayn, dalkan iyo dadkani iyagaa qalqal dhan walba ah ku jiree, yaan jiho kale, oo cusub laga furin, maxaa yeelay, haddaysan aragtidaada ka marnayn QABIIL, EEX, MUSUQ, FAQUUQ, TAKOOR, DIIN DADBAN, DANAYSI, IWM, waxaa hubaal ah in AQOONTAADU aysan gaarsiisnayn heer ay la mahdiyo. Dhanka kale, imisaa la helayaa aan wadan magacyda ENG, PROF, DR, IWM haddana, ka ARAGTI suubban kuwa horgalaha ay u yihiin erayadan.

Ma gudbenimadu, ma ahan ogaal yari, aqoon la’aan ama aqool maran, ee waa in aad is la qaladkii labo mar ku celiso, adi ha kaa dhaco ama qof kale ha ka dhacee, hore ha u dhaco ama haddabee, adoon dareensanayn dib u dhaca ka dhalanaya. Waxaa ka sii daran, marka aad joogteyso, ee aad ka dhigato; sunno, siraad iyo sargoyn, sal u ah saldano maamul, sandaqad ganacsi iyo sabad qoys.

Ogoow, dhan walba, aqoon, ogaal, aqool, arag iyo agabba, waxaa ku socda, hormar ballaaran, marka laga reebo hannaanka beelaysigeenna, oo aad mooddo, in uusan halkiisii ka dhaqaaqin, haddii uusan dib u laaban!

Ninka baa raba, maanta oo la marayo 2015ka, in dagaal beeleed iyo dirir qabiil uu horjeege ka noqdo, walibana, uu taageero ku helo, ka sokowna, aqoon sheeganaya, ee aan qalalaasihii qabqable, qasaarihii wadaad aan ku cibro qaadan, ma gudbe miyowsan ahayn?! Aragtidaada ayaad ku aqoon tahay!

 

“INKAAR qabe inaad tahay

Aan lagu aflixin abid

Iintaadu badan tahay

Agagaas inaad tahay

Ama aad ABOOR tahay

Igu diidi mayside

Umaddan maxaad tari

Ama maanta ugu taal


HAL AQOONNA ugu tahay?.”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s