Gaas iyo Galmudug

12343231_10205531619266395_1424166220_o

Gaas iyo Galmudug

 

Gaas, wuxuu ku dhashay, Dusmo Reeb, xarunta maamulka Galmudug, ahna caasimadda gobolka Galguduud, haddana, maalmo dhaweed, wuxuu duullaan iyo weerar ku ahaa, magaalada Gaalkacyo, qaybteeda koofureed, oo ka mid ah, magaalooyinka hoostaga, magaalo madaxda maamulka uu ku dhashay, ee Galmudug.

Ka muhimsan. Gaas, ku ma dhalan Gaalkacyo, qoys, ubad iyo xaasna ka ma degganna, oo doorasho been ah iyo xiljacayl ayuu u tagay, ka dib, markii ay ku soo fashilmay maamulka dawladda dhexe, oon loo dooran madaxweyne, aanna laga dhigin wasiirka koowaad, malaha, uu wasiir xitaa waayey! Yaa og, in uusan xilka dambe raajicin?.

Ka hor, Gaas, wuxuu ku noolaa, Maraykanka, barena ka ahaa, oo intii burburku jiray, dagaalladu socdeen, balaayadu abuurneed, baasku taagnaa, maalin amminkiisa in ka mid ah, ma gelin magaaladaa, oo wuxuu is ka joogay dibadda iyo daartiisa.

Shariif markuu xilka u magacaabay Gaas, qadaanqadintii Farmaajo ka dib ayuu yiri: “waxaan ku soo xushay Gaas, aqoon iyo karti!” karti iyo aqooneey xaal qaata! Gaas shaqsi ahaan waa nin af guran, aan codkar ahayn, hadalka aan dadka deeqsiin karin, ku caan ah jaajaalaynta iyo weero jaban. Sidaa waxaan u leeyahay laba middood, oo ka la ah: hadal uu jeediyo, oo aan jabnayn ma maqal. Micnaha inuu qolo qaar raasan yahay ma hane, si qumman u ma hadli yaqaan. Midda kale, waa inuusan afkiisa dhawrin, hadalkiisana qabyaaladi ka marnayn, oo ah, labo hannaan, oo qof hoggaamiye ah aan ku habboonayn. Tusaale, waxaa iiga filan, hadalkii ahaa: “PUNTLAND MAALIN WALBA AALKOLIISTAY GUURSATAA!”. Taa waxaaba u sii dheer, afar eray, oo Soomaali ah, oo aan markii horaba qaab lahayn markuu yiraa, kan shanaad waa eray qalaad. Tan, keli ku ma ahan, ee badi madax ku sheegga ayaa sidaa ah, kii Carabi dhexgalsha, kii Ingiriis ku dara iyo kii Talyaani ku laba.

Wasiirka koowaad markii uu ahaa, qofku is ma qarin karee, wuxuu ku caanbaxay QABYAALAD midda ugu qaabdaran, heer Gen. Dhagabadan oo ku yiri: “Ma waxaad tahay kaabbo qabiil Soomaliyed, mise, Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” una sii raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaaladda ku qalinjabiyay!” Dhagoolkii wuxuu yiri: “inaan gardaranahay waxaan ku ogaaday, dadka dhan ayaa faraha igu soo fiiqay!” balse, Gaas, sidaa oo kale u ma garan, hadduu u gartana, ka ma gaabsan, mana ka garaabin, bal wuxuu u qirtay, in uu u sedburshay beeshiisa, isagoo yiri: “Markii caddaaladda la eego, armaa sedburiino ay qaateen ayaan is leeyahay?!

Aqriste, hal QAACIDDOO DAHABI ah, iga QABO aniga, oo iga QORO; “QOF WALBA, OO BEESHIISA SOOMAALI UGA EEXDAA/SEDBURSHAA, WAXAA HUBAAL AH, IN BEESHANA UU UGA SEDBURIN DOONO JUFADIISA, JUFADANA UU UGA SEDBURIN DOONO ILMA ADEERRADIISA!” waayaha, waqtiga iyo waaqica ayaan ka bartay, ee bal adna qiimee, oo igu  soo warceli, haddii aysan saa ahayn.

Intaa ka dib, Gaas waa ninkaas, ragna calooshi la ciyaar iyo ciil ka ma karaa ugu liita! Dadka waxaa ugu xun, col u joog, colaad huriye, cillad abuur iyo ceeb fale. Inaad tol ka dhalatay, ceeb ma ahan. Inaad beel ku abtirsato, iin ma ahan. In aad qabiil ku aroorto, qalad ma ahan. Intaa iyo intii aadan adigu dooran, dookhaagana ku iman, eed ku ma lihid xumaan iyo samaan, ee, waxaad eed ku leedahay, wixii aad farto, fasho, ama fuliso, ee ka la fogeyn tol, is ku feerid beel iyo ka la falfalid qabiil ah.

Gaas, maalintii uu maqlay, dhismaha maamulka Galmudug, hurdo la’aantii ku dhacday, waxay ku ridday qarow, riyo iyo salal. Qorsho, qaab iyo qodob walba, wuxuu ku qaabiyey, sidii aan Galmudug u dhalan lahayn, dhicisna u noqon leheed, inay dhalmo dhimatana ay ku dhaami leheed.

Halgan, harjad iyo wuxuu u galay Gaas haasaawe, sidii uu dunida, dawladda iyo maamullada kale uga gadi lahaa, in Galmudug aysan buuxin karin shuraadaha maamul goboleedyada, ee dastuurku “DALTUURKA” dhigayo, ee ah, labo gobol iyo ka badan, halka Galmudug, lagu saleeyey gobol iyo bar, sida uu qabo.

Gaas wuxuu qarracmay, markii shirka Cadaado uu furmay, isagoo yiri, sida uu sheegay Yuusuf Garaad: “…dadka Cadaado ku shiray, ay yihiin dad Muqdisho dayaarado looga soo daad gureeyay.” Gaas, ayaa sheegay! Oo waa Gaas kee? Maxaa ka galay, dadka ku shiray Cadaado iyo waxa ay ka shireen? Micnaha, dadka Cadaado ku shiray, ma ahan dad u dhashay gobollada dhexe, ee waa dad ka soo doolaalay Muqdisho! Kaba muhiimsane, horta Muqdisho iyo gobollada dhexe, saw isku dad ma daggana? Ani ogaalkeey sidaa ayey ii eheed, ee Yuusuf, dadkan cusub, ee uu Gaaskiisa ka soo xigtay waa kuwee?.

Mar kale, aan xigto Yuusufe, wuxuu yiri: “Puntland, oo sheegtay in aanay go’aankii Cadaado u aqoonsanayn dowlad Goboleed.” Aqoonsi yaa uga baahan? Yaa weydiistay? Yaa u dabafariistay? Yey yihiin horta, aqoonsi ha siiyaane? Maxaa ka galay aqoonsiga iyo aqbalaadda dawlad goboleednimada GALMUDUG? Maxay isugu soo qaadaayaan hawl aan u oollin, ee u taal dawladda dhexe iyo dunida korjoogtada ah? Gaas, ma wuxuu joogaa, xafiiska bixiya aqoonsiga maamul goboleedyada? Qofku waxaa fiican, in uusan kabtiisa ka dheeraan, ee uu ku jin ahaado!

Waxaa la yiraa: “Garbo is gaargaar gargaar ma leh!” iyo “Rag labaatan jir buu ballamay” ee hadda haddii reer gobollada dhexe maamul dhisteen, waliba xalaal ah, oo aan Xabashi, Keeniyaan, faragelin shisheeye iyo damac dabadhilif lagu dhisin, musuq ku ma darine, maxay uga baahan yihiin maamulka bari?

Horta ma DASTUUR baa, mise, DALTUUR? Eraybixinta ka sokow, Gaas ma ogyahay, sida ay ugu qoran tahay DALTUURKA, in labo gobol ka badan maamul noqon karaan, ay ku qoran tahay, in xuduud goboleedyadu, ay noqonayaan, kuwii ay ka tagtay dawladdii burburka baahisay? Hadduu ogyahay, xaggee ka keenay, GALMUDUG, waxaa loo caleemo saaray gobol iyo bar?.

Mar walba waxa la tixgelinayo, waa xuduudkii hore iyo nabad ku wada noolaashaha, labadaana, waxaan filaa in maamulka gobollada dhexe ay ku baaqeen. Haddaba, maxaa keena mar walba, in kaliya, lagu indha caddeeyo, DALTUURKU wuxuu qabaa, in labo gobol ka badan maamul noqon karaan, oo looga tagaa, qodobka kale, ee sheegaya xuduud goboleeyada? Ka sokow, horta, maamulka, maxaa lagu salaynayaa, gobol, mise, qabiil? Micnaha, labada gobol, ee is raacaya, ma waxaa sal looga dhigaa, intii isku hayb ah, ee dhalyo iyo dhiig wadaag ah, mise, intii isku dhaqan, ood iyo deegaan wadaag ah?.

Tan ugu muhimsan, Gaas isaga ayaa gacantiis ku saxiixay Galmudug, in ay ka kooban tahay labada gobol, ee Mudug iyo Galguduud, markii uu wasiirka koowaad ahaa, ee hadda, maxaa isbadalay? Ma gobolladii ayaa meel kale u wareegay? Ma filayo. Wali waxaanan garan, sababta maamulka Puntland, aysan awood u saarin xuduudkooda waqooyi galbeed, sida dastuurka ugu qoran, halka ay u xoog weyn yihiin xuduudkooda koofureed? Si kale, sababta, aysan ugu dagaalgelin xuduudka gobollada Sool iyo Sanaag, ee xadka Somaliland, sida ay ugu dagaaleen qayb ka mid ah magaalada Gaalkacyo? Micnaha, labo gobol, ayaa ka maqan, sida dastuurkooda ku taal, haddii la raaco, oo gacanta ugu jira maamulka Somaliland, walibana xoog looga qabsaday, haddana, aysan u dirirayn, dood iyo dacwana ka ma daba wadaan, ee degmo barkeed, maxay uga duwan tahay? Isu ma key qaban!

Ka sokow, in uu yiri ma aqoonsani, Gaas, wuxuu labo mar shir uga baxay Galmudug. Midi wuxuu ahaa, carun shubkii Kismaayo, ee Axmad Madoobe, oo shir looga hadli lahaa higsiga uu isaga baxay. Sidoo kale, mid kale, oo Muqdisho ka dhacay, ayuu isna ka baxay, balse, is la markii lagu soo celiyey, loona sheegay, in madasha, aan looga hadlayn Galmdudug iyo Guuleed. Ka hor, waxay si qabyaaldaysan uga baaqsadeen kulankii ugu muhimsanaa higsiga, ee ka dhacay Muqdisho dhammaadkii bishii toddobaad Gaas iyo Madoobe, markaas ayuu rabaa, Madoobe, in uu maanta naga gado, in Gaalkacyo ay ku xiran tahay higsiga, maxaa, Muqdhisho ma ku xirna miyaa, may Kismaayo ku ma xirna miyaa?.

Dacaayaddii iyo borobogaandii uu ku furay Galmudug markii ay shaqayn waysay, oo ay aqoonsi ka heshay dunida, ayuu Gaas u jeestay xeelad dagaal iyo hurin dirir, oo dagaalkii Galkaacyo, ee saddaxda maalin ka la dhacay, mar walba weerarka waxaa laga soo qaday dhanka waqooyi, xitaa kii u dambeeyey, ee dhacay maalintii heshiiska la ka la saxiixday ka dib.

Wuxuu warwareego, iswaalo, ugu dambayn, Gaas wuxuu aqbaly waaqic jira, xaqiiqo taagan iyo run aan indhaha laga qabsan karin, oo ah jiritaanka Galmudug. Qorrax sacab lagu ma qarin karo. Sidoo kale, Galmudug, god ka ma gelin karo, balse, taas Gaas ma garan, sida uusan u garan WAXSAN waligii.

Dhimasho, dhaawac, qax, burbur hanti iyo maxaabiis ka dib, Gaas wuxuu ka la furay indhaha, dhabtana dhaayaha saaray. Dad badan waa lax dhukan abaar moog. Kaba darane, mar xeero iyo fandhaal ka la dhacay, ayey hambaabiraan.

Gaas, aqoonsi ka sokow iyo aqbalaad, wuxuu tagay dhanka koofurireed, oo uusan tagin, malaha markii horana, aan qorshaha ugu jirin, wuxuuna yiri: “Cadaado waa ka soo shaqeeyey, Dusmi Reebna waa magaaladaydii, dadkaan meel ka la ma jiraan, waa ehel!” xaafaddii, mooryaantii iyo malleeshiyadii halhayska u eheed, dhan ayuu is ka dhigay, ugu yaraan marka uu erayadaa lahaa, oo ninku waa Gaase, hadduu rabo, wuxuu is ku badali karaa inyare.

Aqoontii jaamacdeed, ma waxay noqotay, gobol iyo magaalo ka la qaybi, beelo ka la dil, dirir huri, colaaad abuur, dagaal rid iyo hoobiye magaalo ku garaac? Hadday saa tahay, fadlan, qabqablayaashii noo soo celiya, saa iyagu aqoon ma lahayne, awood ayey wax walba ku raadinayeene! Sida warqad loo saxiixo waan naqaan, balse, waxa ku qoran in aan hirgelanno ma naqaan.

Dagaalka Gaalkacyo, wuxuu uu ku billowday, waxaa ka weyn, waxa uu salka ku hayo, oo uu dabasocdo, aniga sida ay i la tahayna afar arrin ah:

1- Aano qabiil, dakano beel iyo uurgunud hayb, oo qarniyoyaal ahaa, micnaha beri hore u dhacay, walina qaarkood dhacayaan.

2- Heshiiskii labo Cabdiwali, ee ahaa, in Mudug iyo Gaalkacyo loo ka la qaybiyo qabiil! Laba Cabdi Wali waxay ka la saxiixdeen sedbursi kii ugu foolxumaa, maxaa yeelay, is weyduuntu ma ahan dhaqanxumadooda oo kali ah, ee waxay taabanaysaa wixii ay soo xarxarriiqeen iyo sida waaqica dalku yahay! Natiijadii hadda ayaan haynnaa heshoodkooda.

3- Dhismaha maamulka Galmudug, ee waaqica noqday, isaga oo ka qaraweyn kii uu hore u ahaa magac, muuq, maamul iyo meegaar. Heshiiska laba Cabdi Wali maxaan loogu qeexin xuduudka kale, ee Puntland ay la leedahay, ee Waqooyi, ee loogu gaar yeelay kan koofureed? Maxaa yeelay, waxaa jira muran aan ka jirin dhankan heshiiska beeleed lagula degdegee. Ma waxay xuduud la leedahay beesha Waqooyi, ee Somaliland, mise waxay xuduud la leedahay Khaatumo State?.

4- Dhismaha garoonka cusub, ee Galmudug, oo la yiraa, OSHACO, oo Gaas iyo guruubkiisa, marar badan is ku dayeen, in ay diyaaradaha ka hor istaagaan, in ay ku soo dagaan. Haddaan labo eray ku soo koobana, waa; JIRITAAN iyo DHAQAALE. Ujeedku wuxuu yahay, Gaalkacyo iyo Mudug, inta labo beel ay u ka la qaybsan tahay, una ka la qaybsanaahe, mar walba, waxaa lagu noolaan cabsi iyo wadna kurkur! Gaas iyo Guuleed, dagaalka Gaalkacyo iyo guhaaddiisa, ka la qaybsanaanta gobol iyo magaalo ayaa lagu xasuusan doonaa!

Xalku wuxuu ku jiraa, wadahadal, tanaasul, wadaag, walaaltinnimo, soomaalinnimo iyo darisnimo, wixii ka soo hara, waa halaaggeenna iyo hooggeena, ee yaan laga shaqayn fadlan, waliba, kuwo berri marka xilka ay dagaan ama laga qaado, iska bixi doona, oon dib loo arki doonin, yeysan dhallinta naga dhammayn dhurwaayadu!

Ma gudbenimadu, ma ahan ogaal yari, aqoon la’aan ama aqool maran, ee waa in aad is la qaladkii labo mar ku celiso, adi ha kaa dhaco ama qof kale ha ka dhacee, hore ha u dhaco ama haddabee, adoon dareensanayn dib u dhaca ka dhalanaya. Waxaa ka sii daran, marka aad joogteyso, ee aad ka dhigato; sunno, siraad iyo sargoyn, sal u ah saldano maamul, sandaqad ganacsi iyo sabad qoys.

Ogoow, dhan walba, aqoon, ogaal, aqool, arag iyo agabba, waxaa ku socda, hormar ballaaran, marka laga reebo hannaanka beelaysigeenna, oo aad mooddo, in uusan halkiisii ka dhaqaaqin, haddii uusan dib u laaban!

Ninka baa raba, maanta oo la marayo 2015ka, in dagaal beeleed iyo dirir qabiil uu horjeege ka noqdo, walibana, uu taageero ku helo, ka sokowna, aqoon sheeganaya, ee aan qalalaasi hii qabqable, qasaarihii wadaad aan ku cibro qaadan, ma gudbe miyowsan ahayn?! Aragtidaada ayaad ku aqoon tahay!

“INKAAR qabe inaad tahay

Aan lagu aflixin abid

Iintaadu badan tahay

Agagaas inaad tahay

Ama aad ABOOR tahay

Igu diidi mayside

Umaddan maxaad tari

Ama maanta ugu taal


HAL AQOONNA ugu tahay?.”

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

4 Comments

  1. “INKAAR qabe inaad tahay
    Aan lagu aflixin abid
    Iintaadu badan tahay
    Agagaas inaad tahay
    Ama aad ABOOR tahay
    Igu diidi mayside
    Umaddan maxaad tari
    Ama maanta ugu taal
    HAL AQOONNA ugu tahay?.”

    faallo aad u qiimo badan, waayo noo joog bashiir waxyaabo badan ayaad noo faaideeysay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s