Axmad Madoobe; Ummaddu afka ha ku hadashee, ammaan ha kaa hesho!

images

Axmad Madoobe; Ummaddu afka ha ku hadashee, ammaan ha kaa hesho!

 

10kii sane, ee u dambeeyey, siyaasadda dalka, sedburinta beelaha iyo sulufka colaadeed, waxaa safka hore uga jiray, sal iyo sabana u ahaa; Macallimiinta guud ahaan, gaar ahaa dugsi Quraanleyda, oo dhibka ay noo gaysteen ama nagu hayaan, aan wax la la meel dhigaa jirin! Waxaa la mida sheekhyada aan shiixin; Axmad Madoobe, Aadan Madoobe, Xasan Daahir, Shariif Sheekh Axmad, Xasan Sheekh, Janaqow, Faarax Cabduqaadir, Guuleed, Gaas, Shaakir, Sheekh Maxamuud, Aw Libaax, IQKB.

Axmad Madoobe, shirkii wadatashagiga higsiga 2016ka, ee Muqdisho ka dhacay, ayuu ka yiri: “Haddeynu shir weyne Soomaaliyeed u fadhinno, goob Soomaaliyeed fadhinno, aaye eynu leenahay ka tashaneyno, dad Soomaaliyeedna la hadleyno, mexey madaxdu English iyo afqalaad ugu hadlaan? Miyeynaan ogeyn, in taasi jiritaanka afkeenna iyo dowladnimadeennaba lid ku tahay! Anigu waan qoraa, waana akhriyaa, ee English ma yaqaan yaan la igu xaman!” hadal aad u qurux badan, balse, inta aadan u qushuucin ka hor, horta Axmad Madoobe ma taqaan? Haddaad taqaan, wali xasuusto ma kuu shaqaysaa, mise, waa kaa dhimatay, may, kaa dantay?.

Waxa la yiri; “Illeyn; hadal OO ama AA ma yiraahdo!” Haddii nabar lagugu dhufto, waad jibaadda, taahdaa ama cabaaddaa, balse, marka la hadlo, hadalku ma aadaaro! Micnaha, haddii hadalka qalad laga galay, ma sheegto, mana dhibsado.

Haddii lagu dilo, ee adoo dhaawac la jiisaya, uu dilaa kale ku iraa: waxaa dhaawactirkaaga ku jira, rag aan aqaan, maxaad is dhihi leheed? Hadalka Madoobe, waa sidaas, ee la soco, wax uu kaga duwan yahay ma lahan. Sabab? Iga hoo.

Axmed Madoobe wuxuu ku dhashay dhulka Soomaali galbeed. Hore, wuxuu u ahaa, macallin iyo wadaad magac la huyey. Aqoon kale, ogaal ka baxsan, aqool hubban, aqli deggan midna loo ma ogayn, aan ka ahayn, inta laga arkay, ee dhimaal, dhaawac, dhib iyo dhibaato ah.

Wuxuu galay, maadaama ay is ku dar ahaayeen wadaadadii waallida waday, ee dalka u horseeday, in Xabashi soo gasho, xasuuqna ka gaysato, dabcan marka lagu daro, codsiga aabbaha xerta Xabshida Cabdillaahi Yuusuf. Markii la jabiyey, ee ay firxad galeen iyo orod, sida caadada u ah, saa Xabashi u ma babac dhigaane, kaliya, Soomaalida ayey burbursadaane, asoo dhaawac ah, ayey Xabashidu qabteen, waxaana lagu soo daweeyey magaalada Godey, ee xarunta gobolka Godey, markii la soo dabiibay ka gadaal, ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka, haddaa maxay ka damac sanaayeen? Ma inuu dacwatu shaaric iyo wacdi jeedayaa? Ma shaki baa kaaga jira, in Madoobe yahay kaaliye Xabashi iyo argagixiso la Amxaareeyeey?!

Intaa ka dib, wuxuu mar kale ku biiray, xubinna ka noqday xisbul Islaam, xisbigii macangagga dacarta diinta, Xasan Daahir Aways, ee hadda xabsi guri ku yaal Muqdisho ku ilma dhalaya. Jihaadkii dhalmada isu badalay! Burburkii xisbiga, ku biiriddii Xasan Daahir, ee Alshabaab, Madoobe, wuxuu u laabtay, gabbaadkii beesha, diinta iyo maamulka is huwan ahaa, ee malleeshiyada Raaskambooni, oo uu boorka ka jafay, isaga oo xiriir la sameeyey dawladdii Shariif, taageero fiicanna ka helay, isagoo gacan ka helay Gaandi, oo markaa ahaa wasiirka Gaashaandhigga, damacna ugu jiray Jubbooyinka, oo dib ka keensaday magaca Azaaniya!

Axmed maadaama uu ku dhashy Soomaali galbeed, ayna ka taliso Xabash, hadduu maamul doonayo muu iyada maamulo? Hadduu Jihaad rabana degmadaa baa uga baahaane, maxaa boorka la isugu qarinayaa? Gaandi iyo inta la midka ah, ee aan Jubbooyinka ku dhalan, ee qasaysana waa la mid. Hadday Soomaali Galbeed xor ahayn, hadday NFD xor ahayn, waxna u qabanayn, ma gobolladii xorta ahaa, ayey doonayaan, inay Kenya hoos geeyaan, oo dib u gumeeyaan? Allow adaa faxan, ee may qarow maalmeedka iyo qayaabka indhaha ka qaataan? Bartamihii sanadkii 2012dii, markii la qabtay, may, la qabsaday Kismaayo, ayey faraha ka baxday, illaa haddana aysan gacan Soomaali ku jirin maamulkeedu.

Qofka sooyaalkaa leh, qofka sidaa uga qaybqaatay dagaalka sokeeye, qofka xasuuq joogta ah ku haya dadka deegaanka Jubba, ayaa maanta af iyo hadal ilaalinrteeda naga la hadlaya. Af iyo ummad in la ilaalsho yaa mudan? Af iyo arwaaxda Aadanah, in ammaangalsho yaa roon?.

Axmad Madoobe, waa ninkaase, inta u qushuucday hantaaticiisa, ee afka qalaad ku aaddan, fadlan ha i la fiirshaan: Af iyo uur aan is lahayn, addin iyo iimaan ka la jeeda, arag iyo aragti ka la duwan, feker iyo fal ka la weecsan, faham iyo faallo ka la fog, goorma ayaan ku baraarugeynaa, waa la murrugaye!

Is weydii: In aan af qalaad ku hadlo iyo in maalin walba, qof soomaali aan qasho, qoys Soomaali ah aan qixiyo, qaranka aan qaranka kale u qabbiro, tee qatarsan, may, tee Soomaalinnimada qarraraysa? Si kale, afka qofka bahdilay, ee af qalaad ka doortay iyo qofkii afkaa ku hadli lahaa qofka dilay, ee iilka galiyey, ciiddana ka hoos mariyey, yaa laga dardaaranqaataa? Sheekooy ku nacay, waliba marka sheydaanku sheego!

Hadal macaan iyo hawraar malab ah waa la dhihi yaqaan, balse, in fal, faallo iyo fiiro lagu lifaaqo na laga waa. Ii dheh, iga sheeg, dicaayad iyo borobogaando qof is ku muujinayo, ayey mar walba bulshadani ku barriqataa. Inta hadalkaaga iyo hawlahaagu ka la duwan yihiin, aaminaad ma lihid, ee ha lagaa ammaan helo af iyo addinba. Jirjirrooleyn, labo bogleeyn iyo labo codleyn waxaa ugu weyn, midda Axmad Madoobe uu ku hadaaqay, ee afka ku saabsan. Axmad Madoobe; Ummaddu afka ha ku hadashee, ammaan ha kaa hesho!

1e140dda

Haddaan falkaagu hadalkaaga ka turjumayn, hadalkaaguna falkaaga ka turjumayn, waxaad waddaa waa huuhaa iyo hadar. Siduu uga digayo afka qalaad, waa in uu uga digaa ciidamada qalaad, gaar ahaan kuwa uu asagu dabada ku wato, haddii kale waxa ay ku ka la fiican yihiin ha noo sheego labadaas arrimood.

In afku dabargo’ iyo in ummaddu dabargo’ kee daran horta? Si kale, af dabargo’ay ama bulsho dabargo’day yaa daran? Haddii bulshadii layn, qixin, dil, barakin lagu wado, afkaa yaa ku hadli doona, ma dad uu Axmad ka keeno deegaanno kalaa, aanna Soomaali ahayn? Horta ma ogtihiin, meesha uu ku dhashay Axmad, in af Amxaari looga hadlo, haddaa muxuu ku diidaya afafka qalaad? Si kale, af qalaad iyo ciidan qalaad yaa daran? Axmad waxaa maamulka, xukunka iyo awoodda ku haya, waa ciidan, ee maxay ku la hadlaan, ma afkeenna? Ma filayo. Tan iiga muhimsan, af Kukuuyaha, Amxaariga iyo Ingiriiska Axmad waa ka la jecel yahay, oo labada hore, waa u nugul yahay, balse, kan dambe, waa kuu ku afqabsaday.

Intaa kaliya ma ahan, JUBBALAND, saw ma ahan, madaxeedu, muwaadin ka yimid Qabri Daharre, haddana, raba, in uu Kismaayo iyo Jubba maamulo? Ka sokow, saw ma ahan, ninka maalin walba, dadka u dhashay Jubba, barakicinta, qixinta, xasuuqa iyo ku wada laynta?.

Af ka hadliddii waan ku la garannaye, in ku la qaadatana waa jirtaaye, balse, aniga igu qaldi mayside, maad ka hadashid gobolka Godo? Maad ka hadashid, diyaaradaha duqeeyo Jubbooyinka maalin walba? Maad ka hadashid ciidanka maalin walba xadka ku soo xadgudba, ee marras iyo maato naga laaya? Maa ka hadashid darbiga ay Kenya ka dhisayso xuduudka? Maad ka hadashid badda uu gaday, haddana, sii dhammasytirayo wadigaayga Ina Sharmarke? Maad ka hadashid malleeshiyada Raaskambooni, ee maalin walba dadka ku laaya Jubbooyinka? Maad ka hadashid dhibka aad ummadda ku haysid ama is ka aamustid!

Ii dhehda Axmad, waxaad ku garan, in ay dhugmo ku dheel tahay, XARUNTA JAAMACADDA KISMAAYO, waxaa xoog ku deggan ciidan ajnabi, oo isaga kursiga boobka ah, ee baarlamaanku ku tilmaameen sharcidarrada ku haya. Xarumihii waxbsharashada, goobihii aqoonta iyo fadhiyadii tacliinta, ayuu adreyda ka afqabanayaa, askar shisheeyana waa dejinayaa, deedna af ayaan u doodayaa, oo mid qalaad ayaan ka didayaa, ayuu ku leeyaahy. Waa ha la isku ciyaaro. Ogoow, ani afqalaadeyn u doodi maayee, waxaan ka digayaa, in daycaad iyo afgubaadsi na lagu ugaarsado!

Hadalka Axmad, ma wacdibaa, ma waanobaa, mise, waa WIIRSI? Anigu kan dambe, ayey i la tahay, adna adaa ikhtiyaar u leh, sida aad doonto u faham. Afka in loo dodo iyo in umadda aadunka laga daayo, waxaa weyn, muhimsan, oo aayo leh, in umadda laga daayo nololxabaalidda, ee Axmad intaa ha deeqdo, waliba duco, wardi iyo waxaan ugu daraynaa waneey!

Bulsho is ku garaad ah, is ku go’aan ah, is ku guddoon ah, is ku garasho ah, is ku is ku gunaanad ah, sidee ku gaaree, guul wacan? Ujeedku wuxuu yahay, Gaalkacyo iyo Mudug, inta labo beel ay u ka la qaybsan tahay, una ka la qaybsanaahe, mar walba, waxaa lagu noolaan cabsi iyo wadna kurkur! Ogoow, dhan walba, aqoon, ogaal, aqool, arag iyo agabba, waxaa ku socda, hormar ballaaran, marka laga reebo hoggaankeenna, oo aad mooddo, in uusan halkiisii ka dhaqaaqin, haddii uusan dib u laaban!

Dadkeygoow, maalin walba, yaan kii idin dulleeyey, idin dallaalay, idin duugay, idin dacareey, idin dib dhigay, uusan isaga kiin dhigin DUUB, inta hadal macaan idiin mariyo! Dubaakh walba, oo aan dux iyo iidaan lahayn, yaan doxorayaashu idin ku dagin!

Waxaa aad iiga yaabiyey, walibana iga caraysiiyey, marka aan arkay, kuwo aqoon sheegaya iyo in ay dalka xog ogaal u yihiin, oo haddana u riyaaqaya, hantaataca iyo hadaaqa Axmad, kuna sheegaya, tallaabo wax ku ool ah, may aragti saliim ah! Intaa waxaa nooga daran, may, kaba liita, idinka nooga dhigaya ninkan oo kale HALYEEY! War hurdada ka kaca, oo indhaha fura, may, maanka mura. Indho furan, maankuse xiran yahay, waxba soo kordhin maayaane!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s