Maanso: Guuleed bal noo warran

Maanso: Guuleed bal noo warran

 

Guuleed bal noo warran

Googooska maansiyo

Gabayga iyo shiribkiyo

Guuroow bal noo curi

Geeraarka suugaan

Googgaa bal moo mari

Iyo Bacadle godadkuu

Ga’da uu ka degi jiray!

 

Warranoo bal Guuleed

Adigaa guddoonshiyo

Gar wadeen ahaayoo

Geed lagugu duubaye

Adigoon guhaad iyo

Goofaartan ii arag

Gobolkii ka sheekee

Geddii hore miyaa weli

Mise waad gorfeysoo

Wuxuu gaaray meel sare?.

 

Warranoo bal Guuleed

Guutooyin gaariyo

Geesh nabadda dhawriyo

Ciidan weli ma loo gurey

Gaashaan ma haysaa

Gobonnimada dhawroo

Ku gam’aan dadweynuhu?!

 

Guuleed bal noo warran

Guddoonkaagu suu yahay

Gobollada ma wada tagay

Dusmo reeb ma gaaroo

Cadaadiyo ku meel gaar

Ma ka guurtay degalkii

Xaruntii Galmudug iyo

Caasimadda gobolkiyo

Goobtii martida iyo

Guurtiyo Ugaas iyo

Suldaan iyo Garaad iyo

Guudcaddaagu hagi jiray

Ma u guurtay xuruntii?!

 

Guuleed bal noo warran

Galladdaa maxay tahay

Maxaad talo gorfaysaa

Maxaad tabar gujaysaa

Maxaad ganacsi miistaa

Maxaad guunyo haysaa

Gunno maxaad u bixisaa

Maxaad Geni sarfaysaa

Maxaad gabanno barashiyo

Aqoon garab ku siisaa?

Goobo caafimaadiyo

Gargaar maxaad u fidisaa

Dadka cudurro gaareen?

Gaajadiyo oonkiyo

Abaaraha gondaha dhigay

Omoskaa geyiga jira

Galal laga cabaayiyo

Ma loo goobay ceeliyo

Gunta riigag soo qodo

Oo maaxda soo gura

Biyo dhaamis Guuleed

Iyo garab ku qaadkii

Ma ka gudubyey gobolkii?.

 

Warranoo bal Guuleed

Horuu kuu gargaaroo

Gacan siismo kuu galay

Ka guddoomi kugu yiri

Gobollada dhexoo idil

Adiga iyo guddoonshuhu

Weli mays gergeraataan

Garab maysa siisaan

Gacalnimo ma goobtaan

Mise waa ku gooyoo

Mar horuu ku garabmaray

Geestaada kaba baxay?.

 

Guuleed bal noo warran

Guutada careysneyd

Gulufkii wadaaddada

Xertii goostay dhinacood

Giriifkiyo is diidkii

Weli maw galliintoo

Geed inay yimaadaan

Ma gorfeysay Guuleed

Mise waa geddoodii?.

 

Warranoo bal Guuleed

Ka la guurka lagu jiro

Higsiga loo gucleyniyo

Guurtida shiraayiyo

Golayaasha loo xulay

Geddee baad ka joogtaa

Gobol iyo degmo u xula

Ama geedka beelaha

Guddiyada ha lagu xulo

Tee baad guddoonsatay?!

 

Guuleed bal noo warran

Xilka guudka kuu suran

Haddii uu gugiisiyo

Kaa dhammaado gelinkii

Miyaad soo gadaalcelin

Mise waad galbaneysa?!

Warranoo bal Guuleed

Maalintaad guddoontee

Xilka aad la gudubtiyo

Illaa goortan maanta ah

Wali gaabis mooyee

Waxaan kugu garaaboo

Aan u guuxo maan arag

Ma garbaa ma dawbaa

Ma ged aad u dhalataa

Ma go’aan yaraanbaa

Mise weli ged baa dhimman?.

 

Dhammaad.

04/01/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

Advertisements

2 Comments

  1. Waan rabi lahaa in Mud. Guuleed uu akhriyo tixahan xitaa hadduusan ka soo jawaabin bal uun uu is weydiiyo su’aalahaa? MAXAAD QABATAY ILAA MAANTAY?

    Ku mahadsanid gar dhigashadan…

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s