Warancadde walaalihii Waraabe ayey u ku noqdeen!

12512105_10205746530999054_583142734_n

Warancadde walaalihii Waraabe ayey u ku noqdeen!

 

In dhib la ka la sheeganayo, la ka la tirsanayo eedo, la is ku tilmaamo iino, waliba ka la weyn, u ma baahna caddaymo iyo curraafnimo ogaalkeeda; duqeyn, xasuuq, boob, bililiqo, dudsiin, xukunmarooqsi, is ku keli yeelid awood, dhac dawladnimo iwm, haddana, marka uur ku taallooyinkii laga dhigo tikid siyaasadeed, sedbursi, dheeri doonis, ka la fogeyn bulsho, ka la geyn ummad, is ku dirid qawmiyad, ka la qaybin dad, qaraabo qarrarid, qolqol ku ka la qabbirid, iwm, waxaad garan, in lagu dhacay dabinno qatar ku ah jiriddeennii hore, joogisteenna qorraxan iyo jiritaankeenna dambe, ee dhadhamofade, hunguriwade, xildoon, xoolorabe, dabadhilif iyo shisheeye kalkaal ay sabab u yihiin, gadaalna ay ka taagan yihiin danleyda; QAYBO oo XUKUN!

Warancadde, eray ahaan, marka aad maqasho, waxaa maankaaga ku soo dhacaya ama kuu sawirmaya, nin dagaalyahan ah, dirir iyo dabshid badan, haddaba marka uu afka ka la qaado, xaalkiisu wuxuu noqdaa af mariidle, ay afkiisa ka qubmayso suntii abriska, waabeydii iyo mariidka uu dadka indhaha kaga rido. Eray qaraar, arar qallafsan, alan qaloocan, xambaarsan qabyaalad iyo qadaf ma ahane, qawl naseexo, oo qalbigu u saxilo ka ma maqashid. Waxaad arkaysaa, in uusan hadalkiisu ahayn mid xumo maahine aan weligii samo abuureyn. Maahmaah baa tiraahda: haddii aad fool xuntahay, xarragadu way ku kabtaa, haddii aad agnaan tahayna aamusnaantu way ku kabtaa.

Amminno badan, ayaamo aan tiro lahayn iyo arooryooyin aan caddad lahayn, ayaan wasiirka warfaafinta maamulka waqooyi maqlay, isagoo ku celcelinaya; “Walaalaheen, dalkayaga labaad” iwm, oo uu uga jeeday Xabashida. wuxuu had iyo jeeraale warbaahinta ka ammaanaa, kuna soo dhaweeyaa Itoobiyaanka deegaannada waqooyi.

Waa nin is ku soofeeya dadka sinji, sifo, sabo, sakad iyo soorwadaagga ah. Way badan yihiin, deegaan, gobol, beel iyo maamul walba ayaa laga helayaa, oo haddii aysan jireen, dawladdu ma burburteen, haba u horreeyeen kuwa burburiyey, kuwii faa’iidada badan ka helay, ee sanadaha badan dhaqan, dhur iyo dhaqaale ku qabay, haddana, nacsiinta, nacaybgelinta iyo nacab u muujinta, haddaad is leheed, marna gaari mayso, in ay Soomaalinnimada waxyeellayso, waad riyoonaysaa, ee bal toos.

Sida qabqablaha koofur, bartamaha iyo waqooyi bari joogaa uu ugu awrkacsado BEESHA, ayaa kan jooga waqooyi, ugu awrkacsadaa BEESHA iyo DAWLAD aan jirin, marka laga reebo khiyaaligiisa. Koofurta, bartamaha iyo bari, waa xaq baan idiin soo dhicinayaa, halka waqooyi ay ka tahay, waa la idin xasuuqay, ee dadkaas col iyo cadaawe idiin haya, ka caagganaada cimri walba.

Sidoo kale, kali ku ma ahan, inta tiraa “WALAALAHEEN ITOOBIYA” oo koofur, waxaan filaa, cidna ka ma badsan, haddana, kuwa koofureed, marka ay leeyihiin, ugu ma hoosduugna ama ku ma lammaanshaan, ku riixid iyo fogyen waqooyi, oo iyaga dabci iyo u ah dhaqan. Faroole ayuu ahaa, kii lahaa, markii uu dhintay Meles, sidan: “Senawi, kaliya Itoobiya ka ma dhiman, wuxuu ka dhintay, guud ahaan shucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay!..idinkee? Ma beeshiisa? Intaa ekayne, qayldhaan dirsaday, oo yiri: “…Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale,ee la shaqeynaya, inay raacaan dhibbihii uu jeexay Senawi!” dhabbahee? Ma kii xasuuqa? Ma kii qabsashada?

Siyaabo iyo amminno kale, waxaa walaaltinnimada Itoobiya na baray, Shariif Sheekh Axmad, Xasan Sheekh iqk. Siyaasiga ku ma ekaane, wadaaddada ayey gashay, oo Umal, eray ka ma dhihin, markii ay heshiis wada gaareen Jabhad ku kacsanayd maamulka Meles, oo lagu tirsho garab ka mid ah garabyada TOLKA TIMIRTA, oo la yiraa: “Midowga Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed (Western Somali Liberation Front) (WSLF) ” heshiiskaa ka dib, madaxdii ugu sarreyay Jabhaddaa, ayaa isa sii taagtay Addis, kulanna la qaatay Meles, Maxamed Cabdi Umal Ayaadahiisii baas iyo Axaadiistiisii Jaan waxba ma tusin, oo ku aaddan wadaadkaa la heshiiyey Meles, ee wuxuuba u taageeray si kal iyo laab ah, isagoo u daliishaday kelmad carabiya “Musaalaxo waa bannaan tahay” sidoo kale, wadaaddadii Cabdullaahi Yuusuf iyo dawladdiisii dalladda qabqalayaasha gaalaysiinayey, maanta juuq laga ma hayo, ma Quraanka ayeysan ku qornayn Aayadihii shalay, mise qaab kale iyo qar kale ayaa laga qarfaysanayaa? Isqabadii adi.

Warancadde, wuxuu ka mid yahay, inta ku caanamaala, ka la celinta, is ku caraadinta bulshada. Wuxuu cadowga koowaad u yaqaan, dadka reer koonfurka ah, oo uu mar walba u diro farriimo dhiilleysan iyo dhambaallo dhaliileed, oo muujinaya cadaawad iyo nacayb fog, oo qotodheer.

Hubaal, in arrinkani, uusan ahayn, mid ay la qabaan, inta badan bulshada waqooyi, marka laga reebo, in ay saaqday, saaqa sunta sifaxumaynta reer koofurka, ee loo tusay, in dhibka ku dhacay waqooyi ay gaysteen reer koofur, balse, ay gaysatay, dawlad ka wada dhaxaysay, haba lagu ka la batee, koofur iyo waqooyi, oo ay madax ka ahaayeen xilalna ka hayeen safaakiil, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno qorraxan loo arko ama isu arka “LANDER!”

Deegaanka waqooyi, waa deegaanka ay ku noolyihiin Itoobiyaanka ugu badan, ee dalka jooga, waxaa xiga waqooyi bari, oo ay shaqaystaan, qaarkoodna ku haystaan meherado yaryar iyo farsamooyin. Siyaabo badan ayey dhaliil u yeelan kartaa joogitaanka dadkaa, heer ay shaqadii iyo xooggii deegaanka la wareegi rabaan, haddana, Warcadde iyo ragga la midka ah, waxaa u muuqda, bidhaan iyo hummaag la yiraa KOOFUR, oo ay tahay, in ciqaab iyo cabbur joogta ah lagu hayo. War bal ha laga tumo!

Dad u nool u dhiibid, qunsuliyado u furid, dad aan la aqoon waxa ay yihiin iyo wax qabtaan soo daabbulid iwm ayaa waqooyi fara ba’an ku haya, oo Itoobiyaan jaas iyo qawmiywad walba leh ayaa degay deegaankii, heer ay gang iyo yeeshaan kooxo meelo u go’an leh, oo aan loo gelin karin. Maalin dhaw ayaan daawaday wadaad ku sheekaynaya, in ay xitaa dadkeennii xamaaligii ay dhawr iyo labaatanka sano ka xamaalan jireen laga eryaday, oo ay soo cayriyeen Itoobiyaan, haddana, aan waxba laga dhihin.

Ma doonayo, in aan badiyo dhacdyoonka gurracan, ee sida joogtada ah Itoobiyaanku uga gaysteen deegaanka Waqooyi, anoon dabcan, ka indha la’ayn sida ay u gumaadaan dadka koofurta iyo bartamaha deggan, marka waxaan jeclaystay, in labo dhacdo, oo dhawaan dhacay, aadna u xanuun badan aan idin la wadaajiyo.

Dhacdada hore, anoo taxadar ka muujinaya, ayaa waxay tahay, in ilmo yar, oo aan waxba galabsan, uu Orgabo Itoobiyaan ahi, ku cuney dalkeedii iyo gurigeedii hooyo intii ugu yimid, oo intuu madaxa gudin kaga jaray uu dhiigga ka jaqay! Ninkaasi waa ninkii uu Warancadde keensaday, ee yiri: WAA WALAALKAY!, dalkana wuxuu ku joogay oggolaansho (rukhsad) la’aan, mana jiro wax canshuur ah oo uu bixinayey.

Waxaa sidoo kale dhacdey, in shaqaale maamulka ka tirsan, oo maraya deegaannada iyo degmooyinka waqooyi, ee ku yaalla xad beenaadka ay la wadaagto Itoobiya, ay ciidamada Itoobiya ka kaxaysteen ilaa iyo haddana aan la ogeyn nolol iyo geeri meel ay ku maqan yihiin.

Dhacdada dambe, waxaa qirey maamulka, haddaba, waxaa is weydiin mudan, aaway walaalnimadii iyo weheshigii Warancaddoow? Af labadii yeer, oo sida libaax kuu xareysan u hiinraag kolkaad maqasho magac Soomaaliyeed, marka aad Xabashi maqashana nuxuus iyo dareen nuglaan muuji! Maxaadan shir jaraa’id uga qaban arrintamahan, maxaadse Itoobiyaanka dhooban gobollada waqooyi amar uga soo saari wayday, sidii kuwii Soomaalida ahaa, ee doonta saarnaa aad badda ugu celisay ee ay ku dhiman gaareen, iyaga oo mar kale ka qaxaya dagaal iyo xabbad?.

Waxay tahay arrinta kale, ee aan aadka u la yaabay, iina cuntami weyday, in amminkii dowladdii musuqa ee Aadan Cadde iyo dowladdii meleteriga ee Siyaad Barre (Aabbihii burburka) ragga ugu codka dheeraa, ay ka soo jeedeen waqooyi, suugaan, fan, qoraal iyo qaylodhaan kaleba, macnaheeduna aysan ahayn, in kaga badnaayeen inta kale, balse, dadkaa saa ahaa, oo qaarkood qorraxan noolyihiin, walina ay ifka joogaan, aan laga hayn, eray guubaabo, cod qaylodhaan, hawraar digid iyo hadal digniin ah toona. Maxaa aamusiyey? Maxay juuqda la gebeen?.

Sidoo kale, waxaa jira qorraxan in aan aqaanno anigu, in ka badan boqollaal wax qora waxna curiya, haddana aan ka hadlin dhacdooyinkaas, walibana, ka soo jeeda deegaankaas, ee talow, iyagana, ma riwaayadda Warancadde iyo riyada inta ku ra’yiga ah ayey rumaysteen, oo u riyaaqsan yihiin, mise, reed kale ayey ka raran yihiin? Waxaa jira wariyayaal iyo dad waaweyn, oo waxgarada, haddana aan ka dhiidhin marna arrimahan, waxaanna is weydiiyaa, laba arrimood midkood:

  1. Dadkii miyaa la caburiyey, oo lafahooda ayay u baqayaan, waxayna la kulmeen wax kacaankii ka dhib badan? Ma filayo, walina dhacdo ahaan u ma hayo.
  2. Mise qabyaalad bay ka tahay, oo waxay mucaaradaan oo reer waqooyigu juqjuqeeyaan, waxaan reerkooda ahayn. warcelintaa weli ma helin, waxaanse ka sugayaa, waxa bahda ka saarey, ee ay uga hadli la’ yihiin dhibaatadaa iyo dhiilladaa bulshadeenna haysta, rag badan oo aan aqaanno, hubaalna aan ku ogahay xogogaalnimo iyo xilkasnimo.

Qaar baa moodaya, inaan ku diganayo. Xaasha! Aniga koonfur iyo waqooyi, bari, galbeed iyo bartamuhu waa ii gudboon yihiin, waanna la wada gubanayaa hooyada iyo aabbaha ku dhibban, waayeelka ku daryeelka la’, carruurta aan waxbarashada ku haysan, dhallinyarada shaqo la’aanta ah iwm, haddana, mar walba, in la ifiyo, wixii ina ka la dilaya, ama keenaya caabuq bulsheed iyo faquuq wax ku jaban ma lahan, walibana waxaan rabaa, inaan ku baro bulshada, cidda walaalka looga dhigay, inaysan ahayn walaalkood, midka Wwaraabaha looga dhigayna, uusan ahayn Waraabe, ee uu yahay walaalkood.

Ka la saar li’ida labadan, waxay sababtay, in la ka la garan waayo, Soomaaliya iyo Soomaalinnimo, oo marna maamul, awood, dawlad, maarayn, hannaan, qaybi iyo qaab ah, marna, dhalasho, qawmiyad, dhaqan, hidde, af, iwm ah.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s