Heesta: Xeebta i gee

Unknown

Heesta: Xeebta i gee

Heestan “Xeebta i gee” waxaan curiyey, ka dib, weerarkii argagxisadu ku qaadeen labada maqaayad, ee ku yaalla xeebta. Waa dareen cabbir, aan ku muujiyo, in aysan nolosha, farxadda iyo damaashaadka naga celin karin, nagan leexin karin, is ka daa, in ay naga hor istaagaan abbaarkeenna ah, in aan mar walba aadi doonno, tegina doonna xeebta. Heetu waxay ku billaabatay sidan:

Heesta: Xeebta i gee

Xeebta i gee

Xalay iyo shalay

Xilliyadii hore

Xeebta maan tegin

Xamaasado iyo

Xiisaa i hayee.

Xeebta i gee.

       

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Gacal xubbi iyo

Aan xabiib iyo

Xigaalada iyo

Xigto booqdee.

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xumiwadihiyo

Xaasid hay tusin

Yuu i xamanoo

Xamxam dulun iyo

Yuu xadgud iyo

Xiqdi hoosiyo

I xasradinoo

Sidii Xoonkii

Ama Xoortii

I xagxaganoo

Igu xoomine!

Xeebta i gee

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xabadka i saar

I xanxaanteey

I xambaaroo

I xannaanee

Xumaan iga dhawr

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xanaaq ii diid

Xanuun iga jir

Sida xidagaha

Xariir oo kale

I xushmooyoo

Xurmo ii yeel

Hayna xoorin

Xayraanta i saar!

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Aan xaanida iyo

Xumbadeedaba

Is ku xarfiyoo

Is ku xalo oo

Is ku xoqo oo

Xalane noqdee!

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xiska maankiyo

Xiidmaheygiyo

Xidid iyo muruq

Aan xasiliyee!

Xeebta i gee .

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xagjir madaxmaran

Xuub dahaar iyo

Xayndaabyo ku jira

Xisku maran yahay

Gafuurka xirtoo

Xogba aan hayn

Xinjir daadshaha

Bamba is ku xira

Xulquumyada jara

Xabaal badiyaha

Xorriyadda iyo

Xeerka noloshiyo

Xuquuqdeennaba

Aan xaqdhawrayn

Xilkasnmadeen

Yaw xayuubsane

Xaalin ma karee

Xaakim maahee

Xuunsho weeyee

Yaw na ximingoyn!

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Anoo xarragoon

Xoolo haystoo

Xag walba ka ladan

Xisaabtami kara

Sidii xiinkii

Xaagaa roobaad

Xeebta i gee .

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xoog haddaan hayn

Haddaan xaddi jirin

Xisku uu dhumo

Xaglo laabmaan

Xamaarasho iyo

Xabad socod iyo

Xaluulasho iyo

Xamaarasho iyo

Xeel kaleetiyo

Xal inaan helo

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Aan xadreeyoo

Xalqo hees iyo

Xorriyo u hadal

Xerta hoballada

Fannaaniin xulan

Aan xaflado badan

Xiiso gaardiga

Xaram gaariyo

Xaafad gooniya

Xaraf maansiyo

Xa’leey mariyoo

Ku xabeebtee

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb

Xeebta i gee.

 

Xeebta i gee

Xashaashadiyo#

Xuutka qada iyo

Xuubi* ka dhigee!

 

Xeebta i gee

Xasuus iga reeb

Xasuus igu reeb

Xasuus i la reeb

Xasuus naga reeb.

 

Dhammaad.

 

Eraybixin:

 

# Xashaasho: Waa xayawaan xeebta ku nool, oo hore iyo gadaal dhanka uu rabo u socoda, gano waaweynna leh.

* Xuubi: Yaxaas geeslaha, Xuubi Cadde.

F.G: heestan, waxaan u hiddiyeynayaa, dadkii ku nafwaayey ku dhaawacantay, ku hanti waysay ama ka argagaxay falkii aragagixiso, ee xeebta ka dhacay.

Dhammaad.

Jimco, 22/01/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s