Xildhibaanimooy Xaal qaado!

images-1

Xildhibaanimooy Xaal qaado!

Qormadan, waxaan ugu magacdaray, heesta kooxda Qeylodhaam: “Xildhibaanimooy xaal qaado” oo anigu runtii aan aad uga helay, gaar ahaan iyo guud ahaan heesaha kooxdan, maadama ay ku soo beegmeen, xilli aad u xassaasi ah. Waa kooxdii labaad, oo nooceeda ah ee Soomaaliyeed ee samaysanta. Sanado ka hor, waxaan si fiican uga wada dharagnay, heesaha baraarujinta kooxda caan baxday, ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa.

Maanta waxaan jeclaan lahaa, inaan waxyar ka iraahdo heestaa iyo sida loola falgalay ama wixii laga yiri.
Heesta hal ku dhaggeedu waa: “Xildhibaanimooy xaal qaado”, marka ay soo baxday, waxaan u dhagaystay si fiican, aamigo dhawr kol ku ceshtay, dhuuxayna erayada iyo ujeedka heesta,l. Maalmo ka dib, ayaan dhagaystay waraysi laga qaaday Prof Dalxa, oo uu ku dhaliilayo kooxda iyo gaar ahaanba heestan. Anoo fajacsan, oo leh war Prof-ka maxaa ku dhacay, oo qaaday? Fudaydka intaa la eg ku ma filayne? Maadaama kooxdan ay tahay koox, is kaa wax u qabso ku dhisan, cidna aan mushaarsiin, qolo gaar ah u heesin, kuna jirin xizbi siyaasaded, ka maansoodaan wixii taagan dabeedna ku codeeyaan.
Su’aalahaa iyo kuwo kale markay madaxayga ku soo dheceen, oon leeyahay: Allalayle Prof-ku wax dhihid ayuu u baahan yahay, ayaan waxaan dul sitaagay farshaxanka weyn ee Amiin Caamir oo ka hadlaya heesta iyo kooxdaba, markaan dhagaystay hadalkiisii ayaan iri: “Afkaaga caano lagu qabay”, wixii niyaddayda ka guuxayey ayaad sheegay, sidaana xilkii iiga dhacay, dad badanoo i la midana ka ridday, markaa baan haddana xasuusgalay, oo dib milicsaday, mise, waxaa ii muuqday muuqaal aysan niyaddaydu jeclaysan.
Haddana waxaan ku laabtay Prof-ka, oo aan su’aalo badan hordhigay, anihoo leh, war Prof ma i la xasuusataa kuraastii cascaseed ee Nayroobi? Mise waa hilmaantay, haddaad illowday waxaan ku leeyahay: “Alla Illowsha dhawaa ma umulaa?!”, maahmaah ahaan ayaan uga jeedaa, falka asigu ma samayn, balse, wadaaggu waa halmaamka, aniga prof waxay igu noqdeen laf dhuungashay iyo boog aan raysan. Su’aalaha ayaan sii waday oon iri: ma waxaad na leedahay xildhibaannadu wa xalaalquutayaal? Ma sidaa ayaad naga dhaadhicin ood donaysaa inaan ku qanacno? Waa ii dhadhami waysay markaasaan iri: “maya Prof taa iska illow, laga gudub xilligii dadku suuxsanaayeen, ee wixii la doono loo meerin jiray!”.
Hadalkii ayaan sii watay oon ku iri: waxaa noo joogaa kooxda Qaylodhaan, Waayhacusub, qoroyaal iyo mareego u heellin had iyo jeer soo gudbinta xaqiiqada, ku dhibtayaa ama jeclaataye!

Waxaan ku iri: kolley waa kuu jeedaa inaad qoonsataye, awood aad wax uga qabato ma lihide, ma sidii Sheekh Shariif ayaad habaarrami doontaa? Habaar hadduu wax qabanayo Sheekhuu wax u tari lahaa, markaas baan ku iri: “waxaad ii sheegtaa tuducda ku gubtay eed is la hayn waysay?!” Inta uusan ii jawaabin ayaan ku iri: “Sida caadada ah hadal walba waxa uu leeyahay reebe ama saare, waxaan uga jeedaa khaas yeelaha hadalka saara wixii soo dhexgali lahaa, mar waxay ka muuqataa hadalka, marna waxay kuba jirtaa oraahda, marna waxaa lagu gartaa dareenka iyo garashada.
Jawaab waafiyase ka ma halin, sida uusan u siin wariyihii waraysanayayba, haddaa muxuu hadal aan qusayn u soo dhexgalay? Mise waa meeshii laga yiri: “ Meesha bugta iyo fartaa is og!”, oo wuxuu is leeyahay adna waad soo galasyaa, hadduuba difaacay kuwaan arkay, hubaal inuu soo galayo, ama Prof ha ahaado ma ayuusan ahaan, waxaase la yaab leh Prof-ka aqoontiisii ma wuxuu ka doorbiday, inuu ku difaaco wadaadxumayaal iyo qabqableyaal, xildhibaanno sheegta? “Alla Anaa iska ba’ay” waa wixii lagu barooran jiray!
Maya sidaa ma ahan ee Prof-ka waa lagu duxay, oo yaa ku duxay? Soomaalidaa tiraa: “Dariskaa kuma caddeeyo, kumana madoobeeyo, ee siduu yahuu kaa dhigaa!”, waxaa ku neefsaday calooshood u shaqaystayaasha iyo xaraan ku naaxayaasha, marka wuxuuba is tusay ninkii xildibaan dhaliila, inuu isaga dhaliilayo. Prof ujeedku sidaa ma ahan, hadalkuna asiga ku ma quseeyo ee xasuusnoow, haddii kale, waxba ha is qarin, ee bannaanka isa soo dhig, waa la ka la dambayn ma ahane waddadaa lagu wada joogaa! Saw ma aragtid Wadaaddadii diinta ee shalay maanta sida ay u dhaqmayaan?!
Hadday sheekadaa gaaban ee dAden maaxadka ah na dhex martay aniga iyo Prof-ka, ayaa shalay lagu ka la dareeray kal fadhigii baarlamaanka, markaasan iri: Ar Proofoow ma dhex joogtaa mise waa dhuumatay? Anoo raba inaan dareen siiyo in kooxda Qayladhaan ka saxneyd, oo issgu bacaad cidla ah qoor sagaaro ku hayey, tagtadii dhacday 2004-tii iyadoo wali iga hari la’daday, ayaa waxaan daawaday muuqaal laga soo qaaday kulankii baarlamaanka, mise waa iyagii oon biyo ismarin, maba isbadalin oo waa sidoodii, ortii qayladii iyo qalalabtii ayey wali wadaan, waxaad mooddaa xoolalay taagan suuqaxoolaha, oo ku guda jira gorgortan iyo iga dhin, feerka iyo tumburyadu waa astaan ma hartaa, haddii la ka la dareeray maxay wali is ku sii hayaan?.
Ugu dambayn waxaan dhihi lahaa Prof-ka, “waayuhu is badali maayaane, yuusan hadal kaa tagin”, haddii kale waxaad marti u noqon doontaa barnaamijka taxane ah ee “Labo Codleyn”, taasi handaad ma ahan, ee waa tusaalayn, maadaama aysan habboonayn ka la hadalka iyo isku dhexyaacu. Dhanka kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa kooxda Qaylodhaan, oon leeyahay hawsha halkaa ka sii wada, ha u jooginnina doc ka yeer iyo hadaaqe toona. waxaad qabanaysaan bulshada ayaa garanaysa qiimahooda, nin iska dhex arkay erayadiina ma garan karo!
Waxaan ku soo afmeerayaa qormada erayada heesta “Xildhibaanimooy xaal qaado”, haddii aan meelaha qaar qaldo qaraalkeeda waa dhaga culays aan ka cudur daaranayo, saxnimadeeda waan soo dhawaynayaa, heestiina waa tan, ee ka haqab beela.

Xildhibaanimooy xaal qaado
Xushmad baa lagaa doonayaa
Haddaad xildhibaan tahaye
Xeerkood ilaalisaa habboon
Iyo xumaha ood diiddo
Qaaraan xilkaba qaadi karin
Yaab baa la soo xulaye.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Xeebaha kuwii iibsadoo
Waliba xuurstaysan
Ayaa xilka gaar naga hayoo
Xeerna kuu qabane
Dadka Kuwii xasuuqaa ku jira
Kuwii xumaan dhigaye
Xabaddoo dhacaysay rabaan
Xoolo booliyehe.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Amisom bay xayndaab ugu jiraan
Xerayodoo oodan
Xabbaduhu waxay dilaan
Maalintii maato xoog darane
Xinjiraha shacabkay daadiyaan
Kuna xashaashaane
Xaafad quray kuwada nool yihiin
Xamartii weyneyde.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Xafafka nabarrada qarsoon
Xanafta noo laaban
Xaalufka iyagaa noogu wacan
Xiisadaha taagan
Xaquuqul Aadankay jabshaan
Xeer ma dhawraane
Xurmo malaha ruuxii dad yahaw
Xaaraan ku naaxaaye.

Xildhibaanimooy xaal qaado

Illaa ay laaluush xaabsadaan
Xukun ma gooyaane
Xarbigu inuu sii socday daanayaan
Tan iyo xiixaaye
Xaqir bay naga dhigahayaan
Annagoo dawlad xoog badana.

Baarlamaan xoraan doonaynaa
Xiisa loo qabaan doonaynaa
Xaq inaad leedihiin dadweynow
Xukunku ha ogaado
Xaafadaha ka soo wada boxoo
Sheegta xubintiinna
Oo xamaasada kacshoo
Xiisa ololeeya
Ilaa aad xaqiinnii heshaan
Yaan la xagaldaacin.

Xildhibaanimoow xaal qaado.

Dhammaad.
Oktoobar, 2011
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

 

 

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s