Maansada: Xasanoow bal noo warran?

images

Maansada: Xasanoow bal noo warran?

 

Suugaan xareedliyo

Maansooyin xulan iyo

Guuroowgii Xaayow

Xarafyadii Taraawiil

Xalqadii muriidyada

Xigamddoodi noo mari

Aan kuu xadraynnee

Xasanoow bal noo warran?

 

Xaradhaami xaajada

Xanaf iyo ka dhawr xumo

Xiska garashadiisiyo

Xasuus iyo dhigaal iyo

Xifaaliyo oraahduba

Waa xiise gaar lahe

Xasanoow warkaa keen.

 

Xukun dawlo waa meer

Xisbiba uu mar taliyoo

Dadku ka la xulashanoo

Xeer doorasho u yaal

Ninna loo xaglinahayn.

 

Marna waa xil reereed

Ama xaakin diineed

Xasabiyo qaraabiyo

Xigto boqor dhaxlaysoo

Xumo iyo samaanba leh.

 

Marna xoog ku haysiyo

Xukun diriq ku yimid iyo

Xarig la ma sitaan iyo

Xaajo weeye kalitalis

Midkeed xulatay doorkaan

Xukunkaagu waa kee

Xasanoow bal noo warran?

 

Afar sano xisaabteed

Xammaamiyo istaaggeed

Xukun dawladeed iyo

Maamul iyo xudduudkiis

Dalka iyo xoreyntiis

Xeer iyo dastuur qorid

Maxaad xaadir yeeshoo

Dadku kugu xasuustaa

Xasanoow bal noo warran?.

 

Keenyaanka Xabshtiyo

Xadka dariska naga jira

Dalka xay ku joogaan

Ma xoogbaa ma xeerbaa

Mise xeelad weeyaan

Xasanoow bal xaalee?.

 

Cutubyada xammaysani

Inay xerataraaraan

Inay soo xaddhaafaan

Dadka inay xasuuqaan

Dumar inay xumeeyaan

Xurmo inay dulleeyaan

Ragga inay xiraanoo

Xiniiyaha ka siibaan

Odoyada xareeyaan

Xushmaddana ka qaadaan

Inay xoolo boobaan

Inay dhuxul xadaanoo

Dhirtannada xaalufin

Xasanoow ma moogide

Maxaa juuqda kugu xiray?.

 

Inaan xaabo nahayoo

Xoogga iyo awooddii

Xarragiyo dadnimadii

Xeer waxaan lahaan jiray

Xorod uu xar la galay iyo

Xash inay ka liitaan

Xasanoow ma moogine

Qaabkeed u xaalayn?.

 

Haddii uu xagaa dhaco

Xooluhu xumaadaan

Cudurrana ku xoomaan

Hulumbuhuna xaynxayn

U xasuuqo xoolaha

Xawawaris ma daysiyo

Inaad xero bedelatoo

Waa xisaab ma doontee

Haddii aad xabaal geli

Xaqiir la ma ahaadee

Xasanoow maxaa xala?.

 

Amnigaa xukuumadi

Xeer ay ku celisaa

Xakameeya waligeed

Xoog kuu ilaalshiyo

Ciidan xeel yaqaannoo

Xafidoo dadweynaha

Xuquuqda dhawroo

Ka xigsada dhibaatada

Is ku xeera gebigood

Xarigliyo Saraakiil

Xurmadliyo askeri diran

Is ku xiran is kuna xulan

Xarragiyo u dhiman sharaf

Xaq waxay lahaayeen

Xaalkeed ma haysaa

Xasanoow bal noo warran?.

 

Xabiibka iyo cadawgaa

Dunidaan is xulayoo

Xayndaab wadaagee

Xasanoow siyaasadi

Xisbi gaar maahiyo

Xero oodan oo xiran

Waa dan iyo xeesheed

Shiinaha xigaaliyo

Ma wadaagne xeeree

Waa kuwan xirkeenniyo

Xamar wali dhexjoogee

Iiraan xariirkood

Maxaa loo xayirayoo

Xafiiskooda loo xiray?

Ma xisaab xumaanbaa

Mise waa xiqdiyo ceeb?

Xertu Shiico weeyoo

Xulufada Sunniga baa

Xadiiskoodu saa yahay?

Ma xoolaad heshaanoo

Xoogaa dhaqaalaa

Xagga Carab ka yimid baad

Iiraan u xoorteen

Xasanoow bal noo warran?

 

Tuulooyin ka la xiran

Xudduudo iyo xaayndaab

Ka la xiraya loo dhigay

Xurgufina ay dhextaal wali

Xagna aan wadaag iyo

Ka lahayn xariir wacan

Maxaa lagu xallinayaa

Xasanoow bal noo warran?.

 

Midka xiisad beeree

Xanfaf iy dhibaatiyo

Xabbad iyo dagaal iyo

Xumo iyo belaayiyo

Xanta suuqa galiyee

Is ku dira xigaalada

Maxaa lagu xukumayaa

Xasanoow bal noo warran?.

 

Xabsiyda bal noo sheeg

Dadka xiran ka buuxaan

Yaa xarigga geliyoo

Xornimada ka qaadoo

Xukumoo casaaroo

Ku xareeya jeelasha?

Ma xasuusantiinoo

Ma jiraa xaquuqiyo

Qodob lagu xadeeyiyo

Xeer loo dejiyey wali

Xasanoow bal xuuraan?.

 

Xaqdarrada la galayiyo

Wax dhaca xadgudubee

Dadku wada xakaar yahay

Ma xaqbaa ma xeerbaa

Mise waa xisaab kale

Xasanoow bal noo warran?.

 

Kan xafiiskan maamula

Xarumihiyo waaxyaha

Agaasima xisaabqaran

Maxaa lagu xushaayoo

Lagu ka la xadeeyaa

Xasanoow bal noo warran?.

 

Maxaad xoolo qaraniyo

Xisaab dawladeed iyo

Xirfadliyo shaqaaliyo

Xoogsiyo mid ganacsada

Kan farsamo ku xeeldheer

Ku xasilo dadweynuhu

Xeerkeed ma haysaa

Xasanoow bal noo warran?.

 

Agoomaha xad dhaafka ah

Dibjirkaan la xaalayn

Maatada xeryaha gegan

Cirroolaha xaglaha godan

Ee qabo xanuun badan

Xarun caafimaad iyo

Meel lagu xannaanshiyo

Xarun ma u samayseen?.

 

Arday xaraf aqoon dhigan

Xalqo meeris joogoo

Xarriiqayana barashada

Xarumihii tacliintiyo

Xeer iyo manaahiij

Xirfad maw abuurtoo

Ma u yeeshay xaafado

Xasanoow bal noo warran?.

 

Xerta daarta weyn iyo

Xaruntaada joogtaa

Xaflad iyo damaashaad

Xarragiyo dalxiisbaa

Xaalkood u badanyee

Horta xeer aqooleed

Is xisaabin lagu daray

Xafiisyadu ma leeyiin

Xasanoow bal noo sheeg?.

 

Xulashada dambeetiyo

Xilka guudka kuu suran

Ma beeliyo xigaalaa

Ma xisbo iyo ururraa

Mise waa dagmiyo xero

Xasanoow bal nooga dhac?.

 

Xaruntii dalkeenniyo

Xamar iyo dhankeedii

Maxaa loo xisaabtiray

Oo Banaadir loo xiray

Xubintiyo xaqeedii

Xeer waxay lahaydiyo

Xildhibaanba loo siin

Ma xurmaa ma xeerbaa

Ma xandhaa ma xeelbaa

Ma xaqiriddibaa wali

Xasanoow bal noo sharrax?.

                

Nin xamaasad gaariyo

Xamxam beena wada oo

Xuurteysan maahiye

Nin xaq doon ah baan ahay

Xuquuq raadiyaan ahay

Nin fudeydka xiin iyo

Xawaariyo ku jiro orod

Xiinfaniin ah maahiye

Nin xog raadin baan ahay

Xagjirnimo ka dheer tahay.

 

Adigoon xadgudub iyo

Xagxagshiyo dhimaal iyo

Ii arag xajiimayn

Iyo ruux xasarad wada

Waxa adiga kuu xulan

Afar sano xagaageed

Sidaad xukun ku sii hayn

Xasanoow bal noo qeex?.

 

Dhammaad.

29/01/2016

 

F.G: Xaraf jaban, xigmad qaaran iyo xis maran, inta la soo xaadirta, si ay Xasan ku xagxagataan, ayaan maansadan, u hiddiyeynayaa, ha ku la xisaabtamaane.

 

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/ 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s