Dilayaal ka la darajo sarreeya!

DILAA

Dilayaal ka la darajo sarreeya!

 

Anigu ma daawan muuqaalka xalay ka baxay muujiyaha Qaranka, haddana, falcelinta dadka iyo sida looga faalloonayo marka aan fiirshay, waxaa ii soo baxday; Kaaf iyo ka la dbeeri!

Qareen u ma ihi Xasan Xanafi, haddana, waxaan ii cantamin, sida aan u nahay, bulsho ka dilan garsoorka.

Gasoor marka aan ku leeyahay, ha u qaadan waaxyaha iyo laamaha garqaadista, ee dhisme, garsoore, qareen iyo gole dacwo leh, ee waxaan uga jeedaa; kan qofeed, ee qof walba, ee naga mid ah halbeeg iyo u ah hannaan.

Xasan Xanafi -naynaas uusan dhaqankeeda lahayn, illeyn, Xanafi af Carbeedka, waxaa lagu yiraa; Toosane!- wuxuu fal gurracan, dil qaarijin, qarax iyo gaystay naf goyn qorshaysan, waliba, inta badan, ku jeedday kaliya qolo gooni ah, -warramaayasha- haddana, falalkiisii iyo falcelinta dadku waysu dhigmeen!

Ha degdegin, qof dil gaystay iyo qof aan gaysan, in aysan i su dhigmayn ogni, haddana, mar walba waxa riixaya, ee keenaya haddaan la ogaan waxba teri mayso baroorta kaliyuhu.

12592192_1029819490394587_9045000693523133946_n-2
Xasan Xanafi; eedaysane u xiran shabaabnimo iyo dilal!

Dil badankii waxaa keena NACAYB, oo ah, in aad qofkaa iyo qaabkiisaba ay ku la qurxoonaato, in aad ifka ka qariso! Qaarijiso!

Ka sokow, dilku ma ka la qiimo badan yahay? Qolo gaar ah, miyaa dadka kale ka qaalisan? Miyaan loo sinnayn, saamaynta iyo raadka ay leeyihiin waxyeellada waxgaradka bulshada, ee la dilaa?.

Maxaa inta dil dalka ka dhacda, kaliya xoogga loo saaray warramaayasha, ee loo dayacay qaybihii kale, ee bulshada laga qaarijiyey? In wariye la dilo iyo aqoon yahan la dilo maxay isdhaamaan? In wariye la dilo iyo in ganacsade la dilo maxay ku ka la duwan yihiin, waliba, iyada oo laga yaabo, in ganacsaduhu shaqo siiyey wariyaha? Siyaasiga iyo Xildhibaankaa la dilaa, ma ka liitaan wariyaha?!

Weyduumuhu badan, hal warcelinna u heli maysid. Hubaal, in dabagalka iyo baaritaanka amminka badan qaatay, qarashna uu ku baxay, uu yahay, mid wax ku ool ah, loona baahan yahay, haddana, wali iyo wali xaajo ma dhawa.

12651262_1029819517061251_2536828142255963865_n
Xasan Daahir; Madixii X. Islaan Shabaabna xubin ka ah

Sida la isugu hawlay, loogu dedaalay, in la faago fallaarta feero jarta warramaayasha, ayey eheed, in la faaqido dadka kale, ee waxgalka ku ah bulshada, ee la dilo!

Tan ka daran, in laga gaabshay muujita dadka kale ee bulshada laga dilo, waa in aan dad ka la duwan ka maqlay, kana aqriyey meelo dhawr ah, in Xasan Xanafi marar badan la dilo, ee aan hal mar kaliya la dilin!

NACAYBKA arag! XAGJIRNIMADA arag! Hadal; dhaqan, qaanuun iyo diin ka fog. Feker ay ku dhaqmaan kaliya, habardugaag iyo wixii bahwadaag la ah!

Qofka dil gaysta, in dil lagu fuliyo, xarig nolol ah iyo xabsi daa’in lagu rido ama in gu’aal go’an lagu gunto, waa xeer, balse, in la yiraa; yuusan hal mar dhiman, ee marar badan ha dhinto, waa garsoorxumada aan sheegayey.

Bal ka warran; haddii dadka caynkaa u fekeraya ay garsoorka madax ka ahaan lahaayeen, sidee u garneqi lahaayeen? Kaliya ma ahan, maxay ku garneqayaan, ee; ma dhaqanbaa, ma qanuunbaa, mise, diinbaa, oo aragtidooda ah, in qofka dilka gaysta, aan hal mar la dilin, aan mid qabtaa jirin?!

12645215_1029819547061248_7261663714788974887_n
Atam; Madixii Argagixisada GALGALO!

Waxaan la yaabaa; dawladdu gacan ku dhiigle dilal gaystay, faray ama wax ka maleegay, ma Xasan Xanafi kaliya ayey ka haysaa? Ma isagaa u horeeeya, una dambeeya? Maxaa kali ku yeeyahay, in sidan looga faallooda, waliba loo shaydaameeyo, halka kuwa kale aan faallo is ka daaye, aan xitaa la falanqayn?!

Xasan Daahir Aweys, Maxamad Siciid “Atam”, Sakariye Ismaaciil Xersi IQKB oo xubno ka ahaa argagixisada iyo Alshabaab, markii ay dawladda i su soo dhiibeen ama ay soo qabatay, wax dabagal ah, wax baaritaan ah iyo wax faallayn ah laga ma samayn! Xitaa muujiyaha Qaranku ma waraysan, halka loo oggolaaday, in uu waraysiyo siiyaan warbaahin qalaad!

Xasan Xanafi iyo kuwan yaa dambi badan? Xasan Xanafi hadduu dilay tobaneeyo warramaa, kuwan kumannaanka dilay, maxaan sida Xasan Xanafi loo la dhaqmin?

Yaa qiimo badan kumannanka dad ee ay dileen kuwan aan xusay iyo tobaneeyada uu dilay Xasan Xanafi?!

Waxaan ka baqayaa, in barnaamjika ay ka muuqato, anaaniya iyo anaga kaliya. Danaystennimo ayaan ka dareemaa diyaarintaa, maxaa yeelay, illaa hadda ma arag, qof ka hadlaya dadkii kale ee la dilay, la qaraajiyey, aan ka ahayn, in Xasan Xanafi na looga dhigay SHAYDAANKA ugu weyn, ee wax dila. Inuu dilaa yahay iyo in kale, qof walba, oo aragti ka lahaan kara, haddana, waxaan ani isugu kay qaban la’; waxa baaritaanka loogu gaar yeelay kaliya wariyayaasha, ee dadkii kale la aasay!

U fiirso, waxaa jooga, oo gacanta dawladda ku jira, madaxii SIRDOONKA ALSHABAAB, haddana, qof wax weydiinaya, arki maysid! Qof eedaynaya, arki maysid! Qof leh, dhawr mar ha la dilo, arki maysid! May qof ka hadlayaba arki maysid!

12662587_1029819520394584_1665159688891755132_n-2
Sakariye; madixii sirdoonka Alshabaab!

Saw ma ahan, in dilayaashu ka la darajo sarreeyaan? Kuwa daaro iyo deyr duggaal ahba lagu daryeelo iyo qaar sida Xasan Xanafi laga dhigo DAYUUS, aan damiir lahayn! Ma filayo, in Xasan Xanafi ka dadnimo xun yahay inta aan sare ku xusay, maxaa yeelay, is ku aragti, tab, tusmo iyo tallaabo ayey ahaayeen, malaha walina yihiin, haddana, kuwaas waxaa na looga dhigay, in Xasan Xanafi ka duwan yahay, may, ka bahalsan yahay! Is ma dhihin!

Sida dilayaashu u ka la darajo sarreeyaan, ayaa sida muuqata, dadka ay dilaanna u ka la darajo sarreeyaan! Hal qolo kaliya dilka loo gaysto, maxaa loo baaray, oo Inta kale, dambaska loogu daray?.

 

Moogi!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/ 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s