Xaajiyo Khamsiin maxaa loo ximay?! Q1aad

image

Xaajiyo Khamsiin maxaa loo ximay?! Q1aad

AFEEF: Haddii aad qormada ku aragto, erayo aad dhibsato, ha ii qaban, afxumo iyo adeeg ii ma ahan, ee ujeedka iyo abbaarta ayaan uga leexan waayey. Ha igu eedin, eelna ha iiga dhigin afka anigu ku ma darine! La ye: “ama afeef lahaay ama adkaysimi lahaaw” si kale “hadalkaaga hortiisa afeef ayaa la dhigtaa, iriddaada horteeda ood/albaab” mar kale “Qof afeeftay, eed ma lah!”.

Dawladda ayaa heshiis shaqaale qoris la gashay dalka Boqortooyada Sucuudiga. Heshiisku wuxuu dhigayaa, in shaqaale dumar ah, ay u shaqo tegi karaan dalka Sucuudiga, loona fududaynayo wixii ay u baahan yihiin, ee dalgelidda iyo la xariirta dhoofka.
Heshiiska ka dib, dad badan ayaa dood ka keenay dumarka Sucuudiga u shaqo tagaya, waxa ay qabanayaan iyo xuquuqda ay yeelan karaan, si gaara waxay u la yaabeen, in da’da hablaha la xaddiday!
Qof oggol, ee raba, qof diiddan, ee ku kacsan iyo qof u dhexeeyaba, dhacdo ahaan marka ay heshiis tahay ugub ha ahaato, balse, dumar Soomaaliyeed, oo Sucuudi u shaqo tagay ugub ma ahan, ee maxay qoonsadeed, dadka diiddani?.
Dadka is ku aragti ma ahan, mana laga dhigi karo, haddana, ka la duwanaashaha aragti, ee jira, waxay ku habboon tahay, in aan la siyaasadayn, sida aysan u qummanayn, in la diimeeyaba. Micnaha, in aan laga leexin sida ay tahay, ee kaliya, lagu ekaado, saa ku filan, kuna fiicane.

DHOOF WAA DHIB!
Waxaan hubaa, in qofna uusan dhulkiisa ka dhoofayn, haddii uu ku haysto wax walba, oo uu baahan yahay ama rabo, haddana, haddii SABOOLNIMO ay sabab u tahay, waa hubbanti, in dhoofkaasi ka duwan yahay dhoofyada kale ee qofku dhoofo.
Cayrnimada, xooloyarida, hanti la’aanta iyo saboolnimadu waa unugga ugu weyn, ee qofku dhulkiisa uga dhoofo, waxaana raaca, aqoon, barasho, ogaal iyo ardaynimo, haddana, marka aan ognahay, in dhib, dhalandhool, socod dheer, dheelmad, iyo dhafar badan ka horreeyo ama ku lammaanan yahay, waa hubaal, in uu sii dhib badanayo dhoofku, ee haddii dhimasho, dhaawac iyo dhimaal badan wehliyo ka warrama?!

Xiriirkeenna ganacsi iyo aqoon
Dal ahaan, waxaan xiriir ganacsi la lahayn Yemen iyo Cummaan ka hor xorriyaddii, ka dibna, waxaa ku soo biiray Talyaaniga, oo kaalinta koowaad galay. Dhanka kale, waxaa jiray waddammo uu naga la dhexeeyeen xiriir dhaqan iyo aqoon, sida; Masar, oo ay ku taal Jaamacadda Azhar, ee uu ka soo aflaxay Sheekh Maxamad Macallin “AUN” iyo Suudaan, oo iyana uu ka soo qalindaartay Maxamad Cabdille Xasan, oo Dariiqada Saalixiyada laga soo waariday, ahna halka uu naga soo galay erayga DARAAWIISH! Waxaa la yaab leh, in qayb ka mid ah ciidankeenna, loo baxsho magaca DARAAWIISH! Oo aan summad ciidan, astaan askar iyo hannaan hawlgal midna lahayn, marka laga reebo XERNIMADA, XEROWNIMADA iyo midda ugu daran, oo dhaqan iyo dhur u eheed, ee ah; boob, bililiqo, dhac, dil iyo barakicin! Isweyddii, askartii xukuumaddii Siyaad Barre “Aabbaha burburka” miyaan dhaqammadan lahayn, oo aan intaa iyo in ka badan ku kicin ama samayn, ee duqayn, kufsi iyo dumin deegaanno ah?!

Xoogsatadii Sucuudiga
Ewel Sucuudiga waxaa loo aadi jiray oo kali ah; XAJ iyo CIMRO; CIBAADO. Horraantii toddobaatameeyadii ayey aheed, markii u horreesey, ee Sucuudiga loo aado xoogsi iyo shaqo, oo markaas u ahaa xilligii buumka dhismaha guryaha, waddooyinka iyo casriyeynta Sucuudiga. Soomaalidii u shaqo tagtay Sucuudiga waxay isugu jireen jaad walba, haba u badnaayeen xoogtsato iy xammaalato.
Dadkii ka soo soo shaqaystay Sucuudiga, waxay dalka ku soo laabteen, iyaga oo dhaqaale, ra’somaal, hanti iyo haysta lacag. Xoogsatadii Sucuudiga ka soo shaqaystay, dhaqaalahooda waxay ku dhisteen guryo, sidoo kalana waxay abuureen gacansi.

Xoogsatadii Sucuudiga 
Bartamihii toddobaatameeyadii ayaa waxaa baxay magac illaa haddana la adeegsado, oo ah; Xaajiyo Khamsiin, waxaana sabab u ahaa, bixiddiisa, ka dib markii dadkii u shaqo tagay Sucuudiga ay ka mid noqdeen dumar, dalkana dib ugu la soo laabtay baabuurka Toyoto Hilux, ee loo baxshay magaca Xaajiyo Khamsiin. Magac bixintu ammaan ma ahayn, ee waxay eheed; dhaliil, dhaleecayn iyo dhimaal muujin. Ma jiraa, mise, waa mala’awaal? Waa arrin kale.

image
Hablaha u shaqo tagay Sucuudiga, oo da’ ahaan aan yarayn, ee ka weynaa 35jir, ayaa keentay in magaca Xaajiyo Khamsiin loo baxsho. Waxaa ku hoosjirtay, oo loo qarinayey; naa heedhe, ma adoo da’daa ah, ayaad ADEEGTO noqotay ama noqonaysaa? Midda ka sii xun waa; naa heedhe, ma da’daa ayaad DHILLO ku noqotay? Maadaama, ay dadka dhan ka dhaadhacsaneed, -sida haddaba, wali ka dhaadhacsan!- in ay ahaayeen kuwo la WASO, ee aan shaqo hayn ama lahayn, SHARMUUTOOYIN! Micnaha DHILLOOYIN! Yaab!
Waxaa waagaas caan noqotay hawlhays ahaa; “ama TARRIIQMEE ama TATA SHEENEE!” oo dumarka hal ku dheg u ahaa. “TATA” waa baabuur lagu farsameeyo dalka Hindiya, oo basaska dalka, ee gaadiidka dadweynuhu u badnaayeen. Is ka jir; lahjadda hal ku dheggu yuusan ku qaldan, oo ha moodin, in ay deegaanka looga hadlo ay ku gaar eheed. Dhanka kale, ragga Sucuudiga ka soo xoogsadana, waxaa la dhihi jiray; JANNAALE, oo loo la jeeday; NIN LADAN! LADANE!
Labadan waxaa wehliyey rag baas, oo waliba badankood ay gaareen Sucuudiga, ka dib dilkii lagu fuliyey 10 qof oo lagu eedeeyey, in ay qalqal galiyeen amniga iyo siyaasadda dalka, oo eheed tallaabo muhim u eheed sii jiritaanka dawladda Soomaaliyeed, ka hor inta aysan dumin qabyaaladda, eexda, garsoorxumada iyo maaml gurracnaanta.
Raggii ka soo laabtay Sucuudiga magac qurxan, oo “JANNAALE” ah ayaa loo baxshay, dumarkii ka soo laabtayna waxaa loo baxshay magac dhaliili ku jirto, haddii uusan xumayn, oo ah “Xaajiyo Khamsiin” halka WAHAABIYIINTII ka soo laabtay, ee sunta, silaca iyo suuxsanaanta u horseeday loo aqoonsaday, walina loo aqoonsan yahay WADAADDO!
Habluhu sida ragga ayey dalka dhaqaale iyo soo geliyeen dhalaal, halka WAHAABIYADDU dhalanrog, dhaqanguurin iyo dalka ay soo geliyeen dhimasho iyo dhaawac, balse, garsoorxumada bulshadu waxay dhigtay, in gabdhihii si gaar ah loogu faqooqo magacaa xun, ee Xaajiyo Khamsiin, halka raggii JANNAALE la yiri, WAHAABIYADDII waallida wadayna, wali wadaaddo yihiin, waallidiina wadaan!
Haddii habluhu DHILLAYSI iyo KUDMO ku keeneen dhaqaale, ayna ku muteen Xaajiyo Khamsiin, maxaa diidaya, in ragguna, ay lacagta ku keeneen, in ay WASEEN CAJUUSOOYIN CARBEED, oo aan cidna guursnayn?! Afka Faransiiska waxaa lagu yiraa; GIGOLO’, oo waa xirfad jirta iyo shaqo la yaqaan.
Gabar shaqo tagtay, oo hanti iyo gacanqabsi dhaqaale la soo guryo noqotay iyo wadaad dhaqan, dawlad, dhalasho, dhaqaale iyo DIIN idiin kaga dheelay, yaa daran? Maxaa idiin diiday, sida aad gabdhaha ugu faquuqdeen, in aad wadaaddada halaagga iyo hoogga horseeday aad ugu faquuqi la’ dihiin?

image
U fiirso dhaqanxumadeenna, intii Sucuudiga aadday, ee shaqo iyo shaqal u aadday, waxaa la dabadhigtay oo kali ah GABDHAHA. Sabab? Maxaa kaligood magacyada xunxun iyo looga baxsho tilmaammada dilan, ee aan kuwa kale loogu suntin? Maxaa ragga JANNAALE loogu baxshay, dumarkana Xaajiyo Khamsiin? Bulsho rageed in aan nahay, haddii malo kaaga jiray dhacdadan ka garo iyo midda aan kuugu xijin doono.

Fisha qaybta xigta ee qormada

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s