Dusmo reeb – Beledweyn; shalay maanta ku baro!

11667017_1048486061861263_1188667686_n

Dusmo reeb – Beledweyn; shalay maanta ku baro!

 

Afeef; anigu Xasan afhayeen u ma ihi, waanse ka xumahay, in afgaroocyo, uu afhayeenno ka dhigtay. Sidoo kale, taageero u ma ihi Xasan, balse, waxaan taageersanahay, in ay maamul helaan labadaa gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Shexe, sida aan hore u taageersanaa, in labada gobol Mudug iyo Galguduud ay maamul u helaan.

Laga yaabee, in aad is leedahay; oo kaalay Bashiir, saw Federaal diid ma ahayn? Haa, Federaal diid waan ahaa, haddana ahay, had-dhaw iyo waligeygna ahaan doonaa, inta Federaalku yahay beleysi iyo boob, balse, waxaan taageerayaa, in sida beeluhu maamul ay ku NABDOON yihiin u haystaan, in beelaha labadaa gobolna u helaan maamul la mid ah.

Qaab dhismeedka aniga muhim ii ma ahan, sinnaan iyo garsoor ilaalinta awood qaybsi jaa, inta la awoodo, maadaama marxalad dib u heshiisiin iyo wax wada qaybsi.

Qof, qolo iyo qabiil walba, aragti, abtirsi iyo awood gaar ah ayuu siin lahaa mudnaanta hore iyo maqaamka hubban, haddana, waa hubaal, in beel ku badan iyo mid ka yar la helayo. Si kale, beel deegaan iyo beel deggan is ku mid ma ahan.

Dhismahaa maamulka Galmudug, ee labada gobol, ee Mudug iyo Galguduud, wuxuu dhaliyey khilaaf u dhexeeya dawladda dhexe iyo beelaha labada gobol, oo ay ugu sii adkeed beesha Dusmo reeb, oo shaqo adag iyo hawl aad u fiican runtii qabatay ka hor dhismaha maamulka.

Aragti ahaan, beelaha iyo bulshada degta gobollad dhexe, waxay qabaan, in dawladda dhexe ay ka afduubtay qaab dhismeedka maamulka, oo ay u hawlgaleen, eheedna, in dhismaha lagu saleeyo, dib u heshiisiin jilib hoose laga soo billaabo, illaa laga soo gaaro beel iyo qabiil walba.

Dhammaadka bishii 7/2014 ayey dawladdu magacowday guddiga farsamo, ee dhisaya mamaulka, is la shanta bisha 8 waxaa lagu ballansanaa, in shan beel ku kulmaam Cadaado, oo looga gol lahaa, in beelahaa marka hore iyagu dhexdooda heshiiyaan debadeedna loo gudbo beelaha kale, illaa dhammaan la wada heshiiyo. Taas ma suuragelin.

Ku dhawaad lix bil ka dib, ayaa beesha Dusmo reeb, ee xarunta gobolka Galguduud, dibna ka noqotay caasimadda maamulka Galmudug, waxay go’aansatay, in ay beelaha dega Gobollada Dhexe oo dhan isugu keenaan Dusmo reeb.

Run ahaan waxay eheed hawl aan sahlayn, culayskeeda leh, haddana, wax walba marka loo maro waddada saxda ah, guul degdeg ah iyo waxaa laga gaaraa gool wacan. Waxaa hubbanti ah, in haddii shirkaa ay qaban leheed dawladdu aysan guul ka keenteen, balse, marka dhaqanka, ugaasyada, salaadiinta iyo waxgaradka beelaha loo daayo, waa kaga aqoon badan yihiin siyaasiga sida loo maareeyo beel.

Dusmo reeb waxaa la isugu keenay, in ka badan 10 beelood, oo beel walba, beesha kale wax ka tabanaysay, sida; mag, daqar, hanti guurto iyo ma guurto, tixgelin la’aan iyo sedbursi awood qaybsi, haddana, shirkaa intii uu socday, waxaa maalin walba lagu guulaysanayey, in hadba labo beel heshiis, is cafin iyo wax wadaag la dhexdhigo, dabcan, dood, wada hadal iyo gar dheer ka dib.

Halkan waa meelaha aysan garan, garanna karin siyaasiyiintu. Waxaad ku garan kartaa, markii uu Yuusuf Garaad tagay Dusmo reeb, ee uu la socday MW Xasan, wuxuu la yaabay qaabka loo wada hadlayo, haddana, aan lagu ka la kacayn!

Ayaan wanaag, wuxuu ka mid ah ahaa shirarkii dalka lagu qabtay kuwii ugu waxtar, iyo miradhal fiicnaa, maxaa yeelay, shisheeye is ka daaye, dawladda dhexe ayaa bannaanka ka joogtay, oo aan miisaan iyo ku lahayn muuq. Kaliya wuxuu u furnaa, odoyaal dhaqameed garanaya shaqada ay qabanayaan iyo dadka ay qabanayaan.

Ka sokow faragelin la’aanta iyo in shisheeye uusan talo ku lahayn, wuxuusanba ku lahayn deeq, martin iyo maalkii ku baxay shirkaa, oo ay ka qaybgaleen in ka badan 500 oo oday dhaqameed, oo ay dhabarka u ridatay beesha Dusmo reeb.

Hoggaanka dawladdu markii ay ka soo dhammaadeen rididdii RW, ayey shirka Dusmo reeb ka socda u arkeen, in uu cabqad ku yahay qaabka ay u rabaan, in ay noqoto siyaasadda gobolka iyo madaxda uu yeelan doono, markaa ayey xooggooda iyo xoolahooda isugu geeyeen, sidii loo ka la furfuri lahaa odoyada shirsan, gaar ahaa, beesha martida loo yahay, oo mar walba leh hadalka u dambeeya iyo go’aanka ka ma dambaysta ah.

Maan rag waa muducyo warane, waxaa is la markiiba is ku dhacay, rag xurguf iyo ka dhaxaysay hurgumo hore, oo isugu jira dhaqan iyo siyaasiyiin. Isjiirkaa wuxuu keenay, in shirkii buuq iyo ku furmo tashwiish, ay qaybta ugu weyn lahaayeen madaxda dawladdu, oo dabcan, marka laga reebo, in ay doonayeen in gogosho shirka lagu qabto Cadaado ay uga weyneed, in ay la wareegaan majaraja shirka, oo sax ah, balse, ay uga weyneed, in ay nin ay wataan ku soo baxo, oona markii dambe dhacday.

Markii la is mari waayey, waa kii MW Xasan 3mar isaga daba laabtay Dusmo reeb wax ka yar 2 bil. Sabab? Waligiisba ma tagine? Ka gudub. Wadhadal dheer ka dib, beesha shirka martigelinaysay, ee culayska badan saarraa, madaxdii dawladda ka socotay waxay u oggolaadeen 3arrin, oo ka la ah:

  • In lagu abaalmarsho qarash aan ku maqlay hal Milyan, dadka qaar labo ayey leeyihiin, maadaama ay hawl adag iyo qabteen shaqo qaran.
  • In dawladdu ay bixiso qarashkii uga baxay beesha shirkan dib u heshiisiinta, oo lagu qiyaasya nus Milyan ku dhawaad.
  • In caasimadda Maamulka laga dhigo Dusmo reeb, oo markii dambe MW Xasan, iyada oo wareegto ah shirka aqriyey. Tan waxaa dheereed, in haddii ay jiri leheed, codsiyo la xiriira, in dawladda dhexe xilal iyo jagooyin ka dalbanaad, si uun loo qanicin lahaa!

Haddaba, maxaa dhacay? Rag biyo hoostii is ka arkay, is ka kaa oge, waliba marka ay xanaf iyo xanuun ku daaban tahay ama bahdil ka sii daran. Qaar ka mid ah waxgaradka Dusmo reeb waxaa wali u muuqatay sida dawladdu u la dhaqantay markii ay keeneen Xasan Daahir Aways, oo ay dawladdu u dirtay, waliba MW Xasan, oo si xun iyo u la dhaqmay hab gunnimo ah, haddana, waa dawladnimee, waxay eheed, in ay qaab kale ku wajahaan la xisaabtankeeda, ee aan arrintaa iyo arrimo kale awgeed, loo baabi’in wixii ay dhisayeen 3bil ku dhawaad. Ma dhicin!

Ragga dawladda ka socday, oo MW Xasan ugu weynaa, ma keenin aragti samarsiin iyo xaalmarin, ee waxay adeegsadeen haybaddii dawladdo iyo hantideeda, si ay beel ugu awood sheegtaan, oo haddii aysan haykalka dawladnimo huggeeda wadan aysan hooskeeda gaareen!

War iyo dhamaan, beeli dalwad u ma babac dhigi karto, si kasta, oo ay u awood badan tahay, waxaana dhacday, in odoyaashii shirka ka qaybgalay ka la furfurmeen, ma ahan, in ay caadaqaatayaal ahaayeen, ee waxaa dhacday, in marka muran, dawakh iyo doodo ma dhalays ah kulammada galaan, ay ugu dambeen dadku niyadjabayaan, daal ka dibna ka la dareeraan.

Beesha Dusmo reeb ka ma faa’iidaysan fursaddii hortaallay, ee eheed, in ay dhawrtaan sumacadda, magaca iyo kalsoonida ay hore ugu dhex lahaayeen beelaha gobollada dhexe, haddana, ay dib dinida iyo dalkaba ugu bandhigeen, maxaa yeelay, kalsoonida intaa la eg, ee beeli yeelan karto ma ahan mid sahlan, marka laga cabbir qaato dagaalkii sokeeye iyo dirirtii beelaha dhexmaray, oo xitaa beeshaasi ka mid tahay.

Magac dhawrka ka sokow ma garan, in ay dhaqaalaha loo la diyaarka ahaa, ay dhakab dhahaan, ka dibna si kale ku dalbadaan wixii ka maqan. Ka warran, haddii lacagtaa ay qaadan lahaayeen, ee lagu dhisi lahaa gobolka? Ka warran, haddii inta ay lacagtaa qaataan, ee agoonta beesha uga baxshaan waxbarasho? Ka warran, haddii adeegga bulshada gobolka ee ay ugu horrayso caafimaadka wax looga qaba lahaa?.

Kaliya maanta waxay hayaan waa wareegto MW, oo ay ku qoran tahay Dusmo reeb ayaa magaalo madax u ah maamulka Galmudug! Dusmo reeb waxaa xoog ku haysta, koox diimeed fallaago ah, oo afduub iyo gorgortan u haysta dadka deegaanka! AL maxay kuu dhaantaa AL kale?

Inta badan eedda ka la daadinta shirka beeshu waxay dusha saartaa siyaasiyiin ka tirsan dawladda iyo ganacsato, balse, si walba, oo ay eed ku yeelan karaan, maxaa keenay, in la idiin soo adeegsado? Ka hor, maxaadnaan u la imaan aragti furfuran iyo feker tanaasul? Haddii aad ogaateen, in la idin ka la jebinayo, maxaadnaan dabacsanaan iyo u muujin kaarto beled, ee aad ugu sii dheganaateen go’aannadii hore? Waligeed ayey mar xeero iyo fandhaal ka la dhaceen calaacashaa!

Ujeedka u imoow marka. Anoon lahayn, labada arrin ayaan dhan walba isaga ekaan karta, haddana, Beesha Beledweyn, ee shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe qoonsan, waxaan dhihi lahaa, inta hadda wax la idiin oggol yahay, wixii la idiin oggol yahay iyo dheeri dalbada, balse, marna yeysan idin ka hoos bixin, in siyaasaddu tahay daalac naasil, hoo iyo i sii.

Waxaad ogaataan, shirkii Dusmo reeb mid ka weyn ma qaban doontaan, haddaad qabataanna waa guul kale, balse, way adag tahay in la qabto duruufaha oo ka la duwan iyo iyagooba is badalay awgeed, haddana, anigu waan ku farxi lahaa, haddii la qaban lahaa.

Ka sokow, awoodda amarka dawladdu kii shalay ma ahan, oo baryadii badneed meesha waa ka baxday, ee taa la socda. Ma ahan, in aan idin leeyahay Xasan xoog badan ayuu leeyahay, uusan shalay lahayn, balse, waxaa hubbanti ah, in go’aannadiisii 2014 iyo 2015 ay ka duwan yihiin kuwiisan 2016ka, ayna sabab u tahay isbadlka siyaasadeed, ee dalka ka jira.

Koofurta beelaha ugu siyaasad saabin badan waxaa ka mid ah Reer bari, iyagana, haddana, marka aad ku miisaanto go’aanka dawladda ee ku aaddan habka doorashada iyo higsiga 2016 waxaa dunidu ku tiri hoggaanka mamaulka beesha; waxaan taageersannahay go’aanka dawladda federaalka ah, ee wixii ku saabsan 2020 na la wadaaga, marka wixii hadda ka dib iyo ka hor doorashada isbadalaya moogi, balse, hadda la joogo waxaa go’aanku yahay, in talada dawladda la hirgalsho!

Ku darso, beeshii Dusmo reeb, wax ay maanta gacan ku hayaan oo talo, tusmo iyo tusaale ah ma lahan, aan ka ahayn, dhacdooyinka aan sare ku xusay, oo is ka wada ah xasuus dhacdo iyo waaqic tagay; sooyaal! Waa hubbanti in aan looga maarmin maamul walba oo gobollada ka hana qaada, haddana, guul hore ayaan ka fiican guul dambe. Micnaha, guul aad maanta gaari karto, ganafka ha gelin, si aad berry u guulaysato.

Marka inta aysan taladu idin daba marin, la xisaabtama dalwadda, balse, xisaabtanku yuusan keenin, in aad ku waysaan wax maanta la idiin oggol yahay. Ogaada, xisaabtan aad ku wayso wax laguu oggol yahay, ma ahan xisaabtan, ee waa is xirid iyo isxannibid! Haddii maamul kan Galmudug oo kale ah la dhiso, maxaa la faa’iiday, saw ma ahan, ka la daadsanaan dheeraad ah?.

Caqligu ha shaqeeyo, ee yaan dadka qaar hadalladooda loo arag waxtar. Aad baan u bogaadinayaa go’aankii is ku duubnaa, ee aad ku dalbateen, in dawladdu idin ka hor wareejiso guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrix. Si taas la mid ah, la imaada aragti dhihid iyo taabbagelin hor u socod ah. Ma ahan, in aan leeyahay, haddaba ma waddaan, ee waxaan leeyahay, yeysan idin dhaafin wax hadda la idiin dhigay. Ujeedku ma ahan cabsigelin iyo baqdin beer, ee kaliya, waa aniga aragtideyda.

Jaantuska 2016 dalku yeelanayo, waxaan filaa, in ay tahay mid diyaarsan, anoo jecel, in aan qaldamo, wixii taas ka baxsan, raadinteeda amminkan la joogo, si loo hirgeliyaa waa adag tahay. Hubbanti, haddii tallaabooyinka qaar la qaadi lahaa, 2, 3, 4, ama 5 sano ka hor, in ay suuragal ahaan leheed. Haddii walaaca igu jira wax ka duwan ay dhacaan, waa ii farxad. Anigu waxaan doonayaa, inta aad doonaysaan, ee doonistu yeysan dooddeenna dabrin!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s