Aniga, Tubeec iyo heesta “WAQTI”

maxresdefault

Aniga, Tubeec iyo heesta “WAQTI”

 

Anigu, oo keen ahay? Ma Bashiir, mise, Bashiirro {Soomaali rag iyo dumar leh}? Ma qof, mise, qofaf? Ma kaan ahay, ma kaan ismooday, mise, kan la i moodo? Horta miyaan ba is ahay, mise? Mid bee, haddana, anoon kugu wareerin weydiimo iyo warar kale, aan anigu is ku billaabo, anoo filaya, in ay i la arkaan in kale oo Soomaali ah.

Waxa aan ahay anoon aqoon ama ogayn ayaan ka bartay heesta “WAQTI”, ee inta aanan kaaga sheekayn heesta iyo abwaanka curiyey, ii oggolow, inaan Eebbe u wada barinno, in uu Jannadiisa ugu deeqo Boqorka Codka, Hoobal Maxamed SulaymaanTubeec” oo 11/03/2014kii ku geeriyooday waddanka Jarmalka, laguna aasay Magaalada Muqdisho. Alle ha naga aqbalo. Aamiin.

Anigu waxaan ahay Soomaali, eraygaa beryahan dambe waxaa raacsanaa ayaan daran, haddana, anigu halkan ku raacin maayo, malaha waad i la yaabi doontaa, markase aad qoraalka dhan wada aqrisato, ayaad si dhab ah u kasi doontaa, waxa aanan u raacin iyo ujeedka aan ka lahaaba.

Ka weyne, waxayba na qabadsiin rabaa, sheekooyinka ay ka midka yihiin; dhagaystayaasha af soomaaliga ku hadla! Dhulalku Soomaalidu degto! Waryaada, ma nihin dhagaystayaal af soomaali ku hadla, ee waxaan nahay, dhagaystayaal soomaaliyeed! Sidoo kale, dhulalka Soomaalidu degto, ma ahan, ee waa dhul soomaaliyeed! Anaga ayaa is ka leh dhulalka, ee kaliya ma deggenin!

Heesta “WAQTI” markii iigu horraysay ee aan maqlay ama dhagaystay, oo aanan xasuusan sanadka ay ahayd ayaan caashaqay, jeclaaday ama ka helay. Waxay igu noqotay wadne iyo bogqabad (uur ku dheg), qalbiga iyo iga degtay xiska, igu reebtay uur ku taallo, maanka iyo maskaxdaydana ku yeelatay mool u gaar, oo aan wax kale la wadaagin.

Heesta “WAQTI”, i ma cajabin miraha ama erayada kaliya (curinta cuddoon), ee waxaa aad ii soo jiitay laxanka iyo codka xareedinaya ee hallaasiga ah, ee aan cod iyo cid loo dhigaa jirin inta rag hees Soomaali qaada ama hees oo dhan, waanaba waxa loogu baxshay ama loogu koofaaray BOQORKA CODKA. Dhab ahaan wuu ahaa, xitaa hadduu kaliya ku luqayn lahaa heesta “WAQTI”, ee uusan mid kale qaadi lahayn.

Waxaan filaa, in inta murti iyo hawraar laga yiri qiimaha WAQTIGA aysan u baahnayn, in halkan lagu xuso, haddana, magaca, qisada iyo ujeedka heestu is ka ma iman, ee waxay ku yimaadeen dhacdo iyo dhib jiray markaa, walina taagan, goor uu dhammaanayana aan la garanayn.

Heesta WAQTI, waxay ka hadlaysaa afar qodob, oo nolosha aasaas u ah, oo aan la’aantooda la maarayn karin ama ay dhimaal iyo dhantaal galayso, haddii la waayo. Qodobbadan waxay ka la yihiin:

 

  • WAQTIGA: wax walba WAQTI la’aan ma unkanmaan, sida qof iyo wax kaleba, oo si iyo mar walbaba waqti u dhasha, u kora, barbaara, illaa dhimasho laga gaaro. Sidaa awgeed, waqti la’aan waxba ma yimaadaan mana qabsoomaan. Wixii uu dalbanayey ama diidayey, ayuu u hormarshay in WAQTIGU gacan ka siiyo, inay u hirgalayaan waxa uu doonaya, uuna ku saacido, inuu ka fogeeyo walxo uusan rabin, oo waa ka leh:

 

Waqtiyow dhibaatada

Dhallinyaro intaan ahay

Ha ii soo dhaweynine

Waxaan ii dhammaynayn

Sharafteydan dhawrayn

Dhegaha iyo araggaba

Ka dheeree agtaydaa

 

  • AARAN/BARWAAQO: markuu WAQTIGA ka codsaday, inuu xaggiisa u soo janjeersado, oo ah wax aan ilqabad ahayn aanna muuqan, ayuu ku xijiyey mid caad iyo bannaanyaal ah, oon u baahnayn ogaal iyo aqoon midna, oo ah dhul cagaar iyo caws leh (cosob), oo aan omos iyo ahayn oommane, wuxuuna yiri:

 

Waqtiyow dhul omosoon

Wabiyadu is dhaafin

Beeraha dhexdoodiyo

Dhirtu ubax macaan dhalin

Dhaayaaha u roonayn

Dhallinyaro intaan ahay

Dhegaha iyo araggaba

Ka dheeree agtayda.

 

  • DAWLADNIMO:Meesha bugta iyo fartaa is oge” anigu heesta “WAQTI” waxaan ka xushay, oo aan ka la baxay meeriska uu dawladnimada, maamulka iyo maaraynta uga sheekanayo. Illaa iminka, baydadkan marka aan maqlo waxay ii qabtaan sidii xujo i hortaagan oo kale, oo aanan dhaafi karin. Gar la iga leeyahay, haddana, aanan gar bixi karin. Waxaa ugu wacan malaha, inta i la da’da ah, ama gu’yaal qura iga weyn iyo inta igaba yar, inay i la dareemayaan bannaanka bidhaan la’aanta ah ee aan ku soo kornay, ee aannaan qaran, qiimo iyo aannaan arag qaayaba. Waliba dawlado magaca ayey wadaagaane, tan uu dalbanayaa, waa tu ay u dhan yihiin sifooyinka iyo jaantuska dawlad lagu noqdo, ee leh: DARYEEL, DHISMO (AQLI IYO AQALLO) IWM. Aniga baydadkan way iiga dhegtay runtii, dhanna u dhaafi waayey, waana kuwan:

 

Waqtiyow dhismaha guud

Dowladaan dhaliiloo

Dhibaatada i gaadhiyo

Ka warqabin dharar qudha

Dhaqankaan ku noolahay

Dhallinyaro intaan ahay

Dhegaha iyo araggaba

Ka dheeree agtayda.

 

  • LAMMAANENIMO:Kow lammaa ka roon” haddana, hawl sahlan ma ahan, oo jacayl ma dhib yara, wadaagguna sidiisaba waa uun dhib iyo dheef isa saaran, hadba mid baa bata ama kormara. Marka wuxuu dalbanayaa, in aan la la xiriirin mid afka baarkiisa ah iyo ii dheh, een uurka hoose jirin, oo aan dareen iyo wadan damqasho kalgacal, wuxuuna yiri:

 

Waqtiyow la dhaqan dumar

La ma dhaafi karayee

Dhalanteedka caashaqa

Mid ah toban dharaarood

Ama aanu dhab ka ahayn

Dhallinyaro intaan ahay

Dhegaha iyo araggaba

Ka dheeree agtayda.

 

Afartii qodob ee uu diidayey ama doonayey markii uu dalabkoodii idleeyey, ayuu haddana, intaa uga ma harine, ku sii adkaynayaa, in arrimaha uu qeexday, uu ka dheereeyo, isagoo waliba ku dhaarinaya diinta, wuxuuna yiri:

 

Waqtiyow dhurkaagiyo

Adduunyada dhiskeediyo

Dhaxalkiyo dooggiyo

Dhoobadiyo cammuuddiyo

Kugu dhaarshay diintee

Arrimaha aan kuu dhigay

Dhallinyaro intaan ahay

Dhegaha iyo araggaba

Ka dheeree agtaydaa

 

Heestu is ka ma curan, ee qasad iyo qiso ayey ku dhalatay, oo badanaaba abwaannadii hore –intoodu toolmoon kuwa nool- maansada ujeed iyo arrin la’aan ma tirin jirin. La ka la aragti dheer, lana ka la indheer garadsane, waa ku ma abwaanka ugu weyn maansoyahanka Soomaalida? Mararka qaar laga yaabee, inaad idaacadaha ka maqasho ama aad mareegaha ka aqriso, in abwaan hebel uu yahay duqii maansayahannada Soomaaliyeed. Waxaa is weydiin ah, kaalay abwaannada xaggee lagu tartarsiinyey, si aan u dhahno sidaa oo kale? Mooji.

Abwaannadu ka la ehe, horta Abwaan Yuusuf Maradoon Cali ma taqaan? Aqoonta aad u leedahay waa tee, intee se la egtahay? Abwaan Yuusuf, inuu yahay curiyaha heestan “WAQTI” ka sokow, wuxuu ahaa ruux hibo iyo deeq loo siiyey garasho iyo garaad aad u fog, ee uu ku cabbiro erayo sahlan, arar sugan iyo dareen daaran (qoto dheer).

Hilaadintii 1963-kii ayuu Abwaan Yuusuf heestan “WAQTI” curiyey, ka gadaal, markii uu u dan sheegtay Boqorka Codku, Maxamed Sulaymaan Tubeec, oo ka cawday, in fannaantida qaarkood, gaar ahaan kuwii ay is ka la yimaaden waqooyi, ee loo yiqiinnay “Walaalaha Hargaysa” ay CUNSURIYEYNAYAAN, kuna tilmaamaan MIDGAAN, ayna ku la kuceen HAYBSOOC iyo TAKOOR beeleed. MIDGAAN, oo waa kee? Anigu waxaan u aqaan:

 

Abtirsiimo magac iyo

Hayb miyaa milgaba noqon?

Madhibaan waxaa noqon

Miskiin aan wax qaban karin

Midigtiisu laashoo

Aan miciinba tari karin

Midgaankuna wuxuu yahay

Kii mehered laawaa

Muruqmaalka diidoon

Ku macaashin gacantiis!

Maansada: Muwaadin

 

Dareenka uu sanadkaa Abwaan Yuusuf tebinayey, Soomaalidu maantadan laga joogo 51 gu’ wali way garan la’dahay. Maalintaa waxaa jirtay sanaadiiq doorasho lagu sheego, balse, lagu rido cad qabiil iyo cod qabyaalad oo kali ah, marka dawladnimada laga hadlayo, oo aan marnaba lagu ridin cod xisbi iyo cad Soomaali oo xalaal ah. Laashinku waa kii lahaa:

 

Marna Risaaq, marna Rashiid, inta kale ma ROOTIYAA?!

 

Doorasha beenaadkii waxaa ka daba maray Kacaankii luggooyo iyo kaadirkii Xisnbiga halka midab lahaa, ooba laalay codayntii aan isaga ku socon. Waana halka Laashinka kale ka lahaa:

 

Nin dooran doorta xaw dhahdeen, dadkana xaw daaliseen!

 

Intaa waxaa ku go’ay magac dawlad ku sheegnaa iyo dulmi shaar qaran watay, waxaa xigay dulmi shaar qabiil huwan, oo jabhadihii la yimaadeen, ee dhalay qabqablayaashii, oo iyana dhalay wadaaddadii waallidu wadday, oo illaa iminka aan dhan noo dhaafin, waxa xigi doonana cid garanaysa aysan jirin. Intaa waxaa dhextaal u ahaa, dhaqanka takoorka iyo sooca.

Dawladnimadii uu Abwaan Yuusuf lahaa indhaha ha ii saarin hana I maqashiin, saw kuwaa ma ahayn iyo kuwa iman doonaa, oo ka dhigan wali inuusan arag –annaguna aannaan arag- dawladnimo? Waa sababta aan uga qarracmo mar walba ugana maroora dillaaco heestan “WAQTI” maxaa yeelay, waxaan dhaafi waayey meerisyadaa uu dawladnimada kaga hadlayo, oo marka xaalkayga iyo xaalka dhallinta igu filka ah ama iga daba dhaw (iga yar ama iga weyn) ay ku tahay laf dhuun gashay iyo mari waa, aan meel aan u dhaafno aannaan garanayn.

Haddii Tubeec heesta uga cawday TAKOOR beel ahaan loogu gaystay, oonba dhihi karo maanta maalintaa wax weyn ayey kaga duwan tahay, kana mid ah dhaxallada fiican ee burburka laga helay, anigu waxaan la cabanayaa, la cataabayaa baydadkaa iiga daran leebka iyo waranka, iiga xanuunka badan xabbadda iyo qoriga, iiga dhib badan godinta iyo masaarta, oon wali laga gudbin teer iyo maalinta heesta uu curiyey Abwaan Yuusuf.

Wadaagga naga dhexeeya aniga (Bashiir) iyo Bashiirraba (Soomaali) iyo Tubeec waa in qof walba xanuun gaar ah hayey, haddana, aan isku xanuun nahay. Haddii uu shalay ka sheegtay Tubeec TAKOOR beeleed, oo shaqsi ahaan loogu riixay, inuu beel hebel ka dhashay, aniga maanta waxaa la ii TAKOORAA inaan QAWMIYADDA SOOMAALI ka dhashay. Waa caddaaladda Eebbee, intii shalay ku haybsoocaysay, inuu beel hebel ka dhashay iyo isaga maanta u siman ta QAWMIYADDA Soomaali haysata ama lagu hayo.

Midda aanse dareenka ku dejinayo waa inaan ku qanacsanahay, inuusan Tubeec iilan isagoo dareen goconaya, ee aan hubo, inuu xijaabtay isagoo faraxsan. Ku faraxsan waxqabadkiisii, wax soo saarkiisii iyo inuu caqabad walba, oo soo wajahday, uu uga gudbay kartidiisa iyo dadnimadiisa. Taasi waxay aniga ugu horrayn i galinaysaa inaanan quusan, ee aan mar walba sidii Tubeec niyadda u sheego, in wax is badali karaan lana badali koro, waliba dhanka wanaagsan.

Abwaan Abwaan Yuusuf Maaradoon, heesaha uu curiyey, oon ka la dhicin, haddana, ani ahaan heesta aan la jiriricoodu ma ahan kaliya, heesta “WAQTI” ee waxaa kale oo jirta, heesta ay maraheeda ka mid yihiin;

 

Ninka ugu ildheerbaa

Dadka ugu ayaan daran

Waxaan la la arkaynbaa

Isaguun u muuqdee!

 

Waa erayo falsafad curis, oo maqalkoodu aad culus yahay. Run ahaan, waa erayo anfariis iyo ashqaraar kugu ridaya marka aad maqasho. Abwaan Yuusuf Maaradoon, ka sokow, in uu abwaan aad u xigmad badan ahaa, kaalin mug leh ku lahaa suugaanteenna, haddana, wuxuu ahaa jilaa, sametalis, aragsame iyo indheergarad, magac iyo muunad ku dhexl eh bulshada. Abwaanku wuxuu ku geeriyooday magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose bartamaha bishii sagaalaad, sanadkii 2011dii, isaga oo ku dhashay dhulka Soomaali Galbeed qiyaastii sanadkii 1936. Guulle ha u naxariisto.

 

F.G: qoraalkan waxaan qoray bishii maarso 2014, geerida Tubeec ka dib, balse, ii ma suuragelin, in aan ka hor daabaco, maxaa yeelay, waxaan aad ugu dedaalay, in aan helo caddaynta ah, in curinta heesta “WAQTI” uu sababteeda lahaa is la hoobal Tubeec, oo uu abwaan Yuusuf Maaradoon uga cawday takoorka ay ku la keceen fannaaniintu, oo aan aniga ka dhagaystay waraysi laga qaaday, mase dhicin, waana ka xumahay!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

  1. Aad ayaad oogu mahadsantahay qoraalkaan aad waqtiga dheer galisay si xog dhamaystiran aad noola wadaagto. Waa loo baahanyahay dad badan oo AfSoomaaliga wax oogu qoro si cilmiyaysan oo daba gal iyo xog aruurin wanaagsan leh

    1. Salaaman.

      Ku mahaddanid farriinta. Waa runtaa, waa arrin loo baahan yahay, in la helo dadka afka wax ku qora, uguna qora hab cilmiyeysan, oo amminnadan aad u yar.

      Tixgelin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s