Deegaannada ARGAGIXISADA la dirirsan yaan loo ka la EEXAN!

Unknown

Deegaannada ARGAGIXISADA la dirirsan yaan loo ka la EEXAN!

 

Dad badan ayaad mooda, in ay ogaadeen, in dalka ARGAGIXISO joogtay ama ku baraarugay ka dib markii ay xeebaha Nugaal iyo Mudug, ee maamulka Puntland galeen toddobaadkii tagay, balse, is la buuraha Galgala oo hoos taga maamulkaas iyo qaybo ka mid ah xeebaha Mudug ayey hore u joogeen, haddana, walina deggan yihiin, ee maxaa soo kordhay?.

Wax soo kordhay ma jiraan, aan ka ahayn ba’ayda iyo baaba’nayda reer bari, oo run ahaan gar iyo garasho ah, aniguna aan ugu garaabayo, saa murti baa leh; “Afkaagoo gaaban, wax kuu ma gooyo, balse, geelaaga oo guran waa kuu dhalaa” mid kale, “Xoolo gacan walaalkaa ku jira, weydiisasho ayey kaaga baahan yihiin” mid kale “Ninaan hadlin, habartii wax ma siiso” mid kale “Shimro abaareed, middii mamman ayaa ka soo baxda

Dhankaas, marka aad ka fiiriso, waa halka ay deegaannada kale, ee dagaalka iyo dirirta ku la jiray, walina ku jira Shabaab ay ku dhaafeen, oo ay garteen, sida warbaahinta iyo loo adeegsado muuqsidayaasha, oo ay baahidooda iyo ka badan ku gudbiyeen, haddana, waxaa isweydiin mudan, garabsiinta ay heleen iyo gacanqabadka ma ka abaal gudi doonaan, mise, sidii caadada ahayd ayey abaal-dhac iyo ku badali doonaan bahdilaad?.

Xasuuso, abaarihii ku dhuftay deegaannada bari, ee loogu deeqay markab ka yimid Turki, oo loo wareejiyey, balse, ay is ka diidiin sabab la’aan! Waxaa intaa oo dhan ka muhimsan, amar ku taaglaynta, madax adaygga, teenna yeelka, xiriir u jaridda, ku hor orodka, muran abuurka, u dacwoodka dariska iyo dunida iyo is ku dhac doonka ay dawladda dhexe iyo ku wadaan maamulka dalka. Ku ma lihi ximanka Xamar jooga ayaa Awliyo ah, balse, marka maalin, bil iyo sanad aan xagxagasho iyo xushmad la’aani jirin, ayna dheer tahay xumaan iyo xumayn, waa hubbanti, in ay tahay arrin laga wanaagsan yahay, oo haddana, badi ay dheeraad iyo sedbursi ku doonaan maamulkaasi ama wax iyaga kaliya u dan ah, ee aan maamullada kale ee dalka ka jira aysan la qabin. Waxayba taagan tihiin, dawladda dhexe ayaa nagu soo dalbatay Shabaabka! Weger!

Abaal ka dhaca iyo inkirmaadda qofka maalinta xun is kaa garabtaaga, waa dhaqan aan ku wanaagsaneyn, Aadmiga oo dhanna ay u arkaan, inuu yahay gunnimo. Abwaan Maxamed Nuur Fadal oo arrintaas ka hadlaya, niman uu naftiisa iyo maalkiisaba u hurey oo garan waayey wuxuu yiri:

 

  • Nimankaan dukaannada lukiyan, laba laba u siiyey
  • Nimankaan lo’daydii casayd, laanta ugu duugey
  • Wax la liqiyo xoolaba kuwaan, ugu laxaad yeelay
  • Ee aan lacagta jeebka ugu guray, lohonlohii cayrta
  • Hadday aniga leebkiyo warmaha, ii lisanayaane
  • Leg ninkii cunsiiyay dishaa, liidda doqoneede!

 

Taa la iiga daran, oo waa muran dhammaan kara ama laga gudbi karo, ee sidii ay ARGAGIXISADU Garacad iyo meelo kale oo xeebaha ah u soo galeen, dawladda dhexe waxay madax sare, saraakiil ciidan iyo wasiirro wada sheegeen, in ay diyaar u yihiin, in ay gurmad u fidiyaan maamulkaa, si ay isaga celiyaan ARGAGIXISADA ku soo duushay, oo ah tallaabo muhim ah, oo lagu macnayn karo; dareen bisaylnimo ku tusinaya, dan laga leeyahay ama rabintaan lagu doonayo, in lagu yareeyo xurgufta ka la dhaxaysa dawladda, oo ay ugu dambayso talada iyo go’aanka higsiga iyo doorashada 2016, oo aad loogu ka la tagsan yahay. Mid ay tahayba, waxaan dhihi karaa, waa tusmo siyaasadeed, balse, maxaa dhaafsiisan?.

Anigu si kale ayaan u soo gudbin lahaa fikirka hubaynta maamul gaar ah iyo gurmad saanad siinta, oo ah; yaa noo damaanad qaadaya, in hubkaa, aan lagu weerari doonin beel, halka ay eheed, in lagu la dagaalo ARGAGIXISO? Waxaan wada xasuusannaa, dagaalkii Gaalkayo, ee saddaxda maalin socday, saddaxdaba dagaalka waxaa soo qaadday Puntland, sidoo kale, labadii bil ee la soo dhaafay, gobolka Mudug, wuxuu mar walba, qarka u saarraa, i uu dagaal ka qarxo, haddaba, maxaa diidaya, in hubkan iyo saanaddan loo adeegsado dagaalkaa beeleed, ee laga cabsi qabo?.

Ku darso, waxaa jirta furun dagaaleed kale oo ku furan Puntland, oo dhawr maalin ka hor dagaal ka dhacay, haddana, ka warrama, haddii hubkan loo adeegsado dagaalkaa? Micnaha marka ay eheed, in hubka la la aado jiidda hore ee dagaalka ARGAGIXISADA, ka warrama, haddii lagu la soo jeesto furumaha dagaal, ee koofurta Gaalkayo iyo midka ka socda gobolka Sool ama gobolka Bari, laftiisa oo dhaqdhaqaaq ka dhan ah maamulku ka socdo?.

Mid kale aan kuugu daro; bishan dhexdeeda iyo bishii ka laba, gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka, Bacaadweyn, Camaara iyo agagaarkooda iyo Wabxo, oo Galguduud ah, waxaa ka dhacay dagaallo ay dadka deegaanku isaga dhiciyeen ARGAGIXISADA, haddaba, masuul leh, waxaan u diraynaa hub iyo saanad yaa maqlay? Sidoo kale; tuulada Ceel Baraf, Gobolka Sh. Dhaxe, Ceel Cali gobolka Hiiraan, dadka deeganku wuu is ababulaye, waana is ka dhiciyeen argagxisadee, mey hub iyo saanad u diraan? Mey taageero iyo u fidiyaan taakulo? Midda ka weyn, ma ka maqasheen dadka deegaannadaa, oo dawladda ku eedaynaya, in ay iyagu u soo direen Shabaab ama ay dawladdii dacaayad ka fidiyeen?.

Dad waxaa jira aragti ahaan qaba, oo waliba qaarkood ka soo jeedaan is la deegaannadan aan sare ku xusay, oo leh; ma qabiil ayaa hub la siin karaa, sidee loogu aaminaa? Oo kan Puntland la siiyey, miysan ahayn, hub qabiil la siiyey? Ma waxay idin la tahay, in tahay, hub maamul la siiyey, oo aan qabiil la siin? Hubaal, in ay leeyihiin hannaan iyo hoggaan, haddana, miysan ahayn qabiil maamul dhistay, ma wax ka baxsan ayaad u haysaa? Haddii aadan rabin, in qabiil hub la siiyo, maxaa diidaya, in maamuullada Mudug, Hiiraan iyo Sh. Dhexe, in hubka lagu wareejiyo madaxdooda, oo waliba dawladda raacsan, ee aan ku reed ordayn, halka loo rujinayo maamul dawladda aan rabin, raallina ka ahayn? Magag!

U imaw huuhaada abaanduulaha CXD Jen. Cali Baashi Maxamed, ee uu yiri; “Haddii laga tan bato ama ay naga codsadaan ciidammo ayaan u direynaa!Cali Baashiyoow; “tiisa daryeelaa, tu kale ku dara” haddaan wali lagu dhihin, anaa ku dhahayee, dalku waa federaale, magaalada aad ku dhalatay, ee Xarar Dheere, gobolka Mudug iyo maamulka goboleed Galmudug, ee aad is ku sharraxday qaybo ka mid ah, waxaa haysta ARGAGIXISADA aad ka taakulaynee Puntland, sidii ay isaga celin lahayde, maad magaalada aad ku dhalatay, ku soo barbaartay dadkeeda ka taakulaysid, sidii ay ARGAGIXISADA isaga kicin lahaayeen? Maya, maad adigu hormuud iyo ka noqotid horseed, sidii deegaankaaga looga saari lahaa ARGAGIXISADA? Qofku marka uu moodo, dharka uu xiran yahay iyo jagada uu haayo, in uu wax ku yahay, ka soo qaad wax aan jirin. Noole dhintay!

Ka muhimsane, Cali Baashi, hubka, saanadda, ciidanka iyo rasaasta aad u diraysid Puntland, ooba u baahan karta, maxaadan ugu dirayn deegaannada Sh. Dhexe, Hiiraan iyo Mudug, oo ah dhul ka dhaw, ha ku la dagaalaan ARGAGIXISADEE? Kaliya ma ahan, ee maa taageero u fidiyaan maamulka Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo la daaladhacaya dhibka ARGAGIXISADA? Maxaa keenaya, in taageerada la siinayo deegaannada la dagaashan ARGAGIXISADA inta qaar laga boodo, loo gudbo qaar ka fog deegaanka dawladda dhexe? Maxaa keenaya sideedaba, in loo ka la eexdo deegaannada la dirirsan ARGAGIXISADA?.

Gobollada dhexe ma jirto, meel sida ARGAGIXISADA looga la dagaalay dalka oo dhan looga la dagaalay, oo iyaga oo shacab ah, maamul goboleed lahayn, ayey is ku fillaaday siddeed sanado, cabaadna laga ma maqal, walibana ka guul keeneen, oo maanta waa kuwaas ku nabdoon deegaankooda, haddana, abaal ku ma helin, marka laga reebo siyaasad xumadooda iyo hannaan la’aantooda, oo ay wehliso, ballanqaadyo aan maangal ahayn, oo dawladda dhexe aysan u fulin.

Dhanka kale, maamullada kale, ma qaylo badna, mana aysan wali samaysan qorshe ka dhan ah ARGAGIXISADA iyo dagaal ay galayaan, taasi oo keentay, in dawladda dhexe aysan siin miisaan iyo tixgelin, balse, haddii dawladda dhexe aragto gaabis ku jira maamullada ay ARGAGIXISADU duldeggan tahay, ma ahan in ay ku fiirsato, ee waa in laga saacidaa, sidii loo heli lahaa aragti midaysan, oo lagu la dagaalo ARGAGIXISADA, balse, nimanka dawladda dhexe ku jira, diyaar ma u yihiin, oo ma leeyihiin aragti dawladnimo, aan ka ahayn had walba, xallinta iyo farsamaynta wixii dhaca; ka hortagga ayaa daweynta ka fiican.

Oktobar 2013kii ayaan qoray “Maxaa loo HAKIYEY Dagaalkii lagula jiray AL SHABAAB?!” ka dib markaan la yaabay, sida loo hakiyey dagaalkii lagu la jiray ARGAGIXISADA, ka horna la badalay, saraakiishii guulaha ka soo hooyey, in Muqdisho iyo magaalooyin kale laga saaro ARGAGIXISADA, oo xilalkii laga qaaday. Nimankii tallaabadaa qaaday, in ay maanta bulshada la soo hor istaagaan, waxaan taageero u fidinaynaa, deegaan ay maanta soo kor degeen inyar oo ARGAGIXISADA ah, halka la is ka indha tiray, laguna fiirsaday deegaannada ay ARGAGIXISADU kor degeneed sanadaha badan, waxaan u rakaa ciyaar iyo caallennimo, ee dadku ma wada caqli le’ee, wax uun is ku la hara!

Marar badan, madaxda ciidanka ee jiidda hore, ee dagaalka ARGAGIXISADA ku jira, waxay caddeeyeen, in aan loo oggolayn, in dagaal ka ma dambays ah qaadaan, iyagoo yiri sidan; “Alshabaab awood kuma joogaan ee waa lagu hayaa!” Haddaad si fiican ugu dhabba gasho waxaa kuu soo baxaya dhibaatooyinka qarada weyn, ee ka jira gobolladaa ee dadkaa lagu hayo, in ay qayb ka yihiin is la madaxda Xamar joogta. Sidoo kale, waxaa kuu soo caddaanaya, in Shabaab aysan lahayn awood ay ku sii joogaan gobolladaa, ee waxaa ku haya isla dowladda lafteeda, oo doonaysa inay dhaqaale ku uruursato: WAXAAN LA DAGAALLAMAYNAA ARGAGIXISO CAALAMI AH.

Waxaa la yiraa; Balaayo kaa maqan, qolo kale ayey ku maqan tahay, ee ka warran, haddii aadba qayb tahay, abuurkeeda iyo abuubulkeeda? Qofkii daawaday waraysiga laga duubay, wiil uu adeer u yahay madaxii hore, ee Puntland C/raxmaan Faroole, oo ay nolol ku qabteen Alshabaab, ka dibna dileen, waxaa waraysigaa ku jiray macluumaad badan, oo aan la ogaan lahayn, haddii aan waraysigaa la sii dayn lahayn, ee bal fadlan daawada, oo si fiican u dhuuxa, xogta ku jirta.

La ye: “God sireed, ha qodin, haddaad qoddana, ha dheerayn, ku dhici doontid ma ogide!” Sidoo kale, waxaa jirta HEES ay is la xareediyaan labada fannaan; Maxamed Nuur Giriig (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise Bootaan, oo Giriig leeyahay;

 

“Ninka dila Abeesee

Ubadkeeda daystee

Daajee rabbeeyaa

Dib u qoomameeyee!”

 

Laashinkiina wuxuu yiri:

 

“Ninkii barbaarshay bahal nool, ka baxsay ama boqno gooy!”

 

Muuqaalka ku fiiri waxa maanta dhacaya, ee adigu fasir saaro, aniga qabyaaladiiste iyo qalloociye haddaad rabto ii aqoonso, balse, caddayntu ha ku deeqdo.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s