Fal gurracan iyo dhacdo fool xun!

Fal

Fal gurracan iyo dhacdo fool xun!

Maasro, 2007

 

    Waxay ahayd maalin murugu badan, oo dib noo soo xasuusisay dhacdadii la jaadka ahayd ee dhacday dhammaadkii sanadkii 93-dii, gaar ahaan billowgii bishii oktoobar, oo dagaal ay isaga hor yimaadeen taageerayaasha qabqable Maxamed faarax Caydiid iyo ciidankii UNISOM ee uu hor kacayey Mareykanku, dagaalkan oo ay ku dhinteen askar Maraykan ah uuna ka mid ahaa askari meydkiisa lagu jiidey waddooyinka magaalada Muqdisho oo aad ugu careysiisey Maraykanka iyo xulafadiisa, keynteyna fashinlka faragelinta la magac baxdey {Rajo soo celinta} kuna dhammaatey in Maraykanku ciidankiisa kala baxo Soomaaliya.

Waxey aheyd maalinnimadii arbacadii oo ku beegneyd 20/03/07, markii ay isaga hor yimaadeen dagaal qaraar ciidanka Xabashida iyo malleeshiyada Dowladda Empagathi oo dhinac ah  iyo maleeshiyaad ku kacsan joogitaanka ciidanka Xabashida, kana gadoodsan qaabka ay wax u waddo dowladda una maarayneyso dalka, dagaalkaa oo ka dhacey goobo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, dagaalkan oo keeney dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labadii garab ee uu dagaalku dhaxmarey iyo rayidka ayna u sii dheertahay  bara-kac ballaaran oo ay kaga qaxeen guryahooda.

Dagaalkan oo uu wehliyey fal gurracan oo ay ku kaceen dad wax ma garato ah, xambaar sanaana dhacdo aad u fool xun. Falkan wuxuu ahaa mayd lagu jiidey waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaad mooddaa iney taariikhdu dib isu soo celineyso, waa markii labaad oo mayd dhintay lagu jiido magaalada Muqdisho, waxaa wax aad looga xumaado ah falkaa waxashnimada ah ee dunida aan ku nool nahay eysan ka dhicin mayd la jiido, dad il bax ah iyo kuwaan ilbax aheyn  labadaba, cawaanta qaaqaawan ee ku nool kaymaha, duurka iyo dadyowga ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka, meyd dhulka lagu jiido waxaa uun laga hayaa soomaali, waaba yaabee ma maydkaa xanuun sanaya, ama dareemaya xanuun? Soomaali weligeed qabiil qabiil iyo beel beel wey u dagaallami jireen, sidoo kalena ay isaga hor imaan jireen daaqsi iyo deegaan, dad wey iska dili jireen, balse, horey uma dhicin in mayd dhulka lagu jiiddo!

Waa la dagaali jirey, waa la is dili jirey, waa la is leyn jirey, waa la is gumaadi jirey, hadba sidii la isaga gacan sarreeyo ama la isaga itaal roon yahay, dagaallo hadday dhacaanna waxaa ka dhasho dhimasho, maydad, naf-waay, geeri, oo ah khasaaraha ugu weyn ee ka dhasha dagaallada, maxaa yeeley, hanti waa la tacban karaa, xoolona waa la sameynsan karaa, maalna waa la heli karaa, balse, waxaa hubaal ah inaan naf la soo iibsan karin ama qof dhintey aan dib loo soo noolayn karin, haddaba haddii ay sidaa wax u dhici jireen maxey tahay dhacdadaan soo cusboonaatey oo ah mayd-jiidis, taasi waxaa ka sii daran meyd wajiga cag laga saaro waliba cag ay ku  jirto dacas sagaal iyo bar ah! War dadkani miyeysan laheyn damiir Insaaninnimo, Diineed iyo Soomaalinnimo? Miyey laheyn dareen jiir naxa? Sidee isu siiyeen iney mayd jiidaan? Meyd la jiido, cag iyo kab wajiga laga saaro, waxaa laga hayaa Soomaali!

    Soomaali wax badan ayey ku faaneen dhaqan suubban iyo diin toosan inay leeyihiin, balse, waxaa is weyn diin mudan dhaqankii suubbanaa maxaa wuxuu isugu biyo shibtey iney maydka jiid jiidaan? Dhaqankii wanaagsanaa maa wuxuu u xuub siibtey in maydka wajiga cag laga saaro ama la kabeeyo? Guud ahaan bulshooyinka caalamka waxey isla gar waaqsadeen  xurmeynta maydka iyo maamuusidda asturka maydka, waxeyna isla wada oggolaadeen in la wada dhowro lana wada xurmeeyo maydka, waxaa kalee ay isku raaceen in la wada ilaalsho tixgelinta maydka, balse, qodobbadaas oo dhan Soomaali wey garab martey iyadoo ka door biddey iney qiimo tirto maydka.

Soomaalidu ixtiraam la’aanta meydka kuma ekeysan ee waxey u sii gudubtey iney meydka gubaan, waxaase laga yaabaa in dad badani ay ku andacoodaan in maydka la jiidey uu meyd gaal ahaa sidaana uusan wax xurmad ah ku laheyn, balse, waxaan wada ogsoonnahay in maydka la jiid jiidey ay isugu jireen Xabashi iyo Soomaali, haddaba haddii loo qiil sameeyey dhul ku jiidka maydka Xabashida iyadoo loo fiirinayo iney gaala yihiin la iskana indha tirey karaammada Insaanka, sidee loogu helayaa marmarsiiyo Soomaalida dhulka lagu jiidey amaba la gubay. Sida aan soo sheegney wax yar ka hor mayd la jiido Soomaali loogama horreyn, sidaa si la mid ahna mayd la gubo dunida lagama yaqaanno, marka laga reebo dad diin iyo caqiido ahaan ugu  maamuusa maydka iney gubaan dabadeedna dambaskiisa lagu daadsho Webiga barakeysan, dadkan sidaa aaminsan waxay ku nool dalka Hindiya.

Waxaa laga yaabaa in u jeeddada laga leeyahay maydka la jiijiiday ay tahay in dareen jiir xumo ah la tuso iyo in loo muujiyo inaan wax naxriis ah loo galeyn dadkaas xitaa maydkooda ah ahaatee! Balse, waxey tahay arrintu Afrikaan dhintey muxuu ka dhiganyahay markii uu noolaaba qiimo wanaagsan ma laheyn? Tan kale miyey habboon tahay in falalka waxashnimadaa lala beegsado dadka Soomaalida ah? Wallee waa yaab, oo waa amakaak!

Dhacdadaa foosha xun oo aan ilaa hadda cidna ka hadlin qaabkuu rabo masuul ha u ahaadee sida: Siyaasiyiinta, Odey dhaqameedyada, Wadaaddada, Urarrada Bulshada iyo Dhaqdhaqaaqyada xuquuqul insaanka, waxey muujineysaa aamusnaantan in dadka damiirkoodii dhintey, waxeyna taas keeneysaa in falalkan ay soo noq noqdaan si  is dabajoog ahna ay u dhacaan, taasna ay u sii xuub siiban kartaa in la caadaysto ama laga dhigto dhaqan.

Codsi ku wajahan wax garadka:

Waxaan farriin xanbaarsan digniin u dirayaa qof kasta oo wax ka qaban kara ama hor is taagi kara dhicidda falalkan guracan iyo joojinta dhacdooyinka foosha-xun ee laga yaabo iney ka mid noqoto qaab nololeedka bulshada, iyadoo codsigan uu ku wajahan  yahay: ODAYAASHA DHAQANKA, WADAADDADA, URURRADA BULSHADA, SIYAASIYIINTA, IYO URURRADA U DHAQ DHAQAAQA XUQUUQDA INSAANKA.

 

Maasro, 2007

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s