shabaab

Gulufkii Garacad iyo gabannada lagu qabtay!

 

Marka hore, waan soo dhaweynayaa, hormar walba, oo laga gaaro iyo guul kasta, oo laga soo hooyo, dagaalka lagu la jiro XAGJIRKA iyo ARGAGIXISADA, in kasta, oo madaxdeenna ay ka buuxaan, marka hambalyo iyo bogaadin ayaan leeyahay Puntland shacab, ciidan iyo madaxba.

Ka dib, waxaa muhim ah, in aan is la garwaaqsanno, in wax walba, sida naloogu sheego u qaadashadoodu, in aysan habboonayn, waliba kuwooda, aad arki karto, garan karto ama dareemi karto. In dagaal dhacay, oo maalmo socday, la is ku ma hayo, in guul iyo gobonnimo la gaarayna la is ku ma hayo, balse, waxaan weydiimo ka qabaa, hadallada ah; koofur dagaalka argagixisada ha uga dayato Puntland, kaba sii darane, in la yiraa; reer koofur waxay isaga saari la’yihiin ARGAGAIXSADA shacabka ayaan taageero siin ciidanka!

Marka hore; Koofurta Shabaabka ka dagaala tiradoodu waa meeqa? Kuwa ka dagaalay barina waa meeqa? Ma ciidan doon ku yimid, weliba doomaha kalluumaysiga “laash/huuri” oo qaadkiisu yahay 30 qof iyo wax la mid ah, tiradoodana lagu sheegay, 200- 250, ama badiyoo 500 ka dhig, ee weeraray Puntlanad, miyaan la misaaldhigi karnaa, kumannaan kun, oo deegaanno, gobollo, magaalooyin iyo tuulooyin ka la duwan joogaa, ee koofurta dhibka ku haya, hubkooda, saanaddooda, ciidankooda iyo maalgelintooda leh?.

Danta taal koofur ma taal bari? Napoleone Bonaparte (Ajaccio, 15 agosto 1769 – Isola di Sant’Elena, 5 maggio 1821) xilli uu duullaan ku ahaa dalka Masar, ayaa saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidankiisu ka soo horjeesteen. Si uu ugu qanciyo ayuu wuxuu yiri, oraahdaan caan baxday ee ah: “Ii sheeg qofka Masar xukuma, waxaan kuu sheegayaa, qofka adduunka xukumee!” illeen Masar waxaa ku yaal Marinka Suways, oo halbowle iyo dhuun u ah, isu gooshka dhammaan ganacsiga dunida. Haddaba, waxaan leeyahay; ii sheeg, qofka koofurta iyo Muqdisho xukuma, waxaan kuu sheegayaa, qofka dalka xukumee!

Faragelinta koofurta lagu hayo, ma lagu hayaa bari? Qodobkan, waxaan garan reer waqooyi iyo reer bari badan, oo mooda nabadda ay haystaan, in ay ku timid kaliya, in reeruhu nabad qaateen, oo waxgaradkooda isu taageen maamul iyo hannaan dawladnimo. Hubbanti, haddana, mar walba, oo aad ka fog tahay, xuddunta mashaqada iyo meelaha manfacada iyo miiddu taal, hubaal, in ay dhib yari iyo dhibaato la’aan wax badan kuugu qabsoomayaan. Ma ogtahay, haddii ay koofur noqoto nabad, in dalka dhan nabad noqonayo? Marka hoggaan ka sokow, saw arrin ka xoog badan ma jirto hoggaanka?.

Hubka iyo saanadda ay helaan Shabaabka ka dagaala koofur yaa siiya? Xasuustii ugu dambaysay waxay eheed, markab badda lagu qabtay, oo siday hub, lana yiri wuxuu u siday Shabaab. Adi ma maqashay, meesha uu ka yimid? Dalka laga lahaa? Shaqaalaha saarraa iyo dakadda uu ka soo shiraacday? Laga yaabee, in aad i leedahay, maxaysan reer koofur u raadin, ma qof kale ayaad ka sugaysaa? Waa runtaa, balse, ma is weydiisay, inaad la kulmin waana hubaaye, cabaqad kugu gudban, cudud xoogle iyo culuys ku saran, sideed ka yeeli leheed?.

Ma ku la tahay hubkan ay qaybinayso Imaaraadku, ee beel iyo maamul walba loogu deeqay, in uu yahay darajayn iyo dawladnimo raadin? Ani is ma dhihin, haddana, anagu wax is ma weydiinnee, aan hubka is ka guranno, hadhawna aan is ku dilno!

Anigu si kale ayaan u soo gudbin lahaa fikirka hubaynta maamul gaar ah iyo gurmad saanad siinta, oo ah; yaa noo damaanad qaadaya, in hubkaa, aan lagu weerari doonin beel, halka ay eheed, in lagu la dagaalo ARGAGIXISO? Waxaan wada xasuusannaa, dagaalkii Gaalkacyo, ee saddaxda maalin socday, saddaxdaba dagaalka waxaa soo qaadday Puntland, sidoo kale, labadii bil ee la soo dhaafay, gobolka Mudug, wuxuu mar walba, qarka u saarraa, in uu dagaal ka qarxo, sidoo kale, Sool dagaal ayaa ka taagan, haddaba, maxaa diidaya, in hubkan iyo saanaddan loo adeegsado dagaalkaa beeleed, ee laga cabsi qabo?.

Ka gudub, reer is ku dan iyo duud ah iyo dad ka la dan iyo duruuf ah, is ku si u ma hawlgali karan, oo maxaan ka la duwanaashaha qorshaha loogu darsan? Waxaan uga jeedaa, haddii ay guul degdeg Puntland ka soo hoysay, malleeshiyo kooban oo badi dhallinyaro ah, aan waayo aragnimo iyo lahayn xeelad dagaal, ma la la barbardhigi karaa, beelaha kale, ee koofurta dega, ee tarada badan, ee is diiddan, is lana dhalan, is ku danna ahayn, ee ka la damaca ah?.

Marka ay reer qura joogto, way dhacday, walina dhacaysaa, in Shabaab la is ka celiyey, la iskana celinayo. Caddayn; marka ay reer joogto, ogoow, beesha Dusmo reeb, oo aan waliba aragtida la dagaallanka Shabaab ku midaysnayn, maadaama uu ka dhashay, Xasan Daahir, Aadan Cayroow iyo rag kale, ayaa ka hor istaagay, in ay qabsadaan Guri Ceel, Matabaan, Dusmo reeb iyo dhammaan tuulooyinka hoos yimaada. Xasuusta ku hay, reerkaa dawlad, maamul iyo hoggaanka bari ay haystaan ma haysan, haddana, waa is ka celiyeen, oo waa taas maanta deegaannadaa lagu nabdoon yahay, si kalaba hoggaan xumi ha uga jirtee!

Gobollada dhexe ma jirto, meel sida ARGAGIXISADA looga la dagaalay dalka oo dhan looga la dagaalay, oo iyaga oo shacab ah, maamul goboleed lahayn, ayey is ku fillaadeen siddeed sanado, cabaadna laga ma maqal, walibana ka guul keeneen, haddana, abaal ku ma helin, marka laga reebo siyaasad xumadooda iyo hannaan la’aantooda, oo ay wehliso, ballanqaadyo aan maangal ahayn, oo dawladda dhexe aysan u fulin.

Mid kale aan kuugu daro; bishan dhexdeeda iyo bishii ka laba, gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka, Bacaadweyn, Camaara iyo agagaarkooda iyo Wabxo, oo Galguduud ah, waxaa ka dhacay dagaallo ay dadka deegaanku isaga dhiciyeen ARGAGIXISADA, haddaba, masuul leh, waxaan u diraynaa hub iyo saanad yaa maqlay? Sidoo kale; tuulada Ceel Baraf, Gobolka Sh. Dhaxe, Ceel Cali gobolka Hiiraan, dadka deeganku wuu is abaabulaye, waana is ka dhiciyeen argagxisadee, mey hub iyo saanad u diraan? Mey taageero iyo u fidiyaan taakulo? Midda ka weyn, ma ka maqasheen wax buunbuuninaya guulahooda? Mise aragtay, iyaga oo carruur sii bandhigay? .

Maamulka Puntland, maxay dawladda ugu eedeeyn, in ay Shabaab u soo dirtay, halka dadka deegaannadaa kale, aysan dawladda ku eedayn, in ay iyagu u soo direen Shabaab ama ay dawladdii dacaayad ka fidiyaan? Waxaan maqlayaa, sidoo kale, in ay dheheen hubkii loo diray, in ay abaalkii dawladda u quuri waayeen, ee ay dheheen, waxaa noo soo diray Imaaraad, maxaa abaal dhacaa sabab u ah?.

Tan kale, ma illowdeen, in Puntland qayb ka tahay kuwa daneeya, in ay Shabaab ka sii jiraan koofur? Xasuuso waraysigii laga qaaday wiilkii uu adeerka u ahaa Faroole, ee ay shabaabku dileen, ka dib markii ay qabteen!

Ugu dambayn, ma waxay idin la tahay, in wiilashaa yaryar ay bari u aadeen, in ay qabsadaan? Horta ma la soo qalday? Ma la soo qasbay? Ma runbaa in dagaal lagu soo qabtay? Imaha yaryar, ee aad aragteen sawirradooda, oo aan dhulka aqoonnin, gurmad heysannin, 4ta dhinac laga xigo, ee aan garannayn, ayey intaas la rafanayeen, ee ma la dhihi karaa, shabaab ayey la dagaaleen?.

Haddii dagaalka ARGAGIXADU dhab yahay, oo run laga sheegayo, dagaalka ha lagu qaado buuraha GALGALA, haddii kale yaan na la noojin, ee faanka iga aayariya! Carruurta Bakool, Gedo iyo Bay keliya maxaa loo qabtay, gobollada kale, waliba deegaanka Bari, miyeysan lahayn dhallin Shabaab ah? Suuragal ma tahay, in ilmo 15jir ah, oo hadda Bakool laga keenay, uu ku hadlo lahjadda MAXAA TIRI, oo fasiix ah? Kaba muhimsane; aawaye, hoggaankii carruurtan soo afduubay, maxaan na loo tusin?.

Tan ugu wada muhimsan, maxaan loo dhawrin xuquuqda maxbuubyada, waliba carruurta ah, mise xeerkiinnu waa xeerkii habar dugaag, ee ahaa; ha la isu cuno, sida loo ka la weyn yahay ama loo ka la xoog badan yahay? Weydiimuhu ma yara, balse, yaaba is hordhigaya, dadka dhan caaddifad iyo waxaa hagaya laab la kac, oo ah waxa halkaa na dhigay!

 

Magag!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements