Muqdisho MAHDIN ayey naga mudan tahay!

muqdisho-640x330

Muqdisho MAHDIN ayey naga mudan tahay!

 

Daacuunkii dillaaci jiray, amminka doorasho ku sheegga iyo xulidda xildhaannadu soo dhawaado ayaa dillaacay! Daacuunkaa waxaa la yiraa; “Muqdisho” oo ka dillaaca deegaannada bari, ka dibna u gudba gobollada kale, si gaarana uga sii faafa is la magaalada, oo ay sii fidiyaan, kuwo dhaha waan ku dhalannay, waan jecelnahay iyo waa magaaladeennii!

Anigu waxyaabaha aan Eebbe uga mahadceliyo waxaa ka mid ah, in aanan magaaladaa ku dhalan, iga ma ahan nacayb aan u qabo magaaladaa, balse, waa inaan nacas xun, oo cuqdad dilatay, uusan iiga xigsan! Mahad.

Mid daacad ayey ka tahay, mid hiyiraacnimo ayey ka tahay, mid qabyaalad ayey ka tahay, mid nacayb ayey ka tahay, mid kale sedbursi iyo gorgortan ayey ka tahay!

Ogoow doodda reer bari in ay tahay aragti qabiil, dan reer iyo rabid beel, haddana, waxaa mar walba ugu hoosduugan, rabid dheeraad iyo doonid sed aysan lahayn.

Iyaga inta kale waxba ka ma gelin, ee kaliya aragtidoodu waa teenna kaliya ha na loo taago! Tusaale waxaa kaaga filan in Golaha Shacabka laga siiyey labo xubnood oo dheeraad ah iyaga iyo maamulka Waqooyi! SEDBURSI iyo SEDBURIN! Haddaan na loo sedburin Soomaali ma nihin!

Sida barrin, goof, tuulo, degmo, magaalo, gobol iyo maamul walbaa ay beel u leedahay, maxaa diidaya, in Muqdshana ay beel u leedahay, haddana ay noqoto xarunta dalka?!

Maxaa is ku xiray, in magaalada Muqdisho reer lahaado ama ay deegaan dad gaar ah noqoto iyo in ay xarun u noqoto dawladda? Saw mar walba labo ka la ma ahan xafiisyada dawladda Federaalka ah iyo xafiisyada dawladda hoose ee gobolka Banaadir?!

Waxaa hubbanti ah, in aysan dalka ku ool, magaalo la mid ah Muqdsho, haddana, kuwo baa la taagan tuulo shalay degmo noqotay, oo in aysan adeeg lahayn ka sokow, aysan is la reerka qudhooda qaadin ama deeqin, kaba muhimsane, aysan isu oggolayn la meeldhigaan ama u rabaan caasimad!

Dad badan ayaa dhaha Muqdsho, magaalo ayaandaran! Hubbanti, saa qof, qolo iyo qabiil wax u oggol ma lahane! Inta reer koraadka ah, waaba kasi karaa, oo iyaga SEDBURSI doon ayey yihiin, ee kuwii u dhashay ama ku dhashay ayaaba uga daran kuwaa kor iyo ka yimid qalaxa ayaaba ugu sii daran!

Xamar dadka deegaanka ah marka laga reebo, qolaba maalin ayey timid, oo kaliya waa la soo ka la horreeyey. Qolo doomo ku timid iyo maraakiib, qolo dawladnimo iyo midow ku timid, qolo qabyaalad iyo ku timid qabiilaysi iyo qolo qori iyo jabhadnimo ku timid, haddaba, afartaa, kee xaq ku leh, keense xaq ku lahayn? 3 ka mid ah, waaba lixdankii wixii ka dambeeyey, halna waa ka horreeyey.

Magaalo xaqeedii iyo xuquuqdeedii dastuuriga ahaa aan la oggolayn, sida in aysan xubno ku lahayn aqalka sare, oo gobollada qaar dheeraad iyo la siiyey sed ka badan kuwa kale, halka Muqdisho lagu qadiyey. Wali ma mashaqay qof ka hadlaya? Wali ma aragtay, kuwa la taagan Muqdisho la ma ka la xigo, oo xaqeeda u doodaya? Muqisho illaa hadda ma lahan golo deegaan, oo waxaa magacaaba hadba madaxweynaha markaa jooga guddoonkeeda. Hubaal, in ay tahay gaabis ku jira dadka deegaanka, haddana, ma waxaan leenahay, hadday gaabsheen, ha la wada farafareeyo! Dafalaqsi maya!

Dawladnimada awood qaybsiga kuraasteeda, sida loo wadaago loo ma wadaago dhakhliga iyo canshuuraadka, oo Muqdisho waa magaalada qura, ee ay dawladda canshuur ka qaaddo, haddana, aysan xuquuq u ogllayn! Magag!

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeyn heer; qoys, raas, jilib, jufo iyo beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay BEEL, maxaa diidaya, in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno BEEL?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Waxaan waliba ku dari lahaa mudanihii dawladda ka tirsan, ee aan deegaanka ay beeshiisu degto tagi karin yuu metalaa, inta aanba dhaqaale la gaarin? Hadduusan deegaan matalin yuu xil u hayaa? Haddiise deegaan uu metelo, ha la yimaado dheef ama ha ka soo qaato beesha uu dawladda ugu jiro.

Dalku waa FEDERAL ama BEELAYSI sida qofba u yaqaan, sidaa awgeed, waa in dhaqaalaha waddanka soo gala loo dhan yahay, haddaan la yeeli karin, qof walbaa BEESADUU XIL haye ku noqon lahaa ha la yimaado, illeyn haddaan sidaa la yeelin, waxay ka dhigan tahay MUQDISHO kaliya ha la jaqee, iyana ka daashay GAFANEE.

Dhanka kale, intii shalay MUQDISHO inay CAASIMAD sii ahaato u qaylinaysay maantana waa inay isu qaabiyaan sidii looga qaban lahaa QUUDATADA aan qasadka lahayn, ee mar walba u soo taagan, inay cunaan canshuurta laga qaado dadka deggan Muqisho, illeyn MIISAANIYADHA la ansixiyo meel kale laga ma keenee, oo u badan MUSHAARKA ay qaadataan kuwo is ku sheega MASUULIYIIN!

Ku darso, qarashka dawladda ka soo gala ilaha dhaqaale ee Xamar, waxaa maamul goboleedyada laga siiyaa celcelis, aan looga ammaan iyo amni helin. Intaa waxaa dheer, Xamar qabiil aan hanti, maalgashi iyo ku lahayn xarumo ma lahan, haddaba, ma laga helayaa tuulooyinka beelaha, in beelaha dhami u furnaato? Is ma dhihin, saa iyaga ayaanba isu oggolayne, ma dad kale ayey u oggolaanayaan?

Waxaa jira kuwo dhibsaday dhawaqa XAMAR reer baa deggan, oo aad mooddo, in fallaar mariid leh wadnaha looga muday! Dadkaasi ka ma warcelin markuu lahaa   Gaas, Ceel Barde annagaa leh, waana aqoonsaday! Anaga! Oo waa ayo? Saw beel ma ahan? Markuu Faroole lahaa Garoowe anagaa leh, Xamarna waa la wada leeyahay! Hilmaami ogaa, oo haddana hadfi ogaa.

Sanadkii 2012kii ayaa waxaa is qabsaday or iyo qaylo ka soo yeertey Hargaysa iyo dalalka qaybo ka mid ah galbeedka. Dadkaa oo waaqooyi ka soo jeeday, ayaa ku doodayey, in Shabeellada Hoose dulmiga ka socda, oo labo bee loo wada ay ku dagaalayeen. Ogoow, kuwa sidaa leh, beer iyo buul midna ugu ma yaal, ee oday sheegad aanu weliba ku kalsooneyn ayaa ka dhawaajiyey.

Haddaba, haddii odayada dadka deegaanka ood iyo ab labadaba la wadaaga ka hadlaan, maxaa ka dhigay qabyaaladiisteyaal iyo dad ka hadlay deegaan aysan lahayn? Haddii odaygaasi dhihi lahaa, Hargeysa anagaa is ka leh, waxaa loogu jawaabi lahaa waa beentaa, ee Muqdisho hagaajiso! Hadduu dhihi lahaa, Boosaaso annagaa is ka leh, waxaa la dhihi lahaa waad riyooneysaa! Haddase midna ma dhihine, wuxuu dhahay, Muqdisho reerbaa deegaankeeda leh, oo ah dhab biyo ka ma dhibcaan, haddana, waa lagu ceebeeyey, oo laga dhigay qof qadaf iyo gef galay! Oo hadalka odayga Xamar ka hadlay, muxuu kaga duwan yahay kan Faroole, saw labo oday ma ahan?.

Xoola aadan lahayn xalaal kuu ma noqdaan. Dadka Xamar ku hamminaya, xeer dowladeed iyo xarriiq dadyow kale ayaad xandho kaga helaysaa, waa dad soo jeedka ku riyoonaya.

Hal abuur Cabdiraxiin Hilowle Galayr oo arrintaas ka hadlay 2012kii ka dib markuu arkay, dad badan sidan oo kale u qarwaya, ayaa waxaa ka mid ahaa tix uu ka tirshay arrinta Xamar sidan:

 

In lays duudsiyaa maaha daw, daacad loo mara,e

Tayda anaa duub ka noqon, Dowlad iyo maamul

Taada dadkay dhex u ahaan, Diidye shacabkiiye

Ninka diiddan Xamar waa degaan, Duul u gaara lehe

Misna doodda marin aanan jirin, Waa damiin falane

Dabuubtayda maqal waa dareen, Daaci soo diraye .

 

Degmadeenna Xamar waa daliyo, Degello reereed

Dalka iyo haddii laga xukumo, Daafaha kaleba

Dastuur lagu ma raro Daahiroow, Beelo meel dega

Ninka duudda bari jooga iyo, Buurta dacalkeeda

Midka daan galbeediyo ku nool, Dooxadiyo Hawdka

Midka Deebla daaqsada Bakool, Dayrcadkiyo geela

Midka daadsan webigaa durdura, Deexda iyo dooyga

Dadku deris wadaag buu ahaa, Mana is diidayne

Ninba daaqsin baa lagu ogaa , Dadab u xeernayde

Dulmi iyo xasarad maysan jirin, Doco docoyn jaane

Degma weliba duudbaa lahaa, Door awoow dhalaye.

 

Haddii dowladnimadii u tahay, Dayrka celinayaa

Dekaddiyo haddii ay u tahay, Daafta laga duulo

Digtooriyo haddey duuban yihiin, Odayo doodaaya

Guurtida haddey degel u tahay, Lagu dakaynaayo.

Degmadeedii weeyaan oo ma jiro, Ruux durkinayaaye

Dadkii hore u yaallaa ku nool, Daakhiliyo duude

Dowladnimo horteed baa la yiil, Lamana diidayne

Dacwaddaad furteen gacalkayoow, Diidyey Aadmiguye

Dastuurkuna ma aha diin xaqiyo, Daayin hadalkiise

Diiwaan heshiis lagu dhigiyo, Waa hab dowliya

Nimna daarta gurigiisa diid, Dood la gelayaaye

Ninna dahab adoogiis u dhigay, Daadi laga waa

Is dejiya dareen been ah baa, Loo durbaan tumaye

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

2 Comments

  1. Waa qoraal cajiib ah kana turjumaya xaalada maanta ee ah taada kula lihi teydana anay ii gaar tahay. Aad baad u mahad santahay Walaal Bashiir.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s