Heshiiska Garoowe; shimbirayahow heesa iyo gacma daalis!

12928375_1069006646475871_6290566894933760059_n

Heshiiska Garoowe; shimbirayahow heesa iyo gacma daalis!

Bishii december, sanadkii 2011dii, ayaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan!ka dib, markii heshiis lagu gaaray, qayb ka ahaa “ROADMAP” oo ahaa hannaan doorasho lagu gaarayo, loogana bixi rabay –BEEN!- ku meel gaarnimada. In kasta oo gugaas la igu dhibsaday, oon caay iyo ku mutay colaadin, haddana, mar kale ayaan ku celin, anoo diyaar u ah intii oo kale iyo ka badan. Inta beenta la isu sheegayo, waa la is rabaa, balse, marka runta la abbaaro, ayaa la ka la tagaa! Sabab? Dadku waxay jecelyihiin ammaanta, tookha iyo ii dhehda.

Madasha iyo magaaladu waa is la tii. Garoowe. Muuqyadu waa is la iyagii, haba ka sii darraadeene. Shisheeye u dhexeeyey Puntland iyo dawladda, si Puntland loogu qasbo ama looga dhaadhicinayo, in ay aqbasho wax dhaqan iyo u ah hannaan. In qabiil wax lagu qaybsado. Magacyadu waa is la iyagii. Madax is ku sheeg, u adeega dano qofeed, qolooyin iyo qabiillo gaar ah, oo qod isaga qabbiray qaran iyo qawmiyad!

Hannaanka dawladnimo magaca uu wato ee FEDERAL, wuxuu jiraa laga soo billaabo 2004, halka hannaanka maamul ee Puntland uu jiro laga soo billaabo 1998, haddaba, wax iyaga oo dhawr jufo, oo hal beel ah, ay ku guulaysan waayeen, miyey rabaan, in qabiillada kale oo dhan, ay la wada qaataan, oo waliba aan diyaar loo ahayn, marka laga reebo, in dhammaan la wada rabo, in hannaankan laga gudbo?.

Doodda Puntland waxay tahay; ANAGA WAA NOO BANNAAN TAHAY, hannaanka beel awood ku qaybsiga, INTA KALANA WAA REEBBAN tahay! Bal hannaan aysan iyaga oo beel ah wax ku qaybsan kuna qaybsan karin, aysan ku dhisan maamulka, maxay ugu qasbayaan Soomaalida kale, ee aan wali qaarkood maamullo dhisan? Ka ma wado in aan leeyahay kuwa dibaadiga ah ha loo dabranaado, balse, waxaan leeyahay, waxa aad dadka farayso ama aad ka dalbanayso ha ahaadaan wax adiga kuu dhaqan ah, haddii kale, way caddahay, in aad dan gurracan iyo ka leedahay ujeeddo qalloocan!

Hubaal, in ay ahayd wax wanaagsan, in laga gudbo hannaanka “AFAR IYO BAR” sida ballanku ahaa, balse, sida aysan Puntland uga gudbi karin, ayaan dawladduna uga gudbi karin, ee maxaa dooddan aan dhammaadka lahayn keenay? Tan ka muhimsan, haddii toodo loo raaco, oo gobollo iyo deegaan wax lagu qaybsado, xaggee la gaynayaa Somaliland? Malaha waaba sida ay rabaan, in ay daaqadda ka baxdo, oo la ka la go’o, haddii kale, sidee ugu adkaysan karaan, in gobol lagu xulo baarlamaanka? Waxaad ogaataan, iyada oo aan Somaliland heshiis iyo xeer la la qaadan, haddii gobol wax lagu qaybsado waa khiyaamo qaran!

Aragtida ku dhegidda in aan lagu qaybsan awoodda siyaasadeed qabiil, ee deegaan loo gudbo, waxay u egtahay, in ay tahay aragti shisheeye ku lug lahaa, ee aysan kaliya ahayn, in ay eheed aragti Puntland leheed. Waxaan ku iri, labo arrin awgeed; (1) sida Xabashida, Kenya iyo dawlado kale u danaynayaan ka la go’eenna, waliba ay dedaal badan ku baxsheen. (2) in heshiiska uu damaanad qaade ka ahaa; wasiirka Arrimaha Dibadda Xabshida Tedros Adhanom! Ma qof kale ayaa la waayey? Ma mudane ka mudan ayaan jirin? Xasuuso, kaalinta uu Wasiirkaasi ku leeyahay Jubbaland, sidii uu afar maalin u sugayey carun shubka Axmad Madoobe, sidii inaan shaqo kale ka dhicin. Kismaayo wuxuu tagay saddax mar ka badan, mana jirto magaalo Soomaaliyeed, oo uu intaa booqday ogaalkeey, Muqisho mooge, mase filayo. 12803097_1069006653142537_4199996109679539127_n

Sidaa oy tahay, haddana, shirku wuxuu is ka ahaa shir hungo: maxaa yeelay, wuxuu ahaa, kii ugu liitay, ee Puntland damac iyo ku doonaysay badsasho, oo aysan u hirgelin. Si kale, anigu waxaanba qabaa, in uu noqon doono shirka ugu dambeeya, heshiis sedbursi, oo ay dawladdu la gasho maamul goboleed. Laga gudub, xilligii; LOO MA DHAMMA iyo LA IGA LA MA TASHAN!

Ujeedka shirka loo weyneeyey wax kale ma ahayn, ee kaliya waxaa lagu sasabay reer Puntland, oo go’aan Gaas ku qaatay magaalada Muqdhisho ayuu uga dhigi rabay, mid lagu baryey ama looga adkaaday! Heshiiska afar iyo bar in wax lagu qaybsado wuxuu ku soo aqbalay Xamar, ee waxan dhan waxay ahaayeen, boolxofteyn iyo waan caroone ha na la soo cara celsho.

Qodobbada heshiiska waxaan u qaybin lahaa:

  • Qodobbo ay ku doonayeen, in ay ku afduubaan beelaha kale ee la deggan gobolka ama maamulka wadaag ku la ah, waana kuwa badi ka hadlaya xulidda xildhibaannada, ee lagu saleeyey beelihii 1998 wax wada dhistay, iyaga oo is hilmaamsiiyey, in sidii wax loo dhistay aan la wada ahayn, ee la ka la tagay!
  • Qodobbo boos buuxis iyo ahaa waraaqda ku badin, ee aan qiimo gaar ah ku fadhin.
  • Qodobbo ay ogyihiin, in aysan waxba ka qaban karin, balse, wali si dadka loo sii indha sarcaadiyo loogu daray. Tusaale qodobka ka hadlaa Muqdisho, xulidda xildhibaannada iwm, oo dhammaan heer qaran iyo si wadajir ah go’aan looga qaadan doono, maxaa yeelay, qodobbada lagu heshiiyey, oo dhan, waxaa wax looga bedeli karaa; madasha hoggaamiyeyaasha, oo midda u horraysan ay dhawaan ka dhici doonto Muqdisho.

Sida shirka looga hadlay, waxaa jirta mid aan si fiican loogu nuuxnuuxsan, ee aad mooddo sida caadada ahayd ay na hoos martay, waliba si gaara dadka ay dhacdadu qusayso, oo deegaanka ka soo jeeda. Waa wasiirka Xabashiga ah, ee heshiiska damiinka looga dhigay!

Labo tusaale ayaan ku gaabsan doonaa, oo labaduba wasiirro ka soo noqday, is la maamulkan Gaas, uu hadda wali hoggaankiisa hayo.

Midi waa Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Saadiq Eenow, oo tilmaamay, in lagu degdagay hishiiskii Garoowe, isagoo sheegay, in hishiiskan uu caqabad wayn ku yahay midnimada iyo siyaasadda Puntland. MAGAG! Aqooneey xaal qaado.

Dhan kale, Cali Xaaji Warsame, oo isna soo noqday wasiirka Waxbarashada, ayaa sheegay, in heshiisku uusan miisaan weyn lahayn, uuna ka hor imaanayo rabitaanka reer Puntland!

U ma muuqdaan midnimada iyo siyaasadda Soomaali oo dhan, ee waxaa u muuqda kaliya midda beeshooda, oo waliba halis ku ah midnimada umadda inteeda kale. U ma muuqdaan wasiirka Xabashiga ah, ee ay DAMIIN ahaan u qabsadeen! Magag!

Gaas isaga ayaaba laaqaya, lugtana ku la jira, ee haddii labadan iyo labooyin kale oo la mid ah loo geeyo, kaliya waxaan dhihi lahaa; inta aqooni tahay tan Gaas iyo Eenoow oo kale, la’aan ayaa dhaanta, halka, inta diintu tahay, tan Cali Xaaji oo kale, -maadaama, uu xubin ka ahaa wahaabiyadii 1993 dhallinyarada magaac diin dacreedka ku dagaal galiyey- diin la’aan ayaa dhaanta, sida tii Xasan Daahir IQKB ay u dhaantaba! Magag!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s