Allaa Qaddaray!

Unknown

Allaa Qaddaray!

 

Qormo hore waxaan ku faahfaahinnay xaldoonka diinta ku daabay. Waxaan ku caddaynay, inaysan xal noqon karin marnaba, ayse ka qaybqaadan karto xal helidda kana mid tahay kaabayaasha xalka baadi goobka loogu jiro. Dhambaallada dhaliisha xambaarsan, ee ka dhiidhiyey, in diintu aysan ahayn xal dhigan ka sokow, waxaa jira dhaameel la iska indha tiro, oo ku aaddan ujeedka qormada iyo inaan la kala saarin diini marka ay ruuxaaniyad adeegsanayso iyo marka ay adeegsanayso awood dawladeed, haddaba, waxaa habboon in mar walba aan la marooqsan fahamka lagana dhigin wax ku kooban mid qura iyo sida qofku wax u gartay.

Qormada maanta waxaa jeclahay inaan ku lammaansho qormadii hore, aniga oo qod kale ka istaagi doona kana eegaya maaweelada ay Soomaalidu isku sabarsiido, xiriir adag ee ay la leedahay diinta awgeed, haddiiba aysan noqon rukummada ugu adadag mid ka mid ah. Ujeedku waa inaan dood la wadaago tolkay (Soomaali), aan la koodo kana wada hadalno erayada afkooda ka buqrada ee aan waxba soo kordhinayn, haddaanse horey u sheegnay inaan diintu xal noqon karin, waxaan imikana ku lifaaqaynnaa erayga (Allaa qaddaray) oo wax walba oo dhaca masuul looga dhigo!

Qaddar, waa eray carabi ah macne ahaan waa jaangoyn iyo tusmayn. Qaddarku wuxuu ka mid yahay rukummada diinta Islaanka, rumayntiisu waa qodob aas-aas u ah Iimaanka qofka Muslinka ah, waxaase jira muran badan oo ka taagan qaddarka, ujeedkeennu ma ahan inaan ka faalloonno khilaafkaa ka dhexdhashay culimadii muslinka, qaddarka qaybihiisa iyo heerarkiisa, ee waxaan muujinaynnaa asal ahaan meesha uu ka soo jeedo, rumaynta koonka qaab dhismeedkiisa waxa maqan ee noole leh iyo waxa dhici doono xilliyada dambe iyo geerida ka dambeeysa.

Dhammaan arimahaas waxay hoos galayaan rumaynta qaddarka, maxaa yeelay waa qayb ka mid ah qaddarka, taas kaliya ma ahane waxaa ku jira dhacdooyinka middooda qaraar ama macaan in loo gigsado, tanina waa nuxurka qaddarka iyo naaxiyadda iimaanka, khilaafkuse wuxuu ka taagan yahay qofku ma ikhtiyaar ayuu leeyhay mise wuu qasban yahay? Micnaha waxa qofku samaynayo ma wax ku dhacaya ikhtiyaarkiisa iyo doonistiisaa, mise waa wax ku imaanaya qaddarka hore oo marnaba waa wax uusan ka baaqsan karin?.

Halkaa waa lagu kala bayray, culimada muslinku waxay kala mareen laba dhabbo oo aad u kala fog ayey kala qaadeen, qolo walbana waxay dareerinaysaa xujooyin caqligal ah, maxaa yeelay mid walbaa wuxuu soo xigsanayaa daliillo diini ah, balse waxaa kale oo jira qolo saddaxaad oo tiri: qofku wuxuu u dhexeeyaa doonis uu waxa uu rabo samayn karo iyo qaddarka oo guud aan cidna ka baxsan Karin. Waa su’aale haddii la yiri: qof walba waxa uu noqon lahaa horay ayaa loo qaddaray: maxaa laga cibaadaysanayaa? Waa su’aal ay soo jeediyeen qolyaha dhahaya qofku wuu qasban yahay, maxaa yeelay xikmadi kuma jirto in qofka aayihiisa dambe la qabeeyo haddana amar iyo fal loogu daro!.

Intaas haddaan uga gudubno qaddarka iyo wixi laga yiri aan u dhaadhacno dulucda qormada, Soomaali waxay caadaysatay fal kasta oo dhaca inay ku warceliso: ALLAA QADDARAY iyo waa wax horay u qornaa! Halkaa waxaa kaaga muuqanaya in qaddartii noqotay gabbaad looga dhuunto masuuliyadda, waxay noqotay god la isaga mooso xil qaadista qofku uu dusha u ridan lahaa wixii uu sameeyey. Qaddartu waxay noqotay xujo aan meel loo dhaafo lahayn ama laf dhuun gashay, oo si loo leexsho loo baxsho aan la garanayn.

ALLAA QADDARAY! Waa hal hayska ugu hadal haynta badan marka laga eego masuuliyad ka cararka. U fiirso afkii la kala qaadaba waxaa ka soo baxaya ALLAA QADDARTIIS ayaa waxaan ku dheceen. Wixii Soomaali ay gacanteeda ku samaysay haddii ay u tiirisay Ilaahay waa arrin aan laga yeelayn. Qarankii ay dumisay dawladdii ay burburisay, dilka, dhaca, boobka, afduubka, kufisga, fawdada iyo wax walba oo xumaan ah in la yiraa: ALLAA QADARAY! Waa arrin aan la qaadan karin, waaba su’aale haddii Alle qaddaray yaa fuliyey?.

ALLAA QADDARAY! In Soomaali is disho, dawlad la’aan ahaato dhibka ay ku raagto ALLAA QADDARAY! Waaba su’aale Alla ma innaga (Soomaali) kaliya ayuu u qaddaray inay silcaan waligood? Waan la socdaa in dad badani dunida daafaheeda ku dhibban yihiin, balse waxaa i quseeya midda umaddayda iyo dadkayga, taas ayaana igala xanuun badan waxa ka dhacaya dunida walow ay jiri karaan dalal naga dhibaato badan, balse waxaa la kala sooci la’yahay dhibka inay dadku ka masuul yihiin oo aan la xisaabtamin marna aan la isweydiin: inta qaddarta noogu kaadisaan dhibka qofka, qolada ka masuul ah dusha ha u ridato!

ALLAA QADDARAY! Soomaalidu haddii ay isku maaweeliyaan waxaan dhacaya waxay ku dhacayaan qaddarka awgeed, run ahaantii waa miday ku qaldan yihiin, maxaa yeelay wax kasta oo dhaca saddax midkood ka bixi maayeen, waa midda koowaade in qof sameeyo, markaasna qofka ayaa ka masuul ah waxba yaan qaddarka la cuskan, midda labaad in qolo samayso kolkaas waxaa sidoo kale masuul ka noqonaya qolada ka dambaysa falka, qaddarku waxba lug kuma yeelanayo, tan saddaxaad waa in falka ku dhacaa arrin dabiici ah sida: dhul gariir, daadad, abaaro, cudurro, shil, dab IWM, markaas xittaa falku far fiiqid la’aan ma noqonayo, balse waxaa meesha ka baxaya xisaabtanka labadii hore jiray, waxaase lagu badalaa taxadar iyo dadaal looga gaashaamanayo kuwo dambe ee dhici kara!.

Qodobka dambe ee la xiriira dabeecadda culimada (philosophy) filosofiga qaarkood waxay aamisan yihiin in dinidu (koonku) ay ku socoto qaanuun la’aan (fawdo). Waxay cuskadaan marka dunida meelna loogu baaba’ayo gaajo meelna loogu dhimanayo dibbiryo iyo dharag, dunida marka meelna loogu dhimanayo asqo iyo harraad meelna loogu dhimanayo fatahaad iyo daad soo rogmaday, dunida marka meelna loogu dhimanayo qabow, baraf iyo duufaan meelna loogu dhimayo kulayl hafni iyo uumi, wax yaabahaan is weydaarsan dartood ayey culimadaa u dheheen dunida waxay ku socotaa fawdo, marka dhinac laga eegana waa wax meesha ku jira.

Soomaali waxay in badan ku celcelisaa oraahda ah: ILAAHAY AYAA NAGA SAARI KARA DHIBKA! Waa meelaha ay ku dhuuntaan marka ay ka cararayaan waaqica jira iyo runta taagan, haddii uu Ilaah markii hore dhibka na galiyey wuuba ku qasban yahay inuu naga saaro, illeen waa tii la yiri:”Jinni kinkii keenaa baxsha!” balse haddii uusan masuul ka ahayn dhibkan qoorta noogu jira maxaa ka galay sidaan uga baxaynno? Sidaa waxaan u leeyahay waxay tahay, bulsho isbeledka ay la timaaddo ayaa wax loogu badalaa, haddaan waxba isbadal ah aannaan samaynayn sideen uga baxaynnaa dhibka? Kaliya waxaan sugaynnaa miyaa samada faraj ka soo dega! Waa hayhaata iyo waxaan dhacayn, qofkii riyadaa ku jiifana haddaba hurdada ka tooso inta goori goor tahay!

ALLAA QADDARAY! Marka dhibku nagu raagay colaaddu nagu gaamurtay, een meel looga baxo iyo faraj muqda jirin, kii yimaadaba ka sii daran kii hore, kooxdii soo baxdaaba ka sii xun tahay kuwii ka horreeyey, oraahda ah: ILAAH AYAA QADDARAY! Xoogaa waxay kuu muujin kartaa in Ilaahay anaga (Soomaali) nacayb gaar ah noo qabo, oo uu nagu illoobay cadaabka aan ku jirno! Sidaa waxaan u leeyahay inaan dadka dareen siiyo in xaalku uusan ahayn sida ay ku hadaaqaan ee aad uga gaddisan yahay.

Taasna waxay u baahan tahay inaan noqonno dad la falgala waaqica iyo waxa jira, inaan horay u cararin ee aan jilibka u mudanno aanna wax walba sida ay yihiin u sheegno. ma ahan inaan mar walba qaddarka u cararno illeen qaddarka umadaha dunida dhan waa nala wadaagaan, ma ahan wax igana (Soomaali) gaar ahaan naloogu tala galay, sidaa darteed waxaa qasab ah inaan ka waantoobno adeegsiga eragan ah: ALLAA QADDARAY! Aanna la nimaanno niyad adag oo walxaha ku qotomin karta saabka ay leeyihiin, ee ma ahan inaan mar walba ka weecenno xaqiiqda meesha uu leeyahay.

Gunaanadka qormada, waxaa dadaw nala gudboon inaan qaddarka qiil laga dhigan, qaladka gacmaheenna ayaan ku qoosheen ee aan gacmaheenna ku hagaajinno, haddii kale waligeed tiihaan ayaa lagu jirayaa, maxaa yeelay waxaa la xisaab sanayaa wax aan gacanteenna ku jirin oo waliba aan la garanayn sida ay yihiin, marka inta laga gudbo riyada iyo dhalanteedka aan u istaagno inaan soo jeed wax ku qabsanno, nagu filan inta waqti na dhaaftay inaga oo la afcad ALLAA QADDARAY! iyo ILAAH AYAA DHIBKA NAGA SAARI KARA! Maanta iyo wixii ka dambeeya aan u guntanno sidii aan gablanka uga gudbi lahayn una gaari lahayn gobanimo iyo qarannimo.

Ugu dambayn waxaan qormada ku soo af meerayaa maanso aan ugu magac daray Qaddar, waana tan:

 

Maansada Qaddar:

 

Qaddarkaan la yaabka leh

Qaladkii dhacaayaba

Qoorta loo suraayoo

Qaaddirbaa horow qoray

Qalinkaa horow dhigay

Waraaqday ku qoran tahay

Dadku ay ku qawlaan

Walalan kuba qancaynoo

Qasadkeey u dhaafayn!

 

Doonistiyo qorshayntiyo

Qarxintiyo go’aankii

Qofku uu ku qummanaa

Qaddarkaa la boodoo

Qarniyaal la haadee!

 

Qalad inuu dhacaayo

Gefka aan la qaar marin

Waa noloshu qaabay

Ku qotontey waligeed!.

 

Qaanuunka dunidee

Qarammadu xarriiqdeen

Dhami waxay ku qeexeen

Qaangaar qofkii ahi

Wixii uu ka qarraraa

Axdigii la wada qiray

Qaantii ka dhalataa

Isagaa u qool gali!

 

Qoommamiyo shallaytiyo

Dibnahood qaniintaa

Qiyaas baa ka wacan baa

Beryo hore la qirayeey.

 

Qaxarkiyo dhibaatada

Qaska aan dhammaanayn

Qaddarkaa masauul ka ah!

 

Qudha oo la jaro iyo

Qafaalkiyo af duubkiyo

Qaraxyada holcaayiyo

Qumman fara-xumaynteed

Qaddarkaa masuul ka ah!

 

Qolo qolo u dirirkiyo

Dhiiggaan qulqulayiyo

Maydkaan qiyaastiyo

Tiro aan ku qeexnayn

Qaddarkaa masuulka ah!

 

Qarankii aad dumiseen

Xumihii aad qooshteen

Qabiil aad u xiimteen

Qaddarkaa masuul ka ah

Cidna qaadan maysee

Waxba yaan la qaaqleyn!

Sheekadu mar waa qosol

Bulsho aan is qabanayn

Dambiiluhu qummane yahay

Gartu ay u qabbiran tahay

Qareen la’aan helaayo!

 

Marna waa qarracanoo

Shaydaan la qiil siin

Qaldanaha la qaabiyo

Qalin-shubato xilal iyo

Qiimo lagu sharfaayoo

Qurux lagu dharoobaa!

 

Marna waa qalbiyo jabin

Qoomkay halkuu tagi

Aayaha u qoodayn

Waysan uba qiyaasnayn

Qorsho aab u yeelayn!

 

Dhammaad

Feberaayo, 2010

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s