Banaadir beenbax u ma baahna!

13246180_621208414700583_2843344893445195113_o

Banaadir beenbax u ma baahna!

 

Maanta 19/05/2016, bannaanax ayaa dhacay. Banaadir ayuu ka dhacay. Bayaankiisu wuxuu ahaa; BANAADIR XUMEEYE DOONI MAYNNO! Halkan ayey weydiintu iman; Yaa xumeeyey Banaadir? Yuu xurmo ka sugayey, oo xurmo tiray? Waxaa ka horreeyey shalay odoyaal shir ku qabtay Muqdisho, oo yiri; ciidanka shisheeye Banaadir ha isaga baxaan! BARARAQ!

Shirkan ka hor, odoyada Muqdisho, ayaa sheegay, in Muqdisho beesha ma ahane, inta kale ay MARTI ka yihiin. Hadal dhab ah, maadaama laga hadlayey maamulka iyo maaraynta Muqdisho, oo ay beelaha qaar soo jeediyeen, in afar iyo bar lagu qaybsado, halka ay magaalooyinka kale aan lagu qaybsanayn. Nabaddoon Xaad oo hadalkaa yiri, waxaan ku dhihi lahaa; sida dadka kale Xamar MARTI uga yahay -maamul ahaan- ayey Xamarna MARTI uga tahay –inta hadda ah- AQALKA SARE!”

Isweydii marka; labada MARTINNIMO, tee loo qaateen ah; in magaalo qabiil -caasimad qaranba ha ahaatee-, aad marti ku noqoto iyo in magaalada beeshaadu degto ay aqalka sare, ee qaran, ay marti ka noqoto?!

Waxaa amakaag ah, niman raba, in Muqdisho la wadaago, haddana, aan rabin, in deegaanka beeshooda la la wadaago, ee waliba maamullada doc faruurka ku ah dawlad godobleedyada, ay marxabbayn u la taagan yihiin, sidoo kale, niman ka soo jeedo Muqdisho, oo ceeb u arka in Muqdisho beeshooda leedahay.

In qof, qolo ama qabiil wixii sed ah, ee ka maqan, ay ku raadsadaan hab nabdoon waa ilbaxnimo, ee horta taas waa in la bogaadiyaa. Intaa ka dib, waxaan la yaabay, marka ay bannaanbaxa horboodayeen madaxda gobolka Banaadir. Waa magag iyo wax laga maago, in nimanku ay ka cabanayaan go’aan lagu gaaray gobolka Banaadir, ka sokowna ay goobjoog ka ahaayeen.

Labo siba goobjoog waa uga ahaayeen; hab QABIIL, oo madaxweyne Xasan, wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirka Amniga Qaranka Cabdirisaaq iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed intuba waxay ku abtirsadan beesha gobolka Banaadir, goobtana waa fadhiyeen, mana ku jirin, qof diidmo ka muujiyey ama dooni maynno yiri, saa qofna ma qoorqabane, qaargaarna waa ahaayeen. Tan kale, shirka lagu qadiyey gobolka Banaadir waxaa lagu qabtay is la Banaadir, oo ka dhigan; inaan ku qadiyo ayaan rabaa, waliba sed aad leedahay aan kaa qadiyo, haddana, waxaan ku go’aan gaarayaa is la gogoshaada. Labo gef.

Intaan go’aanno lagaa gaarin ama laguu gaarin ka hor gudduunso, si aadan u gabgablayn ka dib marka lagu go’dooshay, adoo goobjoog ah, goor xeelo iyo fandhaal ka la dhaceen, oo gambaleelku garaacmay!

Labadan waxaa ka sii daran, inta doonaysay, in gobolka Banaadir siyaasad ahaan loo tiro, rabitaankooda gurracan maba qarsan, oo in ka badan 6 gu’ ayeysan la gabban, oo DALTUURKII 2012kii waxay ku qorteen, in maqaamka Muqdisho laga doodi doono, ayna la qaateen dadkii kale, oo ay ku jireen, is la madaxdii gobolka Banaadir, ee xilligaas iyo madaxdii kale, ee beesha ka soo jeedday. Dooddii ay rabeen waa tan maanta taagan, oo iyagu ma doodaan, ee wax bay daabacdaan, sidii markii hore ay mugdiga u galsheen maqaamka caasimadda ayey maantana uga diideen sedkii dastuuriga ahaa gobolka Banaadir. Aqalka sare.

Intaba waxaa ka sii daran, in Xasan Sheekh iyo xertiisa DAM JADIID (DAM JULUQ) ay diiddan yihiin, aragtida ay soo jeediyeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka iyo beesha caalamka, oo ay ku adkaysanayaan, in gobolka Banaadir aan sed laga siin aqalka sare! MAGAG!

Ku darso, marka go’aanka gurracan lagu gaaray gobolka Banaadir, guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf, wuxuu doollaalayey magaalada London. Waxaa go’aan laga gaarayaa ayaaha gobolka aad sheegato in aad guddoomiye ka tahay, adna waxaad gaaf wareegaysaa ama aad lafalafaysanaysaa, goob ged walba iyo gibil walba sedkeeda u garatay! Goofkaaga dayac, ee sidii giraantii u wareeg goofaf bulsho u guntatay, in aysan is gaasirin waa garasho xumo!

Mid waa hubbanti, marag iyo caddayn ma doonto, in ragga iyo beelaha hadda dalbaday, in gobolka Banaadir aan metelaad lagu siin aqalka sare, ay mar walba la iman doonaan, habab kale, oo ay ku qadiyaan gobollo iyo beelo kale, ee intan been baxaysa, waxaan dhihi lahaa; maxaad u diyaarsateen berri, mise, maalin walba, waxaad u taagnaa doontaan, in aad go’aan la gaaray idinka oo goobjoog ah aad dib uga gunaanacdaan?.

Mid kale waa hubbanti, in mar walba, gobollada koofureed guud ahaan, gaar ahaan Banaadir iyo Muqdisho ay godka ku ridaan ama u diidaan sedkooda is la quwaaxyo ka soo jeeda, oo magac iyo hayb ku sheegta deegaannadaa, inta aan la gaarin, kuwa damaca waalan uu wado, ee aan maalinna ka daalin, sedbursi iyo siyaasad sokeeyaha sii ka la sikinaya, iyaga ayaana u sabab ah, silac iyo saxar walba, ee ku dhaca gobolladaa.

Haddii aad hore u ogeed AFAR iyo BAR, in awood qaybiga beeluhu uu yahay, hadda wixii ka dambeeya, haddii ay hirgasho hannaanka madasha ay go’aanka ku gaareen, awood qaybsiga siyaasadeed ee beelaha, balse, gobol lagu maldahay wuxuu noqon; LABO iyo LABO BAR!

 

Ma ber baad tahay

Ma bar baad tahay

Ma bal baad tahay

Ma biddaa tahay

Ma buunshaa tahay

Maxaa barta iyo

Buugta kaa tiray?.

 

Adoon balanbalin

Oon bannaanbixin

Adoon buuq furin

Oon banaaxiyin

Adoon baaq dirin

Booror soo qoran

Adoon bihinbihin

Oon baryootamin

Horta Baashoow

Banka shirarkiyo

Baanoraamada

Miyaad ka baxdeen?

Kamaad baaqane

Yaad ka baqatoo

Burka kuu lulay?

Yaa ku baab xiray

Yaa ku booboo

Boojo kuu dhigay?

 

Yaa billaawiyo

Bunduq iyo qori

Boobe kugu riday?

 

Beylahdaadii

Baadidaadii

Yaa ha beegsane

Ka bayr kugu yiri?.”

 

F.G: tixda oo dhan, dhawaan fisha.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

 

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s