Tixda: Banaadir

astaanta-maamulka-gobolka-ban

Tixda: Banaadir

Waa  tix  heeseed ka hadlaysa  hannaanka awood qaybsiga  iyo  sida loogu qadiyey  bulshoweynta reer Muqdisho. Tixda ayaa  wadata wacaal iyo weydiimoba. Sababta keentey,  magaalo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Soomaaliya tiro ahaan, inay ka qaddo xubno la doonayo, inay hadhoow saldhig ka dhigtaan is la caasimadda Muqdisho. Adigaa madal ah,  adigaana marti soore ah, maquusinkaana kaa mudan waa la ma arag iyo la ma maqal.

Tixda: Banaadir

Beryo badan iyo

Bilihii tegay

Baydka gabaygiyo

Ba’leey maan tirin.

 

Bal abwaanow

Ballanqaad iyo

Baaq iyo afeef

Bayaan aan furo

Federaal belo

Ka la bayr buu

Ka la baad buu

Nagu beeraye

Basarxumadiis

Baafin maayo

Boorrin maaye

Bulshoy taa garo.

 

Burburkii dhacay

Barre waagiis

Bamku nagu dhacay

Buur ka duulnaye

Beer go’ weynbaa

Nagu baahoo

Belaayadan dhalay.

 

Berga maantiyo

Beryo noo harey

Bani Aadmigu

Illeyn barashada

Yaa baas u ehe

Bulshow qaabkii

Lagu baaba’ay

Ma ka bayrnaa

Aan bullaalnee?.

 

Bandarkii Xamar

Beydda loo goo

Oo la balanbali

Bom holcaayiyo

Baroon iyo Suug

Loo barrimiyoo

Loo ballami abid.

 

Bandarkii xamar

Tuugo ba’anbaa

Boobyo bililiqo

U bareertoo

Bakhaar iyo guri

Baan wixii yaal

Barna ku ma harin.

 

Bulshadii Xamar

Waa Banaadire

Baarlamaankiyo

Baydka sara ee

Boorka laga tumey

Barba ku ma laha

Booska laga tuur

Hanti buuxdiyo

Bulsho badanbaa

Boqcaddoodii

Boorka laga tirey

Waa belaayee

Yaa ku baajoo

Beerta kuu direy?

 

Dalku beeliyo

Waa baro is la eg

Balli iyo buur

Barri iyo bado

Barrin barrin kale

Baalka ku hayoo

Aan ku biirayn

Ku biraysnayn

Waqooyiyo bari

In loo badiyaa

Banaadir la tiro

Booska laga raro

Buugga lagu qorin

Yaa banneeyo

Buundadaa dhigay

Bulshooy ii sheeg

Aan is barannee?!

 

Waayeel been iyo

Bahbah ma oggola

Caano birixdood

Haddaad badinlayd

Hortiisa ku barax

Hays bilkeydine

Bareer u la hadal

Buuq adoon dhalin.

 

Buul ninkiisii

Dab ku birayoo

Baalka kaga shiday

Ma badbaadaa?.

 

Ninka baradiis

Barrinkuu dego

Bahdii qadiyee

Bannadaayoow;

Ma ber baad tahay

Ma bar baad tahay

Ma bal baad tahay

Ma buunshaa tahay

Maxaa barta iyo

Buugta kaa tiray?.

 

Adoon balanbalin

Oon bannaanbixin

Adoon buuq furin

Oon banaaxiyin

Adoon baaq dirin

Booror soo qoran

Adoon bihinbihin

Oon baryootamin

Horta Baashoow

Banka shirarkiyo

Baanoraamada

Ma boos celisiyo

Buuxis baad hayd?

 

Kamaad baaqane

Yaad ka baqatoo

Burka kuu lulay?.

 

Yaa ku baab xiray

Yaa ku baaboo

Buunka kuu tumey?

 

Yaa billaawiyo

Bunduq iyo qori

Boobe kugu riday?

 

Beylahdaadii

Baadidaadii

Yaa ha beegsane

Ka bayr kugu yiri?.

 

Benderkii Xamar

In la buriyoo

Boos ay weydiyo

Baabbah yaa baday?

 

Bandarkii Xxamar

Yaa balaayada

Baabba’a iyo hoog

Baaska ugu wacan?.

 

Ma bahdeediyo

Wiilka ba’anbaa?

Ma bulshada iyo

Baarlamaankaa?

Ma bakhiil iyo

Beelo kale baa?

Ma biddoodkiyo

Baas abuur baa?

Mise buuxoow

Adaa beecsaday?!

 

Banderkii Xamar

Beesadeediyo

Biilkay bixisaa

Baarlamaankiyo

Wasiir beenaad

Baahi tirayoo

Ku balweeyaan

Beeca suuqiyo

Boobka lagu wado

Baylahna u dheer!

 

Bulshay aashaa

Yaa badweyniyo

Baaxad sooriyo

Bannaan lays bidin

Beegsi taladaa

Badso xooggaa

Boqro wiilkaa

Baano gabadhaa

Baafi noloshaa

Bir ma gaydada

Baxnaaniya oo

Badbaado u dhuro

Burmadkeygii

Baaqi aan waday

Baydki maansada

Baabayoo dhigay.

 

Dhammaad.

19/05/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s