Heesta; “Guuleed bannee!”

image

Heesta; “Guuleed bannee!

Murti baaxadlaa
Bulsheey waxay tiraa;
Barashada horteed
Hayga boodinoo
Hayga bayrinoo
I baxnaaniyoo
Alabkeyga baro
Beryo iga war dhawr
Inaan Bile noqdiyo
Bacoow aan waxgelin
Labadaa mid baar!

Lays barayayoo
Muddaan baarayoo
Bareere iyo hadal
Heestiyo ba’leey
Bahdaan tirinayaa
Aan kuu biree
Hawraarta bogo
Baaqeygan maqal;

Ha laguu bogee
Guuleed bannee!

Baashiyo Garaad
Ha laguu baxshee
Guuleed bannee!

Baaq iyo salaan
Aan bogaadinnee
Guuleed bannee!

Beri hore sidaad
U baxdoo kalaan
Bariirtaan rabnaa
Guuleed bannee!

Beledkii Galmudug
Balli Hobay agtii
Baxdo iyo Gadoon
Xaruntii bilnayd
Budbud iyo Galdhabo
Jacar iyo Bergaan
Bacaadweynya Mudug
Baraxleey iyo
Barxaddii Mareeg
Bari iyo galbeed
Dadku wuu ba’oo
Waa baabba’ee
Guuleed bannee!

Guuleed bannee!
Sidii shalay bannee
Waligaa bannee
Ha laguu bogee!

Ballankii ahaa
Barwaaqiyo ammaan
Nabad iyo bullaal
Barakiyo negaan
Waad ka bartayoo
Boola xoofta iyo
Booteey eheed
Buqcad lagu hirtiyo
Bayd maad dhisine
Guuleed bannee!

Bulshadii harraad
Baahi iyo oon
Balal iyo colaad
Bushi baa hayoo
Wey baylahdoo
Ka la bayrtayoo
Ka la booddaye
Beer caddaatayoo
Bar u maad kordhine
Adiguna baqool
Boyn iyo dalxiis
Hadba beled u duul
Baashaal iyo socod
Badaloo mid keen
Aad uga baxdaye
Guuleed bannee!”

image

Dhammaad
24/05/2016
Bashiir M. Xersi

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s