Dayac jadiid Dalka ha laga jiro!

13323842_864148097065428_577212890_o

Dayac jadiid Dalka ha laga jiro!

 

Inta hore u taqaannay ama maqashaye mooyee, inta kale, waxay ku gartaan, inay isdaba qoodeeyaan, sidii Dhurwaayo soofaya oo kale. Muuqaal ma leh, aan hummaag iyo ahayn cawl. Ma lahan astaan iyo ib, aan ka ahayn in dadkii wada nacay. Hubaal, inay qabaan wixii lagu nacay, haddana, dad baaba u dooda, eray ahaan waa sheeko ay warramaayaashu samaysteen, anaguna aan uun ka celcelinayno cajal faaruq ah. Ani ahaan aqoonta aan u leeyahay, laamaha iyo faracyada ay ka unkameen awgeed, ayaan u adeegsanaa, ee bal horta, difaac aan dayr lahayn wuu jabayaaye, daaha soo xiro, kaba soo xiro.

Dadka waxay uga soocan yihiin, inaysan ka la garan jaamacad iyo wasaarad, xafiis iyo dawlo iyo mid NGO, madaxtooyo iyo machad, maamul shirkad iyo masuuliyad dawlad, dublamaasinnimo iyo dayuusbino, diracnimo iyo doqonnimo, dallaalnimo iyo daljirnimo IQKB.

Dalkan, ninba maalin ayuu dambi iyo ka galay eed. Ka soo billow madax bannaanidii beenta eheed, kacaankii luggooyo, jabhadihii, ka la qaybiyayaashii, qabqablayaashii, wadaaddadii waallida waday illaa lagu yimaad kuwan meehannawga iyo ku jira marqaanka. Dawladihii rayidka dalka musuq iyo waxay dhexda ka fariiseeyaan laaluush. Siyaad Barre “Aabbihi burburka Soomaaliya” wuxuu bulshada baray, eex, qabyaalad iyo iska cun, adeerkaa baa madax ehe, dallac, beeshaada ayaa xilka haysee. Jabhadihii intii Siyaad ka hartay, ee xoogga looga fara maroojiyey ma caymine, intii ayey dubbaha la sii dhacday iyo duqayn daran. Kuwii shalay xilal sarsare ka soo qabtay xumuumadihii dalka soo maray, ayaa la istaagay waan goosannay iyo madax bannaani ayaan gaarnay, aad gaartide, maxaad ku gaartay? Yaad se ka gaartay? Qabqable, dagaal ooge iyo hoggaamiye kooxeed, loo ma dhamma, la iima yeerin, aniga xil laygama siin iyo waa dagaal kale ayuu waqtigii ku idlaystay. Intaa ka dib, waxaa timid diin waalan, wadaad xiiran iyo wiil dhimman, oo aan caqli iyo garaad midna ku shaqaynayn, aqoon iyo ogaalna warkeedba ha sheegin. Jannadii baas iyo jihaadkii wuxuu ku jajabshay wax aan qabqabluhu ku dhiirran intii uu ku amar ku taaglaynayey dalka. Dacar diimeedkoodii, suntii ka firdhatay, suuxidimadii laga qaaday wali dadka waa ku dambaysaa.

Waxay nagu soo galeen sibiq, balse, waxay noqdeen SAQAJAANNO iyo SAAQIDIIN ka liita wixii SAXAL na soo maray sanadihii silaca iyo saxariirta. Hammi iyo han la qabay, rajo iyo riyo la filayey ayey baylah iyo ka dhigeen bar ku maal, belo iyo waxay horseed ka noqdeen balaayo ay ku dhexbeereen beelihii shalay burriska isu watay.

Waxaa loo malaynayey niman wax ku ool ah, oo leh wax soo saar, balse, waxay noqdeen dhaan Dabagaalle iyo dhalanteed “Dhedo roob noqon waysay!” haddana, “Kuu dhaani maa dhagareey ka roon tahaye” nimanka wax tilmaam hoggaamineed iyo ka ma muuqan astaan maamul, aan ka ahayn qadiinka wajiga ka saaran, foolka dilan, fahamka xun, fariidnimo la’aanta, fataalenimada, faataalennimada iyo inay fidno iyo taagan yihiin fadqalallo.

Xerta Xabashida iyo xertii Xalqada ee xukunka uga dabamartay waxay tan hore u xagliyeen xinjirro daadin, xanaf abuur, xasuuq iyo xulquumgoyn, halka ta dambe ku xuubsiibteen Xisbul-xaakim aan xaafad iyo xero midna xukumin, oo xeryaha AMISOM ku xiran, halkan kuwan noqdeen xayraamiin aan xal, xaalin, xeer iyo wax ka aqoon xaakimnimo, ayna u wehliso inay Xalane ku xayiran yihiin.

Haddaba, kuwan maqane joogane ah, ee aan magac iyo muunad Soomaali midna dan iyo heello ka lahayn waxaa waajib ah, in dalka laga badbaadsho inta goori goor tahay, haddii kale, marka ay waayaan wax ay xaraashaan waxay dharaar cad iibin doonaan dadka dhan, maxaa yeelay, wax walba waxaa uga daran waa wax ay jadiinka marshaan ama juuniga ku shubtaan.

 

-AMNIGA MUQDISHO;

 

Inta badan qoraalladayda marka aan sawir ka bixinayo xaaladda Waddanka, waxaan ku soo koobaa sidan: “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBA SOOMAALIYA!” Magaalada Muqidisha ma ISBADAL ayaa ka dhacay? Macne iyo mug mid uu ahaadaba, illeen walxuhu labadaa ayey u kala leexdaane.

Is rogidda ka dhacday; habka, hannaanka iyo hoggaanka Muqdisho, wax garab socday ma jirin, ee la dhihi karo waxay bixin karaan ama baabi karaan wixii dhantaal, dhimaal iyo dhaamid ahaa. Waxaan uga jeedaa, rogmadyadii hore marna ma dhicin in “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBA SOOMAALIYA!” ay hesho horseed ku haga hilin ay uga huleeli karto hudda halaagga ee ay ku habsatay.

Meel xun iyo magaal xasarad gaar u leh ma jirto, waxaase jira MAAN MARAN iyo MAQAAM MURAN! Micnaha dadka iyo dareenkooda unbaa xume, daar ama duddun daran ma jiraan. Waa tii la yiri: “Duddun dareensi iyo duggaashi ma gasho!” waxay tahay in aadan mar walba laba is ku helayn, aan ku qotomiyo teennee, adoo xun magaalo ma wanaajin kartid, dad iyo dabcigiis kaba sii fog baan filaa, maxaa yeelay; maan ahaan u ma diyaarsanid, inta aanba la gaarin maqaam iyo muuqaal.

Haddaba, Muqdisho hoggaankeeda iyo hannaankeeda maxaa is ka badalay? Anigu wali waa taaganahay baahida ah, xidid siibka iyo jiridka jarka Musuqa iyo mururufaynta, taana waxay keenaysaa in wali baqdintu tahay, haddaan Maska Madaxa laga goyn, ma dhinto!

Qodobkani waa hoggaanka magaalada, maxaa yeelay, had iyo jeer sida hoggaanku u wanaagsan yahay ama u xun yahay ayaa loo dib dhacaa ama loo hormaraa. Aan jalleeco dhanka kale, ee aan marna ka ahmiyad yarayn hoggaanka, waxaanba dhihi karaa, waa midka dadka dhami wada arki karaan, ee ay xukun iyo xus ku sheegi karaan, maadaama ay tahay ilqabato iyo marag ma doonto.

Qodobkaa waa AMMAANKA. Waa filaa inaad adba sawiratay aragtidaada ku aaddan ammaan waxa uu yahay, sida loo heli karo, waxa lagu ilaalsho, waxa dhimaala ama nusqaamiya, waxa lagu xakameeyo IWM. Haddaan NABADI jirin NOLOLI ma jirto, heestu waa tii ahayd: “Nabadaa Naas la nuuga leh!” ama “Nabadeey macaaneey” ee Abwaan Barre Maxamed Fiidow “Leento” curiyey. Haddaan ammaan la helin, aayo dambe iyo ayaan la joogo midna ma jiraan. Haddaan xasillooni la helin xasaradi dhammaan mee. Haddaan.. haddaan…

Haddaba, weydiinta baa ah; dawladdan maxay ka qabatay ammaanka? Maxay soo bandhigtay oo qorshe ah, ee la xiriira ammaanka Muqdisho? Qorshe marka aan ku leeyahay waxay isugu jiri karaan dhaqaale iyo dhaqdhaqaaq. Aan si kale u dhehee, ma la helay hab lagu hagi kari nabadda Muqdisho? Sidii xalli wareegga roobka oo kale, ayaan hadba walba u joognaa, dhimasho xad dhaaf ah iyo qaraxyo wadna goyn ah, dhaawacana warkiis haba sheegin. Haddii ay qaraxyadii yaraadeen, oo run ah, ma is weydiisayey, in qaraxa iyo weerarka dhaca laba bilk a dibba uu la qasaaro eg yahay qaraxyadii joogtada u dhici jiray? Tusaale u soo qaado kii u dambeeyey. Imisaa ku dhimatay? Imisaa ku dhawaacan tahay? Dhaqaale imisaa ku burburtay? Waxaan qabaa, isu geyntu ka ma yara, qasaarihii joogtada iyo u dhici jiray maalinlaha.

 

– IIBINTA BADDA;

 

Dhibaatooyinkii laga dhaxlay wadaaddadii xukunka dhiigga magaca diinta lagu daadshay ayey ka mid tahay mushkiladda BADDA iyo xadka biyeed, ee aan la wadaagno dawladda aan dariska nahay ee Kenya. Qorshahan marka laga soo tago kuwa muuqa Soomaali ka ah, ee warqad beenaad ka u saxiixay Kenya, haddana, waxaa dabada ka riixaya shirkado iyo dawlado shisheeye, oo ay ugu horreeyaan Norway iyo Faranska, oo lacago badan ku baxshay sidii badda Soomaali muran iyo loo galin lahaa dood, maadaama ay ku hawllan yihiin shidaal baaris iyo ceelal qodid.

Eedda xooggeeda waxaa is ka leh SAXALLADA kala ah; CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE oo ahaa RW xukuumadda Soomaaliya intii u dhexaysay 2009-2010kii, waxaana qorshahaa ku wehliyey Shariif Sakiin, C/raxmaan Ibbi, C/raxmaan C/shakuur (oo Xasan la taliye u noqday, muxuu ka la taliyaa, muxuuse ku la taliyaa? Waa wax isma dhaanto iyo dhasheed, kan la la talinayaa macallinnimo iyo maamul dugsi xagga u ma dhaafin, kan la talinayana waa ka sii liitaa, saw ka ma dhigna sheekadii ahayd: “Ar ku helli, xay ku nuugtaa, xayse ka nuugtaa?!” haddana, wuxuu u taagan yahay madaxweyne, uu hadda ka hor inta isu sharraxay, markii uu lacagtii tartanka baxshay, uu is ka casilay, haddana, malaha sidii buu samayn rabaa!).

La ye; “Sir ma qabe saabbaa biya u celshee!” ayaan wanaag go’aankaa gurracnaa markii dambe waxaa laalay baarlamaanka, oo cod hal dheeri ah iyo ku diiday isku duubni, eelka ayaase ah, in hadda qiyaanadaa dib loo soo nooleey, oo Xasan warqad u qoray Kenya, oo ku oggolaaday, in ay diyaar yihiin, in ay ka la xaajoodaan arrinta BADDA iyo XADAYNTEEDA, waaba yaabee, ma moog yahay, inaan go’aan baarlamaan la garabmarin, ayna waajib tahay, in aan dhinacna looga leexan?.

Dawanka iyo dananka arrinta badda waa inaan marna la joojin, hoosna loo dhigin qaylada, inta ay darka iyo dawladnimada joogaan kuwa la midka ah Xasan iyo xertiisa. Wax walba waxaa ugu muhimsan kursiga iyo kaalmada, oo ay dhaafsanayaan wixii la dhawri jiray oo dhan. Iibinta badda waxaa wehliya, qandaraas joogta ah, saxiix maalin walba ha iyo shirkado waxa ay yihiin aan la aqoon, oo dawladda iyo maamul beeleedyadu la galaan heshiisyo, oo dhammaan qatar ku ah jiritaanka iyo aayaha dambe ee qarannimo.

 

– MAGACAABISTA MADAXDII MUSUQA;

 

Dawladnimadeenna cudurrada hortaagan ayaa waxaa ka mid ah jirrada loo yaqaan MUSUQMAASUQ, oo uu yar yahay mudane xil noo soo qabtay ama noo haya, ee aan ku maamulin dadlka iyo dadka, isaga oo mar walba eeganaya dantiisa iyo docda reerkiisa, sidii inuusan dadka dhan xilka u hayn, ee tolkiisu soo magacawdeen! Madaxdaa waxaa laga xusi karaa ;

*CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE, oo lagu xasuusto ka sokow kaalinta uu badda iibinteeda ku lahaa, heshiiskii eexda ahaa, ee uu beeshiisa ku la galay Gaalkacyo, ee dhigayey, in ay qaataan 25 deeqda waxbaarsho ee Soomaaliya la siiyo. Waa yaabe, Soomaaliya miyey 25% ka yihiin, si ay tiradaa ugu xisaabtamaan ama dalbadaan, mise waa uun sedbursigii Soomaali dhexyaallay?.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuustaa, in markii xilka laga qaadayey uu qaatay lacag lagu sheegay (2$ Malyan) laba Malyuun oo Dolllar, sidoo kale, kaalintii uu ku lahaa maamulka gacan ku rimiska ee Kismaayo xoogga ku haysta, ee Axmed Madooe horjoogaha ka yahay, haddana, ninka taariikhdaa madaw leh ayuu Xasan u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka, oo dad badan u fasirteen inuu yahay DANJIRAHA DANAHA KENYA iyo ITOOBIYA, oo uusan Soomaali metelin, maxaa yeelay, meeshaba waxaa gaystay waa labadaa dawlad.

Ku ma filnaan, ee Xasan, wuxuu malaha arkay, in ay tahay qasab, in halkaa laga soo dhaweeyo, markaas ayuu ka dhigay mar kale RW qaran! Adba maxaad filan?.

 

*SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN “SHARIIF SAKIIN isaga in kasta oo aan xil loo dhoobin, haddana, waxaa loo ansixiyey (xalaaleeyey) maamul beeneedkii uu dabada ka riixayey, ee Baydhaba ay barqad soo dhagax tuureen in saxiix loogu malmalluuqo, oo lagu yiraa waan aqoonsannay, iyada oo aan la tixgalin rabitaanka dadka iyo gobollada maamulka yeelanayo kuwa ay noqonayaan, taa oo keentay, in maamulkaa laga soo wada horjeesto, ha ahaado dadka deegaanka ama gobollada uu sheegtayba, heer wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullahi Goodax Barre uu si cad uga hor yimaad maamulka Shariif Sakiin doonayo xerta Xalane u ansixiyeen, gadaalba ha ka noqdo, mucaarad markii xilka laga qaadayey.

 

*MOHAMED ABDI “GANDI” oo Xasan u magacaabay Safiirka Kanada, haddaba, Gaandi saw ma ahayn kii malleeshiyo beeleedka tababarka iyo hubka ku soo siiyey Kenya, si uu ugu qabsado Jubbooyinka, isagoo wata mashruucii dhicisoobay ee AZAANIA?. Gaandi saw ma ahan ninka ay dabada ka riixayaan maalgaliyeenna shirkado shisheeye, oo dhammaan shidaalka Soomaaliya dano ka leh, gaar ahaan shirkadda Total oo laga leeyahay dalka Faransiiska, oo uu muddo ku noolaa Gaandi, her dad badan ay aaminsan yihiin in magaacbistiisa ay shirkado shisheeye ka dambeeyaan, dabcan iyagana uu u adeegi doono? Dhammaan waxaa lagu wada abaalmarshay inay wax musuqeen, haddii aysan sidaa ahayn waxba looma dhiibeen.

 

– GACAN KU DHIIGLAYAAL

 

*CALI MAXAMED GEEDDI, oo xasuuq badan ka gaystay Muqdisho iyo Koofurta markii uu ahaa Wasiirka koowaad ee dawladdii dalladda qabqabyalaasha ee C/laahi Yuusuf madaxa ka ahaa, ee XERTA XABASIDA IYO TABCNAYAASHA TIGREEGA. Cali Geeddi maanta wuxuu ku lammaansan yahay Xasan, oo aad mooddo inuu u yahay MADAXA MARAASIIMTA (BOROTOKOOLKA), maxaa yeelay, wuxuu dhawr jeer ku soo dhaweeyey garoonka, marna wuxuu u raacay Jawhar, haddaba, kii dadkaaga dilay haddaad baalka gashanayso, nabee inaan khayr iyo lagaa filayn wanaag Xasanow. Sidoo kale, Cali Geeddi, waxaa lagu abaalmarshay, in wiilkiisa Maxamed Cali Maxamed Geeddi loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Macdanta, haddaba dhallinyaro, haddii aan qabqable idin dhalin, ama gacan ku dhiigle, ama aadnaan ka soo bixin SIMAD iyo SUUDAAN shaqo iyo xil midna arki maysaan, ee iska samra, la ye; “Samraa sed lehe!” hadda waxaaba la sheegayaa, in uu la wareegi rabo qaadka Muqdisho yimaada!

*AXMED MAXAMED ISLAAM “AXMED MADOOBE”, oo hore uga tirsanaa Maxkamadihii iyo Xisbul Islaan, [ARGAGIXISADII BURBURTAY] haddana ah horjoogaha Kooxda Raaskambooni ee Keenyaanku ku hayaan Magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe waxaaba dhaxal iyo hibo loo siiyey Jubbooyinka, oo uu sida uu doono ka yeelaa, ka dib heshiiskii Faraax C/qaadir (Wasiirka DALTUURKA iyo FIDNADA) uu ku la soo galay Itoobiya. U fiirso, heshiiska waxaa wada saxiixday laba nin oo aan Soomaaliya ku dhalan, oo ka soo wada jeeda Soomaali Galbeed, waxaa lagu saxiisay Itoobiya, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya, haddaba, Faarax sida uu markii hore isugu hawlay in Axmed Madoobe Kismaayo loo gacan galsho, maa haddana isugu hawlo sidii loo fulin lahaa qodobbadii heshiiska?.

Jubbooyinka waxaa si joogto ah uga dhaca dilal qorshayn, qaarijin, qaraxyo, dhac iyo boob, waxaa intaa dheer qixinta iyo bara kicinta lagu hayo dadka deegaanka, heer afartan qoys oo beesha Jareer ah lagu armay inay isaga guureen, oo xaggee aadaan? Yaase badalkeed la keenayaa, ma Soomaali Galbeed ayaa deegaanka dhan lagu beerayaa?.

*Taliyihii Booliska, oo dacwad uga socoto Waddanka Kanada, isaga oo ku eedeysan inuu muwaadinno Soomaaliyeed tacaddiyo u gaystay xilligii ay jirtay Dawladdii Kacaanka Luggooyo ee Maxamed Siyaad Barre “Aabbaha Burburka Soomaaliya”, oo ka ahaa Taliya Booliska, oo uu ku caan baxay kibir iyo isla weyn, shacabkana u la dhaqmi jiray sida xayn ari ah oo kale, maadaama uu hubay, inaan cidna baarkiisa Kaneeco ka qaadi karin, saa wuxuu ahaa buur aan cidna dhaqaajin karin, la ye; “Ama Buur ahaaw ama Buur ku tiirsanoow!”.

Waxaa ayaandarro ah, nin aan tagi karin waddan uu sharcigiisiisa haysto, sidee ku suuragashay, in nimankan ay xil u magacaabaan? Miyaan Kanada laga rabin kaalmo iyo mucaawino iyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u fidiso, si loo soo celsho dawladnimada iyo adeegga bulshada, mise, waa maxaa iga galay iyo maadigaa yiri? Anigu waaba yaabye; horta nimanku ma falan yihiin, mise, waa waalan yihiin? Hubaal inaysan labaa mid dhaafi karin, ee ka ay yihiin ha la soo xaqiijiyo.

*Ina Shaaweeye, oo ah qabqable yar ah, siyaasadda iyo jagada ku dhaxlay maadaama uu aabbihii ahaa qabqable Xamar si fiican looga yaqaannay, xilal ka la duwanna ka soo qabtay. Mar baan is lahayn waa laga raysan doonaa, oo waliba laga nasan doonaa, balse, kuwii habaaran, ee halaagga iyo hoogga horseedka u ah ayaa xil iyo u magacaabay mansab uusna mudnayn aqoonteed iyo lahaynna ogaalkeed iska daa aqoosheede.

 

-WAX MA TARAYAAL;

 

Qodobkan wuxuu ka mid yahay meelaha uu ku muuqday fashalkooda, balse, sida caadada ah dadku ay dib iyo ka garteen markii ay is khilaafeen, ee qoorta loo xiiray RW Saacid Shirdoon, maxaa yeelay, nin falan ama waalan ma ahane, qof kale ka ma suuragasho, Soomaaliya ayaan xal iyo u raadinayaa xaalin markaa baan dhisayaa xukuumad ka kooban 10Wasiir, maxaa yeelay, wali ma annaan gaarin heer aan ku qanacno tiro yar iyo caddad go’an, ee aan eegno tayada iyo awoodda.

Xukuumadda maalintii la dhisay ayaan qoray qormo ahayd; “Tiro yar mise tub toosan?!” waxaan ku xusay, in aysan muhim ahayn tiro la yareeyo, balse, ay muhim tahay waxa ay qabanayaan, waliba anoo aad u dhaliilay yaraynta, una arkay inaysan ahayn tallaabo qumman iyo go’aan iyo gobeed toona, balse, ayaandarro laba sano ka dib ayey soo baxday wixii aan sheegay, oo waa tii RW Saacid la horgeeyeey xarunta xaaraanqaatayaasha iyo laaluush cunka ee ku magacaaban Baarlamaanka, ee xilka looga xayuubiyey, inuu gudan waayey shaqadiisa, oo ewel yaa keenay? Hadda kuwa joogase maxay shaqo guteen waliba iyaga oo ka tira badan, oo laga dhigay 55Wasiir iyo ku xigeen? Waa yaabe, maxaa noo diiday dhexdhexadnimada, oo aan mar walba xagjir u nahay, shalay 10Wasiir, maanta 55Wasiir, wax u dhexeeya ma la waayey yarayn lagu qaday iyo badin lagu qasaaro?.

Intaa kaliya ma ahan, oo wasiirrada waxaa ku jira kuwo magac u yaal iyo hummaag aan muuqan ah, wax ay qabtaan ama ku yaallaan aan la aqoon, nasiib wanaag, mid isagaa is gartay ama waa la garansiiyey, oo wuxuu ahaa Guuleed, in kasta oo intuu albaabka ka baxay uu daaqadda ka soo galay, maadaama loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha waaba talo lagu qaasaray, maxaa yeelay, hadduuba gartay, inuu fashilmay maa na dhaafo muxuu wali noo soo horfadhiyaa?.

Dhanka kale, inta fashalka iyo wax mar tarayaasha ah waxaa ka mid ah Faarax C/qaadir oo dadku u yaqaan “TOPAZ” oo marna ahaa Waiiro dawlaha madaxtooyada haddana, loo dallacsiiyey Wasiirka DALTUURKA, maadaama aan isaga waxbaba ka galin dalkan iyo dadkan danihiisa, maxaa yeelay, illaa iminka wasaaraddiisu wax ay qabataa waxaa jirta in dalkii ay Xabashi gacanta u galisay.

 

– XABASHIYEYNTA XUKUNKA DALKA

 

Dawladdan waxaa ku jira tiro aan yarayn oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo shaqaale dawladeed, oo dhammaan ka soo wada jeeda dadka dega Soomaali galbeed “toobiya”, oo xilalka ku wada helay awood qaybsiga beeleed, heer ay gaaraan meelo xasaasi ah oo dalka iyo dadka qatargalinta, oo ka dhigan in ay tahay qorsho Itoobiya ay la doonayso Soomaaliya in ay ku maamusho, maadaama ay awood iyo wax uga qaadi waysay quwad.

Tirada guud ma hayo, balse, aqriska xilalka ay ka la hayaan, aan kuu qoro qaar ka mid ah, adaa yaabi doono;

– Faarax C/qaadir, Wasiiro dawlo hore u soo noqday, haddana noqday wasiirka DALTUURKA, xildhibaanna ah mar walba.

– Ridwaad Xaaji Cabdiwali, Afhayeen aan afka hayn, ee ra’iisul wasaarayaal dhawr ah.

– Axmed Madoobe, Madaxa xoogga ku haysta maamulka Ksimaayo, oo uu u saxiixay is la Faarax C/qaadir, iyada oo la gacan dhaafay xukuumadda iyo wasiirka Arrimaha Gudaha, hadda maxaa kuu baxay? Dalka intiisa kale maamul u samaynteeda Faarax aragti iyo ka ma dhiiban talo, aan ka ahayn sidii Kismayo gacanta loogu galin Axmed Madoobe oo sidiisa oo kale Itoobiya ku dhashay.

– Xeer Ilaaliyaha Qaran Axmed Cali Daahir, wuxuu hore u soo noqday, qaaddi ka soo shaqeeyey Soomaali Galbeed, Itoobiya, marka sidee ku suuragalee, in uu halkan ka noqdo xeer ilaaliye guud? Waxaan arkayey, dad la yaabbanaa markii guddoomiyaha maxkamadda sare loo magacaabay Ibraahin Suleymaan Iidle, ka dib markii xilka laga qaaday Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, ay dhaheen, sidee ku suuragalee, ma midnimo ayuu aaminsan yahay, mise, ka la go’? War kan maad aragtaan, ma Xabashibaa, mise, waa Soomaali? Xagga aragtida iyo talada, dhalasho ahaan ka ma hadlayo.

 

– IS KU DIRKA BEELAHA

Intaas sidii inaysan ku fillaan oo kale, ayey waxay u gudbeen is ku dirka beelaha iyo ka la qaybintooda. Is ku dir kaliya ma ahan, dagaal hurin iyo dirir abuur, sida degmooyinka Guriceel, Dusmo reeb, ee dhaca gobollada dhexe iyo dhismaha maamulka Galmudug, oo deegaankaa u horseeday dhantaal iyo ka la tag aan horay u jirin.

Dhanka kale, marka aad fiirso sida wax lagu wado dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose, oo iyana ka ma marnaa doono qaabka loo dhisay iyo habka uu ku dambeeyey, oo dhammaan wada ah, anagaa go’aankaa gaarnaye, idinku ha ka hadlinna, ee is ka qaata.

Sidoo kale, maamullada Jubba iyo Koofur Galbeed ku ma dhismin rabitaan buslho iyo doonis dadweyne, ee dhammaan waxay ku yimaadeen marooqsasho, ka dhalatay is diid iyo ka la fogaanshaha beelaha deegaannadaa.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s