Gef WADAAD iyo garasho UGAAS!

13535791_502328049957742_1376068046_n

Gef WADAAD iyo garasho UGAAS!

 

Shir la isugu yimid, oo lagu hilba qashay, ayaa wuxuu kulmiyey bulshada deegaankaas oo dhan. Sida dhaqanku ahaa, dadka waxba la isugu ma dari jirin, ee qolaba geed ayaa la fariisin jiray.

Buuniyaashii, khaliifyadii , wadaaddadii, shuyiikhdii, awgii, macallinkii, kabiirkii iyo intii diin ku abtirsatay waxay fariisteen geed u gaar ah, halka dhanka kale, ay fariisteen; ugaasyadii, salaadiintii, afmaalladii, nabaddoonnii, guudcaddaagii, garmadoobihii, abaalduulkii, gaashaanqaadkii iyo intii kale ee ku abtirsata ina rag.

Gabar aan da’weynayn, oo markaa soo kacday, ayaa waxaa loo dhiibay xeero ay hilbo ka buuxeen, si ay fadhiga ragga u gayso, oo markaa fadhiyey meel ka durugsan geedka wadaaddada, oo hoobad ahaa, taago yarna ka sokaysay, markey arki waysay geedkii raggu fadhiyeen ayey inta is dhex istaagtay aqalka iyo geedka wadaaddadu fadhiyeen inta u dhaxaysa tiri;

ARKI WAAYAYE, RAGGU WADAADDADA XAGGEE KA XIGAAN?!

Waligaa UGAAS la xiray ma maqashay? Sooyaalka ma ku haysaa wali UGAAS la xabbisay? Adduunba joogtide, yaab un baad arkine, maanta ayey ayaandarradu na la kulmisay, in aan goobjoog u ahaanno UGAAS la xiro. Horta UGAAS waa ayo?

 

Ugaasnimadu waa hayb

Hoggaan weeye dhaqanoo

Hannaan lagu yaqaanniyo

Haybad iyo maamuus

Hibo Eebbe bixiyoo

U hanneeyo weeyaan

Haldoorkuu la jecel yahay!

 

UGAAS waa hoggaan dhaqan kan ugu sarraysa, ee beeli yeelato, ayse jiraan magacyo ka la jaad ah, oo deegaannada looga ka la yaqaan, beeluhuna la ka la baxaan, sida; imaam, suldaan, boqor, garaad, islaan, wabar, malaaq, iwm.

UGAAS waa ka awood badan yahay madaxweyne, maxaa yeelay, anagu wali ma aannaan yeelan aragti dawladnimo oo fadhida iyo waddaniyad ku qotonta qarannimo, oo markii dawladnimadii iyo madaxweynihii meesha ka bexeen waxaa haray ugaaskii, hadda oo wax la lalabayana xildhibaan aan ugaas soo xulin baarlamaanka geli maayo, illaa muddana sidaa ayey sii ahaan doontaa. Ugaasku ma dhaco, illaa uu dhinto. Waa boqortooyo dhaxaleed.

Ugaas Xasan ayaa sharay laga reebay, diyaarad uu raaci lahaa magaalada Muqdisho, oo uu uga sii gudbi lahaa dhulka barakaysan, si uu u soo guto CIMRO.

Ugaas Xasan, markii uu yimid garoonka diyaaradaha degmada Guriceel, ayaa waxaa lagu yiri; waxaa lagaa rabaa, in aad tagto saldhigga booliska -horta ma jiraa?- maxaa yeelay, Cabdi Waal ayaa dacwad kaa soo gudbiyey!

In ay aragti siyaasadeed eheed cidna ka ma qarsoona, haddana, ugaas Xasan iyo Cabdi Waal maxaa ka dhaxayn kara, aan ka ahayn, in ugaas Xasan, Cabdi Waal ugaaskiisa yahay? Cabdi Waal wuxuu rabay, kuna dooday, sida ay u sheegeen ugaaska qolada deegaanka afduubka ku haysta, in ay jirto tikniko uu Aadan Xaashi Cayroow xoog kaga qaatay guriga ugaaska xilligii maxkamaduhu qabsadeen koofurta oo dhan, Cabdi Waalna uu ka soo cararay Muqidho.

 

Hub uu ogyahay Cabdi Waal meesha uu maray, aysanna jirin qof yaqaan meel uu ka baxay, in uu ugaas beeleed ku dacweeyo, haddana, laga aqbalo, ee waliba ugaaska oo socod isu diyaariyey diyaarad laga reebo, saw ma ahan dhaqanxumo iyo dadnimo la’aan tii ugi weyneed?.

Kaba dhig, in sida ugaasku ugu hoggaansamay xukunka meesha ka jira ay tahay, oo la dacweyn karo, isaga oo is ka diidi karay, lagana yaabee, in markaa dhiig badan ku daadan lahaa. Qofka eedaysanaha ah goorma ayaa la xiri karaa? Sida sharciyadu qabaan qof dacwo loo haysto waxaa la xiri karaa, saddax mar oo kali;

 

1- Marka laga cabsanayo, in uu baxsado, oo uu ka cararo deedaanka dacwadda looga furay.

2- Marka laga cabsanayo, in uu burburiyo, caddaymo loo adeegsan karo, si loogu hubsado falka lagu soo eedeeyey.

3- In uu qatar ku yahay ammaanka guud iyo nolosha dadka deegaanka.

 

Wixii intaas ka baxsan, qof eedaysane ah xarig ma mudan karo marna, haddiiba aysan hore maxkamad u ugu xukumin. Marka adoo saddaxdan ku fiirinaya, xarigga ugaaska, marka maqaamkiisa, da’diisa iyo laga soo tago heerkiisa bulsho, halkee bay ka gelaysaa, aan ka ahayn garooska wadaadka heerka uu yahay, maadaama ay Guriceel xoog ku haystaan ALSHABAABTA aan WAHAABIGA ahayn?.

Ka soo tag, qaanuunnada, ee u imoow xeerarka bulsho iyo dhaqankeenna, sidee ku dhici kartaa, in dacwo qabqable uu ka soo gidbiyey ugaas beel dhan, loo xiro ugaaskii, ee aan lagu dhiirran in la yiraa; waryaa orod hore u soco, mar dambana ugaaska afkaaga ha ku soo taagin? Sidee ku dhacday, in wadaaddo diin iyo cilmi sheeganayaa, ay ugu fududaatay, in ay xiraan ugaas beel dhan, iyaaga oo saacad walba la taagan; AHLUL XALLI WAL CAQDI? Oo kaalay, ugaasku AHLUL XALLI WAL CAQDI, miyuusan kow ka ahayn? Sidee ku dhacday, in wadaad shalay Xamar kutubbo ku laqbaynayey, uu maanta ugu tallaabsado, in uu xiro ugaas dhaqan iyo dhalmo loogu caana shubay, ee aan sidiisa oo kale is magacaabin? Sidee ku dhacday, in ugaas loogu xiro, is la magaaladii loogu caano shubay, ee loogu duubay ugaaska beesha, iyadoon gacan shishe ku jirin, ee muuqata? Sidee ku dhacday, in ugaas beeleed, ee rabitaan bulsho ku yimid, uu u xiro, wadaad is CIMAAD SAARAY, oo xoog, jujuub iyo afduub dadka ku haysta?.

Haddii xitaa lagu fursan waayo, in ugaas beeleed la la garnaqsado, waxaa loogu ergoodaa, qoyskooda ugaasyada, intooda waliba ugu waaweyn, ee waalid, walaal iyo u ah xigtada. Sidoo kale, guurtida beesha iyo nabaddoonna ayaa gala gartaa.

Haddaad wax badan QABQABLE, DAGAALOOGE iyo HOGGAAMIYE KOOXEED aad dhaliisay dhaqanxumadooda, ogoow, waxaa ka dhaqanxun WADAADDADII xununka isaga daba maray 10kii gu’ ee u dambaysay, laga soo billaabo 2006 maalmihii maqaayadaha diinta illaa maanta, ee ka la leh; SHABAAB, AALA SHEEKH, DAMUL JADIID iyo AHLUSUNNO.

Wali ma xasuustaa, intii ragga kore ay dalka iyo deegaanka xoogga ku haysteen, ee ay la taagnaayeen; LOO MA DHAMMA iyo ANIGA LA IGA LA MA TASHAN, iyaga oo UGAAS xiray ama ka xannibay socod ay geli rabeen? Balse, waa laga hayaa WADAADDAN mid walbaa kaligiis isduubay, ee midba maalin sheeko iyo shaar cusiub noo la imaanayo.

Dorraad ayey aheed markii Xasan Sheekh uu garan waayey, in ugaasyo, nabaddoon iyo waxgarad uu u dirsaday, si ay u soo gacangeliyaan Xasan Daahir Aways, oo hadda xabsi guri Xamar ku yaalla ku ilmaha dhala, markaana joogay degmada Cadaado, xarunta ku meel gaarka ah, ee maamulka Galmudug, ka dibna ugu alaabguday, xabsi, xannib, xinjir, xaglojebin iyo xurmodarro!

Wixii uu QABQABLAYAASHU ka sarriigan jireen, waxaa sabbada, surka iyo sabarka ku wata WADAADDO isaga jaad ha dhibka dadka, balse, ammin iyo ayaan walba is NACLADA!

Dadku waa saddax; qof dhaqan, qof dhaqma iyo qof dhaqanka lagu dhamo. Inta dhaqan sidan loo dhaamayo, dhaqanside iyo dhaqankiiba, walibana uu ka soo fulayo, intii ay eheed, inay dadka ugu horreeya ee dhawra ay noqdaan, ha sugin nolol iyo nabad!

Ugaas calanliyo

Owga ma cisoo

Oo cirroolaha

Ceeb uga ma turo!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s