Ugaasyo abraarte!

images

Ugaasyo abraarte!

 

Waxaan isha la raacay magacyada xubanaha dhaqanka, ee loo qoondeeyey, in ay soo xulaan xildhibaannada qaranka 2016.

Markaan dhammeeyey aqriska magacyada xubanaha dhaqanka, ayaan ka waayey magaca hal ugaas, oo aan markii horaba is lahaa, ku ma jiridoono, iyadoo ugaasyo kalana ay ka maqan yihiin.

Sababta looga reebay? Sahal. ANAGA nagu aragti ma ahan! Ma tahay dudsiin? Ma tahay cabburin? Ma tahay dhaqandhaan? Ma tahay faragelin dhaqan? Ma tahay amar ku taaglayn? Ma tahay; “nimaan telin jirin, hadduu taliyo, nimaan tagi jirin, ayaa taga!”? Ma tahay; “nimaan qaybin jirin, hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin, ayaa qada!”? Ma tahay………. Ma tahay ma yaree, aan ka soo haro.

Magacyada xubanaha dhaqanka, ee soo xulaya xildhibaannada, waxaa laga reebay; Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, oo wakiil uga ah Ugaaska beesha Ugaas Xasan deegaannada koofurta, ku dhawaad 30sano.

In laga reebo la yaab i la ma noqon, maxaa yeelay, nin kuu gacan qaaday, ka ma sugaysid garabgal. Waa meesha laga yiraa; “nin ku dilay, har kuu ma jiido!” intii xilka ay hayeen ragga hadda ka reebay magaca ugaaska madaxda dhaqanka, ee soo xulaysa xildhibaannada ayey eheed, markii Ugaas Cabdi Daahir iyo madax dhaqan kale, oo uu hoggaaminayey, in jirdil, gacanqaad iyo loogu gaystay tacaddi, looguna daray xabsi iyo jeel!

Sida cad, magaca Ugaas Cabdi Daahir, ee laga reebay madaxda dhaqanka, ee soo xulaya xildhibaannada, waxaa ka masuul ah;

1- Mahad Salaad, oo ah xildhibaan iyo wasiiru dawlaha madaxtooyada.

2- Xasan Sheekh, madaxweynaha Jamhuuriyadda.

3- Kooxda “DALAM JALAM” ee is ku koobtay awoodda dalka oo dhan, kana dhigtay hay’ad ay is ka maamushaan oo kale.

Mid waa hubbanti, in Ugaas Cabdi Daahir, uusan hamuun iyo u qabin han, in uu ka mid noqdo madaxda dhaqankaa, haddana, mar waxaa jirta, ay danta, darajada iyo duruuftu ku gelinayso, meel aadan quuddarraynayn.

Sidan waxaan u leeyahay, Ugaas Cabdi Daahir, inta aan sare ku xusay, inta ku aragtida ah iyo inta naca ku raacsan, iyaga oon jirin, la aqoon, oo meelaha is ka xabkaysta ayuu Ugaas Cabdi Daahir qayb ka ahaa, madaxda dhaqanka wax laga weydiiyo masiirka umadda iyo aayaha dalka. Xauso

Mahad Salaadoow, qofka xildhibaan iyo madax kaa dhigay, waa Ugaas Cabdi Daahir, oo gacantiisa kugu qoray, maanta ma garbaa in aad ugaaskii shalay warqadda magacyada xildhibaannadu ku qornaayeen kuu saxiixay, in aad ugu caasiso, ee aad hawshii qaran iyo qabiil uu bulshada u hayey, aad uga fariisiso igu aragti ma ahan? Horta yaad tahay, yaadse eheed? Wali gadaal ma isu fiirisay?.

Mahadoow, haddaad ku dedaashay, in aad Ugaas Cabdi Daahir ka reebto madaxda dhaqanka, oo ahaa ugaaskii shalay gacantiisa kugu qoray, waxay caddaynayn u tahay, in aadan ka shaqayn danaha iyo rabitaanka dadka reer gobollada dhexe!

Shalay adoon dhalan, ayuu Ugaas Cabdi Daahir ugaas ahaa, waana sii ahaan doonaa. Shalay, markii aad Qaahira lafaysanaysay, ee aad warjira iyo waxjira moogga eheed, ayuu Ugaas Cabdi Daahir ugaas ka ahaa arrimaha dalka, oo inta uu goobjoog u ahaa, madax dhaqan ee maanta nool, waxaan is leeyahay, waa fara ku tiris.

Mahadoow, ma lagu MAHDIYEY, mise, dadka MUHDI ayaad ku noqotay? mudane, dhaqan farageliyey, mahad u sugan anigu garan maayee, ma waxay ku la noqotay waxsan, in aad ugaas kaa dhaqan yaqaan, kaa siyaasad aqoo og, kaagana waayaragsan miliqa iyo mardadaba nolosha in aad is ku miiqdo?.

Maalmaha kaaga harsan xildhibaannimada iyo haddii ay dhacdo in aad ku soo laabto oo iyana koobnaa doonta marka ay dhammaadaan, maxaad la hor iman bulshada iyo beesha aad ka dhalatay?.

Runtaa, ma ahan, fal aad adigu addin ka gaystay, xitaa laga yaabee, in aadan af iyo amar ku lahayn, haddana, ugaaska la uleeyey, ee daqarrada dhaawac lagu dhuftay, wuxuu ahaa, ugaas adiga dhaqan kugu metela, adna aad siyaasadda ku metesho, kaaga darane, marka sidaa xun loo la dhaqmayey, danguud iyo wuxuu ka shaqaynayey sidii dad is ku riiqmi lahaa loo ka la badbaadin lahaa, oo haddana, aad IDINKU -dawlad ahaan- aad dirsateen, ee uusan kaligiis is dirin! Dhaqan ma aadnaan dhawrin, axdi ma aadnaan dhawrin. Cirro iyo cisi ma aadnaan dhawrin. Horta, wax aad dhawrtaan ma jirtaa, anigu wali ma hayee?.

Anigu haddaan Mahad ahaan lahaa, marka la waxyeelleeyi ugaaska dhaqan ahaan i metela, anna aan siyaasadda ku metelo, walibana, isagu uu gacantiisa igu qoray, inaan is ka casilo waxba ii ma jirteen, haddaan xaal laga gelin dhacadadaa oo kale.

Xasanoow waxaad tahay madaxweynihii u horreeyey, ee dhaqan uu adeeg u dirsaday, xabsi iyo xanuujin isugu daray, ee xinjirro ka daadshay, haddana, aan xaalmarin, xumayn bixin iyo xurmo hoyasho geyn. Dhuusamareeb-310x206

Waxaa la yiri; “dadka, macallin iyo madi, ayaa u maangaabaan!” tol haddaan leeyahay, murtidan, ha la iigu daro, hal eray oo ah; “MAQIIQANE!” maxaa yeelay, qofku marka uu maqaamkiisa, mudnaantiisa iyo muunaddiisa ogyahay, ma dhaafo qadarkeeda iyo miisaankeeda, balse, marka uusan ogayn, is moogaysiiyey ama ay is la weyni iyo kibir u gayso, wuxuu ka tallaabaa, wax walba, oo laga dhawrsado.

Ugaas Cabdi Daahir, in uu ka nasto, oo muranka iyo is maandhaafka maalin walba la maleego ka dhexbaxo isagaba dan waa ugu jirtaa, haddana, marka aysan kaa maarmin, dib la isu ma dhigo, waliba marka ay maahsanayaal maamulka iyo maaraynta tolka, bulshada iyo qaranka hayaan.

Ugaas Cabdi Daahir, wuxuu wax ka soo xulay, xildhibaannada dawladihii; Carta (2000), Emprgadhi (2004), Jabuuti (2009) iyo Muqdisho (2012). Ka hor, wuxuu qayb ka ahaa madaxdii dhaqanka koofurta ugu tunka weyneed, ee mar walba u taagneed, nabadaynta, xal u helidda dagaallada, is ku keenidda dadka iyo dib u heshiisiinta.

Anigu mid baan indien tuba, madal madax dhaqan lagu kulminayo, ee looga tashanayo aayaha dalka, ee uu ka maqan yahay Ugaas Cabdi Daahir, in aysan madal kaamil ahayn. U ma lihi taageero gaar ah, oo aan u ahay, ee waxaan u leeyahay sooyaalkiisa dhaqan, dhaqan siyaasad iyo metelaad.

Ugaas Cabdi Daahir, sidiisa ayuu ku yahay “MUSEUM/MATXAF DHAQAN” si kale, “MONUMENT” nool, haddana, waxaa wax ugu darsan yihiin, dad aan aqoon garasho u lahayn, ogaal garaad iyo aqool gudashadana qabin.

Dadku waa saddax; qof dhaqan, qof dhaqma iyo qof dhaqanka lagu dhamo. Inta dhaqan sidan loo dhaamayo, dhaqanside iyo dhaqankiiba, walibana uu ka soo fulayo, intii ay eheed, inay dadka ugu horreeya ee dhawra ay noqdaan, ha sugin nolol iyo nabad!

 

Ugaas calanliyo

Owga ma cisoo

Oo cirroolaha

Ceeb uga ma turo!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s