Galmudug iyo Guuleed gu’ ka dib

13584644_645092892306678_6780504815859532802_o

Galmudug iyo Guuleed gu’ ka dib

 

Ugu horrayn, aan caddeeyo, in ujeedka qormadan, uusan ahayn taageero kooxo gaar ah, oo dan ka leh hoggaanka Galmudug ama ka dan ah Guuleed iyo kooxdiida. Si gaara, waxaan jeclaan lahaa, in aan u muujiyo, in aanan ku aragti ahayn koox Xamar ku shirtay, oo isugu jiray siyaasihiin, mudunayaal xilal ka haya Galmudug iyo dad kale, oo soo jeediyey baaq ay ku sheegeen “BADBAADADA GALMUDUG!” hadday Xamar ka badbaadinayaan Galmudug, maxay kaga duwanaan karaan, kuwa Xamar ka maamula ama kan Xamar laga hago? “col ku la tag, oo cadaawo, kuu ciidamaisay!” iga dheh.

Waa sooyaal dheer, ee aan soo koobo, kana soo billaabo bishii may sanadkii 2012, markii ay gobollada dhexe tageen Axmad Cabdisalaan, marxuum Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed, oo u tagay Dusmo reeb, xarunta gobolka Galguduud, in ay maamul u dhisaan iyo sidii loo midayn lahaa maamullada iyo cududda ka soo horjeedda Alshabaab. 11 maalin ka dib tegiddooda Dusmo reeb, oo ay kulammo la qaateen waxgaradka, odoyaasha iyo ugaasyada deegaank,a lana sugayo, in ay Muqdisho ka yimaadaan xildhibaanno, siyaasiyiin iyo madax kale, oo deegaanka ka soo jeedda, ayaa waxaa qarax lagu la beegtay wafdigii Axmad Cabdisalaan, oo ay ku geeriyoodeen Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, ahaana ku xigeenkii Dooxada Jubba, xildhinaan C/wali Aw-Muxumed, sidoo kale ayuu dhaawac xooggan, oo heddiisa halis galiyey uu ka soo gaaray Danjire Axmad Cabdisalaan iyo 7 qof oo kale

Qaraxaa waxaa ku qiiqiyay hankii ku jiray madaxdaa iyo himiladii ay lahaayeen dadka deegaanka, oo tallaabadaa u arkayey talo u muhim ah aayahooda iyo ayaankooda.

Dilmada dedaalkii diblomaasiyiinta waxaa xigay dhaqdhaqaaqyo billowday dhammaadkii 2012, oo sii xoogaystay 2013, markii ay shirar ka la duwan ay ka dheceen gobollada dhexe, Muqdisho iyo xitaa dibadaha gaar ahaan Nayroobi. Dedaalladaa waxa waday waxgarad, ganacsato, siyaasiyiin iyo ururrada bulshada, oo ka soo wada jeeday deegaanka, balse, ay siyaasiyiintu xoog badan iyo saamayn ku lahayn, taladana aysan hagayn sida kii Dusmo reeb oo kale.

Inta ay dedaalladaa socdeen, tiro ka dhawr ayaa madaxweyne Xasan Sheekh loo tagay, in looga helo gacan, balse, intaba waa ka dhaga adayg, kana soo qaaday wax aan jirin. Sidoo kale, sanadahaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha ahaa, madaxweynaha hadda Galmudug, Cabdikariin Guuleed. Inta aan anigu ka xasuusto, wuxuu tagay gobolla dhexe, mar uu la socday ra’iisul wasaare Cabdi Faarax ShirdoonSaacid”, oo ay Dusmo reeb ku soo saxiixeen eex eel baan reebtay, haddana, meel loo dhaafo la la’yahay. Qodobbada la saxiixay waxaa ku jiray, in Ahlusunno laga siiyo magdhaw, ciidankii uga geeriyooday la dagaallanka Alshabaab, sidoo kale, in mushaar loo qoro, lana qarameeyo ciidankooda. Qodobka hore, illaa hadda Ahlusunno waa laga fujin la’yahay.

Shirarkii Muqdisho ka socday, oo ay xooggiisa wadeen hal qabiil, ayaa waxay ugu dambayn la is la qaateen, in bisha siddeedaad shanteeda, soonqaadka ka dib, la isugu tago magaalada Cadaado, iyagoo is ka xulay guddi ka kooban 25xubnood, si ay iyagu isu soo xalliyaan, inta aysan beelaha kale u gudbin, oo wixii ka dhexeeya, ee ay ka la tirsanayaan laga wada hadlo. Micnaha, in dhismaha maamulka iyo dib u heshiisiinta laga soo billaabo hoos iyo haybta beeluhu sideey isu xigaan.

Run ahaantii waxay eheed, aragti qumman, go’aan garasho iyo talo waxgarad, balse, maxayba ahaataa tusaale wanaagsan, maadaama dhammaadkii bishii 07/2014 ay dawladdu soo saartay go’aan ahaa, in ay iyadu la wareegayso talada maamul u samaynta gobollada dhexe. Sabab? Maxaa xilligan ku soo beegay? Maxaan loo la hadlin beelihii muddada badan amminka iyo dhaqaalaha galiyey sidii dadka deegaanka la isugu keeni lahaa? Maxaan looga warsugin guddigii ay is ka saareen, oo dhammaan ay u dhammaystirneed shaqooyinka ay qaban lahaayeen, oo xitaa la cayimay xilliga shirku soo gunaanadmayo, ee loo gudbayo belaha kale? Maxaa looga hoosbaxshay talada beeshaa iyo beelaha kale ee is ku aragtida ka ahaa qaabka loo marayo dhismaha maamulka deegaanka?.

Waxay tahayba, dawladi kaa xoog, xoolo iyo xeelad badane, waxay afka u dhigatay taladii la soo dhiraandhirinayey gu’yaasha badan, haddaba, beelihii dedaalkaa waday, waxay u muuqdeen, kuwo handhigay, maadaama dawladdu dhabarjebin ay ku samaysay. Ma ahayn, in ay is dhiibaan ama quustaan, ee waxay ahayd in ay hal adaygaan, balse, dhacday, sida aysan u dhicin, in deegaankaa uu maamul mid ah helo tan iyo burburkii ka dibba, dawladduna ma garan, in ay ka warsugaan beeshaa, oo ay xilli go’an u qabtaan wada xaajoodkooda. Halkaa waxaa ku hirgalay afduubkii iyo afgembigii koowaad.

In aysan daacad ka ahayn taloboobka –horta talo la boobay daacad ma laga noqon karaa? Mararka qaar haa.-waxaad ku garan kartaa, bishii toddobaad illaa maarso, ee sanadkii xigay /2014 wax dhaqdhaqaaq ah dawladdu ma samayn, ee waxay ku maqneed, sidii loo ridi lahaa ra’iisul wasaare Cabdi Wali Sheekh iyo sidii loo magacaabi lahaa, loona dhisi lahaa xukuumad cusub. Halkaa fursad kale, ayaa ku dhaaftay dadka deegaanka in kasta, oo ay markii dambe horraantii jannaayo ay shir ku qabsadeen magaalada Dusmo reeb.

Aragti ahaan, beelaha iyo bulshada degta gobollad dhexe, waxay qabaan, in dawladda dhexe ay ka afduubtay qaab dhismeedka maamulka, oo ay u hawlgaleen, eheedna, in dhismaha lagu saleeyo, dib u heshiisiin jilib hoose laga soo billaabo, illaa laga soo gaaro beel iyo qabiil walba.

Ku dhawaad lix bil ka dib, ayaa beesha Dusmo reeb, ee xarunta gobolka Galguduud, dibna ka noqotay caasimadda maamulka Galmudug, waxay go’aansatay, in ay beelaha dega Gobollada Dhexe oo dhan isugu keenaan Dusmo reeb.

Run ahaan waxay eheed hawl aan sahlayn, culayskeeda leh, haddana, wax walba marka loo maro waddada saxda ah, guul degdeg ah iyo waxaa laga gaaraa gool wacan. Waxaa hubbanti ah, in haddii shirkaa ay qaban leheed dawladdu aysan guul ka keenteen, balse, marka dhaqanka, ugaasyada, salaadiinta iyo waxgaradka beelaha loo daayo, waa kaga aqoon badan yihiin siyaasiga sida loo maareeyo beel.

Dusmo reeb waxaa la isugu keenay, 11 beelood, oo beel walba, beesha kale wax ka tabanaysay, sida; mag, daqar, hanti guurto iyo ma guurto, tixgelin la’aan iyo sedbursi awood qaybsi, haddana, shirkaa intii uu socday, waxaa maalin walba lagu guulaysanayey, in hadba labo beel heshiis, is cafin iyo wax wadaag la dhexdhigo, dabcan, dood, wada hadal iyo gar dheer ka dib.

Halkan waa meelaha aysan garan, garanna karin siyaasiyiintu. Waxaad ku garan kartaa, markii uu Yuusuf Garaad tagay Dusmo reeb, ee uu la socday MW Xasan, wuxuu la yaabay qaabka loo wada hadlayo, haddana, aan lagu ka la kacayn!

Ayaan wanaag, wuxuu ka mid ah ahaa shirarkii dalka lagu qabtay kuwii ugu waxtar, iyo miradhal fiicnaa, maxaa yeelay, shisheeye is ka daaye, dawladda dhexe ayaa bannaanka ka joogtay, oo aan miisaan iyo ku lahayn muuq. Kaliya wuxuu u furnaa, odoyaal dhaqameed garanaya shaqada ay qabanayaan iyo dadka ay qabanayaan.

Ka sokow faragelin la’aanta iyo in shisheeye uusan talo ku lahayn, wuxuusanba ku lahayn deeq, martin iyo maalkii ku baxay shirkaa, oo ay ka qaybgaleen in ka badan 500 oo oday dhaqameed, oo ay dhabarka u ridatay beesha Dusmo reeb.

Hoggaanka dawladdu markii ay ka soo dhammaadeen rididdii RW Cabdiwali, ayey shirka Dusmo reeb ka socda u arkeen, in uu cabqad ku yahay qaabka ay u rabaan, in ay noqoto siyaasadda gobolka iyo madaxda uu yeelan doono, markaa ayey xooggooda iyo xoolahooda isugu geeyeen, sidii loo ka la furfuri lahaa odoyada shirsan, gaar ahaa, beesha martida loo yahay, oo mar walba leh hadalka u dambeeya iyo go’aanka ka ma dambaysta ah.

Maan rag waa muducyo warane, waxaa is la markiiba is ku dhacay, rag xurguf iyo ka dhaxaysay hurgumo hore, oo isugu jira dhaqan iyo siyaasiyiin. Isjiirkaa wuxuu keenay, in shirkii buuq iyo ku furmo tashwiish, ay qaybta ugu weyn lahaayeen madaxda dawladdu, oo dabcan, marka laga reebo, in ay doonayeen in gogosho shirka lagu qabto Cadaado ay uga weyneed, in ay la wareegaan majaraja shirka, oo sax ah, balse, ay uga weyneed, in ay nin ay wataan ku soo baxo, oona markii dambe dhacday.

Markii la is mari waayey, waa kii MW Xasan 3mar isaga daba laabtay Dusmo reeb wax ka yar 2 bil. Sabab, waligiisba ma tagine? Ka gudub. Wadahadal dheer ka dib, beesha shirka martigelinaysay, ee culayska badan saarraa, madaxdii dawladda ka socotay waxay u adeegsadeen ganacsatadii iyo siyaasiyiintii kaga jirtay dawladda, iyadoo ballanqaadyo dhawr ah loo sameeyey, oo kaliya uu ka hirgalay in Dusmo reeb ay noqoto xarunta maamulka, balse, is ka ah warqad qoran, oo abuur cunay.

Haddaba, maxaa dhacay? Rag biyo hoostii is ka arkay, is ka kaa oge, waliba marka ay xanaf iyo xanuun ku daaban tahay ama bahdil ka sii daran. Qaar ka mid ah waxgaradka Dusmo reeb waxaa wali u muuqatay sida dawladdu u la dhaqantay markii ay keeneen Xasan Daahir Aways, oo ay dawladdu u dirtay, waliba MW Xasan, oo si xun iyo u la dhaqmay hab gunnimo ah, haddana, waa dawladnimee, waxay eheed, in ay qaab kale ku wajahaan la xisaabtankeeda, ee aan arrintaa iyo arrimo kale awgeed, loo baabi’in wixii ay dhisayeen 3bil ku dhawaad. Ma dhicin!

Ragga dawladda ka socday, oo MW Xasan ugu weynaa, ma keenin aragti samarsiin iyo xaalmarin, ee waxay adeegsadeen haybaddii dawladda iyo hantideeda, si ay beel ugu awood sheegtaan, oo haddii aysan haykalka dawladnimo huggeeda wadan aysan hooskeeda gaareen!

War iyo dhamaan, beeli dalwad u ma babac dhigi karto, si kasta, oo ay u awood badan tahay, waxaana dhacday, in odoyaashii shirka ka qaybgalay ka la furfurmeen, ma ahan, in ay caadaqaatayaal ahaayeen, ee waxaa dhacday, in marka muran, dawakh iyo doodo ma dhalays ah kulammada galaan, ay ugu dambeen dadku niyadjabayaan, daal ka dibna ka la dareeraan.

Beesha Dusmo reeb ka ma faa’iidaysan fursaddii hortaallay, ee eheed, in ay dhawrtaan sumacadda, magaca iyo kalsoonida ay hore ugu dhex lahaayeen beelaha gobollada dhexe, haddana, ay dib dunida iyo dalkaba ugu bandhigeen, maxaa yeelay, kalsoonida intaa la eg, ee beeli yeelan karto ma ahan mid sahlan, marka laga cabbir qaato dagaalkii sokeeye iyo dirirtii beelaha dhexmaray, oo xitaa beeshaasi ka mid tahay.

Halkan waxaa ka dhacay afduubkii iyo afgembigii labaad, ee madaxda dawladdu ay ku keceen. Shirkii markii dambe waxaa loo wareejiyey magaalada Cadaado, oo ewelba lagu ballansanaa, balse, aan ballantaa ayaan u yeelan. Shirkii maamul u dhishidda Mudug iyo Galguduud ayaa ka furmay xarunta Kafaala, oo dhammaan guddigii farsamda, odoyaashii iyo ergadii la isugu geeyey.

Murashaxiin badan ayaa bannaanka is keenay, doodna loo qabtay, waxaa la xulay baarlamaankii, oo dadku ku eedeeyeen, in laga buuxshay dhallantii Suudaan, ka dib waxaa la qabtay doorashadii madaxweynaha, oo ay isugu soo hareen Axmad Fiqi, Axmad Cabdisalan iyo Cabdikariin Guuleed, oo ugu dambayn ay guushu ku raacday, sidaana ku nqoday madaxweynihii u horreeyey Galmudugta cusub. afduubkii iyo afgembigii saddaxaad.

Haddaba, maxaa qabsoomay? Maxaa hirgalay? Maxaa la guul ah oo la gaaray? Inta aanan ka warcelin, anigu CISI DILKII ka dib, ayaan qormo la yiraa; “Guddoonka Guuleed Gobollada Dhexe guul ma gaarsiin karaa?!” waxaan ku xusay, in ay marka laga soo tago shaqsiyaddiisa dilan ka sokow, ooba colka hoggaankiisa ah ay sugayso in uu xal u helo saddax qodob, oo ka la ah; Puntland, oo markii dambe dagaal ku soo qaadday, balse, guuldarro ka la kulantay, Ahlusunno, oo inta badan deegaanka maamulku sheegto ka talisa iyo Xabashida, ooba deegaanka qaybo ka gacanta ku haysa, waxa ka dambeeyana aysan caddayn, cidna is ka weydiin, halka Alshabaab aanba xaggeeda wali loo dhaqaaqin marka laga reebo dagaallo ay beeluhu isaga caabbinayaan.

Gu’ ka dib, Guuleed muxuu Galmudug ka hirgalay, oo la taaban karaa? Dabcan isaga, guulwadayaasha iyo badi shaqaalaha iyo madaxda ha ka sugin, in ay dhahaan gaabis ayaa jira iyo halkaas ayaan gef ku galnay, ee kaliya waxay la iman doonaan cudurdaar iyo duruufo gobolka iyo dalka ka jira ayaan ka socon waynnay, waxna ka qaban waynnay.

Yaanan kaaga ka la tegine, doorashada uu ku soo baxay Guuleed, lacagta laaluush ahaan loo isticmaalay, run iyo been Eebbaa iga oge, caqligaaga ayaa diidaya, oo run ahaan, anigu walwal badan igu haysa, marka ay mar kale, in xildhibaannada iyo mudanyaasha aqalka sare haddana lagu soo xulidoono is la Cadaado, oo uu Guuleed fadhiyo. Dabcan kali ku ma ahan laaluush bixinta, balse, tiro badnida ayaan yaab leh.

Anigu run ahaan, guul aan sheego oo uu Guuleed gaaray waxaan ka tilmaami karaa; beelaha, dadka iyo deegaanka xil, xukun iyo xeer u dhiibtay qof aan aqoonteeda lahayn, ogaalkeeda garanayn aqoosheeda kasayn, in ay is la iyaguna fashal kale yihiin. Laa laga yaabee, in aad i leedahay, sawdiga kor nagu yiri beelaha waa la afduubay. Haa waa run waa la afduubay, balse, marka aad is dhigato ama aad is dhiibto markaas nolosha waxba ku ma lihid, ee waxaad tahay MAYD socda. Saw ma ogid, in deegaanno badan oo gobollada dhexe ka mid ah Alshabaab ay cag soo dhigi waysay? sabab? Maxay kaga duwanaayeen meelaha ay qabsadeen walina haystaan? Kaliya gobollada dhexe, diidmo nolol lagu doonayo iyo dirir naareed ayaa laga la hortagay, haddaba, maxaa diiday, in ugu yaraan diidmo nolol lagu doonayo laga la hortago Guuleedna?.

Guuleed wuxuu ahaa, walina yahay nin meesha la keensaday, ka go’aan qaata, kuna go’aan qaata war iyo waraaq ay soo qoreen rag Xamar jooga. Xaa iga bi’i lahaa, hadday soo qaraan rag gobolka ka soo jeeda, hadday yihiinna maanka xor ka ah. Marka aad maanka xor ka tahay, yaad xor tahay, inta ka horraysa, waxaa tahay xannibane, xero ku jira.

Qof aan higsi lahayn, sidee himaldaada u hanan karaa, in uu hirgali is ka daaye? Waa weydiinta aanan mar walba, is weydiiyo marka aan arko si guud bulshadayda Soomaali, oo hanqaltaagyadeedii hungow ka la kulanta, hoggaanxumo awgeed.

Halkaa markay marayso ayaan curiyey maanso la yiraa; “Guuleed bal noo warran?” oo wada weydiimo eheed, marka run ahaan, in qormadan dheer aan qoraba ma ahayn, ee sanad guurada ayaan ka baaqsan kari waayey in aan geeddiga wax ka guuriyo.

 

Warranoo bal Guuleed

Maalintaad guddoontee

Xilka aad la gudubtiyo

Illaa goortan maanta ah

Wali gaabis mooyee

Waxaan kugu garaaboo

Aan u guuxo maan arag

Ma garbaa ma dawbaa

Ma ged aad u dhalataa

Ma go’aan yaraanbaa

Mise weli ged baa dhimman?.”

 

Wali anigu halkii baan taagnahay, ee yaa qofkii aragti ka duwan hayo ha na la wadaago. Ka sokow, markii aan quustay, oo ay ii muuqan waysay guul uu Guuleed guntiga, garabka iyo guudka ku sido, may xitaa kid maanka ugu jirta, ayaan waxaan curiyey hees la yiraa;Guuleed BANNEE!Oo ay ku jirtay;

 

Bulshadii harraad

Baahi iyo oon

Balal iyo colaad

Bushi baa hayoo

Wey baylahdoo

Ka la bayrtayoo

Ka la booddaye

Beer caddaatayoo

Bar u maad kordhine

Adiguna baqool

Boyn iyo dalxiis

Hadba beled u duul

Baashaal iyo socod

Badaloo mid keen

Aad uga baxdaye

Guuleed bannee!

 

Hadda iyo dan, Guuleed, wixii looga fadhiyey, ee dabacsanaan, jileec iyo tanaasul badan ahaa midna ma samayn, kamana miradhelin dedaalkii ahaa, sidii loo hanan lahaa himilada iyo hanka reer Gobollada dhexe, marka dayaca deegaanka ka jira, yaan lagu fiirsan nin aan u damqanayn, danna ka lahayn, ee ha loo istaago, sidii loo dabaqaban lahaa. Cayri caymo ma diiddo. Caano daatay dabaqabasho ayey leeyihiin.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s