Heesta; Olole

FullSizeRender

Heesta; Olole

 

Intii Islaam ah

Oo ALLAHOODA

Amarkii qaatay

Adeecay diinta

Anoon aloolan

Waxna ku eedin

Misna insaanka

Axsaan sameeya

Ilmaha Aadmi

Ama abuurka

Samo u oofin

Anoon illowsho

Amaal dhacaynin

Ardaal siyaasi

Ooga Islaamle

Uurka Ibliiska

Arrimihiisa

Bal aan iftiinsho.

 

Haddaad aragto

Asagoo ordaaya

Agoon u duuban

Indhoole saarsan

Cuuryaan aruurin

Marrasta oomman

Aroor u raadin

Miskiin arradan

Labbis u iibin

Ujeeddadiisu

Aruurin maaha

Ee waa abaabul

Xil aayihiisa

Afar kaleeto

Amiirka dalka

Inuu ahaado

Ayuu rabaaye

Ha ku ajarmin

Ololihiisa.

 

Haddaad aragto

Asagoo aqraaya

Aayad Quraana

Afka ka sheega

Oo agmarayaa

Waxay amraysay

Ujeeddadiisu

Xaq addin maaha

Ee waa abaabul

Xil aayihiisa

Amiirka dalka

Inuu ahaado

Ayuu rabaaye

Ha ku ajarmin

Ololihiisa.

 

Haddaad aragto

Asagoo ordaaya

Hadba shir aada

Atoor is mooda

Oraah wanaagsan

Aleledaaya

Abbaba’diisu

Waa urur samaysi

Xil aayihiisa

Amiirka dalka

Inuu ahaado

Ayuu rabaaye

Ha ku ajarmin

Ololihiisa.

 

Haddaad aragto

Isagoo ayaantan

Idaacad walba

Ka addimaaya

Ishaaro leexsan

Astaamo liicay

Eberna noqday

Ehel u sharxa

Arrintu maahan

Ina adeersi

Ee waa abaabul

Xil aayihiisa

Amiirka dalka

Inuu ahaado

Ayuu rabaaye

Ha ku ajarmin

Ololihiisa.

 

Haddaad aragto

Asagoo elekshan “election”

Afkaa ku haaya

Addin ku raadsha

Amaah ku doona

Ararta qudbo

Eray ku sheega

Alan ku tebiya

Amminka tirsha

Afarya afar

Ayaan u kowsha

Iimaan u haysta

Aaminey taasna

Xil aayihiisa

Amiirka dalka

Inuu ahaado

Ayuu rabaaye

Ha ku ajarmin

Ololihiisa.

 

Waxba a’leyda

Anoon ku oomin

Adna aqsoobin

Waxaan iminka

Dooddii ku ooday;

Isjir dadweyne

Bulshoy is eego

Ilduufka dhaafa

Alalaaska daaya

Agtiinna fiirsha

Abraarta joogta

Abbaarna diiddan

Ummuurta foolxun

Ku andacooda

Is ka ilaalsha

Sidii ayaantii

Ammin horeeto

War yaan agnaan

Aqligu liito

Ogaal garaynin

Aqool kasaynin

Aqoon lahaynnin

Aragti haynnin

Arxan falaynin

Dib loo asteynoo

Abees la dooran!

 

Dhammaad.

12/07/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s