Turkiya; toloow taageerada iyo tusaalaha noo ka la tuura!

11933384_960132024030001_1631041124948656215_n

Turkiya; toloow taageerada iyo tusaalaha noo ka la tuura!

 

Anigu waxaan ka mid ahaa dadka Soomaaliyeed, dadkii u horreeyey, ee FB ku soo qoray afgembiga dhacay, walibana aragti ahaan ku darsaday, in aanan marna oggolaan karin, xasillooni la’aan dalkaa soo food saarta.

Maalin ay tahayba, maalin uu is ka tagi doonaa Erdogan ayaa iman, doorasho looga guulaysayee, sidan oo kale loo afgembiyaa -oon jeclaan doonin-, isaga baxyaa siyaasadda iyo tartanka, balse, in hab aan sharci ahayn xilka looga qaado, marna ma ahan wax loo dabbaaldego ama la bogaadiyo, waliba adoo xornimo iyo sheeganaya dimoqoraaddiyad.somalia-500-1

Anigu si walba, oo aan uga fogahay aragtidiisa siyaasadeed, ee go’aannadiisa ku gooyo Erdogan, haddana, waxaan ka istaagayaa ka soomaali ahaan, inta uu abaal iyo noo galay wanaag. Mar walba mudane ku mahaddanid in badan.

 

Dadka ka hadlay, waa dhawr ka la jaad ah;

 

1- Qolo ku farxday, oo kaliya ujeedkoodu ahaa, xagjirnimo iyo nacayb ku salaysan, in ay calmaaniyiin yihiin. Marka maadaama Erdogan yahay siyaasi islaamiiste ah, waa in si walba, oo xilka looga tuuranaya la soo dhaweeyo.

 

2- Qolo Islaamisti ah kuna aragtiya mudane Erdogan, oo duco iyo Alla bari ka bixi waayey. Ujeedkoodu wax kale ma ahayn, aan ka ahayn, in ninka xilka laga qaadayaa yahay uun nin raggooda ah.

 

3- Qolo ka fiirisay, abaalkii uu Soomaali u galay iyo miisaanka siyaasadeed ee uu na siiyey, sida aan korba ku xusay.

 

4- Qoloda ah halkan ayey ka shidan tahay, oo kaliya u la falgalay warbadni iyo warjacayl.

 

5- Qolo ku qotomisay dhaqankeenni ahaa, colaad u joogga iyo xiisad ka sheekaynta, maadaama wax dagaal u eg dhacayeen, is kaba jecel, in ay ka sheekayaan oo falanqeeyaan.

13706291_10157159653045710_386133453_n

Intaa haddaan uga gudbo aragtida afgembiga iyo sida loo la falgalay, waxaa jira aragti kale oo aad iiga yaabisay, oo ah; in wiilka kaaraha isu dhigay, na looga dhigay wiil ku dayasho mudan, iyada oo ay tahay, in aan ka tusmo qaadanno.

Hubaal, in uu yahay geesi heddiisa qatar u geliyey, si uu u difaaco dimoqoraadiyadda dalkiisa iyo madaxweynahiisa si sharci ah loogu soo doortay, balse, anaga tusaale noo ma noqdo, sooyaal jira awgeed. Bal sawirrada hoose si fiican u fiiri.744876

Dadka sawirka wilke soo qaatay, ee leh, wuxuu tusmo u yahay Somaali, haddaad MSBarre aad dhaliisho, wuu ku hiifayaa, is kaba daa, in aad tiraa; “aabbaha burburka soomaaliya”

Haddi ogoow, wiilka uu tusmada nooga dhigay, wuxuu diiddan yahay afgembi, is la markiina kan wiilka noo ammaanaya, ee ku dayda na leh, wuxuu taageersan yahay Siyaad Barre, oo dimoqoraayaddii yareed ee dalka ka jirtay afka u dhigtay! aragtiyo is diiddan!

Taa ka sokow, marka uu tusaale iyo tusmo nooga dhigayo wiilkaa, ma sooyaalkeenna ayuu aqoon waayey, mise, sida caadada ah, haddii aan tusaaluhu bannaanka ka iman, uusanna samayn qof cad qiimo ma lahan?.51431417

Ciidankii UNISOM dagaalkii oktobar, 1993, ee Maraykanka lagu jebiyey, ka dibna keenay, in ay dalka dhan isaga baxaan gugii xigay, wixii dhaliyey Soomaali ayey ahaayeen, ee cirka ka ma soo degin!

Gobonnimo ka weyn maxay tahay, malleeshiyaad u babacdhigtay ciidankii adduunka ugu awoodda badnaa, oo waliba markaas ka soo guulaystay, soona furfruray Midawgii Soofiyeeti?.

 

Afar sheeg, afartan aas, astaahilkiinnu waa ahaa!

Abwaan Abshir Faarax Nuur “Bacadle” (AUN)

Operation_Restore_Hope_Battle_of_mogadishu_Somalia_unisom_1993_Keydmedia-620x330

Haa haddaan gartay, adigu taas ma arki kartid, maxaa yeelay, qabiil awgii ayaad u diiddan tahay, aadna u qarinaysaa, balse, wiilkan in aad tusaale nooga dhigto damiirkaagu wuu ku siinayaa, adoo is ka indha saabaya sooyaalka dadkaaga?.

Fadlan tusaale ku hoosyaal, dibadda ka iiga keenin, ee kaliya hoostaada fiiri. Haddii ay kaa tahay nacayb iyo qabyaalad waan garan karaa, ee waa yehee, ha isaga keey dhigin qof Soomaali wax u soo kordhin, maxaa yeelay, wax ay ka dheregsan yihiin, ayaad uga dhigaysaa wax aysan waligood arkin oo kale.

Dhanka kale, is la sawirrada waxaa ku jira, oday soomaaliyeed, oo magaalada Baydhabo, isu dhigay kaare ay leeyihiin ciidanka Xabashida, oo doonaysay, in ay xoog ku dhisto maamul aan dadka deegaanku rabin.Robert-Oakley-and-Aidid.jpg

Dadkaa oo kale, ayaa tusaale iyo tusmo noo ah, ee dad kale fadlan noogu kaadi, si walba, oo aan u la wadaagaynno xanuunkooda iyo xukunkooda la gilgilay. Ka la saar; taageerada iyo tusaalaha.

Sidoo kale, dadkii Xaashi iyo xerteed ku la dagaalay dalka, gaar ahaan Muqdisho sanadihii xasuuqa, ee ku jabiyey, kuna qasbay, in ay dalka isaga baxaan, ayaa tusaale iyo tusmo noo ah.

Marka bulsho ay hesho hoggaan adag iyo hoggaamin hanuunsan, wuxuu hoggaamiyuhu ku hagaa, hilinka hammigooda lagu hirgelin karo.

 

F.G: Waxaa jirta qolo aan garan waayey meel aan raaciyo, oo laga yaabo, in ujeedkoodu uu yahay kaliya nacayb ay u qabaan qofnimada Erdogan, oo aan ahayn calmaaniyihiin.

 

#HAN!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

3 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s