Maansada; AFGEMBI

IMG_2880

Maansada; AFGEMBI

 

Waa maanso kooban, oo ka hadlaysa, isdiidka aragtida ah; in qofku diido afgembigii Turkiga ka dhacay, haddana, is la markaas, uu ammaano kii askartu ku la wareegtay talada dalka 21 oktobar 1969. Waa is diidyo, laga helo uun dadkeenna kaliya. Maansada shifo ku afsaar.

 

Maansada; AFGEMBI

 

Soomaalay adduunyada

Ammin hore wixii dhacay

Wixii soo ahaan jirey

Waxa maanta ku agyaal

Berri waxa imaan kara

Haddaan oollin garasha

Xisaab lagu aroorine

Leyska aragtifaalalo

Ma idlaado qaladkuye

Ammuurteenna guud iyo

Bal aan eegno eelkaan

Naga reebay Aadmiga

Awal aakhirkiisiyo

Sabab eersigiisaba.

 

Arligeenna oo bilan

Nabad iyo amniba jiro

Afrikada u roon nahay

Dalku uu istaagoo

Aas aaska gobonnimo

La abbaarey guushii

Xilka ololihiisana

Nin welibaa itaalkii

Taageero urursiga

Sanduuq loogu aaburo

Axad iyo codkii tahay

Umadduna u siman tahay

Aroorteey dhammaatana

Ninkii laga adkaadaa

Uusan aarmi gurannine

Aqbal iyo ajiib dhoho

Misna uursamaan gacal

Midkii guushu aaddoo

Xilka loo asteeyoo

Dadku ay ishaartaan

Taageero abadana

Uu la garab istaagoo

Ku ammaano gudashada.

 

Innagoo axsaab iyo

Xisbi noo abuurmoo

Qofba aragtidiisiyo

Aaraahda uu qabo

Afka hadal u furan yahay

Indheergaradka odagiyo

Ugaaskiyo Isloowgiyo

Aqoonyahanka samihiyo

Xor abwaanku uu yahay

Ilbaxnimo billow tahay

Sow subax Isniineed

Uulil amrigii guud

Arxanlaawe muu dilin

Sow aaskii dabadiis

Iyadoo tacsidii taal

Sow belo abaabulan

Bil oktoobar may iman

Ciidankii amniga ee

Dalka inay ilaalshaan

U igmaday dadweynuhu

Sow umuladoox iyo

Abrisyiyo Abeesiyo

Eeyo lagu ugaartiyo

Ardaaliin ma ay noqon?.

 

Sow ina Siyaad Barre

Iyo koox la aragti ah

Oo xukun u oommani

Intuu soo agaasimey

Inqilaab ma uu dhigin

Afgembina ma ay fulin?.

 

Sow madaxdi idilkood

Intuu amar ku soo rogey

Xabsi ku ma aruuriyin

Ajandihii sharciga iyo

Axdigiyo dastuurkii

Sow eber ka muu dhigin

Ma afduubin taladii

Ma irdhaynin hadafkii

Ma agmarin wanaaggii

Ma afjarin samaantii

Ma aguugin faraxii

Egen guushi ka ma dhigin!

 

Sow ayaamo dabadod

Eexashada qabiilkiyo

Amartaagle kibir iyo

Aabboow i dhaha iyo

Aalweeyni la ma iman!

 

Sow qofkii abbaartiyo

Arrin wacan u sheegoo

U ishaara kheeyrkoo

War ashaa yiraahdana

Ka ma gooyn unuunkoo

Iilka hoose muu dhigin.

 

Illeyn waa adduunye

Arbush iyo dagaal iyo

Aafooyin belo iyo

Saw ololku muu bixin!

 

Sow uur ku taalliyo

Utun aan harayniyo

Aheey iyo waheey iyo

Waxan maanta aragniyo

Argagaxiso may iman!

 

Afgembiga nin necebo

Iska diida xoogiyo

Inqilaab awoodeed!

Misna aad u jeceloo

Askartii Siyaad iyo

Military ammaanaya

Weligiin ma aragteen?.

 

Ammuurtaa la yaabka leh

Ummad yahay bal eegoo

Amakaag ka weyn iyo

Anfariir miyaa haray?.

Aragtidan is diiddani

Waa xaajo uguboo

Arligeenna laga helo

Marna eelku xume yahay

Eed iyo xanuun yahay

Marna uu astaan yahay

In la aaminaa tahay

Waa afkaar la yaab lehe

Amakaag ka weyn iyo

Anfariir miyaa haray?.

 

Dhammaad.

16/07/2016

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s