Toloow; Turkigu naga ma tallaabsan!

13872590_899740333506204_673232785_n

Toloow; Turkigu naga ma tallaabsan!

 

Maalmo ka hor ayey eheed, markii ay dawladdu albaabbada isu dhufatay labo xarun; caafimaad iyo aqoon, oo dawladda Turkigu ku eedaysay, in ay leeyihiin madaxda ay ku tuhunsan tahay, in ay ka dambeeyeen AFGAMBIGII dhicisoobay.

Go’aanka lagu xiray, waxaan dhihi karaa anigu, wuxuu ahaa go’aan diblomaasiyadeed kii ugu qurxanaa, oo dhawaannada la qaatay. ma ahayn qar is ka tuur, is ku qaadid meel aan na deeqin iyo daryeelid dano aan na qusayn.

Dad badan ayaa dhaliilay, oo go’aankaa u arkay, mid aad u qalday, lana meeldhigay kii xiriirka loogu jaray dawladda Iiraan, oo aan colaad iyo cadawtooyo naga la dhaxayn marka laga reebo, is eryadka ka la dhexeeya waddamada Carabta guud ahaan, si gaara kuwa gacanka carbeed iyo WAHAABIYADDA uga wakiilka ah dalka, ee meelaha la taagnaa, dadka ayaa la SHIICAYNAYAA! Oo haddii shalay la WAHAABIYEEYEY, maanta maxaa diidaya, in la SHIICEEYO? Ma garan!

Tallaabada lagu xiray labada xarun ee Muqdisho ku yaalla, ee ka la ah; Isbitaalka Deva iyo ururka Nile waxay cabsi badan iyo walwal ku beertay bukaannadii isbitaalka dawada u doonan jiray, gaar ahaan bukaannadii jiifay, shaqaalihii, maamulkii iyo adeegayaashii iyo ardadii wax ka baran jirtay dugsiyada Nile, balse, sida aniga markii hore dareenku i siiyey, dhawr qofna aan la wadaagay, dawladda Turkigu waa ka warclisay walwalkaa, oo waxay u keentay xal.

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya dalkeenna, mudane Olgan Bekar, oo maanta kulan wareed ku qabtay xarunta safaaradda Turkigu ku leeyahay Muqdisho, ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Federaalka ay dalka uga saartay shaqaalaha hey’adda Nile, isagoo tilmaamay, in arrintaasi ay ka wada shaqeeyeen labada dowladood ee Turkiga ee Soomaaliya. Warku ma idin galaa? Saw ma idin ma lahayn; labada xarun waxaa lagu xiray codsi dawladeed, ee suga, oo degdegga daaya.

Arrinta muhimka ah waxay tahay, ballanqaadka safiirka, ee si fiican u dhuux, oo danjiraha ayaa adkeeyey, in goobihii waxbarasho ee ay gacanta ku haysay hey’adda “Nile” dib loo furi doono bisha Augost, isagoo ugu laabqaboojiyay ardaydii wax ka baran jirtay dugsiyadaasi ineysan ka welwelin waxbarashadooda. Hambalyo.

Tan xarunta caafimaadka, danjiruhu wuxuu xusay, in bukaannadii ku jiray Isbitaalka Deva loo wareejiyay isbitaalka Rajeb Dayip ErdoganEx Digfeer“, wuxuuna ballanqaaday, in dhawaan dib loo howlgelindoono Isbitaalka Deva. Guul.

In ay na la eeganayaan ayaad mooddaye, qolyo kale ayaa maalmahan sarrifayey Turkiga ayaa aqoonsaday Somaliland, oo aanan ka xumayn, kana xumaadeen, haddana, warxumaynta iyo waaqac ka gudubku waxay mararka qaar kaa dhigaysaa qof aan wargelin!

Aqoonsiga iyo baasaboorka Somaliland, waxaan idin la wadaagayaa erayadii danjiraha oo sidoodii ah, ee bal i la fiirsha;

Soomaaliya waxaan ku eegnaa hal waji mana aqoonsanin baasaboorka maamulka Soomaaliland, Fiisooyinkana waxaan ku siinaa warqado, baasaboorkaasina wuxuu agteena ka yahay teestaro aqoonsi oo kale ah

Ma ku shakibaxday, mise, wali dayaacaddii ayaad aaminsan tahay ahayd; Turki gumaysi iyo ka la qaybinteenna ayaa loo xilsaaray? Tii iigu yaabka badnayn, waxaan arkay kuwo leh; Turki, si uu Yurub ugu biiro, waa in uu DAL kale soo gumaystaa, marka dalkaas uu gumaysan lahaa anaga ayaa noqonnay! DAD DAMIIR DHINTAY LA NOOL!

Dhanka kale, danjiruhu wuxuu sheegay, in maamulka Soomaaliland, ay ka codsadeen, inay joojiyaan howlihii hey’adda Nile ay ka heysay gobolkaas, isagoo caddeeyay, in aysan weli ka helin wax jawaab ah. MAGAG!

Hadday diiddo yaa uga dabaxun? Yaa badan, inta ay ka dheefayso ama ay ku waynayso? Urur iyo dawlad la is ku ma doorsan karo, ee dhugto ha sheeqayso. Shalay ururkan waxaa dalkeenna u horseeday in uu yimaado dawladda maanta dalbatay, in laga joojiyo shaqada. Adigu xaq u ma lihid in aad is ka diiddo codsigaa arrimo badan oo jira, oo ay ugu weyn tahay DEEQDA, balse, waxaad gar u leeday, in aad dalbato baddal iyo wax kuu buuxiya booska bannaandoona. ARAGTIDA ha la EBYO!

Shalay waxaa go’aan gurracan qaatay nimanka Xamar ka taliya, oo dawlad xiriir iyo danwadaag la la noqon karay ku eriday SUNNO baan nahay idinkuna SHIICO baad tahay! Bal danta SUNNO iyo SHIICO na la dhexeeyaa maxay tahay, aan ka ahayn, in aan qolo, qaran iyo qawmiyad walbaa u jirsanno inta ay noo jirsadaan? Horta WAHAABIGA iyo SHIICIGA yaa noo daran Soomaali ahaan?

Dhanka kale, maanta waxaa go’aan qaldan qaatay maamulka waqooyi galbeed, oo codsi ay dawladda Turkigu u gudbisay, ee ahaa, in la xiro xarumaha hay’hadda ku eedaysan AFGEMBIGII dhicisoobay ay is ka diiddan yihiin illaa hadda. Ha diidaane, maxay ku diideen, oo gar iyo xaq ah? Allaw maxaysan u dalban ITOOBIYA! Hubaal, in aysan daqiiqad sii furnaateen xaruntaas. Maxaa xaqiiqada la isaga indhasaabaa, maa runta la isu sheego?.

Hadda iyo dan; Turki shalay asagaa noo gurmday, kuna mahadsan, haddana, naga dalbaday, in aan xirno labadaa xarun, maanta na leh, adeeggii ay qaban jireen labadaa xarun sidoodii ayey u sii socon doonaa, oo dawladda Turkiga ayaa daboolaysa, ee waxba ha la WALWALINA WALAALAYAAL!

 

I LA SINNAAY KAA MA SARREEYEE!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

7 Comments

  1. asc eeboow bashiir m xersi Runtii qoraalka aad ayaan uga bogay in kastoo qoraaladaada aan laga dhergeyn balse kan waxogaa baahidii aan u qabay inaan ogaado labada xarumood ee la xiray way i deysay oo dhereg ma gaarin sababtoo ah dharagtaaba denbi ah oo waxaan u baahanahay laba qeyb oo kale oo ka mid ah qeybta caloosha mid aan ka hawo qaato iyo meel aan ka biyo cabo qeybta sadexaadaa ah raashinkii eeboow aad ayaad u mahadsan tahay soo diristaada aad iigu soo dirtay gmail keyga calimaxaad@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s