Heesta: Badda

unknown

Heesta: Badda

Waa tix “heeseed” aan ugu talagalay, in aan ku difaaco baddeenna muranka la geliyey. Waxaan curiyey labo gu’ ka hor, hadda oo ay socoto dacwadda BADDA ayaan jeclaystay, in aan idin la wadaago, ee iga guddooma;

Heesta: Badda

Bismillaahi

Ba’da maanso

Ku billaabay

Burdo khayrle

Ku baxnaashay

Baab wanaagsan

Ku bineeyey

Weer bayaansan

Ku bisleeyey

Jid ballaaran

Ku baqoolshey

Bar xaqiiq ah

Ku bacleelshey

Bacdigeedna

Aan u baxo

Bareeraha

Biilankayga.

 

Boobe boobe

Biiriqaate

Booli cune

Bilis dhece

Baylah gaade

Bukaan xade

Bahbahleeye

Basarkiisa

Aan bidhaansho.

 

Ninka badda

Badaheenna

Biyahooda

Beecinaaya

Waa belaayo

Ba’ya hooge

Bulshayahay

Baartaxaasha

Birta saara

Boqno gooyo!

 

Ninka badda

Beer caddaaday

Kis Bariisa

Iyo Boorash

Badar siistay

Bulshadeenna

Baab ka xiray

Waa belaayo

Ba’ya hooge

Bulshayahay

Birta saara

Boqno gooyo!

 

Ninka badda

Buuqa galshay

Muran beeray

Ee ku baaqay

Sheeko baralley

Dacwad bar ah

Gar billaw ah

Buug ka fiirin

LooYar beena

Noo ballanshey

Waa belaayo

Ba’ya hooge

Birta saara

Boqno gooyo!

 

Baarlamaanku

Beryo hore

Baadil waaye

Codkoo buuxa

Ku bayaanshay

Bal u sheega

Fool ku boogle

Ballanxume

Baas abuure

Bahdilane

Baqti cune

Nin basaasa

Oo bestiiya

Oo baryeysta

Duul bistooda

Baqbaqdiisa

Baayaciisa

Bulshadeennu

Waa ka beri!

 

Berrigeenna

Berrinteenna

Badaheenna

Beledkeenna

Buuraheenna

Beeraheenna

Boqol Doollar

Boqol boqol

Bilyan bilyan

In ka badan

Ka sii badan

Beeso kasto

Beec ku maahan!

Dhul bilaasha

Layska boobo

Layska beegto

Layska baado

Layska baarto

Layska beerto

Layska biifto

Layska booqdo

Layska beecdo

La bannaysto

La beesaysto

La baandheysto

La baaljaro

Billaahiye

Bulshadeennu

Waa ka beri!

 

War barbaarey

Badda dhulku

Waa bakaare

Baybiyada

Bambiinuha

Beri dambe

U baxsane

Dhaxal bulsho

Ku bullaasho

Ku baraarto

Waaye baro

Baruurugoo

Ha beylihin

Yuu basaasin.

 

Dirir Bambo

Billaawiyo

Bambas kulul

Buntuq rayfal

Bam gariira

Bulshadeennu

Kama baqdo

Bar dagaale

Bannaan kaalay

U soo ban bax

Bilaashxayta

Badawyohow

Ha barooran.

Dhammaad.

25/10/2014

Bashiir M. Xersi

Advertisements

2 Comments

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s