MAALMAHAYGII MUQDISHO; hordhac Q1AAD

14677917_1205120232864511_986958478_o

MAALMAHAYGII MUQDISHO; hordhac Q1AAD

 

Dal burburray, qaran dumay, dawlad ay ka la daateen hay’adeheedii oo dhan, ee soo maray walina ku jira; dagaallo sokeeye, ee beelo, diin, dhaqaale iyo damac kursi isugu jira, muuqa, muunadda, maamuuska iyo misaalka uu noqon karo, laga qaadan karo, laguna qaadan karo kaliya, ayaan aragtideyda gaaban sida ay i la tahay, ku soo gudbin doonaa, ee qofkii ama qoladii iga sugaysay wax ka duwan ama durbaan garaac gaar ah iyo dhiillo dhinac ka dhan ah, waxaan dhihi lahaa; iga helimaysaan, xogtaan hayo wax aan ahayn.

Muqidhso, magaalo madaxda dalka, hoyga iyo hiraalka bulshada iyo ilayska ummadda, summadda sowraca Soomaaliga. Magaalo uga geddisan magaalooyinka kale ama ka badan la kulantay; dirir, dagaal, qax iyo qixin badan, haddana, daran, in kasta, oo ay hadda iyo dhawaan ka soo kabsanayso, balse, wali, waayo iyo waxbadan ay ku dambayndoonaan raadka, rifrifka iyo rafaadkooda oo dhan walba ka muuqandoona.

Magaalo magac dheer, ilbaxnimooyin, maamullo iyo marxalado ka la duwan soo martay, -walina ay sugayso-, oo ka qaybqaatay hormarka, hoggaanka iyo hagaagga magaalada, ee dhisme, bulsho, dhaqan, fan iyo dhigaal. Gumeysiga ka hor, dhexdiisii, xornimodoonkii iyo ka dibba, dawladnimadii curdunka ahayd, maalmihii meleteriga iyo burburkaba waxay eheed magaalo iftiin, kaah iyo ileys, oo ay ku soo hiran jireen bulshada Soomaaliyeed, meel walba oo ay joogaan.

 

Anoon Xamar tegin

Ku soo xarragoon

Allaw xarig iyo

Xabaal hey gelin!

 

Magaalada sidaa ah, walina maqaamkaa weyn ku leh dalka, gaar ahaan siyaasad, hoggaamin, dhaqaale iyo ilbaxnimo, ayaan anoo dhawr iyo toban sano ka maqnaa dib ugu laabtay. Ka ma filayn MUCJISO iyo masalo MAANKEYGU qaadan waayo, oo waxaan aad ugu dhuundaloolay, la socday, kuna hawllanaa intii aan ismoogeyn, intii karaankeyga ah, in aan diinwaaglsho hadba wixii ku soo kordha, waliba gaar ahaan kuwooda saamaynta fog iyo ku lahaa dhawba.

Tegiddeedu waxay ii leheed xiiso iyo xasuus gaar ah. Waxaan dib u arkay, lana kulmay qoyskeyga, oo aanan arag dhawr iyo toban gu’ ka badan, ayna ugu horrayso hooyadeey macaan, macallimaddeyda iyo marjicayga af, dhaqan iyo bulsho, hooyo F. X. C, Eebbe caafimaad buuxa iyo cimri badan ha siiyee. Dareen, damqasho, diirnax, daymoosha gaar ah iyo dabacsanaan badan ayey ii lahaayeen maamahaa aan la joogay hooyaday, walaalahey iyo abbaayoyinkey, sidoo kale, xigto, jaallayaal iyo wadaayo badan.

Waxay ahaayeen maalmo sheekeed, dhalmadayda ka hor wixii dhacay, dhaqankii bulsho ee jiray, walina qaybo ka mid ah ay jiraan, balse, ku xooggan ama ku dambeeya miyiga iyo hadba inta loo jiro deegaan ahaan, ee laga fogyahay magaalo. Maalmo aan hamuun iyo hilow badan u qabay, oo aan majiirtay maleegmiddooda, aanna ka murugaysnaa maqnaashadooda iyo ka maqnaashaygaba.

Maalmo iiga duwanaa korrimadaydii iyo kuraynimadaydii, barbaarinteydii iyo barbaarnimadeydii, haddana, mar walba ii ahaa cashar cususb, oo aan bartay, kana bartay, in dib loo dhalan karo, sida dib loogu soo noolaan karo! Geeri qof, dhimaso dad iyo ka ma hadlayo dabargo’ bulsho, ee waxaan ka hadlayaa, soo noolayn; nolol, qaran, dawlad, ilbaxnimo, dhisme, ganacsi, halbuur, farsamo, caafimaad, waxbarasho iwm.

Si walba, oo dhiig loogu kordaadshay dhulkeeda –oo miyey jirtaa dunida, magaalo aan dhiig lagu kordaadin?!-, haddana, waa hooyo dhayda hadba dhaawaca, dhiigbaxa iyo dhimasha soo gaarta, oo aan nicin ubadkeeda, ee xambaarata mid xun iyo midsanba. Waxaa jira kuwo badan, oo ay soo xannaanaysay, soona xurmaysay, oo xadgudub xagxagsho iyo xumaan la jecel, ee isugu jira; af ku leeble, addin ku dhiigle, arar qalloocne iyo ul ma dhaade, aan arag, eegmo iyo dhugmana u lahayn waxa ku duldhacaya, ee ka sii qaada hiyinnimo.

Haddaan awoodo, waxa aanan u awoodin ma aqaane, maba soo tageen, mana soo bexeen, wax i soo wadayna ma garanayee, may, hadda ayaanba dib u laaban, una noqone, haddana, waa halkii murtidu ka tiriye; “Adduun in meel la wadajoog SHIIDAAD ayaa diidday, aakhrina CAMAL!” balse, dhawaan iyo mar aan dheerayn ayaan dib u guryanoqondoonaa. Mar walba iyo inta aanan laaban ka hor, waan DALTEBYEYSANAHAY!

Waxaan ogahay, walina xasuustaa, in kasta oo ay iga sii xistirmayso, inta aan xiiso badan u qabay laabashada iyo tegidda dalkii mar uun. Waxaa dareemi kara, qof muddo soo maqnaa, een laaban xanuunka ay leedahay, malaha, walina aysan qorshaha ugu jirin, in uu dib u laabto, cillado badan oo isbiirsaday awgeed, oo ay shaw ugu weyn tahay midda ugu adag, ee aan ku falanqayndoono qaybta xigta faalladan, ee AMNIGA iyo AMMAANKA. CABSI! Sidoo kale, waxaa garan kara, qof sidayda oo kale, ay u suuragashay, in u laabto, ee indhihiisa ku soo arkay xaaladda dadka, waaqica dalka iyo qaab noloeedka bulshada, hannaanka dawladnimo iyo hoggaanka umadda qaran, maamul goboleed, gobol, magaalo, degmo ilaa tuulo.

Marka, waxaan jeclahay, in aan si gaar ah ugu mahadceliyo, qof walba, oo qayb ka qaatay socdaalkeyga, anoon magacyo tixeyn, balse, iigu tarxan laabta. In badan mahdin iyo mahado aan gurin.

Haddaba, maadaama dad badan, oo aan sheeko wadaag nahay i weydiiyeen, ina warsadeen, inaan warbixin ka qoro waxaan ka la soo kulmay, ayaa waxaan jeclahay, inaan idin la wadaago socdaalkeygii aan ku tagay dalkii, wixii aan sawir ahaan ku arkay -ilqabad-, isbaddallada ii muuqdayna aan idiin soo gudbin, oo ay ugu horreyso dhinacyada; ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, arrimaha bulshada, iyo nolosha waddanka guud ahaan.

 

Fisha qeybta xigta ee faallada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s