MAALMAHAYGII MUQDISHO; Turkida Q2AAD

14677917_1205120232864511_986958478_o

MAALMAHAYGII MUQDISHO; Turkida Q2AAD

 

Hordhacii dareenwarranka iyo dubaakh hadalka ahaa ka dib, ujeedka iyo dulucda faallada qaybaheeda ka la duwan aan gudagalo, anoo mar walba is ku dayidoona, in aan koobo aragti, haddii aysan u baahnayn faahfaahin iyo falanqayn dheeraad ah.

Labadii booqasho, ee ERDOĞAN, uu ku tagay Muqdisho, marna uu RW ahaa, marna MW, waxay noqdeen labo bog cusub u furay magaalada iyo dalkaba. Turkidu, muqdisho waxay u noqdeen MAHDI u soo baxay ama loo soo diray, sida ay ugu noqon karaan magaalooyinka kale iyo guud ahaan dalka. Turkidu waxay yimaadeen Muqdisho, oo bahalogaleen ah, dagaallo, gaajo, abaaro iyo macalluullo badani ka jiraan. Imtaankoodii magaalada iyo dalka wuxuu u yeelay fool cusub, oo siyaasadeed, dhaqaale, danayno ka la duwan, maalgashi iyo deeqo isugu jira.

Dawladda Turkiga waxay is la markiiba Muqdisho keentay deeqo badan, oo isugu jiray; cunto jaadad ka la duwan lahaa, dawooyin, iyadoona furtay xarumo bukaan socod eegtooyin, oo ay ka hawlgalaan dhaqaatiir Turki ah. Intaa ku ma ekaysane, waxay kaloo xoogga saartay, dibudhiska, dayactirka iyo dicudejinta, oo waxay dayactireen qaar ka mid ah waddooyinka iyo xarumaha dawladda, walina waxaa la wada sugayaa dhismaha GOLAHA SHACABKA, oo ay dawladda Turkidu ballanqaadday, balse, wali aan wax laga qaban.

Deeqda cayn walba leh, waxaa garab socotay maalgashi, ay shirkado Turki ah qaybo ka mid ah Muqdisho ku maalgashteen, sida in ay fureen iskuullo, xarumo farsamo, isbitaallo iyo iyadoo maamulka garoonka Aadan Cadde loo dhiibay shirkadda Favori, sida dekedda Muqdisho ay u maamusho shirkad Turki ah.

In kasta oo ay jiraan dad badan oo doodo iyo aragtiyo kale ka qaba Turkida, haddana, Turkidu Muqdisho waxay u ahaayeen NOLOL iyo NARUURO. Imaatinkoodii ayaa waxyaabo badan is ku badaleen, oo ay ugu horrayso siyaasadda magaalada, isha dunida ku fiirinaysay shalay iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka jiray.

Deeq iyo ganacsi ka sokow, dayn iyo damac marka laga soo tago, waxa ay Turkidu rabaan, bal anaga Soomaali ahaan, aan hal su’aal is weydiinno oo ah; haddii aysan TURKIDU noo imaan lahayn, maxaan ku sugnaa lahayn, xaalad; nolol, siyaasad, dibudhis, maalgashi, hormar iyo deeq? Waxaan hubaa, in warcelintu noqonee, haddaan runta laga gabbanayn; DACAR, DAACUUN, DIBUDHAC, DARXUMO iyo DEEQ LA’AAN, in aan dhexdabaalan lahayn, oo hadda ma dhammaadeen? Xaashaa! Balse, sidii ay shalay Muqdisho eheed, maanta ma ahan, ee intaa is deeqsii.

Doodaha ugu adag, ee aan arkay marka Turki iyo Muqdisho laga hadlayo waxaa ugu maangalsan labo ka la ah;

  • DAYNTA AY NAGA LEEYIHIIN WEYNAA; oo haddaa dunidan, fal aan DANI daba ool, miyaa is ka dhaca? Is ma dhihin, marka maxaa ku jaban danta ay naga leeyihiin Turkidu, saw qolo kale naga ma yeelateen? Ka sokow, inta aan DANTOODA fiirin lahayn, kuna mashquuli lahayn, ka warra ma, haddii aan DANTEENNA fiirinno? Saw ka ma wacna? Hubaal. Haddaba, aan ku hagaagno hirgelinteeda.
  • DEEQ NOOGU MA IMAANE GANACSI AYEY NOOGU YIMAADEEN; oo haddii ay noo keeneen agab, tiknoolajiyad casri, aqoon, aqool iyo waxyaabo hormarkeenna ka qaybqaadanaya, oo ganacsi ah, maxaa ku jaban? Yaaba ku leh waxooda oo dhan waa DEEQ, mise waxaad rabtaa in deeq uun aan ku noolaanno? U badi!

Labadan waxaa u dhexeeya qolyo qabyaaladi dilatay, oo mararka qaar ay ka indha saabtay, in ay deeqda Turkida u diidaan reer hebel ayaa loo badshay iyo Turkidu Xamar kaliya ayey maalgeliyeen. Dadkaa is la waxyar ka dib, marka awood qaybsiga siyaasad beeleed la gaaro, waxay ku doodayaan, in aan Xamar la ka la xigin, oo sowdigii hadda na laha, Turkidu waxay maalgeliyeen hal beel kaliya?! Saw ma ahan, in Xamar beeli leedahay, balse, sedbursi nacas u dhashay uu kugu raacay aad ugu diidday xaqeeda dastuuriga ahaa? MAGAG!

Hadda dawladda Turkidu waxay waddaa, in ay dalka ka dhisato SALDHIG CIIDAN. Anigu si kal iyo laab ah ayaan u soo dhaweynayaa, una taageersanahay, waxaanna qabaa, marka ay ugu yaraato, in uu qayb ka noqon doono kobaca dhaqaale ee la filayo, in dalku gaaro gu’yaalka foodda nagu soo haya, ka sokow, aqoonta, farsamada iyo cududdo laga helikaro, maxaa yeelay, waxaan u baahan nahay waa waxbarasho, ee fadlan, ciidanka iyo cududdiisa kaliya yaan xoogga la saarin, sida hore u dhacday, ee laga dhaxlay halaag uun.

Sida tii hore oo kale, dad badan ayaa ka biyadiidsan SALDHIGGA CIIDAN, ee Turkidu ay furanayso, iyaga oon badiil hayn, ka sokow, aanba si maangal ah kuugu sheegi karin waxa ay ka didsan yihiin, marka laga reebo WADDANIYAD ARTIFISHAL iyo maan daxalaysan, oo waxaa ku wada daabacan; dalka ayaa la idinka boobayaa, iyaga oo qaarkood kuwii boobka rasmiga ahaa waday ay la dhacsan qabyaalad awgeed.

SALDHIGYO CIIDAN, waxay ku yaallaan dawlado ka mid ah kuwo adduunka ugu dhaqaalaha badan, sida Jarmalka, Talyaaniga, Jabbaan, Koofurta Kooriya iyo meelo kale. Ku darsoo, Turkigu wuxuu SALDHIG CIIDAN ku leeyahay is la Qadar, oo ah dalwad dhaqaale ahaan aad u wanaagsan, haddana, ka mid ah dawladaha saamaynta ku leh siyaasadda dalkeenna. Xasuuso doorashadii 2012 iyo Xasan Sheekh.

Anigu hal baqdin ayaan qabaa, oo aan dhawr dhacdo ka arkay, haddii aan wax laga qabanna, suuragal ay tahay, in ay labada shacab iyo dawladba is ku dhacaan, isna gefaan. Arrintan ma ahan siyaasad, dhaqaale, xarumo iyo saldhigyo, ee waa arrin DHAQAMEED, oo marar badan keentay is ka hor imaad muwaadiniin Turki iyo Soomaali ah, oo goob shaqo is ku gefay, walxo aan la xiriir shaqo, hawl iyo adeeg.

turki-carabDoqobkan muhimka ah, ee in wax laga qabto u baahan waa DHAQAN. Ka la duwanaasha labada DHAQAN bulsho, ayaa marar badan keenay, keenina doona, in gaar ahaan Turkidu ay u arkaan falal dhawr ah ama badan, oo aan anagu Soomaali ahaan caadi iyo joogto u samaynno kuwo aan la qaadan karin, lana aqbali karin.

Aan tusaale ka bixyo qodobbada DHAQAN ee aan ku ka la duwannahay, haddana, dhib keenay, keenina doona;

  • JILBA ISASAARASHADA; anaga Soomaali ahaan caadi ayey noo tahay ama aan kali ku fadhinno ama aan koox ku fadhinno. Xafiis aan joogno ama shaahiso aan joognee. Qof naga yar aan la joogno ama qof naga weyn. Masuul ha ahaado qofka samaynaya ama muwaadin. Dhamaan heerarka ay ku dhici karto, ee aan ku samaynno anaga caadi ayey noo tahay, oo qof diiddan, ka didsan ama dood ka qaba bulshada ku ma jiro, waliba mararka qaar waxay ka mid tahay, hannaan habayn, balse, dhanka kale, Turkidu dacwad ma ahane dacwado ayey ka qabaan, walibana qadyaan ayey ka taagan yihiin, oo iyaga dhaqankoodu ma oggola!
  • SABARQABSIGA; anaga Soomaali ahaan, miyi iyo magaalo, aqoonyahan iyo aqoonlaawe, ilbax iyo ilxirne, hantiile iyo saboole, rag iyo dumar, dhammaan, marka la is la taagan yahay, in SABARKA la qabso, waa noo caado, oo u ma aragno wax la dhibsado, mararka qaar waxay ka mid tahay, haaneed qurxin, hadday doontana is jooxaarin iyo gasha is qabayn kas u dhici karta ama is ka caadi ah, balse, dhanka kale, Turkidu dacwad ma ahane dacwado ayey ka qabaan, walibana qadyaan ayey ka taagan yihiin, oo iyaga dhaqankoodu ma oggola!
  • HADAL DHAGAYSIGA IYO IS KA DHAQAAQIDDA; qodobkan in kasta, oo aysan anaga xitaa caado noo ahayn, oo muqaddas ay tahay, in qofka ku la hadlaya aad hadalka ka dhuuxdo, aadaanna ka dhaqaaqin asoo ku la hadlaya, haddana, marar badan waxaa laga yaabaa, in ay ku dhacdo u la kas la’aan iyo fududaysasho, taas, oo dhacdooyin dhawr ah marka la fiiriyo aysan Turkidu saamaxaad iyo la imaan dulqaad, oo malaha la xiriirta sida ay ugu adagyihiin qodob dhaqameedkaas, aan anagu siyaabo aan u la kac ahayn u sahalsanno, sida in qof amar loo diray, uu inta fahmay is ka dhaqaaqo, isagoon ka falcelin, oo ka dhigan, waan kasay, waana falayaa wixii la ii diray, halka dhanka kale u qaadan karo, war nacnacda naga la tag! Sidoo kale, qof asoo ku la hadlaya, ayaad qoorta dhan u dadabtay, saad aragtay wax ishaada jiitay adoon u qasdin, markaas ayaa qofkii kale asoon kuu garaabin kugu qayliyey, gaar ahaan marka goob hawl iyo la joogo waxqabd.

Qodobbadu intan ku ma eka, ee waxan kuwan u soo qaatay aqoon aan u lahaa iyo ogaal hore aan ku haystay iyo dhacdooyin dhawr ah oo la iiga sheekeeyey oo shaqaalo dhawr ah shaqadooda ay ku waayeen, oo badi wada hoosgalayey qodobbadan, ee aan marna la xiriirin qofka Soomaaliga ah, oo adeegxumo iyo lagu soo eedeeyey habacsanaan. DHAQAN uusan aqoon dartii, isagase DHAQAN u ah ayuu shaqo ku waayey.

Arrintan DHAQAN waxay u baahan tahay, in hab siyaasadeed lagu galo, oo dawladdu ay xil is ka saarto, sidii loo xoojin lahaa is dhexgalka, wadaagga iyo is kaashiga labada dal iyo bulsho. Waxaa muhim ah, in muwaadiniinta Turkidu maadaama ay marti yihiin, si walba, oo ay deeq iyo dheef u wadaan, ay marka hore dhawraan dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed, si ay iyaguna markooda u helaan tixgelin la mid ah.

Waa in maalgelinta dhaqaale, mid ka xooggan lagu sameyaa, in siminaarro, kulammo iyo doodo loogu qabtaa dalkooda inta aysan iman dalka iyo ka dibba, si ay ugu yaraan aqoon iyo ogaal uga haystaan waxa uu yahay qofka Soomaaliga ah iyo dhaqanka uu ku tiirsan yahay. Anaga soomaali ahaan waxaa na looga baahan yahay, in dadkan aan hab dhaw iyo nafsadeed u daraasaynno, si ay noogu suuragsho, in aan danteenna ku dhawranno inta yar, ee goobaha shaqo iyo la is la joogo xarumaha adeeg.

Tan waxaa soo hoosglaya, oo ah tallaabo dawladda looga fadhiyo, in marar badan cabasho ay ka timid, qaabka ay adeegayaasha Turkidu u la dhaqmaan dadka, iyaga oo ay ka muuqato, ISLAWEYNI, KIBIR iyo QAB, oo ah midda ay ku diidaan SABARQABSIGA iyo JILBA ISASAARASHADA, marka waa in la helaa aragti dadnimo, Aadaminnimo iyo walaaltinnimo, ee aysan muuqan marna, in aad naga roon tihiin, markaas aad nagu tumataan, sida aad doontaanna naga yeeshaan! CEEB! Taasi noo ma CUNTANTO!

Waad noo gargaarteen anaga oo aad ugu gaajoon, balse, gobonnimo ma ahan, in aad gacansarraynta gugan jirta aad noogu gooddisaan ama aad nagu guhaadisaan. Abaal badan oon yarayn ayaan idiin haynnaa, ee fadlan noo la dhaqma sidii WAALKIIN, FACIIN IYO ASAAGGIIN, maya, WALAALKIIN iyo WADAAYGIIN.

Fisha qeybta xigta ee faallada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s