MAALMAHAYGII MUQDISHO; ammaanka Q3AAD

gabar

MAALMAHAYGII MUQDISHO; ammaanka Q3AAD

 

Nololi waa ammaan, sida ammaanku nolol u yahay, oo nolol aan amni lahayn nolol ma ahan. Murtidu waata tiraa; “rag gogoshi waa nabad” mid kale; “geelu shafka ayuu fariistaa, ragguna shinsi/dareen la’aan” heestuna waa tii eheed; “nabadaa naas la nuugo leh”.

Muqdisho, magaalo soo martay marxalado ammaan ka la duwan, dawladnimadii hore, dagaalladii sokeeyee, qoqobkii qabqablayaasha, jihaadkii wadaaddada, halaaggii Alshar iyo illaa xilligan aan faallada qorayo, marka waxay qiimeynta ku qotomidoontaa burburka wixii ka dambeeyey iyo maanta sida ay tahay.

Qadkii cagaarnaa, ee magaalada ka la barayey, isu socod la’aantii waqooyiga iyo koofurta magaalada, maalmihii Alshar ay awoodda xooggan ku lahayd, labo gu’ ka hor iyo siday maanta tahay marka la isu fiiriyo magaalada muqdisho boqolkiiba sagaashan waa ammaan, AMNIGEEDUNA waa mid la is ku hallayn karo! La yaab ayey ku la tahay, haddii aadan Muqdisho ku noolayn ama aadan tegin, adoon ku cabbirin aragtida siyaasadeed ee magaalada iyo dalka ka jirta. Haa anigu waxaan qabaa, in magaaladu ammaan fiican oo la is ku hallayn karo ay haysato.

Anigu ammaankeeda ku ma qiimaynayo, mana la barbardhigay magaalo galbeed oo aan ku noolahay ama aan tagay, ee waxaan ku qiimaynayaa duruufaha iyo xaaladaha magaaladu soo martay ama ay ku sugan tahay, ee nololeed. Ammaanka magaalada inuu fiican yahay waxaad ku garan kartaa;

1- Isu socodka dadka; magaalada gees ka gees, dhanka ay dan kaa gasho, ayaad xorriyad iyo xornimo ku tegi kartaa, kuna mari kartaa, adoon cabsi iyo baqdin midna qabin. Xilli waxaa jirtay deegaannada qaar aysan suuragal ahayn, in aad u gudubto, haddii aadan naftaada nicin!

2- Habeen socodka: waxyaabaha ammaan magaalo, deegaan iyo dal lagu qiimeeyo waxaa waxaa ka mid ah habeen socodka, oo ku tusaysa, heerka cabsi inta ay la egtahay. Anigu habeen socod ka sokow, waxaa i soo martay, inaan kowda habeennimo ka dib, aan gees ka gees u ka la socday magaalada.

3- Qaarijinta oo yaraatay: marka la barbardhigo gugii hore ee 2015, waxaa yaraaday, dilkii qorshaysnaa, qaarijintii iyo gaadmadii lagu dili jiray dadka caanka ah, ee bulshada ka dhexmuuqda, ee siyaasiyiin, ganacsato, saraakiil ciidan, waxgarad, wariyayaal iqkb.

4- Dilalkii oo yaraaday: dilalkii badnaa, ee magaalada sida joogtada uga dhici jiray, heer toddobaadyada qaar la dili jiray labaatameeyo ama ka badan hadda sidii hore waa ka yaryihiin.

Aniga waa ii ka la soocan yihiin qaarijinta iyo dilalka kale, in kasta oo ay dil isugu imaanayaan, haddana, way ka la fogyihiin, oo midna, aano qabiil, dan dhaqaale, isqabqabsi dhul iyo wuxuu u dhacaa dumar xitaa, halka QAARIJINTU ay kaliya dabada la gasho dan siyaasad iyo istiraajiyadeed, ee qof, qabiil, urur ama dawladi ka leedahay dalka ama qofkaa la dilay.

5- Qaraxyadii: sida ay labada dilal, ee aan sare ku xusay u yaraadeen, waxaa iyana yaraaday qaraxyadii magaalada ka dhici jiray, oo gugan ay ka yaryihiin gu’yaashii ka horreeyey. Hubaal, in qarax walbaa qasaarihiisa leeyahay, haddana, tirada qarax, tayada qarax, qasaaraha ka dhasha iyo qaababkiisaba gugan way ka yaraayeen gu’yaashii hore marka laga reebo tayo qaraxeedkii hotel SYL.

6- Danjirtada shisheeye: magaalada waxaa ka furan, oo dib ugu soo laabtay diblomaasiyiin shisheeye, oo ka furtay danjirto u metesha danaha dalkooda, haba ka furnaadeen hotello, xarunta Xalane iyo meelo kale, haddana, haddii aan ammaan wax u eg jirin ma yimaadeen, oo waxay furan lahaayeen waa hore, in kasta oo marxalad kale lagu jiro.

7- Dib u laabashada dibadjoogta: Dadkii qaxay, kuwo iskood isaga tagay, kuwii buufis uu waday, kuwii aqoon u baxay iyo kuwo kalaba, hadda dalka waxaa dib ugu soo laabtay dibadjoog badan, oo magaalada bilicdeeda qayb weyn ka qaatay. DALKA HA LOO LAABTO!

8- Nolol rabidda dadka: Ka sokow adeegyada hoose ee maamulka dawladda ama gobolku soo celiyey ee la xiriir ammaanka, haddana, waxaa ka weyn, sida dadku u rabo nolol iyo nabadgalyo, oo aad ku garan karto, sida ay u la shaqeeyaan laamaha aammaanka, iyadoon la is ku hallayn karin, oo iyaga qudhooda laga cabsi qabo.

9- Ilaalada gaarka ah: waxaa jira ciidamo jaadad ka la duwan leh, oo ganacsato, hay’ado, danjirto shisheeye iyo hoostaga xarumo ku yaalla magaalada, oo ruqsad iyo oggolaasho ka haysta dawladda, aanse ka amarqaadan, balse, taladoodu ay u madaxbannaan yihiin hadba qolada la siiyey oggolaashaha.

10- Laamaha ammaanka: waxaa dib loo yagleelay hay’adda nabadsugidda, in kasto ay dad badan ku tilmaamaan meel dadka lagu ka la gato. Saylad iyo suuq u furan dadka in lagu iibiyo! Saldhigyada 16 degmo ee magaqlada oo dib u shaqo billaabay, in kastoo hadda ay ka sii bateen intaan ku ogaa. Dhanka kale, waxaa jira baro “control” ay joogan ciidamada ammaanka, oo Soomaali u badan, halka marar dhif ah aad arkayso ciidanka Afrika.

Qodobkan, in kasta oo uu mudnaa, marka maangal iyo maamuus laga hadlayo, in lagu billaabo, haddana, waxaa gadaal u geeyey, cilladdiisa, cuqdaddiisa iyo ceebihiisa oo badan, ayna mar walba ka jiraan cabasho cad iyo caabuq ah ay mar walba dhaliyaan, ayna sabab u tahay hoggaanxumada dalka ka jirta, oo aan qayb gaar ah ku falanqayn doono.

Haddii aadan ahayn qof caan ah ama dakano gaar ah qaba haba ahaato mid aabbe iyo abtir ku timide, amaadan xil sare ka hayn dowladda aadanna xubin ka ahayn afduubta Alshar, si xor ah ayaad u mari kartaa meel walba oo magaalada ah.

Dabcan, saacadaha dambe way adag tahay inaad ku cawayso xaafadaha qaar habeenkii, oo waxaa ka jira tuug saqajaan sacaadaha iyo mobilayada dadka ka qaata, hadduu kaa waayana aan waxba ku yeelayn, oo qudheedu ah hormar la gaaray, maadaama la soo maray xilli loo dhiman jiray; maxaad u soo qaadan wax aan kaa furto?!

Caqabadda ammaanka ee jirta, uuna qof walba la kulmi karo, waxaa ugu adag;

 

  • adoo waddo is ka maraya, in qarax ka dhaco, oo baabur walxaha qarxa laga soo buxiyay rumuudka loo taabto.
  • Adoo waddo is ku maraya, in is rasaasayn ka dhacdo, qof la beegsanayo ama is ku dhac ciidan.
  • In wiil tuute ciidan labbisan uu kugu aabiyooda cillado jira awgood.
  • adoo hotel is ka fadhiya, in qarax ka dhaco, ama la soo weeraro, oo dad u soo shaah doontay ama ku casiriyaynaya ay ku waxyeelloon.

 

Intaa wixii dhaafsiisan, qatar ammaan magaalada ka ma jirto, balse, waxaan jirin sidii dibadjoogta soomaaliyeed iyo dawladaha shisheeye iyo dunida looga gedi lahaa ama looga dhaadhicin lahaa, maxaa yeelay, sida warbaahinta u tebiso, muuqside (TV), ciyow (radio), mareeg bar internet iyo wargeysba ahaatee iyo waaqica dhabta ah ee magaalada ka jira aad buu u ka la fogyahay. Nabadgalayada magaaladu wa mid aad uga wanaagasan marka loo fiiriyo sawirka ay soo gudbiso warbaahinta, oo ay ugu horreyso tan Soomaalida iyo tan reer galbeedka. Magaalada ciidan ahaan waxay gacanta ugu jirtaa dowaladda, ammaankeeda waa la is ku hallayn karaa, oo dowladdu waxay awood u leedahay inay fuliso howlgal kasto oo ay u baahato xilli iyo saacadday doonto.

Qodobkan eeddiisa waxaa leh, sida ay u leeyihiin daldaloolka amnixumo guddoonka gobolka Banaadir, wasaaradda ammaanka, laamaha amniga, wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradda arrimaha dibadda. Aragti la’aanta haysta ayaa iftiin ammaan iyo ilayskii amni ee magaalada ka jiray ku habsaday, oo la haray, gudcurna galiyey.

Anigu aragtidan hadda la ma soo laaban, oo ku dhawaad 4 gu’ sidan ayaan u qabay, xogwaraysi, xuuraansi iyo xaalad dersid aan dad badan la yeeshay, oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato, dad booqasho ku tagay iyo dad aanba meel ka aadin, marka ha is oran aragtidan, waxay ku dhalatay ka dib booqashadisii.

Dibadjoogta waxa ka hortaagan in ay dalka ku laabtaan waxaa ugu adag waa AMMAANKA iyo cabsi ay qabaan iyo mid la galiyey. Maadaama ay la qabsadeen nolol amni ah, oo aan xabbad, qarax iyo lahayn qaarijin way ku adag tahay, intuu ka soo tago noloshaa qobaw, in uu u bareero, in uu is ku biimeeyo magaalo uu cabsi badan ka qabo.

Aadanaha way ku adag tahay, in ay aqbalaan ama qaataan isbadalka si walba ha ku yimaadeen xitaa qaarkood iyagoo huba, in ay wanaag uun ka dhaxyalaan ayeysan oggolaan karin, marka maxaad u malayn kartaa, qofka ku nool magaalo nabdoon, sidee ugu dhiirran karaa, in uu is kaga tago magaaladaa nabdoon, si uu aado magaalo uusan ku hubin nabad xooggan?.

Mid baase jirta ah, shalayba in aan ka wada nimad nabad la’aantaa, qaxarkaa iyo qaxaa, ee waxaa naga sii hortaagan waa macaansiga aan dheehannay xasilloonida badan iyo dareenkeenna oo ay ka baxday la qabsigii shalay ee aan xabbadda iyo dagaalka ku dhexjirnay, ee bal ha la ogaado, dhibka magaalada looga cabsanayo, ee ee ah, in waxyeello na soo gaartay ay meel walba nagu soo gaari karto, in kasta oo ay ka la badan yihiin boqolkiiba inta na gaari karta iyo habka ay noo soo gaari karto.

Dhib ay dadka magaalada aad uga cabtaan, aniguna aan horey ugu arki jiray wax aad u qaabdaran, haddase aan hubsaday, in ay la ma huraan tahay, waa jidadka carro tuurka la dhigay, dhinac laga xiray ama la dhigay dhagxaan waaweyn, oo jidka loogu socon karo hab segseega ah kaliya. Xarumaha iyo waddoonka caynkaa ah aad ayey u kooban yihiin, oo waa xarumo xasaasi ah ama ay deggan yihiin hay’ado, danjirto shisheeye iyo deegaannada madaxda dawladda, maxaa yeelay, meelahaa waxaa ka dhacay qaraxyada badan, marka si amniga loo sugo, ayaa carru tuurkaa ama hab segseggaa looga dhigay.

Dunidan hormartay, jidadka dadku badan yihiin, ee shilal dhawr ah ka dhacaan, waxaa loo sameeyaa samaaforo, askari jiifa iyo in la xaddido xawaaraha iyo baaburta ku socon karta, oo laga mamnuucaa baabuurta qaar, halka la yareeyo xawaaraha baaburka maraya, marka carra tuurka laamiga dhicniisa yaalla iyo askari jiifa, dhagxaanta segsaagga loo dhigay maadaama aan hormarkaa samaafaro iyo u hoggaansankisu jirin ayaa habkaa laga fursan waayey.

Dibadjooga iyo danniga kaga jira dhinaca ammaanka, waxaa wax ka bedeli kara oo keliya, iney sahan ku tagaan oo ay indhahooda ku soo arkaan waxaa ka jira, iyagoo halkudheg ka dhigayana; “SAHAN HORTII LA MA SOCDAALO” hubaal qofka ku noolaa magaalada waayadii 90meeyadii ilaa sanadihii billowgii 2000 iyo ka dib, gaar ahaan 2006 illaa 2012 wuxuu si dhab ah u ogaanayaa, in isbedel dhinaca ammaanka, bilicda iyo nidaamkuba jiro.

 

Fisha qeybta xigta ee faallada.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s