MAALMAHAYGII MUQDISHO; barashada iyo caafimadka Q4AAD

barasho-iyo-caafimaad

MAALMAHAYGII MUQDISHO; barashada iyo caafimadka Q4AAD

 

Waxbarashadu waa ileyska nolosha, kaabaha kasmada, ababinta aqoonta iyo ogaalka, sida ay u tahay hannaaka hormarka iyo hagaagga nololeed, ee bulsho hanato ama hirato. Halka caafimaadku yahay, nolosha ka ilaalinteeda cudur, caabuq iyo cillado, jirro, juuc iyo jajab.

Waxay ka mid ahaayeen barashada iyo caafimadku, waxyaabihii lacag la’aanta ahaa xilligii dawladdii meleteriga, haddana, ma ahayn wax loo sinnaa, oo aqoonta iyo deeq waxbarasho qof walbaa ma heli jirin, sida sargaalnimo iyo dallacsiin ciidan aan is ku si loo wada guddoomi jiray. Dad baa u yaqaan wali BERI SAMAAD! Hadday adiga ama idinka idiin SAMEED, dad bay SUN u eheed, ee salka dhulka dhig!

Si walba, in kasta oo aan ujeedku ahayn tagtadii iyo tagrifalkii hore, haddana, labadan il nolol, waxay ka mid yihiin ilaha ay dagaalladu saamaynta weyn ku yeesheen gu’yaashii guhaadda iyo gocorrada guddoonka ku gawriirsadeen. Halkaa waxaa ku baxay intii yareed, ee la ka la xigay, balse, wax guud ku sheegnaa.

Noloshu ma istaagto, haddii aysan go’ine, balse, way gaabisaa, haddii gudub ku yimaade, waxaa dalka ka curtay waxbarasho deeq shisheeye ku tiirsan, durbadiina isu badashay ganacsi iyo lacag, iyada oo wali hesha kaalmadii, deeqdii iyo kabiddii dhaqaale, ee ay shisheyaha ka heli jireen.

Iskuullo, machadyo iyo jaamacado lagu barto aqoonno ka la duwan, oo afafka Carabiga iyo Ingiriiska ku baxa, ayaa dalkii dhan ku baahay, oo badi lacag ah, ayna maamulaan, dad shalay wax ku soo bartay deeq dawlo iyo bulsho Soomaali loo gartay ama is la dugyadii iyo jaamacadihii dalka, in kasta oo ay ku andacoodaan, in ay qasab ku eheed, haddana, hubaal, in ay dhaqaale xooggan iyo lacag badan ka sameeyeen, siiba midda ay dunida ka soo qaadaan.

Sidoo kale, dalka waxaa ka hanaqaaday bukaan socod eegtooyin iyo xarumo caafimaad, oo wada lacag ah, qaarkood ay furteen ama ay ka shaqeeyaan dad xilligii dawladda ahaa kalkaaliye iyo shaqaale isbitaal oo kali ah, balse, burburkii ka dib noqday dhaqaatiir iyo qallimiye! May, dilaa!

Tayo ahaan aad bay u liitaan labaduba, haddana, waxay dhaamaan la’aan iyo jirid la’aantooda, in kasta, oo ay mar walba tahay qof walba iyo inta uu bartay, ee uu aqoon u leeyahay, maxaa yeelay, jaamacadda Muqdisho iyo Banaadir heerarka dunida ay ka galaan ma xuma, oo ah arrin kuu muujinaysa ardayda iyo abaabulka maamul in soo saarkoodu uusan eber ahayn.

Labada qodob, ee aan marna laga indha laabi karin waa tiro badnida, oo ay sabab u tahay fawdada jirta iyo jiha la’aanta aqoon iyo carabaynta bulsho iyo aqoon, oo laxaad in ay ku socotay ka sokow, hadda mirodhashay, maxaa yeelay, hadda, aqoonta, caafimaadka, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka waxaa gacanta ku haya dad CARABAYSAN ogaal, aqoon, aragti ama ugu yaraan sooyaal ahaan, oo wax ku soo bartay.

Ceeb ma ahan, colna lagu la noqon maayo, in qofku carab wax ku soo bartay, balse, raadka xun ee ay reebtay, rafaadka wali lagu jiro iyo aayaha rogan ee na soo haya ayaa u sabab ah muujinta dhibka CARABEYNTU leeyahay, oo ALSHAR WALDAACISH iyada ayaa dhashay, kuwii ababshay, ayaana maanta is ka dhigaya, in ay yihiin kuwii naga badbaadin lahaa.

Tayo la’aanta waxaa ku riday waxbarashada, in aad arkayso, in dugsiyada iyo jamacaadaha ay is ka soo horjeedaan dhisme ahaan iyo magac ahaan, marmarka qaarna aad mooddid micne ahaan, in ay is ku mid yihiin, ayagoo intooda badan wadaaga magaca (AL), halka aad sidoo kale dhabbe qura ku arkaysid shan jaamabad iyo iskuul ama ka badan. Muqdisho waxaa ka furan ku dhawaad 50 jamacadood, halka dugsiyada sare aysan tiro lahayn, oo luuq iyo laami walba ku yaallaan.

Dhanka caafimadka goob walba xarun caadimaad ayaa ku taal, oo waa wada dhakhtar iyo isbitaal, haddana, aqoonyari iyo la’aan ayna wehlsio dawo xumo iyo la’aan, ayna dheer tahay, in qof walbaa uusan awood u lahayn, inuu helo caafimaad iyo dhakhtar, ayaa liiday adeeggii caafimaad, ee aanba markii hore muuq iyo wanaag badan lagu sheegin lagu haysan.

Lacagta qaaligeeda ka sokow, waxaa jira, in dhakhtar walba uu wato farmashiye isaga u gaar ah, dawada uu kuu qorona aadan meel kale ka heli karin, ayna u dheer tahay, in is la shaybaarka iyo baaritaannada kale aad ku samaynee kaliya isbitaalkiisa ee aadan mid kale tegi karin.

Magaalada caafimeedka waxaa wax weyn ka badalay Turkida, oo isbitaallo ka furay. Inta aan Turkidu ka furin Ibitaallada Xamar, hore way uga furnaayeen bukaan socod eegtooyin, haddaba, maxaa laga faa’iidi jiray? Baaritaan walba oo aad samayso, waxay jawaabtu noqonaysaa: waxaa ku haya; Tiifoow, Cagaarshaw, Duumo (Mallaariya), Isfiilito, Gooryaan (Jaarda Laambi), Hargab iwm! Ogsoonow, baaritaannada waxaa ku baxda lacag u dhiganta SHAN BOQOL DOLLAR, intaa waxaa dheer, in laguu qorayo dawo dhacday, kaniini suulkaaga ka weyn iyo sun cad!

Haddii qof ladan xanuun la soo gudboonaado ama xaalku ku darraado ama QAARAAN qaraabada laga soo aruursho, waxaa bukaanka loogu qaadi jiray Nayroobi ama Dubaay, haddaba, aan is weydiinno; Isbitaallada Turkidu imisa ayey bukaanka ku baaraan? Waxay ku baaraan wax aan dhammayn KONTAN DOLLAR, oo si fiican iyo qalab casri ah lagugu baarayo, dhaqaatiir aqoon lehna ku daweynayaan, haddana, dad baa Turkida la collaysan! Bal maxaa naga maqan oo aan rabnaa?.

Aafada afka qalaad iyo Carabaynta waxaad garataa, marka aragto, faca cusub een aqoon u lahayn, sooyaalka dalka, qoraalka afka, xeerarka dhigaalka, hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta iyo maansada, haddana, heer sare ka gaaray waxbarashada, markaad wareysatana ku hordhigaya cudurdaar ku deeqa, oo wuxuu kuugu jawaabayaa; anigu ku ma dhigan afkeenna, waxbarashadaydiina weligay lay ma sheegin, marka waad u garaabaysaa, maxaa yeelay, waligii ma arag, goob waxbarasho oo lagu dhigayo wax soomaali xiriir la leh.

Xiisadda Soomaaliga macallinka noo dhiga -waaba ayaan u yeeshee- xitaa isagaan waxaad sheegayso aqoonin, ee wax iga weydii arrimaha gacanka carbeed ama reer Galbeedka! Arrintan waxaa sabab ah, manhaj ama hannaan aqooneed la’aanta dalka ka jirta, oo iyana eersatay dawlad la’aanta.

Dhinaca caafimaadka ma jirto hay’ado dabagala oo la xisaabtama aqoonta dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha, qalabka iyo goobaha caafimaadka tayadooda, dawada iyo waxtarkeeda iyo waxyeelladeeda.

Haddii baabuurkaagu qof jiiro, diyadiisa adiga ayaa lagaa qaadayaa, haddii dhagax aad meel dhigtay qof ku jabana, diyadiisa adigaa lagaa rabaa. Haddaba, maxaa diiday, in qofka dawo qaldan la siiyey ama dad aan aqoon u lahayn qalliin ku fuliyeen, ama qalab aan tayo lahayn loo adeegsaday, in diyadiisa laga qaado, dhagarqabaha lacagta ku qaatay inuu dad luggooyo, qalliin qalidna ah ku qaarijiyo!

Ma lihi dhammaan goobaha caafimaadka iyo dadka xirfaddaas leh ayaa liita, balse, ma jirto cid la soocda, sidoo kale, iyaga laftooda ma jiro, xiriiryo ka dhaxeeya, oo wada shaqayn ama ay ugu kaalmeynayaan dadweynaha tabarta daran, si ay qiimodhimis ugu sameeyaan, iyagoo hadba xaaladda dhaqaale oo dadweynaha fiiriniya.

Arrimahan iyo kuwa kale waa kuwa keenaya saluug iyo niyadjab dhinacyo badan leh, oo hortaagan horumarka iyo hannaanka wanaagsan, in loo maro, tayada iyo tayeynta aqoonta iyo caafimaadka.

Si walba, maanta dalku wuxuu leeyahay jaamacado, machadyo iyo xarumo waxbarasho oo heer walba leh iyo dugsiyo hoose, dhexe iyo sare, ayna wehliso xannaanada carruurta iyo dugsiyada jiifka leh.

Sidaa kale, markii dhinac laga firiyo, waa wax wanaagsan, in faca soo koraayaa ay ku garaadsadaan, in ay qalin qaataan, halkii ay ku fakari lahaayeen, in ay qori qaataan ama si qaldam u kuna kori lahaayeen, haddana, waxaan ku jirta dhimaal xooggan iyo dhib facaa kororkooda aqoon iy kocobooda ogaal saamayn ku yeelan doona.

Dhanka kale, haba is ka xumaadaan, ha tayo liitaan hana qaali badnaadeene, haddana, isbitaallada ka furan Muqdisho waxay astaan u yihiin, haddii si wanaagsan loo maareeyo tayadoodana kor loo qaado, in aayaha dhaw laga kaaftoomi karo, in dawo dibadda loo aado, haddii aysan jirin xaalad adag iyo xanuunnada qaar, ee aanba dal walba lagu dabiibi karin.

 

Fisha qaybta xiga, ee faallada

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s