Cali Mahdi ma shalaybuu qaldanaa, mise maanta ayuu saxan yahay?!

mahdi

Cali Mahdi ma shalaybuu qaldanaa, mise maanta ayuu saxan yahay?!

 

Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah madaxweynayaashii burburka madaxweynihii ugu horreeyey ee xilka qabta ka dib markii laga saaray dalka taliskii kaligi-taliga Ciidanka ee Maxamed Siyaad Barre, Cali mahdi oo xilkan luugu dhiibay shir ka dhacay dalka Jabuuti (Djibouti) oo ay isgu yimadeen badi ururradii hubaysnaa ee ku soo jabhadeeyey nidaamkii rajiimka ee ka talinayey dalka, isagoo taageero ballaaran ka helaya koosxdii Maafanaysto (Manifesto), balse markii uu dalka yimid si toos ah uu ugu soo hor jeestay qabqable Maxamed Faarax Caydiid, is marin waagi ka dhashay qilaafka labada hogaggamiye kooxeed wuxuu isu rogay xabbad iyo dagaallo qaraar oo ay ku naf waayeen kumannaan Soomaali ah keenayna qaxa iyo barakaca kumannaan kale.

Dagaalladan oo faraha looga gubtay laguna hoobtay ka dib Cali Mahdi wuxuu isu bedelay dhakowyada qabqablayaasha magaalada Muqdisha ka jira kuwooda ugu tugtugta roon. Wuxuu dhexboodi jiray siyaasad mindhicireedkaa ka taagneed guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdsha oo si firfircoon uga qaybqaatay dhiirragalinta qabyaaladda, kala fogaynta beelaha, iyo iska hor keenka qabiillada. Sidoo kale wuxuu dhex mushaaxi jiray falalkaa gurracan in badan ku soo hal kacsaday kagana soo gudbay xaalado adadag iyo marxalado qallafsam oo kala duwan ee soo martay, taasna wuxuu kala siman yahay kalana mid yahay ninkii ay sida weyn isaga soo her jeedeen ee Qabqable Maxamed Faarax Caydiid iyo siyaasiyiin  beeleedyada hadda horbooda maamulka dalka .

Mudane Cali Mahdi wuxuu ku caan baxay inuu qayb lixaad leh ka qaatay dagaalladii la magac baxay (Afar Biloodka) oo si weyn loogu soo xasuusto marka magaciisa la soo hadal qaado. Dagaalkan oo xusuus naxdin iyo tiiranyo leh ku reebay dad badan oo Soomaali ah, iyo kaalintii mugta lahayd ee uu ka qaatay guud ahaan dagaalladii sokeeye ee ka dhacay koofurta dalka gaar ahaan kuwii ka ka dhacay magaalada Muqdisha.

Mudaned Cali Mahdi oo lagu bartay falalkaa iyo kuwo ka sii xun ayaa mar qura waxaa ka soo yeertay inuu isaga fogaaday siyaasadda kana baxay masraxa siyaasadda dalka, ka dib markii ay ka soo hoos bexeen qabqablayaal yaryar oo ka dhaga adaygay inay fuliyaan siyaasaddiisa, kuna dhammaatay in barqa-cad gurigiisii la bililiqaystay lana booboo hantidii taallay guriga. Wixii xilligaas ka dambeeyey Cali Mahdi wuxuu isaga baxay siyaasadda guud ee dalka gar ahaan tii gobalka Banaadir ee uu dhiigga badan u daadshay dad badanna u dilay.

Mudane Cali Mahdi Maxamed oo inta badan ka qaybgalay shirarkii dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay falka dibaddiisa gar ahaan shirarkii ka kala dhacay dalalka: Jabuuti (Djibouti) oo iyadu qabatay shirkii ugu horreeyey burburkii dawladda ka dib ee Cali Mahdi loogu doortay Madaxweyne iyo kii la magaxbaxay shirkii Carta ee lagu soo dhisay Dawladdii C/qaasim, dalka Xabashida (Ethiopia) oo iyana qabatay shirar dhowr ah, Masar (Egypt) oo iyana qabatay shirkii ku caan baxay shirkii Qaahira (Cairo) oo dhacay sanadkii 98-dii, iyo kii ugu dambeyey ee ka dhacay dalka Kenya ee lagu soo dhisay dDawladda madaxwene C/laahi Yuusuf. Cali Mahdi oo intii ay shirarkaas socdeen aan si rasmi ah wali u dhicin inuu shirarkaas qaadoco ama isaga boxo marka laga reebo kii ka dhacay Magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Mudane Cali Mahdi oo ka mid ahaa ergadii ka qaybgalaysay shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee ka furmay 15/10/02 Magaalada Eldoret ee ku taal duleedka Magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi (Nairobi), shirkan oo ay ka soo wada qayb galeen guud ahaan qabqablayaaasha Soomaalida siiiba kuwii gacan saarka la lahaa Xabashida ee ku bahoobay Ururka la magac baxay SRRC-iida. Cali Mahdi ayaa markii shirku muddo socday isaga baxay oo isaga huleeelay goobtii shirku ka socday iyo guud ahaan dalka Kenya, maruu faahfaahin ka bixinayey sababta ku keentay inuu isaga boxo shirka wuxuu ku dooday inaan shirka Soomaalidu u madax bannaanayn maamulkiisa uusanna gacanta ugu jirin, isagoo eedda faragalinta shirka dusha uga tuuray Ururka IGAD, si toos ahna u sheegay inay faragalin cad ku hayso qaab socodka shirka dawladda Xabashida, taas oo sida muuqata u cuntami waysay Cali Mahdi dabadeedna ku dhalisay inuu shirka qaadaco.

Mudane Cali Mahdi shirka uu qadoco oo kaliya kuma ekaysan balse wuxuu niyad xumo ka muujiyey natiijada iyo rajada uu yeelan karo shirkaas, balse waxbaa is bedelay sida muuqata. Is bedelkii ka dhacay dalka ee ku soo gashay Xabashidu Waddanka xoogga ka gadaal, waxaad mooddaa in mawqifkii Cali Mahdi wax weyn iska bedeleen, maxaa yeelay ugu horrayn wuxuu ku jiray xubno kulan kula qaatay Madaxweynaha Dawaldda Empagathi C/laahi yuusuf degmada Afgooye. Waa xilli ay Xabashidii uu uga soo carooday mijaxaabinta shirka iyo marooqsiga maamulkiisa ay isku baahiyeen guud ahaan dalka gaar ahaan dhex mushaaxayaan waddooyinka caasimadda dalka ee Muqdisha, iyadoon Cali Mahdi laga hayn wax hadal uu ka yiri soo galidda Xabashida dalka diidmo iyo oggalaasho toona!

Maalmo ka dib markii Mdaxweyne C/laahi culays ay ku saareen dalalka reer galbeed inuu wadahadal la furo dhaqdhaqaaqyada ka soo horjeeda. Wuxuu ka caddeeyey magaalada Adis Ababa (Addis Ababa) ee xarunta dalka Xabashida ( Ethiopia) maruu ka qaybgalayey shir madaxeedka dallaka Afrika inuu qabanayo shir weyne Qaran ee dib-u-heshiisiineed oo la isugu keenayo ergo badan, shirkan oo muddo ahaan loo qabtay inuu furmay 17-ka bishan April ee foodda nagu soo haysa, waxaa shir guddoon loogu magacaabay Mudane Cali Mahdi Maxamed oo isagu aan marnaba shaki galin taxadarna aan ka muujin bal inuu diido ama ka caga jiido iska daaye! Haddaba su’aashu waxay tahay: Cali Mahdi ma Shaluu Qaldanaa mise Maanta ayuu Saxan yahay?! Micnaha ma shaluu qaldanaa oo manta ayuu dib u saxayaa qaladkiisii shalay? Maxaa yeelay sida aan soo sheegnay Cali Mahdi wuxuu shirkii Nayroobi (Nairobi) uga soo baxay ugana soo qalabqaatay inaysan Soomaalidu u madax bannaanayn hannaan socodka shirka ayna ku faragalinayso Dawladda Xabashidu, sidaas darteed waxay tahay su’aashu mar haddii ay shalay hawlahaaga kuu dhaafi waysay maantooy ciidan kugu dhexjoogto muxuu xaalku noqonayaa?! Ma madaxbannaanida ayaa sii yaraanaysa mise way sii kordhaysaa?!

La yaabku wuxuu ka jiraa Cali Mahdi ma shalay markuu shirka ka soo baxayey ayuu saxnaa mise maanta oo uu aqbalayey inuu shir guddoomiyo shirweynaha ay Xabashida ilaalinayso?! Waxaa iska cad inuu muuqdo is bedel weyn oo ku yimid hannaanka uu Cali Mahdi ku saleeyey sayaasaddiisa shalay markii uu ka soo baxayey shirka iyo maanta oo loo magacaabay inuu daaddihoyo shirweynaha nabadaynta, balse nimaad shalay ka waysay: war arrimahayga ii daa oo faraha igala bax? Maanta oo uu xoog ballaaran kugu duldeggan yahay miyuu kaa daynayaa faragalinta ama kuu dhaafayaa arrimahaaga? Jawaabtua waa maya ayaan filayaa, haddaba waan arki doonnaa hadduu qabsoomo shirka in shirguddoomiye Cali Mahdi u madaxbannaanaado soo xulidda ergooyinka ka qaybgalaya shirka, qaab socodka shirka, ajandayaasha looga hadlayao iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa shirka.

Sida iskaba cad dawladda Empagathi asalba waxay ahayd dawlad qabqablayaashu ay si weyn uga dhex muuqdeen. Dhammaan dagaaloogayaashii iyo gacan ku dhiiglayaashii gabod falka u gaystay umadda Soomaaliyeed, iyadoo sidaa ay tahay haddana waxaa loo magacaabay guddoonka shirweynaha dib-u-heshiisiinta ruug caddaagii qabqablayaasha oo ah Cali mahdi Maxamed. Bal waa yaabe C/laahi Yuusuf ma wuxuu wayey qof nadiif ka ah dambi oon ka qayb qaadan dagaalladii sokeeye oo ka hufan daadinta dhiigga Soomaalida?.

Waxaa la mida magaacibadda jagadan xilka loo dhiibay Xuseen Maxamed Caydiid oo isna kol sii horraysay loo xilsaaray: Madaxa guddiga dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta, nabadda uu Xuseen ku soo dabaalayo dalka waa mid noocee ah,  dadkase uu nabadaynayo waa kuwama? Mise wuxuu iloobay tacaddiyadii ay ka gaysteen isaga iyo Aabbihii Caydiid goballada Baay iyo Bakool ee ka dhanka ahaa bulshada ku dhaqan goballadaa.

Murtibaa waxay leedahay: Shimbirba Shimbirkiisa ayuu la duulaa, haddaan ka shidaal qaadanno oraahdan waxaan qiyaasi karnaa ama fahmi karnaa sababta loogu dhiibay xilalkaan xasaasiga ah raggaas gacan ku dhiiglayaasha ah iyo dagaaloogayaashaa, maxaa yeelay marba hadduu Madaxweynihiiba yahay isna qabqable dagaal iyo gacan ku dhiigle, waxaa hubaal ah inowsan soo dhawaysanayn dad aan jaadkiisa oo kale ahayn. Murti kale ayaa iyana oranaysa: Hal Booli ah Nirig Xalaala ma Dhasho! Sidaa owgeed haddii madaxii dalka ugu sarrayey yahay qabqable dagaal waxa ka hooseyana waa shaki la’aan inay noqonayaan qabqablayaal ama inuusan waxaan qabqable ahayn soo dhawaysanayn.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Faafin: April, 2007

Advertisements

1 Comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s